SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK
DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV
  • Waxaa  isku soo dubaridiid:
    Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
    Email:
    ibra88@hotmail.com | April 21, 2005

"Dooni mayno cunsuriyad, joojiya cunsuriyadda, magaallada way nagu filan tahay, nacayb uma hayno shisheeyaha iyo muslimiintaba" hadalladaan waxay ahaayeen kuwii ku qornaa boorarkii ay siteen bulshada reer Langeskov, kadib markay muddaaharaad ballaaran ay isugu soo baxeen, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan soomaalida deggan Langeskov, iyo inay aad uga xun yihiin dhibaatada ka soo gaartay qaar ka mid ah dhalinyaradii cunsuriyiinta ahaa.


Gabdhaha oo iyagana muddaahaaradaya

Ejvind Højer Nielsen Duqamagaalada Langeskov

Waxay ahayd fiidkii Arbacadii la soo dhaafay markii aan gaariga soo dhigtay meel aamin ah, ka soo horjeedka xarunta booliiska Langeskov si aan uga nabadgalo cunsuriyiinta deggan magaallada caanka ku noqotay nacaybka shisheeyaha, gaar ahaan muslimiinta, dabadeedna iyadoo qaboow jira ayaan cagta saaray waddadii i gaynaysay goobtii lagu ballansanaa ee dugsiga Bakkegårdskolen.

"maalin wanaagsan, soo dhawoow" ayay ahayd salaamihii dhagahayga soo gaarayay markaan dhexda u sii dhaafay boqolaal deenish ah oo barxaddii iskuulka oo dhan buuxiyay. Waxaan jeclaystay dadkii goobtii muddahaaraadka yimid oo isugu jiray rag & dumar iyagoo weliba ay weheliyaan caruurtii ay dhaleen. Danta isu keentay dhammaantood waa inay muujiyaan siday uga xun yihiin soomaalidii magaalladoodii lagu dhibaateeyay. "Waa inaynu hal meel uga soo jeedsanaa dadka sida wanaagsan aan ula dhaqmaynin soomaalida deggan Langeskov, dhambaalka aan doonayno inaan gudbinno waa inay na wada deeqdo magaallada" ayuu yiri mid ka ah xubnihii ururada isboortiga ee soo qabanqaabiyay muddaaharaadka. Khudbadahaas ka dib dadkii siday ballantu ahaydba waxay si toos ugu dareereen xarunta degmada.


Iskuulka Bakkegprdskolen hortiis

Doonimayno cunsuriyad

Si hufan oo deggan ayay dadweynihii kor u dhaafay 1000-ka ugu socdeen waddooyinka, iyagoo sita boorar iyo shumacyo wada iftiimiyay hareeraha waddooyinka. Qoysaskii soomaaliyeed ayaa iyagu doorbiday inay ku ekaadaan inay yimaadaan oo keliya xarunta degmada, hase ahaatee qoyskii iyagu sida tooska gurigooda loogu soo weeraray afartii bishaan abriil aan ku jirno ayaa dadkii waddada marayay ku oranayay oraahyo ay ka mid ahaayeen "waad mahadsan tihiin, waan idinkaga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee aad noo taageerteen" iyadoo ugu danbeyntii dadweynihii muddaaharaadayay socodkoodii ku dhammaaday bannaanka weyn ee ka soo horjeedda aqalka degmada Langeskov, halkaas oo uu diyaar ku ahaa duqa magaallada Langeskov Ejvind Højer Nielsen.

