Inj. Cumar C/nuur Nuux (Nabaddoon)
Omarabdinur@hotmail.com

Inj. Cumar C/nur Nuux (Nabaddoon) |
BAAQ (Gabay)
Maansadaan BAAQ waxaa tiriyey Inj Cumar C/nuur
Nuux – Nabaddoon. Waxay maansadu soo baxday 18/07/2005. Inj. Nabaddoon oo ka
maansooda xaaladda dalka gaar ahaan dhanka nabadgelyada iyo jiritaanka
qarannimo ayaa gabaygiisii ugu danbeeyey wuxuu ahaa gabaygii
Dhallaanruug
ee soo baxay bishii Jan 2004. Intaas wixii ka danbeeyey abwaanku waa ka
gaabsaday (marka laga reebo gabay kaftan-dhable ahaa oo dhexmaray Geeddi iyo
Qanyare), isagoo eegayey bal in dhallaanruugyadii dhaqankooda wax ka
baddalaan, maaddaama maamulkii oo dhan iyagu qaybsadeen. Gabaygaan oo
tusaaleyn, baaq iyo bayaan isugu jira wuxuu leeyahay:
- Haddaan baahi qurgooyo
- Laga baaqsan karaynin
- Baqtigu wayska xalaaloo
- Naftu way ku badbaadi
- Waxa taa u banneeyana
- Rabbi baariya weeye!!
- Beryaan aammusanaayoo
- Dagaal ooge bahoobiyo
- Dawladdii Em-bagaati (Mbagathi)
- Aan ka qaaday bannaanka
- Mar haddii baddankoodi
- Maamulkii laga buuxshay
- Bog cad bay furayaan iyo
- Beryaan taas islahaaye
- Bal aan maanta u baaqoo
- Bayaankaan u hibeeyo.
- Ilmaheenna bacaadka
- Iyo boodhka dhex jiifa
- Ka basaasay tacliinta
- Madaxdii barritoole
- Haddii aan la barbaarin
- Burburkii ina gaaray
- Saw kasii badan maayo?
- Ruux bukaan la il liita
- Misna beerka u yaalla
- Dhakhtar baaniya haysan
- Haddaad baacugga laaddo
- Saw bestiis noqon maayo?
- Haddii Beebbe xalkeeno
- Ama Baalcas ka rayso
- Dhaaxaa laysku basbeelay
- Hargeysaba burburkeedi
- Barre saw ma tijaabin
- Janankii barbarriiqday
- Halkee Baydhabo geeyey?
- Kan haddeer bururaaya
- Balcad saw gubimaayo
- Nin balaaya hurshaaba
- Kolley waa ku baxaaye
- Boqolaal kun dadkeenna
- Oo badbaado sugeysay
- Baylah saw noqon mayso?
- Intaad boobe cabbeys iyo
- Buntukh aad la ordeysid
- Baladweyn u fariiso
- Bari koox uga yeero
- Kooxda Baydhabo joogtiyo
- Bakool hayska horkeenin
- Baladxaawiyo Luuqna
- Barre Hiire ha keeno
- Beeraleyda Afgooyiyo
- Reer Baraawe xusuuso
- Boholyow qaran bay
- Dhammaantood la bukaane
- Dadkaas waa birlabtiiye
- Ka badbaadi wax yeelloo
- Hal barkiis ha ku sheegine
- U bannee dhinacooda.
- Ha go’doomin Banaadir
- Waa bu’dii waddankeenna
- Balaayaa habsatoo
- Muddo soo barkaneyde
- U bidhaami jaceylkoo
- Ugu baaq nabad buuxda
- Hadal bootiyo faan iyo
- Badda baan ku shab siinin
- Waxba soo badin mayso
- Haysku baabi’in reerkee
- U bidhaami jacaylkoo
- Ugu baaq nabad buuxda
- Dadku waa u bislaaday
- Dawlad bay u bukaane
- Colaad baase dilootay
- Burcadna waw talisaaye
- Ha ku biirinnin hooge
- Ugu baaq nabad buuxda.
- Ninna Beebbe dushiisa
- Balad soo halakoobay
- Dadku uu bahaloobay
- Kuma baanan karaayee
- U bayaani dastuurka
- Barnaamij dawlo horkeen
- Inta joogta baxnaani
- Waxna baadi ku doon.
- Kaligaa ha la boodin
- Xogta waa la badshaaye
- Isku biiri aqoonta
- Baarlamaanka u yeero
- Dhanka loo bato fiiri
- Hana boobin codeynta
- Sumcadday bi’iyaane
- Baqshiish eex ha dulsaarin
- Baladkii Xamarweyne
- Iyo suuqa Bakaaro
- Barbarkaad ka istaagto
- Burcad baa miraneysa
- Cidna aan bixineynin
- Buulo-xuubey dhexdeeda
- Iyagoon baqaneynin
- Waa kuwii u bareeroo
- Yaxye beerka ka toogtay
- Isbaaraa iska buuxda
- Baabuurtaan soconeynin
- Dadku waa u Buskeeti
- Barqadii la cunaayo
- Waxba yaan la biqlayne
- Qorshe baahsan u keena
- Baarlamaan ha heshiiyo
- Dalku maahan Bakaaree
- Buqco maamul ka doonta
- U bareera go’aankaas
- Berri aad aflaxdeene.
- Intaas wayga bayaan iyo
- Baaqii aan u diraayey
- Kuwa beebbaha saaran iyo
- Kuwa baadda ku haysta
- Xaruntii baladkeenna
- Bulshoy wayga xasuusin
- Waxa baabu’u haysto
- Ubadkeenna basbeelay
- Bukaan aan cidi eegin
- Qaran baylah ku raagay
- Birta loo tumanaayo
- Waxa laysku baduugay
- Burburee kala yaacay
- Ba’ee saw adi maaha?
- Badgariirkiyo roobka
- Waxa aan ka badbaadin
- Birmad aan cidi siinin
- Badda loogu xabaalo
- Suntii Boon iyo Rooma
- Cidna looga baqaynin
- Burburtee kala yaacday
- Ba’ee saw adi maaha?
- Aqoon loo baxsadaa iyo
- Cilmi baa dad badbaadshee
- Saraakiil billanayd iyo
- Duqii beesha hagaayey
- Waxa booca jaraaya
- Ba’ee saw adi maaha?
- Dib u baadh ficilkaaga
- Bil dhacdaad u egtee
- Iska baacso qabyaalad
- Waad barooran hadhow’e
- Ama boodhka ka qaado
- Baluugleey calankaaga
- Dulli aad ka baxdoo
- Aad badhaadhe heshee
- Bulshoy taas kala dooro.
===Dhammaad====
W. T. Inj. Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2005
MAANSADA
HORE |
MAANSADA
XIGTA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|