somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Sheekadii kiishka

 Qaybtii 1aad | Qaybta 2aad |  Qaybta 3aad

Ku xiriirsan Qaybtii 1aad 

Islamarkiiba diintiisa ayaa maskaxdiisa toosh ku daartey, waxaad moodaa inuu maqlayo cod dheer oo dhawaaqaya oo leh ninyohow maalkan adugu malihid waa maal qofkii lahaa ka dhumay oo aad adugu heshay, waa khasab inaad halsano naadiso, hadaadan sanad qofkii lahaa helin markaasey kuu xalaaloobi kartaa !!!

Wuxuu is-hordhigey sanadka dherer badanaa qof maanta qadadii u dhimanaya muxuu sanad sugi karaa? Halsano oo soo socotase manoolaan doontaa? Qoyskiisuse manoolaan doonaa? Markuuse gaajo u dhinto isaga iyo dadkii dhaxli lahaa kadib dahabka inuu yeesho maxay taraysaa? Islamarkiiba waxaad moodaa awoodii uu helay inay dhimatey oo laga siibey wuxuu tammaniyey inuusan dahabkanba heliba lahayn oo uusan itixaankan iyo dhibkan marin.

Waa nin diintiisa garanaya diintiisu waxay leedahay maalkan kolay hadaad heshay waa khasab inaad naadisid hadaad meeshiisii ku celiso oo uu sidaa kulumoo lagu waayo adaa mas’uulka ah aakharo hadaadan markii hore heli lahaynse dhib kuma saarnaadeen, figrada kala duwan ayaa madaxiisa isdhaafey ilaa aad moodo dhafoorkiisu inuu jabi doono figradaha garaacaya dartood, hadana waxaad moodaa inuu cod kale maqlayoo ku leh waxaani ninyohow waa risqi alle oo laguusoo jiidey ee qaado wax kaasaarani majiraane oo ilmahaan geeridu hadadeyso gaajada iyo aradka kaga saar kadibna markii alle waxkale kuu sahlo waad u celin doontaa qofkii lahaa ama ayadoo qaar dhiman hadaad u gayso waa qof qani ahoo waxba yeeli mayso dhimanaantu.

Mise diintiisii ayaa u dhawaaqaysa oo leh ninyohow sabar adkeyso oo amaanada allah hakhayaanin oo allah ha caasiyin markaasuu go’aansadey inuu adkeysto xataa haduu dhimanayo oo allah kaalmeysto markaasuu guriga xagiisii u luuday isagoo kiishkii hoosta ku qarinaya ilaa uu helo cidii lahayd ama allah kala xukumo.

Gurigii ayuu soo galay isagoo is xulubaya oo raba inuu dadka guriga jooga warkaan kaqariyo.

Haweeneydiisii ayaa tiri qayaathow maxaa waqtigan kusoo celiyey? Markaasuu yiri waxba wuxuuna jeclaadey inaysan waxba kafahmin.

Markaasey tiri maya igadaa wallee waxbaad sidaaye iisheeg waamaxay? Markaasuu kacabsadey haday aragto kiishka isagoo kaqariyey inay kala dhintaan dumarkana wixii laga qariyo wax kaneceb!! Sheekadii ayuu uga waramey waxay ahayd haweeney diin badan alla kacabsi leh laakiinse isaga ka quwad iyo adkeysi yar kana go’aan jilicsan, markaasey tiri fur oo nooga soo saar diinaar aan waxkasoo gadgadano daruuraa nahaysa qofka daruuradu haysaana xattaa baqtiguu cunaaye, markaasuu yiri maya wallaahay hadii aad taabataana ama cid u sheegto waa markii isugu keen dambeysey waa sidaan u kala dhimaney.

Waana ka dhaqaaqey xaramka xagiisa ayadoo aad u xanaaqsan isagoo baadi goobaya qofkii lahaa waa intaasoo uu wax xalaal ah ka qaataa oo u caruurtiisa ku quudiyo.

