Abwaan
darwiish iyo gabaygiisii Daawo Qabiil
W.T:
abwaan Nooradiin darwiish
Sydney Australia
E-mail:
darwiish2020@hotmail.com
Abwaaniinta soomaaliyeed ayaa inta badan
dareenkooda ku cabira aragtida xilliga taagan, tasoo mar walba ay ku
hogatusaaleeyaan shacabka, dhibka jira iyo halka looga dabaalan karo, hadaba
waxaa barnamijkena marti noogu ah Abwaan nuuradiin darwiish oo ka mid ah
jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Australia.
Abwaanka ayaa oo ah maanso ruug
soomaaliyeed ayaa ka damqadey Dagaalada sokeeye ee ka oogan soomaliya mudda
rubac qarniga ah, dagaalkaan oo sida la sheego bud dhig u ah qabiilka, ayaa
abwaanku waxaa uu ka hadlayaa dhibaatada qabiilka, iyo sida loogu baahan
yahay in dadka soomaaliyeed in ay isu tanaasulaan si loo helo qaranimo
soomaaliyeed o buuxda taasoo sida abwaanku qabo lagu qaari karo maqaam ifiya
iyo Guri samaad lagu nagaado, waxaa kaloo abwaanku qirey in horjoogayaasha
kooxaha ay mas’uul ka ahaayeen gabood faladii ka dhacay dalka ee keenay
qaran jabka soomaaliyeed ee mudada qaatey,
Abwaan nuuradiin ayaa gabaygiisii Daawo
qabiil ku bilaabey
- Dagaalada dalkeyga ka dhacay daal
ma igu reebay
- Dagaalkaas qabiilkaa dumiyey qaran
dalkii hooyo
- Dabaabaad ayaa waxays ku riday duul
walaalaahe
- Dantoodii ayey wada gefeen duhur
dharaartiiye
- Dibindaabyo hoosaa jirtee doqone
waa mooge
- Daawadoo cayaar maahinee dhiig aaya
daatay
- Diric & weliba waxa la dilay geesi
daacadahe
- Dulmigaas qabiil loo guntiyey baan
diirka ka cadeyne
- Degmo ilaa gobol hadii noloshi
duugoowday
- Dilka & xumaanbataba haddan derajo
moodeyno
- Deegta qoriga noo saran & daarahoon
domino
- Derisnimada oon diidno & sharafta
diinteena
- Duqey iyo caruur baa la dilay iyo
dumarka & hooyo
- Duqsiyadii quraankiyo hadddii
diinta laga leexday
- Dooxatada falkeedba hadii loo
dadaalaayo
- Daaqadaha xumaantee la furay yaa
dabool saaraa.
-
- Afartaa da iyo woowga iyo deel maka
hingaadshay
- Dantii aan ka rabay iyo wadada
derita moow qaadshay
-
Daleel gabaygu iima tagee meydin deegsiiyay
- Deeleyda maansada abwaan
daadah-shaan ahaye
- Dadku markeey dagaagaan ayaan gabay
ku doojaahe
- Dahab lumay nin doondoonayoo daalan
baan ahaye
- Danqashada wadanimo ayaan faaraxow
demine
- Daljirkii dalkaygaan ahoo dirir
qabiil diidan
- Dalkiisii nin jecel baan ahoo
qurbaha daalay
- Calankeyga doogaa ayaan daawadaa
abide
- Dadka oo heshiiyaan rabaa dowlad
daacad ahe
- Dareenkaas qabiilkaa ayaa daawadiis
keenay
- Dadweynoow dantaadii ayaan doorkaan
kuu sheegi
- Daqaal oogayaashii ayaad daacad
moodane
- Dugsi malaha qabyaaladi waxay
dumiso mooyaane
- Daba dhilif shisheeyaha la jira
doolar badan qaatay
- Dirirtaas colaadeed wadiyo dabino
qoolqoolan
- Duulaan colaadeed kuwaas qoriga
deegeystay
- Duligiyo xumaha kuwa nabaday ee
nabada diidaaya
- Dalaal iyo malaal iyo kuwaas
daacada ilaaway
-
Dariiqyada habeenkii ku hara ceebta daba jooga
- Darajada habeen riyo ku helay ee
duhurkii doonaya
-
-
- Afartaa dadiyo woowga & deel maka
hingaadshay
