WORLD: AP
| AFP
| Ruters | interfax
| CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk | Time
| Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes
| WPost | Fox
| Toronto.Star | ISlamOnline.IOL
| Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera
| Al.khaleej | Al.ayam
| alwatan | Alrai
| Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News |
Albawaba | KUNA
| IRAQ/QUESTIONS
VIDEO: AP.TV |
ITV
| Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
| CANADA.TV
| SaudiTV | BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 14
| 13
| 12 | 11 |
10 | 9 |
8 | 7 |
6 | 5
| 4 | 3
| 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE |
LA
GUERRA IN IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE:
ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
WARARKA CIRAAQ: APRIL 9,
2003
- Maanta iyo Baqdaad
- Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday
Duqayntii Shalay
- Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
- Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka
abuuray caro
- 12jir waayey eheladiisii iyo gacmihiisii
- Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
- Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira
Saliida Ciraaq
- MAXAA
SOO KORDHAY MAANTA... GUJI.. IOL
Ra'iisul wasaaraha Canada oo Ka Hadlay
Arimaha Ciraaq
Jean Chrétien
|
Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, ayaa
ku adkaystay go'aankiisii ahaa in uusan ciidamada Canada u dirin dalka Ciraaq,
waxana uu sheegay in Canada ay ka qayb qaadankarto dib u dhiska Ciraaq. Ra'iisul
wasaaraha oo saxaafada la hadlayey galabnimadii Arbacada asagoo jooga caasimada
Canada ee Ottawa waxa uu yiri Canadianku waxay awoodaan in ay taageeraan
Ciraaqiyiinta si ay u dhistaan dawladooda iyo hadii ay taageero u baahdaan in
laga taakuleeyo dhisida nidaam-sharci ah. "habka dib u dhiska loo
qaabilayaa waa in uu ahaadaa in la dejiyo yool macquul ah" ayuu yiri Jean
Chrétien, waxana uu ku daray "dawlad ku meel gaar ah waa wanaag haddii
aysan halkaas joogeyn jiilal ayadoo aan doorasho la qaban"
Xiriirka Canada iyo Maraykanka waxa uu Jean Chrétien
ka yiri khadka wad xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga filayaa
Madaxweynaha Maraykanku George Bush in uu Canada soo booqdo bisha May.
Arinta hubka halmar wax burburya ee ciraaq
asagoo ka hadlaayana waxa uu sheegay in ay weli tahay waqti hore oo aan wax laga
sheegikarin arintaas waxan auu yiri "ma ogi waxa xaqiiqada dhabta ah tahay,
waxaan aogaan doonaa bilaha soo socda".
Maanta iyo Baqdaad
Wararka maanta ka imanaya caasimada dalka
Ciraaq ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku ay maanta galeen qayb kamid ah
magaalada, inkasta oo meelo magaalada ah ay ka imayeen iska caabin. Waxaa warku
sheegay in maanta la burburiyey mid kamid ah taalooyinka laga sameeyey sawirka
Saddam. Wararku waxa ay ku dareen in sawirka Saddam madixiisa uu askari Maraykan
ah ku xiray calanka Maraykankan laakiin markiiba laga furay markii ay
dadwene arintaas caro ka muujiyeen ayagoo dhehaya taasi waa tusaale hor dhac u
ah qabsi la qabsado Ciraaq, sidaas ayaa markiiba Maraykanku calankii halkaas uga
fureen. [Sawirka
oo calanka wajiga loogu xiray eeg halkan]. Markii taaladaas sawirka ah
lasoo ridey oo dadkii agtubnaa ay farxad ka muujiyeen soo ridias ayaa wadada
lagu jiidey madaxii sanamka.
Waxaa wararku sheegeen in Ciraaqiyiintu insku
dayeen in ay soo ridaan talada sawirka sadaam, laakiin markiiba ciidamada
Maraykanka ayaa gacan siiyey si loo soo rido.
Meesha uu Saddam ku dambeeyey ayaan ilaa hadda
si sugan loo ogeyn, waxaana wararka qaarkood tibaaxeen in laga yaabo in uu ku
jiro safaarada Ruushku ku leeyahay Baqdaad, laakiin taas Ruushku waa beeniyey.
Warar kale oo xoog badan ayaa sheegaya in laga yaabo in uu dhawr maalmood ka hor
u baxay magaalada dhanka woqooyi kutaal ee Tikrit.
Warar ay faafisay ABC
Australia ayaa sheegay in Maraykanku uu sheeganayo in uu qabsaday
Baqdaad inkasta oo dagaalku weli socdo, waa sida warku u dhigaye. Waxaase walaac
weyn wararka Australia ka muujiyeen bililiqada ka dilaacday Ciraaq [Daawo
halkan].
