Askarta Itoobiyaanka oo Ka
Argagaxay Guuxa Mawjadaha Badweynta Hindiya:::
Askartii Tigreega oo la
yaaban bilicda dhul-beeraadka Webiga Shabeelle ayaa markii
ay soo dhaafeen Balcad waxay hal mar la kulmeen guux aad u
xoog weyn, markaas ayaa taliyihii ciidanka watey waxa uu
markiiba fooniyaha halow-halowga qabadiisyey Addis Ababa,
waxana isagii iyo Addis Ababa dhex maray hadalkan:
War heedhahaya maxaad u
tiraahdeen Maxkamadihii waa ka bexeen Muqdisho, waayo guuxa
gawaaridooda iyo madaafiicdooda ayaa magaalada ka yeeraya,
markaas ayaa Addis Ababa markiiba si halhaleel ah waxay u
soo kicisay diyaarado Helikobtarro ah oo soo kor meera
Muqdisho, diyaaradihii ayaa waxay yiraahdeen, uma jeedno wax
madaafiic ah oo la soo ridayo ee xaggee arrintu iska qaban
la'dahay. Dib ayaa la isugu laabtay markaas ayaa lala
xiriiray Meles Zenawi, oo lagu yiri: Adigaa Melesoow Muqdisho magan-gelyo ahaan u jooji jirey ee waa maxay guuxaa is qabsaday.
Cabbaar markii uu fekerayey
ayuu Meles xusuustay xilligii uu soo galay Muqdisho oo uu
mucaaradka ku ahaa Dergigii hore ee Mingistu, markaas ayuu
yiri: Waxaas aad guuxiisa maqleysaan waa mowjadaha Bad-Weynta
Hindiya ee aan ka samri waayey ee arkay xilligii aan
Muqdisho magan-gelyada ku joogi jirey oo aan u xiisay in aan
ku laabto, ee ma aha madaafiicda Maxkamadaha, in kasta oo
aan abaalaawe ahay. Markaas ayaa
neefi ka soo boodey askartii aagga hore joogey oo u
malaynayey in Cabdullaahi Yuusuf oo hore u ballan qaaday in
Xabashi ka aarsanayo uu shir qoolayo oo marka ay gudaha
dalka u galaan la dhabar jebinayo. Si arrinta loo hubsado,
markiiba waxay askartii u dhoweyd Xamar ay telefoon
qabadsiiyeen Baydhabo oo waxay yiraahdeen si aan u xaqiisano
in guuxaasi uu yahay kan badweynta sida uu Zenawi sheegay
waa in la soo hor mariyo ninka aynu kalsoonida buuxda ku
qabno ee noo ogol in aan laga hadlin qadiyadda Soomaalidii
maqnayd ee nagu casumey tii ay iyadu dhulka nagu haysatey,
waa Cali Maxamed Geeddi, markaas ayaa loo soo diray in uu
yimaado Afgooye bal si uu u hubiyo Guuxa la sheegayo meesha
uu ka soo baxayo- Geeddi ayaana laga sugayaa in uu Zenawi u
xaqiijiyo guuxaasi in uu yahay kan badweynta Hindiya, oo si
rasmi ah u sheego in maxaakiimtii ka baxeen Muqdisho, in
kasta oo ay Geeddi ku adkaan doonto qaabkii uu ugu sharxi
lahaa askarta weligood joogey meel saxara-xigeen ah in lagu
qanciyo guuxaasi waxa uu ka soo baxayaa hirarka badweynta
Hindiya, magaaladaas bilcida sanna waa Muqdisho.
Askarta Tigreega mid ka mid
ah oo weli yaaban ayaa la yiri: is deji Geeddi ayaa meesha
soo hubinaya'e. Markaas ayuu inta uu is hayn waayey waxa uu
yiri: Suurtagal ma ahan Addis Ababa oo loogu yeero caasimada
ugu bilicda san Afrika in ay Muqdisho oo 18 sano dagaal ka
socdey ay ka qurux badnaato, isagoo intaas raacinaya: Addis
Adaba waa magaalada ay dhex maraan waadiyaal ay dadku sidii
ay kaadi ula fariisanayeen madoobaadey, balse sidee ku
dhacday in Muqdisho ay sidaas u qurux badnaato. Mid kale
ayaa soo boodey oo wuxuu yiri: Aamus, aamus... yaan lagu
maqal'e, waayo bilicda aad arkeysid waa raadkii maxaakiimtu
ay ka tageen, ee haddii aad Muqdisho imaan lahayd xilligii
qabqablayaashu haysteen sida ay u fool xumayd waayo TV ayaan
ka daawaday sidii ay ahayd markaas.
Bilicda Muqdisho

Isha Sawirka: www.swan.ac.uk |
Zenawi
ayaa markiiba khadka Fooneeyaha kusoo laabtay, waxana uu
yiri: Waxaa iga soo fakatay oraahda ah "in aan abaalaawe
ahay" oo aan ula jeedey in aan Muqdisho dagaal ugu abaal
gudey, haddaba waxaa dhici karta in fooniyaha la iska
maqlayey, sidaas daraadeed askarigii aan ka maqlo Meles waa
Abaal Laawe waxaan ka daba geynaa Dr. Berhanu Nega. Askari
FeerFeer buuraheeda saaran oo fooniyaha dhinac ka
dhegeysaney ayaa yiri: Ato xaggee ayuu maray Dr. Berhanu
Nega oo ahaa duqii magaalada Addis Ababa. Zenawi inta uu
xanaaqey ayuu yiri: Adiga waxaan kaa daba geynayaa meeshii
uu maray Dr. Yacob Hailemariam.
Oday maahir ah oo ka ag dhowaa
meesha ay xabashidu kuwa hadlayeen ayaa inta uu fiiriyey
wiil dhallin yaro ah oo Soomaaliyeed oo ka murugaysan
xabashida ku sugan dhulka Soomaaliyeed waxa uu ku
yiri: Adeer ha is murugayn, ninba waa markiisa'e, ogsoonow
in Qaanta iyo aanada laga galo Soomaalidu aysan harin oo
aysan Soomaalidu illoowin, kana harin ilaa ay aar goostaan,
marka maalinteeda sug aad arki doontid xabbadda ka dheceysa
Addis Ababa. Mid kale oo dhallinyaro ah ayaa markaas odaygii
ku yiri: Awoowe ka warran hadda haddii aan u galo dhabbada
xeebta Liido oo marka ay damcaan in ay uskagga iska mayran
aan...... halkaas markii uu marinayey hadalka ayaa askari
Tigree ah dhegta u soo raariciyey, markaas ayaa wiilkii iska
aamusay isagoo wixii uu dhehi lahaa ay maskaxdiisa ugu
kaydsan yihiin.