Ugu horeyntii waxaa hadalkii furay Poul Eigil Rasmussen oo ahaa isku-duba-ridihii dibad baxaan, isla mar ahaantaasna wax ka dhiga dugsiga Bakkegårskolen. Macallinku wuxuu ka sheekeeyay sababta keentay ujeeddada dibad baxaan, isagoo si waafi uga sheekeeyay dhibaatadii la soo gudboonaatay qoys soomaaliyeed, kadib markii la soo weeraray gurigii ay degganaayeen, iyadoo daaqaddii iyo albaabkii gurigii ay ku jireen la jebiyay. Wuxuu falkaas xadgudubka ah ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin, iyadoo uu dhinaca kalena amaanay caruurta soomaaliyeed ee dhigata dugsiyada magaallada ku yaala. "iskuulka aan ka shaqeeyo waxaan kula kulmay ubad soomaaliyeed oo si wacan loo tarbiyeeyay, waxay jecelyihiin inay si wacan u dhexgalaan bulshada deenishka, haddaba caruurta sidaas u wanaagsan miyaa mudan in midabka ay wataan awgeed loogu dhibaateeyo, taasi waa hubaal inaan marnaba aqbali karaynin" ayuu yiri Poul Eigil Rasmussen oo ii sheegay dhammaan ardaydii dhiganayay fasallada toddobaad, siddeedaad iyo sagaalaad-ba aynan maalintii talaadada qaadanin casharadoodii caadiga ahaa, iyagoo la daawadsiiyay filimaan ka hadlayay dhibaatada ay bulshada ugu leedahay cunsuriyadda iyo midabtakoorka.


Cabdulle Yusuf Hanuun iyo xaaskiisa Saciido

Taleefishinka Somtv AbdimalikIsak

Intaa kadib, waxaa hadalka lagu soo dhoweeyay Ejvind Højer Nielsen oo ah duqa magaallada Langeskov, wuxuuna ugu horeyntii bogaadin u soo jeediyay dhammaan dadkii badnaa ee ka soo qaybgalay dibad-baxaan lagu taageerayay soomaalida Langeskov, wuxuuna dhinaca kale si toos hadallo kulul ugu soo jeediyay dadkii ka danbeeyay fal-denbiyeedkii lala beegsaday qoyskii soomaaliyeed oo goor habeen saqda dhexe lagu soo weeraray gurigoodii.

"falkaan waa wax si weyn noo dhaawacaya. Innagoo aanan kala saarin ruuxuu yahay qofka dhibaatada soo gaarayso ayaa waxaan si weyn uga soo horjeedaa dilka iyo burburka loo gaysanayo dadka nala deggan" ayuu yiri Ejvind oo si caro leh u weydiiyay dhalintii ka danbeysay falalkaan "wiilashaan yaryar markay dhibaato u gaysanayaan soomaalida nala deggan miyaynan si fiican ugu fekerin cawaaqib xumida ka imaan karta arrintaas, miyaynan si fiican ugu fekerin cabsida iyo carada ay gelinayaan qoysaska soomaaliyeed inuu innaga nagu soo laabanayo? miyeynan ku fekerin dhaawaca iyo welwelka ay gaysanayaan inuu qabsan karo qoysaskooda?, miyeynan ku fekerin falalka ay samaynayaan inuu si weyn u dhaawacayo mustaqbalkooda" ayuu misna yiri Ejvind Højer Nielsen oo sheegay in difaaca soomaalida maalmihii ugu danbeeyay uu difaacay ay keentay in si shakhsiyan loo soo weeraro.

"hadallo aan habboonayn ayaa taleefanka la iigu duubay, iyadoo dadkii i soo wacayay ay qarsoodi ka dhigayn nambaradii ay ka soo wacayeen, taasoo sababtay inay afadayda/xaaskayga aynan jeclaysan inay iyadoo keligeed ah joogto guriga" ayuu haddana markale yiri, wuxuuna sheegay in maamulka degmada ay diyaar u yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaato kale oo loo gaysto dadka deggan magaallada.

Hadalkii duqa magaallada kadib waxaa mikrofoonka lagu soo dhoweeyay wiil soomaaliyeed oo ka mid ahaa dhalinyaradii dhibaatada soo gaartay, isagoo hadalkiisii ku soo koobay "waxaan hadda dareemi karnaa nabadgelyo, dhammaantiin waad mahadsan tihiin" ayuu yiri Fahmi oo ka mid ahaa dhalinyaradii soomaaliyeed ee dhaawacyada la soo gaarsiiyay kadib markay ka yimaadeen naadi ay ku kulmaan dhalinyarada ka yar da'da 18-ka sanno. "waa nasiib badnahay, habeenkaas innagoo qiyaastii shan dhalinyaro soomaali nahay ayaa waxaa na soo weeraray dhalinyaro deenish ah oo watay gawaari iyo mootooyin, 3 naga mid ah way carareen, hase ahaatee anniga iyo wiil kale ayay na qabteen, si naxariis darro ah ayay noo dileen, anniga wiil iyaga ka mid ah ayaa dhalo uu sitay madaxa iga dhuftay, hadday dhalada jabtay u soo gudbi lahayd maskaxda waan dhiman lahaa, Illaah ayaa i badbaadiyay" ayuu igu yiri Fahmi oo isagoo yar yimid dalka Denmark.

