Shirkada Golis oo ah shirkadii ugu horeysay ee
Gobolada Puntland ka hirgalisa adeega Mobile-ka ayaa mar walba u taagnayd
horumarinta adeega isgaarsiineed ee aay umada u hayso. Si himiladaas looga
dhabeeyo shirkadu waxay xoogeeda iskugu geysay inay isticmaasho qalabka ugu
casrisan ee caalamka laga isticmaalo, taasoo aay wadashaqayn xaga farsamada ah
aay kala leedahay Golis shirkadaha sida weyn loogu ixtiraamo tayodooda qalab ee
Asia, Europe iyo America intaba.
Adeegan casriga ah ee 14/08/07 ay daah furtay
shirkada isgaarsiinta Golis ee loogu magac daray XOG-MAAL waa mirahii ka
dhashay dadaalkaas aan kala go,a lahayn ee shirkadu ugu jirto horumar farsamo si
kor loogu qaado tayada adeega la siinayo macaamiisha.
Barnaamijkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah
ee laga hirgaliyo degaanada Puntland iyo Ceerigaabo waxuu wax weyn kusoo
kordhinayaa waxtarka laga helayo Mobile-ka Golis kaasoo macaamiisha ka haqib
tari doona xogo dheeraad ah,warar iwm dhinac walba leh wax badana idiin
fududeynaya.
XOGMAAL waxuu mobile-ka Golis ka dhigayaa macalin
aan daalin, wargal iyo adeeg lagu dhex maquurto badweynta akhbaareed ee dhex
ceegaagta shabakada internetka.
Barnaamijka XOGMAAL waxaad ka helaysaa adeegyadaan
soo socda:
Emails: Waxaad email ka dirsan kartaa Mobile-kaaga qaabka loo dirayo waxuu
noqonayaa
Inaad qortid emailka aad u direyso fariinta kadibna fariinta aad ku xijisho
adigoo space u dhaxaysiinaya kadibna u dir fariintaas 111 kadib si fudud ayuu
emailkaasu ku gaarayaa qofkii aad u dirtay. Tusaale ahaan waa sidaan hoos ku
qoran:
Golis_email@yahoo.com Salaan iyo
waraysi.
Qiimaha badeecada:
Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa xarafka "F"
adoo raacinaya magaca ama model-ka badeecada aad rabto in aad hesho qiimaheeda
sida "F NOKIA N93i" Kadibna fariintaasi gaaban ku dir lambarka "111", wax yar
kadib waxaad heli doontaa qiimaha uu marayo sheyga aad dalbatay.
Macluumaadka Guud: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku
dhex qortaa xarafka "G" adoo raacinaya macluulmaadka aad rabto in aad hesho sida
"G population of Somalia"
Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax
yar kadib waxaad heli doontaa macluumaadkii aad dalbatay.
Micnaha Ereyga:
Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex
qortaa xarafka "D" adoo raacinaya ereyga aad rabto in aad hesho micnihiisa sida
"D GSM"
Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax
yar kadib waxaad heli doontaa macnaha ereygii aad dalbatay.
Wararka Dunida: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex
qortaa xarafka "BBC" ama "JZR" si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee
shabakadaha. Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib
waxaad heli doontaa wararkii ugu dambeeyey ee shabakadahaasi.
Sarifka Lacagaha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku
dhex qortaa lacagaha aad doonayso in aad isku bedesho sida "1 Euro in USD"
Kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax
yar kadib waxaad heli doontaa qiimaha la kala siisanayo lacagahaasi.
Faaqidaada Cayaaraha: Fariin qoraaleedkaaga waxaad
ku dhex qortaa "Sport" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar
kadib waxaad heli doontaa fariimaha faaqidaada cayaaraha.
Saadaasha Hawada: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku
dhex qortaa sida "W Bosaso" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax
yar kadib waxaad heli doontaa xaalada cimilada wadankaasi.
Tarjumid: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex
qortaa sida "Transilate good morning in French" kadibna fariintaas gaaban u dir
lambarka "111", wax yar kadib waxaad heli doontaa qoraalkaaga tarjumaadkiisa.
Keydka Warbixinada (Encyclopedia): Fariin
qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa sida "Encyclopedia what is the capital of
Somalia" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib waxaad
heli doontaa warbixintii aad dalbatay.
Stock: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa
sida "Stock GE" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111", wax yar kadib
waxaad heli doontaa warbixintii aad dalbatay.
Matrix: Fariin qoraaleedkaaga waxaad ku dhex qortaa
sida "Convert 300 miles to Km" kadibna fariintaas gaaban u dir lambarka "111",
wax yar kadib waxaad heli doontaa bedelka u dhigma warbixintii aad dalbatay.
Shirkaddu waxay kaloo diyaarinaysaa adeegyo kale oo
fara badan oo aad si weyn u xiiseyn doontaan ugana faa'ideysan doontaan mudadda
dhow Ilaahay idinkiis.
Waxii faah-faahin intaasi kabadan oo aad u baahataan
waxaa diyaar idiinla ah inay idinka gacan siiyaan xarumaha shirkada Golis ee
kala duwan idinkoo wacaya 121
- Xogmaal waa macalin aan daalin
- Xogmaal war iyo wacaal
- Xogmaal su, aal iyo jawaab
Waaxda Ganacsiga iyo Suuq-geynta

|