WORLD: AP
| AFP
| Ruters | interfax
| CBC | BBC
| CBS | CNN
| NBC | ABC
| Times.uk | Time
| Guardian | VOA
| WallStreet | NYTimes
| WPost | Fox
| Toronto.Star | ISlamOnline.IOL
| Australia.News
| Independent
| Canadian.Press | China.News
| Japan.News
| Whitehouse.News |
Mirror | Turkey.News |
IRAN.irna
MID EAST: IslamToday
| ArabNews | Asharq.al.awsat
| Aljazeera
| Al.khaleej | Al.ayam
| alwatan | Alrai
| Assafir
| Arabia | Algeria.El.Watan
| AdDustour | BBC.Arabic
| Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram
| Jerusalem.Post | Khaleej.Times
| Middle.east.online
| QatarGulfTimes | SaudiGazette
| Abu.Dhabi.News |
Albawaba | KUNA
| IRAQ/QUESTIONS
VIDEO: AP.TV |
ITV
| Reuters
TV | ABU-DHABI.TV
| CANADA.TV
| SaudiTV | BBC.TV
| TRANSLATOR
MAP: Khariidada
Ciraaq | TAARIIKHDA
CIRAAQ
CIRAAQ: MAALINTII 14
| 13
| 12 | 11 |
10 | 9 |
8 | 7 |
6 | 5
| 4 | 3
| 2 & 1
ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE |
LA
GUERRA IN IRAQ | Corriere
Della Sera | video
| Televideo.rai
HADDA.SOCDA:LIVE:
ABU-DHABI.TV
| AUSTRALIA.TV
| CANADA.TV
| RADIO.AUSTRALIA
| VOA
- Shirkadaha Canada oo laga Hor istaagey Qandaraasyada Ciraaq
- Maraykanka oo u digey Suuriya
Shirkadaha Canada oo laga Hor istaagey Qandaraasyada Ciraaq
Warkan ka Dhegeyso Halkan
Sida uu weriyey TV-ga Canada, Shirkadaha Canada ayaa laga hor
istaagey in ay ka qayb qaataan qandaraasyada Ciraaq, taas oo warku ku tilmaamay
in qandaraasyadaas intooda ugu badan ay qaadanayaan shirkadaha xiriirka
la leh Bush.
Waxaa warku sheegay in qandaraasyada nadiifinta ceelasha
saliida oo ay ku baxayso malaayiin doolar ay qaadan doonaan shirkadaha Kellogg,
Brown iyo Root, oo ah shirkado hoos yimaada shirkadda Halliburton oo ah
shirkada uu madaxda shanta sano ilaa laga soo gaarayey 2000 ka ahaa madaxweyna
ku-xigeenka
Maraykanka Dick Cheney. [Dhegeyso Halkan]
Maraykanka oo u digey Suuriya
Maraykanka ayaa Suuriya ku eedeeyey in ay magangelinayaan madaxda sare ee dawladii Ciraaq, in lagayaabo
in suuriya ay haysato hubka kiimikada iyo in dagaalyahano reer suuriya ah ay ka
dagaalamaan Ciraaq.
Dhanka kale wasiirka arimaha dibada ee UK ayaa sheegay in
Suuriya aysan kuxigin dagaalka Ciraaq, balse ay tahay in Suuriya ka jawaabto
su'aasha ah in ay qarineyso Saddam
Xuseen.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 13,
2003
- Tikrit oo Maraykanku sheegay in ay galeen
- Suuriya waa ku xigi kartaa, Washinton ayaa ka
digtey: Observer
- Ruushka oo Ciraaq ka masaxaya deynkii uu ku lahaa
- Kulan qarsoodi ahaa oo la daah furay
- Ciraaq: 7 Askari oo Maraykan ah oo Nolol Lagu Helay
Tikrit oo Maraykanku sheegay in ay galeen
Sida uu weriyey CBC
TV , Maraykanku waxay sheegeen in ay gaareen magaalada woqooyiga Ciraaq
kutaal ee Tikrit, magaaladaas oo ah magaalada oo kamid ah meelaha ugu dambeeya
xoogagii Ciraaq oo isku habaysan, waana magaaladii uu kusoo barbaaray Saddam
Xuseen. Waxay magaaladaasi kamid tahay meelihii aadka loo duqeeyey. Tikrit waa
meel aad loo dhisay oo laga dhigay casri.