Waxaa xaramka markaa dhexjooga nin dhalinyaro ah oo cilmi dalab ku yimid, waa imaamu Dabari, isagoo ka sheekaynaya wuxuu yiri waxaan arkey nin khuraasaani ah (khuraasaan ka yimid) oo ku dhawaaqaya xujayda alloow yaa arkey kiish qofkii arka kiish kun diinaar ku jiraan oo ii keena ajarkiisa alla ha u laablaabo!! Markaasaa waxaa istaagey oday aad u duqoobey oo reer mako ah oo yiri ninyohow khuraasaaniga ahi magaalayadan dadkeedu waa dadaan waxba haysan oo cayr u badan duruufteedu aadbey u adagtahay maalmeheedu waa tirsan yihiin sanad guurooyinka soonka iyo xajku waa kuwo la sugo waxaana dhici karta inuu kiishku gacanta u galo nin mu’min ah oo hunguri ka qaba wax xalaal ah inaad kasiiso oo uu soo celiyo

Ninkii wuxuu yiri yaab badanaa!! Imusuu doonayaa? Odaygii wuxuu yiri toban meelood meel boqol diinaar.

Ninkii wuxuu yiri yaab badanaa siin mayno allaase ku toosan allaan u cuskanaynaa allaan hanaga qabto.

Ardeygii wuxuu yiri waxaan iskula hadley in odaygu kiishka helay markaasaan daba galey ilaa gurigiisii guri buul ah oo aad u fool xun gurigii ayuu odagii galay.

Markaasaan maqley isagoo leh lubaabo say tiri hee, qayaath suu yiri kiishka ninkii lahaa ayaan helay oo naadinaya oo calaamadihiisii oo dhan tilmaamey markaasaan iri war qofkii hela wax u balanqaad markaasuu diidey.

Markaasey tiri konton sano ayaan faqri kugula noolayn, waxaad leedahay afar gabdhood, labo walaalahaa ah, aniga iyo hooyaday, adugu reerkan sagaal baad ku tahay, qayaath ilaahay ha karaameeyo nin dadkaan geerida ka badbaadiyey, maalkan maadan soo xadin, mana aadan xoogin, laakiin allaa hortaada dhigay, hadaba ha diidin nicmo alle adiga alla kuu doortey ilaahay dumarkan aakhiro waa ku waydiinayaa.

Ardeygii wuxuu yiri waxaan fiiriyey odayga wajigiisa waxaan ka dareemey inuu ka fakerey gabdhihiisa oo gaajo u dhimnaya haweeneydan miskiinta ah oo harageedu korkeeda ku qalaley oo korkeedu arad lawada qaawan yahay neeftu ay wali ku socoto aanse waxba u dheerayn naftiisaa markaas yara jilicday indhihiisuna ilmay ceshan waayeen, haweeneydii waxay aragtey jileecaas markaasaa hungurigeedii sii batay oo su’aashii ku celcelisay, hadana waxaan arkey wajigiisa oo adkaadey naxariistii ka kasii guurayso sababtoo ah wuxuu xasuustey faqrigan iyo gaajadan inuu konton sano kusoo adkeystey oo uusan waxna xadin allana caasiyin, hadaba waxaasoo dhan ma waxaad ku dumin kartaa maalin raaxadeed, qabri baadse ku dhawdahaye ma waxaad allah hortagaysaa adigoo amaanadiisii khayaaney, markaasuu isyiri caruurtan allah ayey leeyihiin isagaana kaaga naxariis badan kaagana turiin badan, markaasuu go’aankiisa adkeystey oo kor u qayliyey ma yeelayo xiidmahaygana xaaraan ku gubi mayo lix iyo sideetan sano oo aan jiro kadib, markaasuu aamusey haweeneydiina aamustay aniguna aan iska tagey.

Maqribkii ayaa la adimey odaygii iyo caruurtiisii xabad xabad timir ah oo googo ah ayey kor fariisteen, dadkiina xeeryaha ayaa geesaha laga fariistey guryohooda waxaa kasoo uraya hilbaha shiilan iyo xalwada ayku raaxaysanayaan, ayagoo hilmaansan in bisha ramadaan tahay bisha raxmada iyo aadaminimada iyo wax isu doorka sidoo kale inaan allah inala doonayn gaajada iyo haraadka iyo qaharka oo kaliya ee ujeedadu tahay in gaajadan yar oo ikhtiyaarka ah oo maalinta ku siman lagu xasuusto in aduunyada ay kula joogaan dad gaajeysan gaajo khasab ah iyo faqri oo xad ay ku dhamaato aan lahayn si taasi loogu dareemo ixsaanka iyo samafalka masaakiinta hadaba qofkii korfariista miis balaaran oo noocnooc cuno ah ka buuxa dariskiisuna uu gaajo isla rogrogayo aanna dariskaas kafakarin cunadiisana wax kasiin ma uusan soomin soonna waxba kama yaqaan haduu rabo ha gaajoodo oo ah oomo.