Donald
Rumsfeld, xoghayaha difaaca Maraykanka, ayaa maanta sheegay in dagaalkii
uusan dhammaan.
VIDEO: Donald
Rumsfeld iyo Gen. Richard Myers oo ka hadlaya arimaah Ciraaq
Biliqiqada Magaalada Basra: Sawirka the
Times |
Bililiqo Ka Dilaacday Ciraaq
BASRA: Magaalada Basra ayaa waxaa ka
dilaacay bililiqo aan loo aabayeelayn waxkasta oo ay dadku gacanta la helaan,
waa boob iyo dhac loo geysanayo dhismayasha dawlada, meelaha ganacsiga iyo
goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo goobaha hay'adaha caalamiga ah iwm. Waa
arin lagu tilmaamay nidaam darro soo fool saartay Ciraaq.
Qof dumar ah oo gurigeedu kuyaal meel 50 mitir
(yars) ujirta halka ay xarunta ciidan ka samaysteen Ingiriisku ayaa ku qaylisay
"Britishku waxay yiraahdeen waxaan u nimid in aan idin xorayno, laakiin
hadda si nabad ah uma seexankaro sariirtayda waayo kuwaan bililiqa doonka ah
waxay yiraahdeen waan idin dileynaa waxaana qaadanaynaa dhammaan waxa guriga
idiin yaal" Waxayna farta ku fiiqday guri kuyaal wadada dhinaceeda kale oo
ay fiiqanayaan bililiqa-doonku waxayna tiri "Xukunkii Saddaam si nabad ah
ayaan sariirtayda ugu seexan jirey, laakiin hadda taasi waa dhamaatay"
sidaas waxaa qoray wargeyska The Times waxaana warkaas soo xigtey IOL.
Mulkiilaha Sheraton Hotel ee Basra ayaa
asaguna aad ugu carooday Ingiriiska magaaladaas jooga maadaama ay waxba ka
qabanwaayeen in ganacsigiisii la baabi'yo.
Dhanka kale waxaa wararku sheegayaan in
Ingiriisku ay Basra u magcaabeen Shiikh aan la magcaabin in uu magaalada xakumo.
eeg.
IOL.
BAQDAAD: Dhanka kale waxaa wararku
sheegayaan in maanta ay Baqdaad ka bilaabatay bililiqo ay dadku fiiqanayaan
wixii gacantoodu haleesho.
Dhibaatadii
soo gaartey Cali Ismaaciil Cabbaas
CIRAAQ: Waxaa wiilkaan oo 12jir oo magaciisa
layiraahdo Cali Ismaaciil Cabbaas ah dagaalka kasoo gaarey dhibaato aad u
daran taas oo uu ku waayey badanaa qoyskiisii asagana ay kaga go'een labadiisii
gacmood daawo
qisadan naxdinta leh [ITV]
Burburkii goobtii la duqeeyey ee Baqdaad: Daawo
Halkan [ITV]
Duqayntii Baqdaad: Daawo
Halkan [CBCTV]
Saddaam oo lagayaabo in uu kabadbaaday
Duqayntii Shalay
Sida ay werisey warbaahinta Australia
oo soo xiganeysey wargeysyo kasoo baxa dalka Ingiriiska, waxaa laga yaabaa in
Saddaam xuseen uu ka badbaadey isku daygii ay Maraykanku shalay isku dayeen in
ay ku dilaan duqaynta. Waxaa warku intaas ku daray in lagayaabo in Saddaam uu
dhismahaas ka baxay intii aan la duqayn.
Sirdoonka Ingiriiska ayaa sheegay in ay u
malaynayaan in Saddaam uu duqayntaas ka badbaadey.
"waxaan u malayneynaa in uu (Saddaam)
dhismahaas uga baxay sidii uu ku yimid, oo noqonkarta dhulka hoostiisa
wadooyinka mara ama gaari, ma hubno" sidaas waxaa qoray The Times oo
kasoo baxa London, UK oo soo xiganey sirdoonka Ingiriiska.
"Waxaa laga yaabaa in uusan (Sadaam)
kujirin dhismaha markii la duqeeyey" Sidaas waxaa qoray The
Guardian oo kasoo baxa Ingiriiska oo soo xiganeysey ilo.
TV-ga ABC ee Maraykanku waxa uu sheegay in
sirdoonka Maraykanku rumaysan yihiin in Saddam ku dhintay duqayntaas.