Suuriya waa ku xigi kartaa, Washinton ayaa ka digtey: Observer
Jariidada kasoo baxda dalka Ingiriiska ee loo yaqaan the
observer
cadadkeedii maant ayaa qortay in Maraykanku uu damacsanyahay in uu wax ka qabto
ururka Xizbollah ee Siiriya taageerto arintan oo sida wargeysku sheegay horseedi
karta dagaal militari oo lagu qaado xukuumada Bashar Assad ee Dimishiq.Waxaana
warku intaas kudaray in arintani ay qayb katahay in Israa'iil lagu qanqiyo xalka
nabada ee Falastiin. The Observer waxay sheegtay in ilo katirsan xukuumada Bush
ay u sheegeen in Washinton ay Israa'iil u ballanqaaday in ay goyneyso xiriirka
ay Xisbbullah la leeyihiin Suuriya, si taas loo gaarona ay samayneyso waxkasta
oo suurtagal ah, dagaal militariba ha noqotee.
Sida ay werisey IOL,
ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Ariel Sharon, ayaa maanta oo Axad ah sheegay in
burburkii xukuumadii Ciraaq ay wadada u firikarto nabad lagu dhameeyo iska hor
imaadka u dhexeeya Falastiin iyo Israa'iil, waxana uu sheegay in uu diyaar u
yahay in uu sameeyo ogolaansho "xanuun
badan"
Ruushka oo Ciraaq ka masaxaya deynkii uu ku lahaa
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir
Putin, ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegayin Ruushku uu garabtaaganyahay
reer Ciraaq isla markaana uu ka dhaafi doono deynkii Ruushku ku lahaa dalkaasi.
Kulan qarsoodi ahaa oo la daah furay
Madaxweynihii hore ee Ruusha, Yefgini
Brimakovw, ayaa daaha ka qaaday in uu kulan la
yeeshay Saddam xuseen kahor intii uusan bilaaban dagaalka Ciraaq ee uu
Maraykanku hogaaminayo, kulankaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad waxa uu Brimokov
dhambaal afka oo uu ka wadey Putin gaarsiiyey Saddam, dhambaalkaas oo ahaa in uu
xukunka iskaga dego si uu u badbaadiyo dadkiisa, sidaas waxaa laga soo xigtey
Telefishanka Ruushka ee loo yaqaan RTR.
Waxaa maalmahaan jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in
Ruushku uu ku guulaystey heshiis suurta gelinaya in Saddam iyo intii
xukuumadiisa ugu sareysey uu siinayo magan gelyo. Waxaana wararku sheegeen in
wagaaradii raxanta ahaa ee uu la socdey safiirka Ruushka ee April 6 lagu
weeraray woqoojiya Ciraaq in lagu qarinayey
Saddam.
Ciraaq: 7 Askari oo Maraykan ah oo Nolol Lagu Helay
Wararka maarta ka imanaya Ciraaq ayaa sheegay in 7
askari oo Maraykan ah laga helay Ciraaq, askartaas oo ah kuwo ay
Ciraaqiyiintu mar sii horeysey qabteen. Waxaa wararku intaas ku dareen in
askartaas am Marayku heleen aygoo kusii jeeda magaalada Tikrit.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 12,
2003
- Bush oo Dib u dhigay Safarkiisii Canada
- Mosul: 20 qof ayaa dhintay 200 waa dhaawacmeen dagaalo qabaa'il
- Canada waxay caawineysaa Ciraaq haddii la
weydiisto:
20 qof ayaa dhintay 200 waa dhaawacmeen dagaalo qabaa'il oo
kadhacay Mosul
Sida ay werisey IOL,
Magaalada kutaal woqooyiga ciraaq ee Mosul waxaa ilaa jimcadii ku dhintay 20 qof,
waxaana ku dhaawacmay 200 qof dagaalo dhexmaray Carabta iyo Kurdishka
magaaladaas wada degan. Waxaase
lagu soo waramay in magaaladu ay yarehe xasiloonayd galabnimadii Sabtida.