Waxaad caadaysato dareenkoodaa yaraada hadaad nicmada laqabsatana macaankeedaa dhinta sidaasaa allah soonka u waajibiyey si aan u dhadhamino kulaylka baahida markaad wax waydo oo aan u garano macaanka nicmada markaan haysano sidoo kale inaan maalintii dareeno baahida aan u qabno xabad rooti ah iyo galaas biyo ah oo aan markaas u ogaano in luqmadan cayshka iyo galaaskan biyaha ay nicmo wayn oo alle yihiin oo aynaan u ilaawin inaan allah ku shugrino ama masaakiinta siino sidii ninkii maalintii lahaan jirey hal xabo oo rooti ah markaasuu maalintiiba jab dhigi jirey markey jababku isgaargaaraan ayuu maalin cuni jirey si uu xabadii maalintaas qof aan haysan u siiyo.

Odaygu waxaan oo dhan ayuu ku fakareyey markaasuu kaxumaadaa sida ay noqotey xaaladdii muslimiintu markaasuu hadana dib isugu laabtaa oo xasuustaa dadkani inaysan wax dambi ah arrintan ku lahayn ee in allah yahay kan dadka khayrka dareensiiya arsaaqdana qaybiya wuxuusan allah bixina aan cidna bixin Karin markaasuu dhahaa allow waa mahaddaa raalibaan qadarkaaga ku ahay.

Habaynkii afaraad ayaa dhamaadey isagoo aan waxba cunin sababtoo ah jajabkii timirta ahaa caruurtuu u daayey si aan naftu uga dhicin.

Ardeygii wuxuu yiri maalinkii dambe ayaan maqley ninkii khuraasaaniga ahaa oo hadana leh “xujayda alloow wafdiga ilaahayoow mid miyi ka yimid iyo mid magaalo joogoow qofkii arka kiish kun diinaar ku jirto oo iisoo celiya ajarkiisa allah ha laablaabo” odaygii ayaa istaagey oo yiri ninyohow khuraasaaniga ahi shalay hadalbaan ku iri oo waan kula taliyey magaalayaduna wallahey waa cayr beerana maleh xoolo noolla maleh waxaana ku iri waxaa dhici karta in uu nin allah ka cabsanaya aadna u baahan gacanta ugu dhoco ee boqol diinaar sii waadna diidey boqolkaasaana isaga iyo qoyskiisaa alle ku asturi lahaa hadaba hada toban diinaar kaliya sii markaasuu yiri khuraasaanigii yaab badanaa yeeli mayno ee allaan u cuskanaynaa isagaa awoodlee waana kala tageen.

Maalinkii ka dambeeyey ayaan hadana arkey ninkii khuraasaaniga ahaa oo sidii u naadinaya baadidii hadaladiisiina ku celcelinaya odaygii ayaa hadana istaagey oo yiri ninyohow doraad waxaan ku iri boqol diinaar shalayna waxaan ku iri tabon diinaar oo labadaba waad diidey hadaba hadda hal diinaar kaliya sii ninka hela oo barkiisna uu nafo dhimanaya ku quudiyo barkiisna uu gaari-gacan uu biyaha dadka ugu dhaamiyo si uu uga iibsado uu ku gato, ninkii wuxuu yiri yaab badanaa yeeli mayno allaanse u cuskanaynaa cidda waxayagii haysata isagaa awoodlee.

Halkan ka akhri Qaybta 3aad .... GUJI....

wixii faahfiina kala xiriir email : somalistar1@yahoo.com 
Waxaa diyaariyey :C/risaaq Abshir
 

2002-12-28
FAAFIN: SOMALITALK.COM

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD