Qaramada
Midoobey oo Shaaca ka Qaaday
Beeraha Daroogada ee Sheikh
Yuusuf Indhacadde in uu
Sannadkiiba ka helo $600,000,
Beerahaas oo ah Kuwo Laga qaaday
Dadkii Lahaan jirey...
Beerhaas daroogada oo
lagu qiyaasay 10 Beerood waxay
ku yaalaan dhul beeraadka Jannaale, Shalambood, Qoryooley,
Buulamareer iyo Kurtun Waarey... Daroogada Tayada Xun ee
aagaas ka soo baxda waxaa loo diraa Muqdisho iyo dalalka
deriska ah, halka daroogada tayada leh loo diro dalal
shisheeya....
- Isha: Qaramada
Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 11, 2005
Warbixin Dheer oo ay soo
saartay Qaramada Midoobey ayey markii ugu horeysey si
faahfahsan uga hadashay waxyaabaha sababta u ah dhibka xalka
loo waayey ee Soomaaliya in ay sal u tahay lacagta ay sida
joogtada ah ee dhiig miiradka ah u helayaan qabqablayaasha
dagaalka iyo ganacsadada Daroogada, dhuxul gurayaasha,
Qaadka, iwm.
Qoraalka UN-ku waxa uu si
gaar ah u xusay beeraha daroogada ee Sheikh Yuusuf
Indhacadde uu ku leeyahay shabeelada hoose. Qoraalku markii
uu arrintaas ka hadlayey waxa uu ku bilowday sidan:
Sheikh
Yuusuf Indhocadde waxa uu ka arrimayaa gobolka Shabeelada
Hoose; waa sidii governor (Guddomiyha gobolka). Xarrunta
Indhocadde madaxtooyada u ah waa Buulamareer, oo ku taal
aagga baaxad weyn oo uu ka baxo Moosku oo woqooyi galbeed ka
xigta magaalada Marka.
Jograafi ahaan aagga uu ka
arrimiyo waxaa kamid ah marsooyinka badda ee Marka iyo
Baraawe - waxana uu leeyahay doonyo kalluumaysi - iyo
garoonka diyaaradaha ee Marka.. Aggaas maxalliga ah ee uu ka
taliyo waxaa kamid ah dhul beeraad - ay ku jiraan in badan
beeraha daroogada ah, beerahaas oo laga qaaday dadkii lahaan
jirey.
Si uu aaggaas u xakumo waxa
uu leeyahay maleeshiyo u gaar ah oo uu isagu leeyahay,
kuwaas oo ka kooban rag ka yimid beeshiisa hoose iyo
qabiilkiisa (waxana qoraalku xusay qabiilkiisa). Waxa kale
oo uu Indhacadde leeyahay waardiyaalaal tiro badan kuwaas oo
ah kuwa uu ugu kalsoonida badan yahay oo ah beeshiisa hoose.
Miisaaniyada Sheikh
Indhocadde uu ku iibsado hubka waxa ay ka timaadaa ganacsada,
dekedaha Marka iyo Baraawe, garoonada diyaaradaha,
isbaarooyinka, beeraha, NGO-yada, doonyaha kalluumaysiga,
iyo ilo kale. Sheikh Indhacadde dad ka socda ayaa cashuurta
ururiya Toddobaad kasta. Bilkastana lacagtii la ururiyey
waxa uu ku bixiyaa ama siiyaa xubnaha maleyshiyadiisa, kuwa
u dhowdhow ama ku xeeran ee jaalka la ah ama
lataliyayaashiisa ah iyo cuqaasha qabiilka, waxana uu
iibsadaa hub. Marka uu lacagahaas bixiyo, wixii soo hara, oo
lagu qiyaasay $50,000 oo doolar waxaa qaata Sheikh
Indhacadde qudhiisa.
Sheikh indhocadde waxa kale
oo uu dakhli ka urursadaa NGO-yada oo la'aantiis aan aagaas
ka hawl geli karin, waxaa shardi ah in ay lacag siyaan isaga
si ay u helaan ogolaansho ay ku hawl galaan. Waxa la
siiyaa boqolkiiba 15% waxa loogu talo galay dadka aaggaas
deggan. NGO-gu guryaha ay deggan yihiin lacagta ay ka
bixiyaan waxaa loo kala baraa Sheikh Indhocadde iyo qofka
leh guriga (ama mulkiilaha guriga). Isga ayaana leh kelmeda
ugu dambaysa ee ku saabsan Soomaalida ka hawl geleysa NGO
yada - kuwaas oo ah beeshiisa - waxana uu helaa qayb kamid
ah shaqaalahaas mushaharkooda. Waxana uu leeyahay dad isku
xiriirsan oo dusha kala socda waxa ay NGO-gu qabanayaan.
NGO-ga aqbali waaya waa laga eryaa aaggaas.
 Sheikh
Indhocadde waxa kale oo uu leeyahay Beeraha Daroogada oo ku
yaal aagga uu xakumo, oo ay kamid yihiin Jannaale,
Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey. Tirada
rasmiga ah ee beeraha lama oga, laakiin Kooxda Qaramada
Midoobey ee baaritaanka samaysay dad xog siiyey waxay ku qiyaaseen ilaa 10 beerood
oo ku baahsan aagga uu Sheikh Idhocadde Xakumo. Waxaa
lagu eedeeyey in daroogada uu waarido ay tahay Marijuana (qiyaastaa
noca loo yaqaan XASHIISH-ka*).
Beeraha Daroogada Sheikh
Indhocadde waa kuwo aad u xirfadaysan oo looga shaqeeyo hab
ama nidaam waraabineed, bacrimin iyo kala dagaalanka
cayayaanka. Shaqaalaha beerahaas ka shaqeeya waa kuwo
khibrad u leh beerista daroogada ganacsigeeda, waxaana la
siiyaa mushahar wanaagsan si loo helo darooga "Tayo ahaan
Heerkeedu sareeyo**". Daroogadaas waxaa la mariyan nidaam lagu
qalajinayo, waana la cabeeyaa, waana la qariyaa si aan loo
arag. Wixii ka soo baxa waa la qiimeeyaa: qaybta tayo ahaan
hooseysa waxaa loo diraa Muqdisho iyo wadamada deriska ah
si meelahaas loogu isticmaalo. Halka qaybta tayo
ahaan wanaagsana lagu raro gawaari, lagana dhoofiyo garoomada
ama Dekada Marka si loogu suug geeyo suuqyada caalamiga ah.
Qiyaastii sannadkii lix
jeer ayaa la beeraa (Lix Dalag Qodaal oo la soo
goynayo Daroogo). Sheikh Indhacadde waxa uu ballaarimayaa beerihiisa
Daroogada, si uu taas u sameeyo waxa uu badinayaa tirada
beeraha ama waxa uu kor dhinayaa xaddiga beertiiba ka soo baxda. Waxaa lagu
eedeeyey in uu halkii mar oo la beeroba (Dalag qodaal
daroogo) uu ka helo $100,000
oo ah beeraha oo dhan (waxaana la beeraa lix
jeer sannadkii, 6x$100,000 = $600,000 sannadkii).
Sheikh Indhocadde waxa uu
leeyahay "qof khaas ah" oo u kala wada hawl galkiisa beeraha
daroogada, waxana uu adeegsadaa malayshiyadiisa si ay u
waardiyeeyaan beeraha daroogada. Ayey tiri warbixinta
Qaramada Midoobey [Eeg
halkan..]
*NB: Xashiiska waxa laga
sameeyaa ubaxa iyo iniinyaha geedka marijuana, waana maan
dooriye halis ah - Marijuana waxaa kujira aalad maanka doorisa oo loo yaqaan
delta 9-tetrahydrocannabinol, loona soo gaabiyo “THC.”
**"Daroogo Tayo leh" waxaa
looga jeedaa waa darooga durbadiiba xiska ama maanka
suulineysa, isla mar ahaantasna qofka isticmaalaa uu noqonayo
mid markasta noocaas u baahan.
Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI
{Waa qoraal u bahaan
Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya}
JAWAABTII UU INDHACADDE BIXIYEY
OCTOBER 20, KA AKHRI HALKAN....
Tarjumadii:
SomaliTalk.com | Oct 11, 2005
Hadda ayey ku haboon tahay
in mar kale la akhriyo warbixintii ay hay'adda Elmen soo
saartay Bishii Maarso ee 2004, gaar ahaan qaybt aku saabsan
gobolka Shabeelada Hoose: Waana tan hoos ku qoran::
Elman Peace & Human
Rights Center
WARBIXINTA SHABEELADA HOOSE
[Lower Shabele Report]
Kadib markii ay soo bexeen
warar sheegaya in gobolka shabeelada hoose ay ka jiraan
tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha ayaa hay’adda elman
waxay isku taxalujisay iney u dirto gudi baaris kusoo
sameeya baaris ka dhan ah tacadiyadaas iyo daroogo la
sheegay in lagu beero deegaanada gobolkaas hoos taga,
waxayna safarkoodii ka bilaabeen tuulooyinka kala ah Buulo
golweyn, Buulo mareer, qoryoolay, Kutuwaarey, Abowheerow iyo
Dacaraha, waxayna hay’adu intaa ka soo aruurisay xog
kusaabsan daroogada iyo tacadiyada ka dhaca deegaanadaas.
Hay’addu waxay wareysatay
dad beeralay ah waxayna hay’ada u sheegeen in deegaankaan
lagu beeri jiray daroogada, xashiishada balse aysan hada
jirin wax daroogo ah oo hada beeran waayo majiraan biyo
wabiguna waa guray oo ma wado wax biyo ah daroogaduna waxay
u baahantahay biyo saa;id ah ayadoo loo waraabiyo sida
bariiska oo kale, waxaa kaloo ka mid ahaa dadka aan
waraysanay gabar naga codsatay in aan magaceeda la sheegin
ayaa waxay noo sheegtay in bishii November iyo December in
ayadu ay beeratay daroogada waxaana iiga soogay ayay tiri
sided kiish oo daroogo ah waxayna noo sheegtay in aysan
jirin wax koontoroola beerahooda ayna jiraan rag had iyo
jeer u taagan iney beeraan daroogadaas, ayadoo weliba
qaarkood ay u wareegeen dhinaca degmada janaale ayagoo
halkaa ka wada hawlo ay ku hormarinayaan daroogada.
Waxaa kaloo ahay’adu
waraysi la yeelatay odayaasha dhaqan ka ee degmada
kutuwaarey iyo gudiga maamulka degmadaas waxaana wax ka
weediinay dhibaatooyinka ka jira deegaanadooda ee ku saabsan
beeraha la sheegay in xooga lagu kala heesto waxaana ugu
horeentiiba wax ka weydiinay suldaanka deegaanka kuntuwaarey
Suldaan xasan Caliyow Beere wuxuuna yiri “anigu waxaan
suldaan ka ahaay deegaankaan ilaa 1971dii waxaana ahay
suldaankii dowladii maxamed siyaad barre kala tashatay in
halkaan la keeno dadka ay abaaruhu ku habsadeen waxaana lay
ga saxiixay isla sanadkaas waxaanan ogolaanay in
deegaamadeena la keeno dadkaas illaa maantana wax dhib ah
naguma hayaan faa’iido mooyee waayo waxaa faa’iido ah dadkii
la keenay 1974 aysan aqoon markii halkaan la keenayey
afafkeena gaar ahaan afka jiidada maantana afkeenii ayey wax
nooga gadanayaan waa faa’iido fiican oo u soo hoyatay dadka
jiidada ah, waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo dadka oranaya
beeraa nagala dhacay tuulooyinbaa nagala gubay in aysan
ahayn dad wax garad ah ama wakiil ka ah dadka, dadka gubay
beeraha kama aysan imaan Mogadishu kuwa gobay tuulooyinka
kama aysan imaan Mogadishu ee waxay yihiin deegaanka waana
jiido kuwa wax laga gubana waa jiido taasna waxay kuu
muujinaysaa tafaraaruq ku dhaxjira jiidada, hadii aan usoo
noqdo beeraha lakala gadanayo waxa gadanaya waa dad jiida ah
oo lacag raba waxaana diidan mid kale oo walaalkiisa,
waaxaan rabaa in aan manta ogaysiiyo dadka walaalahey ah ee
ku nool magaalada Mogadishu in aysan jirin wax hujuun ah ama
barakicin ah ee lagu hayo dadka jiido balse ay jiraan jiido
isdiidan oo aan waxba isku ogolayn”
Waxaa kaloo wareysi
layeelanay Gudoomiyaha degmada kuntuwaarey Salaad cali koofi
waxaana wax ka waydiinay cabashooyinka ka imaanaya degaanka
uu xukumo ee kuntuwaarey wuxuuna ku jawaabay “anagu
waxaanahay maamulka degmada waxaana degmadaan hoos yimaada
45 tuulo nasiib darose noolamayimaan wixii howl ah ee ay u
baahanyihiin hadii ay noqon lahayd beero la kala gadanayo
kala wareejin dhul iyo khilaafaadka beelaha qolo walbana
waxaad moodaa in ay howlohooda ay si gooni ah u qabsanayaa
anagana way nala xumaatay in aanu faragelino deegaamo hoos
yimaada degmadaan anagoo ka xishoonayna waxa maanta laga
sheegayo deegaankeena, hadii aan u gurmanana la oranayo waa
qabiil iyo xoogbay nagu haystaan taasina ay suurto gelisay
in aan gacmaha kala baxno beelaha deegaanka si ay ayagu
arimahooda u xalistaan, waxaan maqlaynay waayahaan beero
ayaa nagala dhacay waxaan rabaa in aan cadeeyo beer aan
suldanku saxiixin in aan lagadan Karin deegaankaan beeruhuna
waxay isgu jiraan kuwa ay dowladii hore la hayd iyo kuwa dad
shacabihi ay leeyihiin oo ay ka tageen waxaana gadanaya
dadkii haystay 14-kii sano waxaana igu maqaalaa in rag xamar
ka yimid oo lacag wataa ay yimaadeen deegaanka oo ay dhul
gadanayaan dhulkaasna waxa gadanayaana waa dad deegaanka ah
iyo kuwa deegaan kula nool oo ah dad kii la dejiyey
deegaanka 1974 tii.