Mosul waxay 450km woqooyi ka xigtaa Baqdaad, tirada dadka
kunoolna waxaa lagu qiyaasaa 1.5million oo u badan Carab. JImcadii lasoo dhaafay
ayay magaaladaasi gacanta u gashay Kurdishka oo uu Maaykanku taageerayo.
Bush oo Dib u dhigay Safarkiisii Canada
Jean Chrétien
|
Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CBC, Madaxweynaha
Maraykanka, George W. Bush,
wuxuu dib u dhigay safarkii horay ugu qorshaysnaa ee ahaa in uu ku
tegilahaaCanada May 5,
lamana sheegin waqtiga cusub ee uu halkaas tegi doono. Waxaa warku intaas ku daray in
qadar saraakiil ah ay sheegeen sababta safarka dib loogu dhigay in ay tahay
Bush oo ku mashquulsan Ciraaq, halka qayb kale ay sheegeen in arintaan dib u
dhiga ay qayb weyn ka qaadatay xiriirka labada dal (Canada iyo USA) oo
maalmahaan xiriirkoodu adkaaday. Labada dal waxaa xiriirkooda adkeeyey mowqifka dawlada
dhexe ee Canada ay iska taagtey dagaalka Ciraaq iyo hadalo dhan ka ah
Maraykanka ee kasoo yeeray xubno kamid ah dawlada ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, waa
sida warku u dhigaye. ka Daawo
Warkaan...CBC.TV.
April 9keedii ayey ahayd markii ra'iisul wasaaraha Canada ka
hadlay xiriirka labada dal ee Canada & USA, markaas
oo Jean Chrétien yiri khadka wada
xiriirku waa iska cadyahay, wuxuuna si buuxda uga filayey Madaxweynaha
Maraykanku in uu Canada soo booqdo bisha May. [Daawo
Halkan]
SARS: Sheybaarayaasha Canada ayaa helay qaab-dhismeedka uu u
samaysan yahay Viruska sababa cudurka hadda dunida ku cusub ee loo yaqaan SARS Daawo Halkan.
Canada waxay caawineysaa Ciraaq haddii la weydiisto:
Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien, oo ka walaacsan sharci darada ka
aloosan Ciraaq iyo biliqada ayaa sheegay in ay dhici karto in Canada ay booliska
Canada ee loo yaqaan RCMP u dirto Ciraaq si loo sooceliyo sharciga iyo
kala dambaynta. Waxaase
lasheegay in dawlada dhexe ee Canada ay arintaas ku dhaqaaqeyso haddii la
weysiisto Daawo Halkan.
WARARKA CIRAAQ: APRIL 11,
2003
-
Maraykanku Sharciga ayuu jebinayaa: UN
- Maraykanka oo kusii jeeda Mosul
- Safiirka Ciraaq u fadhiyey Moscow oo hawshiisa sii wadi doona
- Baqdaad oo lagu soo rogayo Bandow
- Guriga Saddam walaalkiis oo la duqeeyey
[100km galbeedka Baqdaad]
- Qusay oo Lagu Arkay bartamaha Baqdaad
- Maraykanka oo cadaadis Suuriya kusaaraya in ay Xiraan
Xadka
- Hogaamiye Sare oo Maraykanka raacsanaa oo
lagu diley An-Najaf: IOL
- Bush iyo Blair oo Dhambaal TV ah u Diray
Reer Ciraaq
-
Dhamaan Halkan ka akhri...
WARARKA CIRAAQ: APRIL 10,
2003
- APRIL 9 IYO BAQDAAD
- Kurdishka oo galay Kirkuk:
- Dadka Maraykanka ah oo aan iibsanayn
waxyaabaha laga keeno Faransiiska:
- Dhamaan Halkan ka akhri