- Dantii aan ka rabay iyo wadada
derita moow qaadshay
- Daleel gabaygu iigama tagee maydin
deeqsiiyay
- Dadku Markeey dagaagaan ayaan gabay
ku doojaahe
- Afar kale waa iga didniin aan dadka
u sheege
- Dufta sare daxal hoosta taal maan
dabka ilaawno
- Diidmada qayaxan iyo hunguri doobi
loo culayo
- Daar dheer kursiga saaran ee beenta
lagu doono
- Dacas wada dhamaadeey danbiil
dacalka haystaane
- Dirqi xoog ku dooreey rabaan
dabamar sheydaane
- Docwareenka waa lagu yaqaan deyrada
iyo hooga
- Debnaha hadalka caaydaa ku badan
duco ma sheegaane
- Deymada indhaha kugu gubaan xaqa
daboolaane
- Duxmalaha qabiil iyo waxeey darajo
moodaane
-
Damac iyo hunguri baa ku jira nolol dariiq beeshay
- Dalka anaa u talin baa qabiil
laysku doox-dooxay
- Duqeydii caruurtii miyaa daawo loo
waayey
- Dunidii ayaa yabane nabada yaa
diidan
- Dadku inuu degiyo yaanan rabin
derisnimo kheyrka
- Durbaanada qabiil yaa tumoo yaa
damiir beelay
- Deyn deyn ku gaar yaa duqey doolar
badan siiyey
- Danta guud aaya diidanoo tiise yaa
doonay
- Kanaan dilay kanaan dila lahaa yaa
dadka u sheegay
- Daboolkaan ka rogey faaraxoow doodi
qarameede
- Wadaniga danqanayaan u furay doow
la soo mara e
- Doqon dheregtay waa lagu yaqaan
daaciyo qurine
- durduradana waa lagu yaqaan socod
dabaaleedka
- Daawadii qabiil baan hayaa ee
dadyahow hooya
- Duuduub waxii hore udaa hoow
durbaantumine
- Dufta sare daxal hoosta taal maan
dabka ilaawno
- Duuduub hadan loo liqeyn dacar
qaraarkeeda
- Daalkii xanuunkii dadyahoow soow ma
daashaanba
- Dermo laysu fidiyo hadaan caano
lagu daadin
- Daacadii ilaaheey hadan nabad loo
dooran
- Duco guud hadan faaraxoow duhur la
wada yeelan
- Denbiyadii la kala galay hadan
nabada loo deynin
- Duulba duul waxii uu ku dhahay
daaqada laga tuurin
- Derisnimada kow ah iyo haddan
faaraxoow nabad la doon-doonin
- Dastuur noo dejiya oo dadyahow
nolol dugaag diida
- Daa'inoow ilaahoow mar kale nabad
soo daabur
- Darwiish baa aniga lay yiraah geesi
daacadahe
- Dalka inaan imaadaan raba oon aan
soo degee
- Xamar baan dulheehaabayaa sida
dabeyshiye
- Dayaaradaha dheereeya iyo dulal bay
sida'e
- Deg markaan iraahdaan arkaa dhiig
la daadinayo
- Diiftaas shacabka haysaan arkaa iyo
darxumo guude
- Dalkeygaan jeclahay faraxoow
dunidan oo idil
- Danbi malaha ruuxii ilaah uu ka
daayaaye
- Dunidaan hadii aan ka tago oo naftu
I deyso
-
calankeena igu duuga oo ducana ii dhaafa
- Ma duugoowdo taariikhdu oo wax noo
dihane
- diiwaanka meel iiga qora darxumada
qurbaha igu heshiyo sheega diiftayda
- Daa inoow ilaahoow dalkaygii
markale dowladnimo noo hel
Kala xiriir abwaan Nooradiin darwiish
Sydney Australia
E-mail:
darwiish2020@hotmail.com
Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Waxaa diyaariyey barnaamijkaan
Hassan dhaaley
Dheel10@hotmail.com
Muqdisho somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Apr 25, 2005
GABAY:
GABDHAHEENNA
WACANOW [Kawnayn]
GABAY:
GUUBAABO: Gabay
Taariikhi ah [Cali-Qeyr]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|