Waxaan kaloo la kulanay Gud.
Gudiga degmada kuntuwaarey :- Maxamuud yuusuf maxamed
waxaana waydiinay bal in uu wax nooga sheego caqabadaha ka
jira deegaanka siiba daroogada wuxuuna ku jawaabay
“daroogada dhulkaan waa lagubeeraa mase ahan mid aan anagu
shaqo ku leenahay ee waxaa beeranaya dad wax magarata ah oo
fiirsanaya shilinka ay ka helayaan, daroogo la beero wax
dhibaato ah maleh waayo waxaa la waayey dowladii kontarooli
lahayd maamulkuna awoodiisu magaarin in uu galo dhulalka
fog-fog ee lagu beero daroogada qofkii aad maanta tiraahdo
maxaa u beeraysaa wuxuu kuugu jawaabayaa beerta anaa leh
anigaana abuurtay waxaana nala xumaatay in aan faragelino
nin beertiis illaa dowlad caadila laga helayo”.
Waxaa soo u ruuriyey madaxa
baarista xadgudubyada ee hay’adda elman
Warbixintaas oo dhamaystiran Akhri...
Yemen oo Qiratay in ay Hub u
Dirtay Soomaaliya iyadoo Jebisey
Cunaqabatayntii Hubka ee
Saarnayd Soomaaliya....
- Khubaro ku talisay in
cunaqabatayn lagu soo rogo Dhuxusha laga dhoofiyo
Soomaaliya iyo maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha
Soomaaliya....
Oct 10, 2005
SANCA - Wararka ka imanaya
dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sanca ay maanta
oo Isniin ah qiratay in ay horraantii sannadkan hub u dirtay
Soomaaliya si ay ugu caawiso Dawlada Kumeelgaarka ah si ay
xukunka u xegsato. Waxaa sidaas warka ku bilabay shabakada
Khaleej Times.
"Yemen waxay dawlada
sharciga ah ee Soomaaliya siisay hub si ay u tageerto
Ciidanka Booliska kuwaas oo loo diyaarinayo, loona
qalabaynayo, xoojinta dawlada la doortay si ay u kobciso
nabada iyo kala dambaynta" sidaas waxaa laga soo xigtey
sarkaal reer Yemen ah oo warkaas ka sii daayey warbaahinta
ay dawlada Yemen maamusho.
Sarkaalkaasi waxa uu u
jawaabayey koox khubaro ah oo kaasocota Qaramada midoobey
kuwaas oo kor kala socdey hubka Soomaaliya, waxan aay
khubaradaasi sheegeen liiska dalalka ku xad gubdey
cunaqabatayntii Soomaalliya la saaray 1992, dalalkaas oo ah
Yemen, Itoobiya iyo Eritrea.
Sarkaalka reer Yemen ee aan
la magacaabin waxa uu sheegay in Yemen ay ogolaansho ka
heshay cidda ay khuseysey.
Warbixinta Qaramada
midoobey waxa ay sheegtay in hubka ay Yemen u dirtay
Soomaaliya ay
kamid yihiin
5,000 qori iyo 15,000 dereyska Militariga.
"Iyagoo adeegsanaya
diyaarada nooca loo yaqaan
Antonov 26 si ay hubka uga soo qaadaan magaalada Cadan ee
dalka yemen, una geeyaan magaalada Boosaso ee dalka
Soomaaliya, si ay ugu taageenaan DFKMG (Baarlamaanka) iyo
madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa ay ciidanka Yemen
hub gaarsiiyeen siddeed jeer intii u dhexaysey 2dii iyo
10kii July 2005," sidaas waxaa qoray warbixinta ka kooban
60-ka bog.
"Khubarada kasocota UN
waxa ay soo jeediyeen in Soomaaliya lagu soo rogo
cunaqabatayn ku saabsan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya
iyo maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya, waayo
waa isha dhaqaale ee ay hubka kusoo iibsadaan qabqablayaasha
dagaalku", sidaas waxaa qortay shabakada Aljazeera .
Khubarada UN waxa ay
intaas ku dareen in ay diiwaan geliyeen 175 jeer oo hub lala
kla wareegey siddeedii bilood ee la soo dhaafay,
taas oo 378%
jeer ka badan sannadkii hore, waxaana hubkaas lala kala
wareegey ka qayb qaatay 10 wasiir iyo madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf, waa sida warku u dhigaye.
Isha: Khaleej Times |
Aljazeera | Tarjumadii: SomaliTalk.com
Maanta waa sannad
guuradii koowaad ee ka soo wareegtey doorashadii DFKMG ee
lagu soo dhisay shirkii labada sano ka socdey dalka Kenya.
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 11, 2005
Warbixintii Qaramada Midoobey.....
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |