MACHADKA SOMALI PEACE INSTITUTE OO QABTAY
SIMINNAAR KU SAABSAN XALLINTA KHILAAFAADKA
(Mustaqbalka dhow waxaan furi doonnaa
Machad lagu barto Nabadda)
Waxaa
Maalintii khamiista ahayd hoolka shirarka ee SSWC lagu qabtay siminaar
uu soo qabanqaabiyay Machadka Nabadda Soomaaliya (Somali Peace
Institute) (SPI), waxaana ka qaybgalay arday ka kala socotay jaamacadaha,
dugsiyada sare ee gobolka Banaadir, waxaana ugu horreyn halkaas ka
hadlay guddoomiyaha machadka nabadda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Xasan
(Black) oo isagu si weyn ugu nuuxnuuxsaday sababha loo aasaasay machadka
uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed nabad loogu soo dabbaali lahaa,
isla markaana qaybaha kala duwan ee bulshada loogu baraarujin lahaa
faa’iidada nabadda. Waxa kale oo uu Black sheegay in shacabka
Soomaaliyeed ay aad ugu baahan yihiin nabadda isagoo sheegay in
siminnaarka maanta uu ku saabsan yahay xallinta khilaafaadka oo ah
arrimaha ugu muhimsan oo lagu gaari karo nabad iyo dib u heshiisiin dhab
ah, wuxuuna sheegay in siminnaarkaan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo uu
qabto oo uu sheegay inuu ka horryeeyay dhowr siminnaar oo uu sheegay in
loo qabtay qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida: Dhallinyarada, Haweenka,
Odayaasha Dhaqanka, Culummada, Aqoon-yahnnada si loogu jiheeyo waxa la
yiraahdo nabadda oo ah mid lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo.
C/llaahi
Black waxa uu sheegay in machadka la aasaasay 25/7/2004, waxaana
aasaaskiisa ka dambeeyay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan dalka
Sweden oo uu ugu horreeyo C/risaaq Aadan, waxaana machadka uu ku
lammaansan yahay machad kale oo ka furan dalka Sweden laguna magacaabo
Swedish Peace Institute (SPI), wuxuuna C/llaahi Black sheegay in
mustaqbalka dhow uu machadka ku tallaabsan doono baraarujin fara badan
oo la xiriira dhanka nabadda, wuxuuna sheegay in la furi doono machad
weyn oo lagu barto nabadda
Siminnaarkii waxaa casharro ka
bixinayay macallimiin ay ka mid ahaayeen Muuse Cusmaan Dhuulle iyo
Shariif Cali Shire oo iyagu si aad ah u faahfaahiyay qaabka loo xallin
karo khilaafaadka, waxayna sheegeen in marka hore khilaafyadu ay ku
yimaadaan dhowr nooc oo uu ugu horreeyo mid shaqsiyan kugu dhaca
debadeed aad marka dambe xal Ka gaartid , khllaafyada ugu badan ee ka
dhaca dalkeenna waa mid ku yimaada Deegaan la isku qabsado , ha noqoto
mid daaqsin ah iyo mid biyood , waxaa kaloo khilaafyada ay ku yimaadaan
mid siyaasadeed oo ku la maansan dano gaar ahaaneed

Siminnaarkan
oo sidoo kale ay ka qaybgalayaashu fikradahooda ku dhiibteen ayaa waxay
sheegeen in khilaafyadu lagu xallin karo wada hadal iyo is faham haddii
taas la waayana waxay sheegeen in loo baahan yahay in la helo dad
dhexdhexaad ah oo arrinta xal ka gaara.
Siminnaarkaan ayaa ka qaybgalyaashu
waxay soo jeediyeen in machadka uu si qoto dheer u dhexgalo nabadda oo
ah mid si weyn ay ugu baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna u
mahadceliyeen intii gacanta ka geysatay siminnaarkaasi, waxayna
codsadeen in siminnaarkaas la joogteeyo lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha
kala duwan ee bulshada.
Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho yimid
mid ka mid ah aasaasayaashii Machadkaasi oo lagu magacaabo Cabdi Abshir
Dhoorre, oo isagu sheegay mar uu u warramayay saxaafadda in
ujeeddooyinka loo aasaasay machadka uu yahay si bulshada loo fahamsiiyo
waxtarka nabadda, wuxuuna sheegay in machadka uu wax weyn ka baddalay
fikradihii argagaxisada laga qabay, isagoo sheegay inuu qayb ka qaatay
sii dayntii qaar ka mid ah aasaasayaashii Machadka oo uu ka mid ahaa C/risaaq
Aadan kuwaasoo u shaqeynayay shirkaddii Barakaat.
Guddoomiyaha
Midowga Ardayda Soomaaliyeed C/llaahi C/raxmaan Sheekh Aadan ayaa isagu
hambalyo iyo bogaadin u diray aasaasayaashii Machadka Somali Peace
Institute wuxuuna sheegay in ardayda Soomaaliyeed machadka looga baahan
yahay inuu siiyo tababarro iyo siminnaarro la xiriira dhanka nabadda,
wuxuuna soo dhaweeyay hadalkii guddoomiyaha ee ahaa in mustaqbalka dhow
la furi doono machad lagu barto dhanka nabadda. Waxaa kaloo uu sheegay
in uu ku soo xiri doono machadka ardeyda soomaaliyeed si ay u bartaan
nabadda oo uu sheegay in ay muhimad gaar ah ugu fadhido ummadda
soomaaliyeed maadaama ay muddo 15 sanno ku soo jireen dhibaato iyo
darxumo wuxuuna u soo jeediyey dhalinyarada soomaaliyeed in ay ka
shaqeeyaan nabadda
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Faafin:
SomaliTalk.com | May 8, 2005
MUQDISHO:::: Qisadii Madhoodhow::::
Hay’adda Samafalka
Cossob iyo wax qabadkeeda
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka
iyo isticmaalka Daroogadu
Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee
Soomaaliya..
Guji...
»»DR. IBRAHIM:
SU'AALIHII & JAWAABIHII
CAAFIMAADKA
[2001]
»»Dr. Osman:
Saliidda [Batroolka] ku jira
Soomaaliya
»»HTML Ku Baro Af-Soomaali