Waxaa khudbadihii la jeedinayay heeso ka hadlayay ay dhibaatooyinka cunsuriyadda ayna qaadayeen ardayda dhigata dugsiga Bakkegårskolen, waxaana goobtii muddaaharaadka ka soo qaybgalay suxufiyiin fara badan oo ka kala socday taleefishinka koowaad iyo labaad ee Denmark oo si toos uga soo tebinayay goobtii muddaaharaadka, dhinaca kale waxaa iyagana joogay suxufiyiin kale oo ka socday dhowr wargaysyo oo ka soo baxa guud ahaan dalka, halka tv-ga soomaaliyeed ee online-ka laguna magacaabo Somtv ay goobjoog ka ahaayeen, waxaana dhacdada muddaaharaadka iyo wareysiyada qoysaska soomaaliyeed duubayay weriyaha iyo tifaftiraha tv-ga somtv Abdimalik Isak (Abdi Cadde).


Amaano soomaalida Langeskov

Saciido Shekh oo umahad celinysa deenishka

Dhammaan soomaalida reer Langeskov ayay farxad weyn gelisay dibad-baxaan looga soo horjeeday cunsuriyadda, waxayna ii sheegeen gaar ahaan qoyskii iyaga la soo gudboonaatay dhibaatada inay hadda dareemayaan xoogaa nabadgelyo. "welwelkii iyo cabsidii nagu jirtay waxaan dareemaynaa inaan xoogaa hadda ka fiicanahay, isma aan lahayn tiradaan oo dad ah ayaa dartiin u soo dibad baxaya oo idin taageeraya" ayeey tiri Saciido Sheekh. "wax weliba waxaa noogu darnaa caruurteenii oo aanan si fiican u seexan habeeno badan, kadib markii la soo jebiyay daaqaddii qolkii ay jiifeen caruurta, weerarkaas wuxuu xitaa si weyn u dhaawacay waxbarashada caruurteena, hadda waxaan ku rajo weynahay inay wax weyn iska baddali doonaan" ayuu yiri Cabdulle Yusuf kuna magac dheer Hanuuniye oo ah fannaan ay soomaali badan taqaano. 

Guud ahaan dadka deggan degmada Langeskov ayaa lagu qiyaasaa ilaa 6000 qof, halka qoysaska soomaaliyeed ay gaarayaan ilaa 6 qoys, waxayna intooda soo deggeen wixii ka danbeeyay sannadkii 2002-ka. Waxaa magaallada Langeskov aad ugu dhow magaallada 3-aad ee Odense oo ay ku nool yihiin soomaali tiradooda lagu qiyaasay ilaa 1700 qof. Qoysaska shisheeyaha ee la siiyo degganaanshaha dalkaan ayaa wuxuu sharciga shisheeyaha loo dejiyay dhigayaa inay degganaadaan magaallada ay dowladda u garato, iyagoo aanan awood u lahayn inay ka guuraan magaalladaas ilaa 3 sanno. Sidaas darteed ayaa qaar ka mid ah qoysas soomaaliyeed la soo gudboonaada dhibaatooyin isugu jira cunsuriyad, shaqo la'aan iyo iyadoo ay u dheer tahay iyagoo aqoon fiican u lahayn luqadda iyo dhaqanka dadyowga ay la deggan yihiin.

