SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Bilawga ololaha doorashada wakiilada Somaliland , dardarta xisbiyada mucaaradka iyo barnaamijka xukuumada ee madhalayska ah .


Aadan y. Qodax    

FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

HARGEYSA
Sept 2, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Jamhuuriyada Soomaaliya Laba Dal Ma Noqon Karto.. Taariikhda Ninba si u cuskay, Soomaali maxay ahayd Ingiriis iyo Talyaaniga  ka hor?: Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
RIYAALE vs SAXAAFADDD::: GUJI
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji

Waxa 30kii August si rasmi ah ubilawday ololaha doorashada baarlamaanka Somaliland ee dhici doonta 29ka September ee sanadkan ,waxaa hada dadweynuhu si aada usugayaan barnaamijyada ay soo bandhigi doonaan xisbiyada kuloolamaya doorashada kuwaas oo ah KULMIYE, UDUB iyo UCID.

Komishanka dooroshooyinka qaranka ayaa iyagu sheegay in warbaahinta dawlada iyo fagaarayaasha khayriyada ee dalka ay si isku mid ah iyo wakhti iskumid ah siinayaan sadexda xisbi ee loolanku dhexmarayo.

 Hadaba akhriste aan laba u kala qaado loolankan dhex marya xisbiyada siyaasada .

 Aynu horta soo qaadano ololaha ay wadaan mucaaradku iyo meelaha ay kaduulayaan , waxaa mucaaradku diyaarsadeen in ay dadka usoo bandhigaan dhaliisha xisbiga talada haya oo aynu odhankarno dhinac kasta oo laga eego waxaa wax badan laga sheegi karaa wax qabad la,aanta xisbiga UDUB oo aad moodo in wakhtigan shacbiga Somaliland qanackataaganyihiin .

  Gudoomiyaha xisbiga UCID faysal cali waraabe ayaa isagu sikukul uweeraray madaxweyne rayaale 30kii august xaflad la isku arkay oo loo qabtay dufcadii labaad ee ardayda kaqalinjabisay jaamada hargaysa , xafladan oo ay wada fadhiyeen gudoomiyaha KULMIYE axmed siilaanyo , UCID faysal cali waraabe iyo madaxweyne rayaale ,hadaba markii faysal cali waraabe lagu soo dhaweeyay makarafoonka ayuu si kulul u weeraray madaxweyne rayaale oo agtiisa fadhiyay isagoo boqolaalkii qof ee goobta fadhiyay u soo bandhigay dhaliisha xisbiga UDUB , hadaba aynu eegno dareenka dadkii madasha fadhiyay oo dhalinyaro ubadnaa ayaa iyagu siweyn utaageeray weerarka faysal cali waraabe oo ay kaga jawaabeen sacab xoog leh oo ay kumuujiyeen taageero ay taageersan yihiin hadalada kasoo yeedhay faysal cali waraabe oo sixun u damqay wasiiradii iyo madaxdii dawlada ee goobta fadhiday.

XISBIGA UDUB

Dahir Rayale (UDUB)

XISBIGA KULMIYE

A. Siilanyo (KULMIYE)

XISBIGA UCID

Faysal Cali (UCID)

   Ololaha oo maalinba komishanku xisbi u cayimay in uu kahadlo fagaarayaasha  magaalooyinka iyo warbaahinta , aynu hadaba sooqaadano dhoolatuskii uu sameeyay xisbiga ugu awooda weyn xisbiyada  siyaasadeed ee kajira Somaliland ee KULMIYE  maalintii arbacadii ee 31kii  august waxaa kulmiye iskugu soosaaray hargaysa kumanaan taageero yaashiisa ah oo aynu odhankarno waa isku soobixii ugu weynaa ee beryahan danbe lagu arko hargaysa , dareenka dadka ayaynu kumacnayn karnaa  mid aad u kacsanaa  oo ay taageero ugu muujiyeen  mucaaridka gaar ahaan xisbiga KULMIYE.

Madaxda  KULMIYE  tani waxay u ahayd guul aad uweyn waxay sidoo kale dhoolatus dadweynuhu kubahdilayaan xukuumada oo arinkeedu yahay fule xantii mamooga taas oo macneheedu tahay in ay xukuumadu garwaaqsato in shacbigu kataaganyahay qanac iyo quus.

Waxaa hadaba hadaynu soo koobno kumacnayn karnaa loolankan ay wadaan mucaaradku mid ay kuhanan karaan 80% kuraasta golaha wakiilada iyagoo haysta taageero aan laqiyaasi Karin waxaase muhiim ah in doorashadu udhacdo si xor ah oo xalaal ah taas oo ah takaliya ee ay kudadaalayaan xisbiyada mucaaradku si ay u xaqiijiyaan in ay gaadhaan hadafkooda oo ah in ay hantaan si aqlabiyad ahna ugu guulaystaan kuraasta golaha wakiilada taas oo ah ta ay doonayaan shacbiga Somaliland si ay u helaan baarlamaan xalaal ah oo kahadla baahiyaha shacbiga ee maanta meesha xun maraysa .

 Marka dhicana kale aynu eegno loolanka uu kujiro xisbiga talada haya ee UDUB  ayaa ah mid uu meel kaliya kaduulayo xisbigutaas oo ah in ay isticmmaalaan hantida umada si ay u helaan taageero waayo majirto si kale oo ay cod ku helayaan mar hadii aanay jirin barnaamij ay soo bandhigayaan oo waxqabad ah , sabatuna waxay tahay mar hadii xisbigani talada hayaa aanu umada u qaban wax markale lagu doorto .

    Waxaa  madaxweyne rayaale magacaabay wasiiru dawlayaal iyo wasiir kuxigeeno si uu taageero ugaga helo beelaha ay kasoo jeedaan , waxaa sidoo kale lasheegay  in xukuumadu soo daabacatay lacag cusub si loolanka loogu galo , waxaana dad kamida taageerayaasha xisbiga UDUB oo aan lasheekaystay ku odhanayaan xisbigan udub lacag buu hayaa codkayaguna  waa meel.

 Loolanka kale ee dawladu wado waxaa kamida safaro ay u baxeen madaxwene kuxigeenka iyo wasiiro u baxay meelaha ay kasoo jeedaan si ay udub taageero ugaga hesho waxaase iswaydiintu tahay  in madaxweynaha kuxigeenkiisa iyo wasiiradiisu ay tagaan gobolada ay kasoo jeedaan mar kasta oo lagaadho wakhti doorasho balse aan dib loogu arag marka doorashadu dhamaato , waxaase arintu taagantahay nin meeli u cadahay meeli kamadaw taas oo macneheedu tahay in dadku rabo isbadal oo lacag labixiyaa aanay mawqifkooda badalayn .

   Guntii iyo gabo gabadii faaladan akhristayaal waxaynu wada sugaynaa waa halka uu kugabo gaboobo loolanku , sida loogu sooboxo codbixinta iyo waxaa ay kudhamaato natiijadu oo muhiimadu tahay in marwalba la ilaaliyo nabadgalyada guud .

   Alaa mahad leh

Faaladii: aadan yuusuf qodax hargaysa
Email: aadanqodax@somalitalk.com

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2005


MUSTAQBALKA MADOW EE DHALINYARADA SOMALILAND WAXA MASUUL KA AH XUKUUMADA RIYAALE

WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE,DIFAACII XUKUUMADA, IYO RIYAAQA XISBIGA KULMIYE.

Madaxweyne Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin.

"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD