Qamada Midoobey oo Warbixin
Kasoo saartay Maamulka Col.
Barre Hiiraale iyo ka Ganacsiga
Dhuxusha...
- Qaramada Midoobey waxay Shaaca ka
qaaday in
Dekedda Kismaayo muddo Afar bilood ah (Janaayo-April
2005) laga dhoofiyey 29,283.7
Metric Tons oo dhuxul ah,
dakhliga lacagta ah ee ka soo
baxdayna waxay ahayd
$5,856,740 doolar - waa $5.8
million - iyo Col. Barre Hiiraale oo
qaatay
lacagtaas Faa'iidadeeda ugu
badan....
Isha: Qaramada
Midoobey | Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 13, 2005
Warbixin dheer oo ay soo saartay
Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday lacagta Col. Barre
Hiiraale kasoo gasha Garoonka, Dekeda iyo cashuurta qaadka
iyo Dhuxusha. Warbixintaas oo aan soo tarjumney hoos ka
akhri::
Maamulka Gobolka Jubbada Hoose
iyo Magaalada Kismaayo:
- Horjoogayaasha
Dekeda iyo Garoonka Kismaayo waxa ay inta kharash ama dakhli ee
maalinkasta soo xeroota toos maalin walba ugu warbixiyaan
Col. Barre Hiiraale.
- Dakhliga lag ahelay
Dekeda Kismaayo Afartii bilood ee ugu horeeyey sannadkan
(Janaayo ilaa April 2005), waa $1,398,063.50,
- 18 isugu Jira
Maraakib iyo Doonyo ayaa Bil Kasta K aDHoofa Kismaayo
kuwaas oo qaada Dhuxul iyo Biraha loo yaqaan Scrap-ka
- laba diyaaradood oo
sida 60 joonyadood oo Qaad (Khat) ah ayaa soo caga
dhigta garoonka Kismaayo maalin kasta. Dakhliga Garoonka
bishii laga helo waa $58,200.00 doolar
- Kismaayo waxaa
muddo Afar bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey
29,283.7 Metric Tons oo dhuxul ah, dakhliga lacagta ah
ee ka soo baxdayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - waa
$5.8 million.
Kismaayo waa magaalada shanaad ee Soomaaliya, waxayna ku
taal gobolka Jubbada hoose, oo ah dhanka koonfureed ee dalka.
Tirada dadka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasay 88,000. In
badan oo dadka magaalda deggan waxay ku noolaayeen xerooyinka
dadka ku barakacay gudaha ilaa sannadkii 1992. Meelaha ama Ilaha
dakhliga ee dadka halkaas ku dhaqan waa beeraha, guryaha oo
ay ka shaqeeyaan, xamaaliga dekeda, ka shaqaynta garoonka
diyaarada, soo ururnta xaabad, iyo shidida dhuxusha.
Colonel Barre Hiiraale waa madaxa Isbahaysiga Dooxada
Jubba (IDJ), waana qofka kow ka ah in uu ka faa'iido
dakhliga laga helo Gobolka Jubbada Hoose, oo ay kamid tahay
magaalda Kismaayo. Dhaqaalaha waxaa laga sameeyaa cashuurta
la saaro ganacsiga, iyo cashuurta la saaro garoonka
diyaaradaha iyo dekeda Kismaayo, oo ah meesha ay ka soo
xeroodaan kharasha ugu badan.
Col. Hiiraale ayaa guud ahaan xakuma maamulka maxalliga
ah. Waxa uu leeyahay urur gacan yarayaal oo ka caawiya
wadista hawlaha maamulka ee ka socda magaalada Kismaayo iyo
inta kale ee Gobolka Jubbada Hoose. Si uu u maamul gobolka,
Col. Hiiraale waxa uu Kismaayo u magacaabay Guddoomiye,
wakiilka degmada iyo duqa magaalada. Si uu u xaqiijiyo gacan
ku haynta maamulka, waxa uu kalsooni ka dhigtaa tiro badan
oo maleyshiyo ah, abbaanduule Militeri ah iyo ku xigeen isaga
caawiya. Ururada shacabka iyo milieriguba waxaa xarun tooda
ah Kismaayo, iyadoo ay gobolka ku baahsan yihiin kuwo matala.
Lacagta dakhliga ah ee laga sameeyo gobolka uu xakumo waxa
uu hub ugu iibiyaa maleyshiyadiisa.
Maadaama dekeda iyo garoonku ay muhiimad weyn u leeyihiin
dakhliga ka soo baxaya awgeed, Col. Hiiraale waxa uu ku
sameeyey dib u habayn isagoo sidoo kale dib u habayn ku
sameeyey dadka ka shaqeeya. Waxa uu sameeyey nidaam ah
saraakiil dakhliga ka soo ururisa dekeda iyo garoonka. Waxa
ay ku lebistaan dhar direys ah, waxana ay adeegsadaan
waraaqo leh calaamad, waxana dhawaan la sameeyey qayb
xisaabisa kuwa xisaabta haya [Odhod]. Garoonka waxaa maamula nin
hor-jooge ah iyo 11 ah kuwo cashuurta ururiya kana shaqeeya
qaybta "custom"-ka, shan qof oo qaybta socdaalka ah iyo shaqaale kale.
Qaybtaas dibu habaynta lagu sameeyey ee Garoonku waxa ay
shaqaalaha saraakiisha ee rasmiga ah ka hawl galayeen laga
soo bilaabo May 2005.
Dekedu waxay leedahay Hor-jooge, toddoba ururiya
cashuurta kana shaqeeya "custom"ka, saddex ama afar qaybta
socdaalka, saddex kabtan oo qaabilsan soo xirida maraakiibta.
Inkasta oo saraakiishaasi ay hoos yimaadaan nidaamka maamul
ee ka dhisan magaalada Kismaayo, hadana horjoogayaasha
Dekeda iyo Garoonku waxa ay inta kharash ama dakhli ee
maalinkasta soo xeroota toos maalin walba ugu warbixiyaan
Col. Barre Hiiraale.
Dekedda Kismaayo
Dekedda Kismaayo oo ah mid ku taal meel jasiirad ah oo
cirirka ku haysa magalada, biyeheeduna ay aad hoos ugu qodan
yihiin. Dakhliga waxaa laga dhaliya cashuurta waxa la
dhoofinayo iyo waxa soo degaya. Kooxda Qaramada Midoobey
waxay ogadeen dakhligii laga ururiyey dekedaa laga soo bilaabo
Janaayo ilaa April 2005, in uu ahaa $1,398,063.50 doolar.
Afartaas bilood dakhligii k asoo xerooday dekedda waa kan shaxda hoose ka muuqata.
Dakhligii ka soo
xereeday Dekada Kismaayo, Janaayo-April 2005
(Lacagtani waa doolarka Maraykanka)
Import (oo ah waxa la soo dejinayo) waxay u
badan yihiin sonkor, bariis, iyo alaabooyin kale oo bagaash
ah.
Export (oo ah waxa la dhoofinayo) waxay ugu
badan waa dhuxusha iyo biraha loo yaqaan Scrap.
Dhuxushu waa boqolkiiba
99.7% cashuurta laga ururiyo waxyaabaha laga dhoofiyo
Kismaayo, halka inta soo hartay oo ah 0.3% ay yihiin biraha
(scrap) ee la dhoofiyo. Celcelis ahaan 18 markab ayaa bil
kasta kusoo xirta magaalada Kismaayo. Labo ama saddex keliya
aya ah maraakiibta waaweyn ee xamuulka, halka inta kale ay
yihiin doonyo. Badanaa maraakiibta iyo doonyaha imanaya
Kismaayo waxay ka yimaadaan Imaaraadka Carabta, halka qaar
kamid ah maraakiibtaas iyo doonyahaasi meelaha ay aadaan ay
kamid yihiin Hindiya, yemen iyo Sucuudi Careebiya.
Garoonka Diyaaradaha ee
Kismaayo
Garoonka diyaaradaha ee
Kismaayo, oo markii hore loo aqoon jirey garonka caalamiga
ah xilligii xukuumadii Siyaad Barre, waxa uu ku yaalaa meel
10 km woqooyi bari ka xigta magaalada. Col. Barre Hiiraale
saraakiisiisa socdaalka iyo customka ayaa lacagta ka ururiya
dadka diyaaradaha la socda iyo kuwa ka ganacsada Qaadka (Khat).
Badanaa dakhliga halkaas laga helo waa kan ka soo baxa
qaadka magalada la soo gelinayo. (bishiiba waxaa garoonka ka
soo xeroo ta lacag dhan $58,200.00 doolar) sida ka muuqata
shaxda hoose.
Kharashaka ka soo xerooda
Garoonka Kismaayo
[Lacagta waa doolarka Maraykanka]
Sida warbixintu sheegtay ,
laba diyaaradood oo sida 60 joonyadood oo Qaad (Khat) ah
ayaa soo caga dhigta garoonka Kismaayo maalin kasta. Waxaase
dhici karta in tiradaasi ay is bedesho iyadoo ku xiran
xilliga socodka diyaaradaha, cimilada, iyo arrimo kale.
Dhuxusha Laga Dhoofiyo
Kismaayo
Warbixinta Qaramada
Midoobey markii ay ka hadleysey dhuxusha laga dhoofiyo
Soomalaiya waxa ay xustay meelaha ugu badan ee dhuxusha laga
dhoofiyo in ay yihiin marsooyinka ama dekedahada Kismaayo,
Ceel-macaan, Ceel-Cadde (Muqdisho), Berbera iyo Boosaaso.
Waxaana dhammaan meelahaas maamulada gaarka ah ee ka jiraa
ay dhuxushaas la dhoofinayo ku leeyihiin khidmad ay ka
qaadayaan kuwa wax dhoofinaya ama wax soo dejinaya iyo lacag
laga qaadayo si loo ilaaliyo inta ay markabkaasi ku jiro
biyaha Soomaaliya. Meesha dhuxushaas laga dhoofinayo inta
aan dhuxusha la keenin ayaa lacagta loo sii qadimaa si
markaas hab fudud ay dhuxushu halkaas uga dhoofto.
Qaramada Midoobey waxa ay
xustay meelaha ugu badan ee dhuxushaas loo dhoofiyo in ay
yihiin dalalka Sucuudiga Careebiya, Imaaraadka Carabta iyo
yemen. Waana ganacsiga laga helo lacagta adag ee doolarka
Maraykanka.
Waxana ay Qaramada Midoobey
qoraalka ku adkaysay in dekedaha Soomaaliya ee lagu ogyahay
in dhuxusha laga dhoofiyo in ay yihiin Kismaayo (oo ah tan
xaddiga ugu badan laga dhoofiyo), Ceel-macan oo 30km woqooyi
ka xigta Muqdisho iyo Ceel-Cadde oo ku taal Muqdisho.
Kismaayo waxaa muddo Afar
bilood ah (Janaayo-April 2005) laga dhoofiyey 29,283.7
Metric Tons oo dhuxul ah (halkii Metric Ton waxa uu la mid
yahay kun Kiilo [1,000 kiilogaram], sidaas daraadeed afarta
bilood ee sannadkan ugu horeeyey waxaa Kismaayo laga
dhoofiyey 29,283,700 Kg - waa 29million oo kiilogram oo laga
shiday dhirta Soomaaliya) dakhliga lacagta ah ee ka soo
baxayna waxay ahayd $5,856,740 doolar - $5.8million.
Shaxda hoose ayaa
muujineysa dakhligii ka soo baxay dhuxusha laga dhoofiyey
dekedaha Kismaayo, Ceel-Macaan iyo CeelCadde bilihii Janaayo
ilaa April 2005
Warbixinta Qaramada
Midoobey waxa ay sheegtay: in kasta oo ganacsiga dhuxusha ay
nolol maalmedka ku xiran tahay dadka ka shaqeeya aagga laga
shido dhuxusha, hadana faa'iidada ugu badan dhuxusha
Soomaaliya waxay ku negaata gacmaha dadka xukunka haysta,
faa'iidadaasi ma gaarto dadka soo saara oo ah kuwo
shaqadooda aan wax buuran laga siin. Dhuxusha si loo sameeyo
waxa ay soo marta heerarkan:
- Soo saarid: Jarid,
gubid, iyo jawaano ku gurid (Soomaaliya)
- Ururin: Isku ururin,
ku rarid gawaarida Looriga iyo gaarsiin dekedaha (Soomaaliya)
- Ganacsi: Qiimaha ku
rarida maraakiibta, kawada hadalka ama ka munaaqashoodka
kala iibsiga, iyo shuruudaha kala iibsiga (Soomaaliya)
- Gaarsiin: Hab Jumlo
iyo Tafaariiq ah (Wadama shisheeye)
Qiimaha dhuxusha ee
heerarkaas waxaa lagu qiyaasay $0.30 jawaanka qaada
25Kiilogram. Marka la kala iibsanayo (heerka 3aad ee sare)
waxaa qiimaheeda rasmiga ah uu yahay $1.50 jawaanka qaada
ama muggiisu yahay 25
Kiilogaram (qiimahaas oo ay ku jirto kiradii lagu soo qaaday).
Qiimaha ugu dambeeya marka ay timado Dekeda Kismaayo waa $5
jawaanka qaada 25 Kiilogaram ama $200 halkii Metric Ton.
Lama oga Qiimaha rasmiga ah ee jumlada ah ee gaarsiinta (heerka
4aad), laakiin qiimaha tafaariiqda jawaanka 25kiilogaram
waxaa lagu iibiyaa $15 ilaa $20 doolar.
Qaramada Midoobey waxa ay
ogaatey in madaxda maamulada Soomaalliaya ay si toos ah
gacanta ugu hayaan maamulidda heerarka ay soo marto soo
saarida dhuxusha, ururinteeda iyo ganacsigeeda, sidaas
daraadeedna in inta ugu badan faa'iidada ka soo baxda ay
iyagu helaan; faa'iidada ay helaan shacabku waa wax aan la
sheegi karin ama aad qaliil u ah. Qayb kamid ah faa'iidadaas
waxaa lagu iibiya Hub iyo xoojinta maleyshiyada maamuladaas.
Tusale ahaa, Bishii May 2005 waxaa lagu soo waramay in Col.
Barre Hiiraale uu taageero lacageed iyo taageero mileteri
siiyey Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dagaalku Baydhabo ku
dhex maray DFKMG. Ayey warbixinta Qaramada Midoobey qortay.
Warbixintii Qaramada Midoobey halkan ka akhri... GUJI
{Waa qoraal u bahaan
Tarjumaad si shacabku u fahmaan arrinta ka jirta Soomaaliya}
Isha: Qaramada Midoobey
| Tarjumadii SomaliTalk.com | Oct 13, 2005
Laascaanood: Dhuxul
shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay
- Dadkii Loo Haysto
in ay Gubeen Dhul Soolasha Oo Gaadhay 50 Maxuus Ayaa
Jeelka Laascaanood Lagu Hayaa.
- Labo Oromo ah oo
kamid ah dhuxul shidayaasha.....
Waxaa Soo gaadhay magaalada
Laacaanood dadkii looga shakisanaa in ay gubeen dhulka
Soolasha, dadkaas oo gaadhaya 50 maxbuus, waxana haatan lagu
hayaa jeela magaalada Laascaanood.
Dhuxul Shidayaasha la
xiray, loon ahaysto in ay gubeen dhul daaqsimeen
Dadka la soo qabtay ayaa
waxa ka mid aha laba qof oo Qawmiyada Oromada ah ee dalka
Itoobiya kuwaas oo ay shaqaaleeyeen dad deegaanka u dhashay
oo dhuxusha shida.
Oromada dhuxusha ka
shidayey Soomaaliya ee la xiray
Taliyaha hawlwadeenkan
Gaashaanle Maxmuud Nuur Muuse ayaa saxaafada u sheegay in ay
maxkamad soo taagi doonaan dadkaas , iyada oo ay hada
gaadhayso dhulka ay gubeen 80km, oo u badanaa dhul daaq
sameed dabkuna uu sii fidayo.
Max’med Max’muud Gaaxnuug
SOMALITALK LAASCAANOOD
August 1, 2005
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2
Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Dhirta Adduunka oo lagu
Qabtay Boosaaso
Fadumo Jibril: Geesiyadii deegaanka oo ardayda Minnesota la
shirtay |