Qoraalki iyo isku soo dubaridiid:
Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com
April 21, 2005

  Hoos ka akhri Warkii April 19, 2005

Daabaco Boggan | Print
URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003
SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003
WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

 
GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA

DENMARK: DIBAD-BAX LAGU TAAGEERAYO QOYS SOOMAALIYEED OO LA SOO WEERARAY 
  • Waxaa  isku soo dubaridiid:
    Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
    Email:
    ibra88@hotmail.com

Waxaa laga joogaa labo usbuuc markii qoys soomaaliyeed oo deggan koonfur-barri Jaziiradda lagu magacaabo Fyn ee dalka Denmark ay soo weerareen dhalinyaro u dhalatay Denmark, iyagoo jebiyay daaqaddii guriga, halka albaabkana ay isku dayeen inay jabshaan, hase ahaatee nasiib darro ay awoodi waayeen kadib markay deriskii la degganaa ay ku soo baxeen. 

Magaallada Langeskov oo ah magaallo aad u yar, ayaa soomaalidii degganayd waxay durbadiiba la xiriireen xarumaha dowladda ee magaallada, waxayna dhinacooda madaxdii degmada, booliiskii iyo guud ahaan shaqaalaha ku shaqo leh shisheeyaha ugu yeereen soomaalida kulan degdeg ah.  

“Sida aan anniguba xaq ugu leeyahay degganaanshaha magaallada ayaad idinkuna si la mid ah xaq ugu leedihiin inaad degganaataan magaallada, waxaan aad uga xumahay wixii idin soo gaaray, waxaadna ogaataan inay booliiska ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kuwa doonaya inay sumcad xun u soo jiidaan magaalladeena, oran maayo falkii la idin geestay waa weerar qudha ee waa cunsurunimo cad” ayuu yiri  Ejvind Højer Nielsen oo ah duqa magaallada Langeskov, isagoo kana codsaday soomaalida inay muujiyaan wada shaqayn fiican si wadajir looga hortago inaynan soo noqon arrimahan oo kale. 

Maalintii arbacada la soo dhaafay ayaa waxay booliiska magaallada Odense gacanta ku dhigeen oo xireen 7 dhalinyaro deenish ah, hase ahaatee hal qof ayaa si ku meel gaar ah ugu sii jiraya xabsiga ilaa muddo bil ah, halka inta kale la soo daayay. “Soo daynta la soo daayay ma ahan inaan waxna lagu helin, laakiin waxaad ogaataan inay weli harsan tahay xukunkooda maxkamadda” ayuu igu yiri Vagn ahna qaybta booliiska magaallada Langeskov mar aan kula xiriiray khadka taleefanka. 

Haddaba, waxaa caawa oo talaado ah magaallada Langeskov ka dhici doona dibad-bax aad u weyn ayna soo qabanqaabiyeen ururrrada isboortiga ee magaallada, waxaana si taageero ahaan uga soo qaybgali doona Kamal Qurashi oo ka tirsan baarlamaanka dalka Denmark. “waxaan uga soo qaybgalayaa inaan soomaalida u muujiyo taageerada aan u hayo, dhinaca kale dowladda mowqifkeeda ku aaddan arrintan xadgudubka maxaynu u maqli weynay” ayuu yiri Qurashi oo daqiiqado yar ka hor laga wareysanayay mid ka mid ah raadiyayaasha ka jira Jaziiradda Fyn. 

Waxaa la filayaa in muddaaharaadkaan lagu taageerayo soomaalida  deggan Langeskov uu ka hadlo duqa magaallada angeskov Ejvind Højer Nielsen, qaar ka mid ah soomaalida deggan magaallada iyo dabcan qabanqaabiyayaasha ururrrada isboortiga ee ka jira magaallada. 

Guud ahaan saxaafadda kuwooda isugu jira taleefishinnada, wargaysyada iyo raadiyayaasha oo dhan ayaa goobta muddaaharaadka si toos uga soo tebin doona, halka dhinaceenana SOMALITALK.COM aan iyadoo faahfaahsan insha Allaah idiin soo gudbin doono siday u dhacdo dibad-baxaan lagu taageerayo soomaalida deggan Langeskov.


daaqadda aqolka ay jiifeen carurta

Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

WARARKII HORE EE SOOMAALIDA DENMARK... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com |April 19, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD