MAXAA DAWLADDA CUSUB U QABSOOMAY?
(Waxaa la qabtay wax badan, waxaa
dhiman wax badan)
Qaybta 2aad

W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi | Kenya
May 7, 2005
QORSHE DEJINTA SIYAASADDA GUDAHA
Markii la ebyey dhismaha dawlad midnimo
qaran ku qotonta, hawlaha ay xukuumadda cusubi ahmiyadda koowaad siinaysey
waxaa ka mid ahaa in waddanka gudihiisa maamulka dawladda loo raro iyo in la
sahamiyo xaaladda guud ee uu dalku ku sugan yahay. Sidaa darteed
madaxweynaha dawladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Abdullahi Yusuf Ahmed isagoo ka dhabaynaya ballanqaadkiisii ku saabsanaa wax
ka qabshada arrimaha murugsan ee dalkiisa iyo dadkiisa ku gadaaman, wuxuu
kormeer shaqo ku soo maray meelo ka mid ah wadanka gudihiisa. Waxuuna u soo
kuur galay xaaladda nololeed, midda nabad gelyo iyo dhaqaale ee ay dadka
Soomaliyeed ku sugan yihiin. Meelihii uu madaxweynuhu tegey, dadka
Soomaaliyeed ee nabadda iyo amniga u oomani waxay madaxweynaha iyo
weftigiisa u muujiyeen taageerada ay dawladda cusub u hayaan iyo baahida ay
shacabka soomaaliyeed nabad iyo dawladnimo waaritaan leh u qabaan. Goboladii
uu madaxweynuhu soo booqday waxa ka mid ahaa: Gobolka Shabeelada Dhexe,
Gobolka Hiiraan, galguduud, Puntland iyo Gobolka Bay. Kor meerkas shaqo ee
uu madaxweynaha Somaliya dalkiisa ku tegey wuxu dhiiri geliyey damiirka
ummadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel, dawladda cusubna ka dhursugeysey.
Kulamdii uu madaxweynuhu dadweynha kula yeeshay goobihii uu maryey waxay
dadka soomaaliyeed ku abuurtay rejo dawladnimo iyo isfaham guud oo somalida
xilligan u hir-gala. waxayna wax ku soo kordhisey isku xidhnaanta dawladda
iyo dadweynaha Soomaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool.
Waxaa kaloo jirey wefti xaqiiqo raadin ah
oo ay dawladdu ugu talo gashay inay xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalku ku
sugan yihiin ay soo qiimeeyaan. Waxayna weftigaas oo Soomaali iyo
shisheeyaba ka koobnaa soo noqdeen iyagoo hawlihii ay u bexeen ku soo
guulaystey. Waxaa kaloo jirey wefti ka socda dawladda federaalka KMG ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya oo booqasho ku tegey meelihii ay masiibada
Tusunaamigu waxyeelaysay. Una kuur galay khasaaraha dadka gaadhey dhaawac,
dhimasho inta uu mood iyo noolba le’eg yahay. Waxayna dawladdu caalamka,
dadyoowga deeqda bixiya, iyo hayadaha masiibooyinka ka hor tagaba dadkii ay
waxyeeladda Tusunaamigu gaadhay u weeydiisey in mucaawimo deg-deg ah lala
soo gaadho. Raisal wasaaraha dawladda ayaa isna hadda socdaal shaqo ku tegey
magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Waxayna dadka soomaliyeed ee magaalo
madaxda ku nooli iyagoo aan u kala hadhin raisal wasaaraha u soo dhoweeyeen
si ay ka muuqato jacaylka ay soomaalidu wakhtigan dawlad baahiyahooda
daboosha u qabaan. Wuxuuna tegitaankii ra’isal wasaaraha ee Muqdisho cagta
mariyey dacaayado raqiis ah oo ay dadka inay Somaliya soo noqoto lidka ku
ahi Soomaalida ku dhex baahiyeen. Raisal wasaare Geeddi wuxu si ay
xilkasnimo ku dheehan tahay muddo u indha indhaynayey xaaladda nabadgelyo,
midda nololeed iyo tan siyaasadeed ee dadweynaha gobolka Banaadir ku nool oo
ku baraarujinayey baahida loo qabo nabad ku soo dabaalidda caasimadda dalka
iyo in si midaysan dawladda loola shaqeeyo.
DHISMAHA CIIDAMADA QALABKA SIDA:
Waxqabadka siyaasadda gudaha ee taabba
galay waxaa ka mid ah inay madaxda Wasaaradda Gaashaan-dhiggu ilaa iyo
markii la magacaabay ku hawlanayeen qorshihii iyo nidaamkii ciidamadii
xoogga dalka Soomaaliyeed lagu dhisi lahaa. Saraakiil badan oo ciidamdii
Soomaliya ka mid ah ayaa wada-tashi iyo shirar ku qaatay magaalada Nairobi.
Waxayna ujeedada kulamdoodu ahayd sida ugu fudud ee ciiddan ay Soomaliya
yeelato loo yagleeli karo. Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo wasiiru dawlaha
Gaashaan-dhiggu iyagoo ka duulaya baaqii madaxweynaha ee ku wajahnaa in
Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed la geeyo waxay in badan u dhabar
adaygeen oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ciidamo nabad
ilaalineed oo hub ka dhigis caam ah sameeya dalka loo keeni lahaa. Madaxda
wasaaraddu waxay socdaallo ku soo mareen dhawr waddan oo ka mid ah dalalka
ciidamada nabad ilaalinta oo aan la’aantood waxba la qaban karin dawladda
ugu yaboohay. Waxaana cidda soo noqoshada Soomaliya jecel loogu
bisharaynayaa inay diyaar yihiin ciidamo nabad ilaalineed oo gaaraya ilaa
10, 000 oo askari oo ay wadamada aynu saaxiibka nahay wax ka qabashada
amniga dalkeena ugu talo galeen. Waxay kaloo wasaaradda gaashaandhigu
diiwaan gelisey ilaa iyo haddana isku duba-ridkooda ku mashquulsan tahay
saraakiishii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciidamadii qalabka
sidey oo la filayo hadday dhismaan inay sugidda ammaanka iyo difaaca dalka
ku fillaan doonaaan. Waxaana caddaatay inay madaxda dawladdan cusubi daacad
ka yihiin abuuritaanka ciidamadii qalabka sidey oo aysan la’aantood
qaranimada Soomaaliya jiri karin. Faisal Issa wuxu yidhi: “Dab waxaad
bakhtiisaa, markaad dami is leedahay”. Nuxurkeedu wuxu yahay daacadnimo
la,an inaysan waxba qabsoomin.
MEELAYNTA DABLEYDA HUBAYSAN:
Si ay dhalinyarada iyo dadka hubaysan ee
dableyda ahi nolosha adag ee ay ku nool yihiin uga baxaan oo u helaan nolol
ka debecsan, kana nuxur wanaagsan midda qoriga ku xidhan ee ay hadda ku nool
yihiin. Waxaa jira oo dhamaystiran barnaamijyo ay dawladdu qabyo tirtay oo
maleeshiyooyinka hubaysan noloshooda iyo aqoontooda lagu horumarinayo.
Dhalinyarada hubaysan ee dalka gudihiisa ku sugan dawladdu waxay siinaysaa
ahmiyad gaar ah oo loogu raadinayo dhaqaale lagu xareeyo, si ay xirfado
shaqo u bartaan. Wixii ciidan noqon karana dawladdu waxay u qoondaysay in
tababarro loo furo oo la ciidameeyo. Taasi waa fursad aan horay dayoowga
hubaysan u soo marin oo loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan. Waa arrin
ay dawladdu qorshihiisa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaaba horay u meelaysay.
MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLADA DALKA:
Waxaa kaloo la qabyo tiray barnaamijkii dib
u dhiska maamulka gobolada iyo degmooyinka oo dhaqaalihii ku bixi lahaa iyo
hannaankii loo fulin lahaaba ay dawladdu diyaarisay. Barnaamijkan gobolada
iyo degmooyinka maamulka loogu dhisayaa waa fursad qaali ah oo ay dadka
gobolada ku nooli iyagoo madax banaan maamulkooda ku dooranayaan. Waana
fursad aan gobolada ay Soomaliya ka kooban tahay horay u soo marin oo maamul
wanaagga iyo tiigsashada dimuqradiyada dawladda cusubi daah furtay ka
turjumaysa. Wax qabadka kale ee barnaamijka maamul u samynta gobolada ku
dhex jira waxaa ka mid ah oo dhaqaalihii lagu fulin lahaa loo hayaa inay
degmo kastaa yeelato ciidamo boolis ah oo aan ka yaraan doonin ilaa 40
askari iyo in degmo walba loo dhiso cisbitaal qalabaysan oo dabooli kara
baahida caafimaad ee deegaanka magaaladaas hoos yimaadda. Waxaa kaloo jira
hindisayaal degmo kasta lagaga hir gelinayo barnaamij hub ka dhigis ah oo ay
magaalo waliba iyadoo dawladda ku tiirsan hubka isaga uruurinayso. Sida
waajibku yahayna waxay dawladdu iyadoo dhinac kasta ka tifaftiran dhowaan u
guuraysaa wadanka si ay xilkeeda dawladnimo u gudato oo ay meesha uga saarto
su’aalaha badan ee ay dadkeedu is weeydiinayaan.
YAGLEELIDDA DHAQAALAHA:
Dhinaca dhaqaalaha iyadoo dawladda cusubi
ka duulaysa inuu waxqabadka dawladdu wiiqmayo haddaan gacan dhaqaale oo lagu
hawl galo caalamka laga helin ayeey wadamada deeqda bixiya iyo kuwa Carabta
ee aynu walaalaha nahayba weydiisatey taageero dhaqaale oo dib u dhiska, dib
u heshiisiinta iyo miisaaniyadda dawladda loo isticmaalo. Wakhti yar
doorashadii hogaamiyaha Soomaaliya ka dib madaxweynahu wuxuu shirkii midowga
Afrika ee Adis Ababa ee uu ka qayb galay wadamada deeqda bixiya iyo caalamka
kaleba ka codsaday maaliyad dhaqaale oo ay dawladdu fulinta waajibaadyadeeda
iyo baahiyaha wadanka ka taagan ku daboosho. Waxaana codsi kaas la mid ah si
toos ah loo gaadhsiiyey midowga Yurub iyo badiba hayadaha deeqda bixiya.
Codsigaas ururadii iyo wadamadii loo jeediyey waxay ballan qaadeen inaysan
waxba ka hagran doonin dawladda oo ay dhaqaale iyo taageeero kaleba ku
caawin doonaan. Waxayna jaamacadda Carabtu samaysay sanduuq dhaqaale deg-deg
ah Soomaaliya loogu ururinayo. Sidoo kale waxaa codsi kaas la mid ah loo
jeediyey Ururka Qaramada Midoobey oo iyaguna si niyo ah u ogolaaday taageero
dhaqaale iyo mid farsamo oo ay dawladda cusub ku caawiyaan.
Ra’isal wasaaraha Xukuumadda KMG Cali Maxed
Geeddi iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa iyaguna tan iyo markii la
magacaabay ku hawllanaa sidii ay dawladdu dhaqaale ku heli lahayd. Daadaal
dheer ka dib dawladda federaalka KMG ahi wax-u-soo-socda iyo wax gacanta ugu
jiraba maanta dhaqaalihii ay ku guuri lahayd iyo maaliyaddii ay
miisaaniyadda iyo dib u dhiskaba ku fulin lahayd way soo hoysey. Dhaqaalaha
dawladda soo gala waxay dawladdu ugu talo gashay in si sharci ah oo
musuqmaasuq iyo gacan togaalayn ka caaggan loo isticmaalo oo aanay sidii
horay u dhici jirtey jeeb dad ku dhicin. Sidaa daraadeed dakhliga baxaya iyo
midka la isticmaalayaa waa kuwo xaddadan oo calaamadihii boobka ka madhan.
Ku fara adaygaas iyo ku tagrifal la’aantaas dartood dhaqaalaha dawladda soo
galay ma noqon mid suuqyada iyo meelaha lagu qayilo lagaga sheekaysto.
Taasina waa guul maamulka cusub ka bad-badisey siyaasad xumo dawlado hore
fashilisay. Sidaa daraadeed yagleeliddii dhaqaalaha dawladda cusubi ku hawl
geli lahayd badiba waa laga midha dhaliyey.
GEBA-GEBO:
Waxaynu si guud mar ah uga soo hadalay qaar
ka mid ah hawlaha ilaa iyo hadda dawladda cusub u qabsoomay oo muwaadinka
soomaaliyeed ee dawlad shaqaysa u harraaddan tusi karta inaysan dawladda uu
imaatinkeeta dheresaday cidla iska fadhiyin ee ay ilaa iyo maalintii la
dhisay ku foognayd taabuulshaha iyo qorshaynta waxyaabaha fulinta hawlaha
dawladda laga sugayo aan looga maarmin. Muddo yar gudaheed ayeey dawladdu ku
diyaarisay ciidamadii nabad ilaalinta ee amniga iyo hub ka dhigista dawladda
ka caawin lahaa. Sidoo kale soo celinta iyo dar-dar gelinta xiriirada
caalamiga ah iyo soo hooynta dhaqaalihii ay dawladdu ku shaqayn lahayd waxaa
muuqata in muddo gaaban shaqo wax ku ool ah laga qabtay.
Sidaa daradeed dawladdan oo ah mid ay
beesha caalamku u heellan tahay oo dhalatay xilli ay dadka Soomaliyeed
colaad iyo dagaal ka daaleen oo dawlad jacayl iyo nidaam shaqeeya u
halgamayaan. Isla markaana ay daacadnimo badani ilaa iyo hadda madaxa sare
ee dawladda ka muuqato. Intaas iyo in kale oo halkan lagu soo koobi karin
marka la isku soo xooriyo waxay saadaashu ina tusaysaa dawladnimo iyo
hannaan lagu kalsoonaan karo oo geyigeena ka hir-gala. Taas oo suura-gal ka
dhigaysa inuu dalkeena bur-buray dawlad la’aanta iyo ammaan darrada ka boxo
oo horseed u noqodo, horumar iyo barwaaqo ay dadkiisu ku tiigsadaan tar-tanka
ay ummadaha caalamku xagga nolosha iyo tacliinta ugu jiraan oo ay siyaasadda
deggan iyo fadqalalo la’aantu xuddun u tahay. Inkasta oo aan kugu dheereeyey
aan kugu sii daaliyo inaan kugu sagootiyo: Dawladnimada Somaliya ha
hir-gasho.
La soco Maqaalka xiga: MARINKA LOO MARAYO
CAASIMADDA MUQDISHO
W.Q. Ibrahim Mohamed Deeq MP
imdeeq@hotmail.com
Nairobi, Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2005
DANTA DADWEYNAHA IYO DOONISTA
DANAYSTAYAASHA
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|