Shalay ayey ahayd markii dhisme kuyaall Baqdaad
oo loo malaynayey in uu Saddam kujiro lala beegsaday bomb nooceedu yahay B-1.
Waxaa warku sheegay in dhismahaas lagu tuuray afar bomb oo culayskoodu midkiiba
yahay 2,000-rodol.
CIRAAQ: Dilkii Weriyayaasha oo adduunka ka
abuuray caro
Daawo
halkan...ENGLISH.. | Daawo
halkan --- ARABIC
Sida ay werisey IOL ,
dilkii saddexda weriye ee shalay ay magaalada Baqdaad duqaynta ciidamada
Maraykanku ku dileen ayaa dunida dacaladeeda ka dhalisay caro. Waxaa ugu
horayntii warqad
Cabasho ah diray guddiga saxaafadda ee loo yaqaan CPJ [Committee to
Protect Journalists] oo ay u direen xoghaya difaaca Maraykanka Rumsfeld, warqadaas
oo ay ku muujinaya walaaca ay ka qabaan weerarka Maraykanka ee ku aadanaa
weriyayaasha. Dhanka kale waxaa caro aad u weyn muujiyey warbaahinta dalalka
Carabta taas oo ay ku tilmaameen weerarka weriyayaasha in lagu qarinayo runta,
waxaana carabta inbadan ka caraysiiyey weerarkii loo geystey xafiiska Aljazeera
ee baqdaad kaas oo lagu diley weriyihii halkaas uga soo waramayey Aljazeera iyo
go'ddomintii la sheegay in loo geystey xarunta ay ku taal halka uu wararka ka
soo tebiyo Abudhabi TV, waa sida tvgaasi sheegayey. Waxaana arintaas qoraal
dheer ka qoray IOL.
Sidoo kale, jariidada Times ee kasoo baxda UK
ayaa cadadkeedii maanta qortay warbixin dheer oo ku saabsan carada ay dhalisay
dilkii weriyihii Tariq
Ayoub.
Diyaarad F-15E oo ka dhacday Maraykanka
Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in
diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-15E [oo loo yaqaan Strike Eagle] ay
shalay ku dhacday Ciraaq taas oo labadii duuliye e saaraa la la'yahay. Tani waa
diyaaradii labaad oo shalay ku dhacday Ciraaq taas oo ay ka horeysey diyaardaii
nooceedu ahaa A-10 Warthog.
Shirkadaaha Austalia oo Tartan ugu jira
Saliida Ciraaq
Sida ay werisey ABC
Australia khubarada saliida ceysriin iyo gaaska ayaa noqondoona kuwa
ugu horeeya ee ka faa'ida xagga ganacsida dagaalka Ciraaq kaddib. Waxaa
warku intaas ku daray in ilaa hadda 90 shirkadood oo Australia ah ay isu diiwaan
gelineyeen in ay xiisaynayaan Ciraaq.
MAALINTII 20aad EE DAGAALKA
CIRAAQ!!! : APRIL 9, 2003
Waxaa isku soo dubaridey XagarYare
-ISBAHAYSIGA KA DHANKA AH CIRAAQ OO BAADI
GOOBAYA SADDAM:Geeri iyo nolol
Daawo
Halkan
Saddaam xuseen miyuu ku dhintay banbaanadii
lala beegsaday makhaayada ku taala Galbeedka magaalada Baqdaad Mise Wali Wuu
Noolyahay?.
Su,aashani waxaa ay talaadadii dhex
mushaaxaysay magaalada baqdaad,iyadoo goobo kala duwan oo magaalada rasaas
darandoori ah layswaydaarsanaayay.
ugu yaraan Sadex goobood oo saddam muhiim u
ahaa ayaa lagu tuuray laguna baabi,iyay galabnimadii isniinta B-1-BOMBER oo ka
dhaca mid kamida nooca diyaaradaha dagaalka ee maraykanka.
waxaa marka bomkaas la tuuraayay ay diiraddu si
gaar ah u saarayd makhaayadda ay ciidamada sirta maraykanku u soo sheegeen
militariga in ay saacadaas soo galeen Saddam Xuseen iyo labadiisa wiil ee Udaay
iyo kusaay,, oo ay waliba weheliyaan saraakiil cul culus oo golaha sare ee
ciraaq kamida.
Banbaanadaas oo aad u xoog waynayd laguna
tuuray xaafad ka mida baqdaad oo layiraa Mansuur,waxaa ay dhulka la goysay illaa
300 mitir oo isku wareeg ah iyadoo hoos u galaysa korra u soo rujinaysa marka ay
qaraxdo illaa 18mitir oo hoos ah.
Waxaa halkaas laga heley laba qof oo mayd
ah,balse waxaa la aaminsanyahay in ay 14 qof ku dhinteen iyadoo wax yar uun
kadib qaraxaas ay goobta oo sigaara diiradu u saarayd ay yimaadeen saraakiil
maraykan ah"nin ciidamada sirta ah ayaa sheegay in ay dad badani meesha ku
aasmeen oo sida ugu dhaqsaha badan looga soo saaraayo,iyadoo ujeedadu tahay in
la baaro dhiigga,iyadoo la adeegsanayo qaabka looyaqaan DNA ama hiddo raacida
dhiiga,bal si loo hubiyo in saddaam meesha tiisii ku dhamaatay.
LABA QOF OO KALIYA AYAA OG MEELAHA SADDAAM
JOOGO-
DADka Saddam xuseen aadka u yaqaan ayaa ku
tilmaama in uu yahay nin markiisii horeba u dhashay Feejignaan gaar ah,taas oo
jirta ayuu tobaneeyadii sano ee danbe si gaara isu ilaaliyaa ama loo
ilaaliyaa,waxaa ogaankara oo kaliya laba qof hadba meesha uu ku suganyahay.
waxaa ogaan kara oo kaliya Wiilkamida labadiisa
wiil Kusaay oo ah taliyaha ciidamada nabad galyada madaxweynaha,iyo xoghayntiisa
gaarka ah Caabid Xamiid Maxamuud, waxaana warka sidaas oranaaya laga soo xigtay
nin maamulka ciraaq kamid ahaa oo haatan magangalyo siyaasadeed dalka dibadda
uga maqan.
Diiraddan lasaaraayo iyo weeraraka kali
ahaantiisa lala beegsanaayo saddaam waxaa ay socotay intuu dagaalku socday oo
dhan, 20kii march ayaa weerar ku dulwaabariistay baqdaad waxaa sigaara loogu
bilaabay meelo gaar ah oo ay ciidamada sirta soo siisay militeriga, oo ay
filayeen in Saddam xuseen lagu dilikaro.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 8,
2003
- Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin
Baqdaad oo la duqeeyey
- Suxufiyiin lagu diley Baqdaad
- Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray
Safiirkoodii Ciraaq
Hotelka ay warfidiyeenadu ka deganyihiin
Baqdaad oo la duqeeyey
[weriye katirsan Aljazeera oo la diley]
: Daawo
Wararka Dagaalka [ENGLISH] | AMA DAAWO
ABU-DHABI.TV [ARABIC]
Wararka ka imanaya
Caasimada Ciraaq ee Baqdaad oo maanat ay ka dhaceen dagaalo iyo duqayn aad u
daran ayaa sheegay in taangi uu leeyahay maraykanku duqeeyey hotel ay
deganaayeen suxufiyiin ka yimid dacalada dunida oo halkaas wararka kasoo
tebinayey. Hotelkan oo lagu magcaabo Palestine hotel waxaa lagu soo
waramay in uu hal qof ku dhintay.
Dhanka kale ee magaalada Baqdaad waxaa lagu soo
waramay in duqayn lagu diley weriye Tareq Ayub oo AlJazeera uga soo waramayey
magaalada Baqdaad. Markiiba TV-ga aljazeera waxa uu arintaas ku eedeeyey in
Maraykanku uu si ula kac ah u weeraray xarunta Al-Jazeera
ee Baqdaad, waxana ay ku dareenin Maraykanku ay yaqaaneen meesha aljazeera ku
taal.
Ruushka oo sheegay in Maraykanku weeraray
Safiirkoodii Ciraaq
Warar ay faafisay warbaahinta ruushku waxa uu
sheegay in safiirkii Ruushka u fadhiyey uu sheegay in Maraykanku uu si bareer ah
u weeraray. Sida ay shalay werisey RIA Novosti waxaa safiirku, Vladimir
Titorenko, waxaa weerarkaas kusoo gaary dhaawac
yar. Waxaa wararku intaas ku dareen in safaarada Ruushka ee Ciraaq oo ay ka
shaqaynayeen 26 qof lagu soo koobay 12 dagaalada halkaas ka socda awgood.
Daawo shalaygalab iyo Baqdaad GUJI
HALKAN....
WARARKII
HORE EE DAGAALKA CIRAAQ...
Tixraac iyo sawirada:
AP, Reuters, interfax, AFP, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google,
»»VIDEO: Mucjisooyinka
Quraanka... [English]