Sannadguuradii
14d ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed
Cali
W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle
Feb. 10, 2005
Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2005, beesha
Nuux Maxamuud meel kasta oo ay joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh
u xusayaan sannadguuradii 14d ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo
dhammaantood ka tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah
loogu gumaaday Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada
Kaaraan ee magaalada Muqdisho taariikhdu markii ay ahayd Feb. 10, 1991.

Maalintaas iyada ah ciidamo hubeysan oo daacad u ah maamulkii
Cali Mahdi Maxamed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, ayaa si
banii-aadannimada ka baxsan u xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan waxba
galabsan loo xasuuqayna waxay ahayd cadownimo qabiil oo xilligaas si gaar ah
loola beegsaday guud ahaan beelaha ku abtirsada Daarood.
Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay
dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho ee lagu riday dowladdii Maxamed
Siyaad Barre. Waxayna saarnaayeen gaari xammuul ah oo ay ku qaxayeen,
kadibna waxaa xoog ku qabsaday maleeshiya hubeysan iyagoo maraya tuulo la
yiraahdo Mubaarak oo u dhow degmada Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu
celiyey magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay hore uga soo barakaceen.
Markii Muqdisho lagu celiyey, waxaa loo gacan geliyey ciidamo
nacayb gaar ah u qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla
markiina, guddi si gaar ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna
ansixiyeen in la xasuuqo dhammaantood iyaga oo aan waxba galabsan, dembina
lagu soo oogin.
Taariikhdu markii ay ahayd 10-kii Febaraayo 1991, ayaa
xukunkaasi lagu hor fuliyey guddi sare oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas.
Dadkaas waxaa lagu laayay qoriga loo yaqaan Baroon, meydkoodiina waxaa lagu
aasay hal god!

Goobtii Lagu Aasay Dadkii La Xasuuqay!
[ Innaa
Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun ].
Wax yar ka dib, marki la fuliyey xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi
Maxamed ayaa wareysiyo kala duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan
Jabhaddii USC la dilay kadib markii looga shakiyey in ay abuurayaan
amni-darro carqalad ku ah jabhaddii USC. Hadalkaas waxaa laga sheegay
Idaacadda ku hadasha codka maamulkiisa, wuxuuna ahaa marin-habaabin loola
jeedey in lagu baabi’iyo dambiyada dagaal ee la fuliyey. Shacabkan la
xasuuqay waxay ahaayeen dad ku abtirsada beesha Nuux Maxamuud waxayna
ab-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen kamana mid ahayn jabhaddii USC. Sidoo
kale ma ahayn dad hubeysan.

Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday, ganacsato iyo
culumaa’udiin, da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir). Cali Mahdi
Maxamed wuxuu wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd
ilaa 50 qofood balse tirada runta ah waxay dhammayd lix iyo siddeetan (86)
qofood. Bayaanka idaacadda laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo
ahayd in uu daboolo ama qariyo falalka banii-aadannimada ka baxsan ee
maamulkiisu ku kacay.
Xasuuqani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka
dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argaggax
leh ee isugu jira: jirdil, kufsi iyo afduubyo loo geystay beesha Nuux
Maxamuud. Falalkaas oo dhammaantood diiwaan-gashan xilliyadii ay dhaceen iyo
goobihii laga fuliyeyba waxaa weeye kuwo naxdin leh oo argaggax kugu beeraya.
Xuskan sannadguurada 14d ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare
ee Maxamuud Axmed Cali, oo ah mid aan ka baabi’i doonin xusuusta dadka
Soomaaliyeed ee nabadda jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, wuxuu kamid
yahay dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 14-kii sano ee
ugu dambeeyey.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed
iyo hey'adaha aan dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil weyn
iska saaraan sidii looga hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah
banii-aadannimada loona aqoonsado kuwa ka dambeeya dambiilayaal-dagaal.
Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa dhammaan Ururrada Bulshada
oo ay saxaafadda Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo ololaha
wacyi-gelineed ee ku wajahan nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si loo
abuuro jawi nabadeed oo saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada
noolaadaan si nabad ah oo caddaalad iyo sinnaan ku dhisan, loogana digo kuwa
geysanaya xad-gudubyada ka baxsan xuquuqda aadanaha ee dhacaya goor walba.
Warbixintan waxaa
diyaariyay:
Cabdulfataax M.
Cabdulle
warbaahinta@yahoo.com
::: ENGLISH
VERSION :::
14th Commemoration of the Massacre at Mohamud Ahmed Ali
Secondary School
By: Abdulfatah M. Abdulle
Today, February 10, 2005, the Nuh Mohamud clan all over the
world is commemorating, with deep sorrow and pain, the 14th commemoration of
the massacre of 86 victims of their people. These victims were deliberately
massacred in the then Mohamud Ahmed Ali Secondary School, located at Kaaraan
District of Mogadishu, Somalia, on February 10th, 1991.
On that day, the execution has been carried out by armed
militia loyal to the then Ali Mahdi administration, appointed in Djibouti.
The reason for killing these innocent civilians was a part of well planned
ethnic cleansing towards Darod population who were, at that time, singly
targeted for massacre in and around Hawiye dominated area.
The massacred victims fled from the ongoing civil war that
resulted the ousting of former regime of Mohammed Siyad Barre. They were
captured by heavily armed militia while traveling on transport trucks in
Mubarak, near the district of Afgoi. They were forcibly returned to
Mogadishu and held as prisoners in the Mohamud Ahmed Ali Secondary School.
Immediately, the captives were handed over to another militia
from the tribes neighboring with Nuh Mohamud clan and then a special
selected committee of Mahdi's administration held an emergency meeting in
Towfiq Hotel. The committee issued a decree authorizing to massacre all of
these innocent civilians. Their order has been implemented on Feb. 10th,
1991 with the presence of some of high status officers. The victims were
massacred with heavy machineguns and buried in a mass grave!
Shortly thereafter, Mr. Ali Mahdi issued statements in
different interviews that totally denied the facts. He said that about 50
men of the United Somali Congress (USC) had been killed after they were
allegedly creating instability in their community. His statements were
broadcasted from a radio station of his own administration and were meant to
hide the atrocities committed by his administration.
On the contrary, the victims were unarmed, innocent civilians
of Nuh Mohamud, a subclan of Majeerteen, and were never part of the USC.
The victims were students, businessmen and religious people
between the ages of 8 and 65 years. This massacre was the first of its kind
in Mogadishu. It officially cleared the way for further prosecutions in the
form of torture, killing, rape, intimidation, blackmail, etc. against the
Nuh Mohamud clan. These documented facts are events, which will leave
everyone with a great sorrow.
The 14th commemoration of the Mohamud Ahmed Ali Secondary
School massacre, which is unforgettable event to all peace-loving Somalis
everywhere, particularly the Nuh Mohamud community, is just one of the
inhuman crimes happened in Somalia during the past 14 years.
Therefore, I am appealing to all the Somali people and
pro-human rights non-governmental organizations for ideas on ways to
confront atrocities against humanity and recognize those behind them as war
criminals.
I am also appealing to the local and/or international media
groups as well as the civil societies to increase the awareness of human
rights in order to create a peaceful environment for the Somali people. A
peace based on justice and equality that will always remind those committing
crimes against humanity of the wrongness of their deeds.
Cabdulfataax M.
Cabdulle
warbaahinta@yahoo.com
Faafin: Somalitalk.com | Feb 10, 2005
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qorayaasha ku saxiixan
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
www.somalitalk.com/maqaallo
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|