Shir
looga arinsanayo arimaha Somalia laguna taageeraayo ku
dhaqanka shareecada oo ka dhacay Denmark
Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark ayaamaanta oo
taariikhdu tahay 18 nov. 2006 shir ku qabsatay magaalada
Aarhus ee wadanka Denmark. Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen
aqoonyahanno diineed & maadiba, waxgarad, odayaal, cuqaal &
nabaddoonyo ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo taageri
lahaa mashruuca isku maamulka kitaabka Allah & sunnada
nabiga (scw) ee ku baahaya dalka intiisa badan.
Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan
ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan oo matalaya weybaha kala
duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadank a
Denmark.
Waxaa kalmad wacdi ah ku furay Sheekh Maxamed Casoowe oo ku
nuuxnuux saday arimo ay kamid yihiin isku duubnaanta & wada
jirka, taasoo uu ku tilmaamay seehku iney la’aanteed
bulshadu socon kareynin. Waxaa kale oo uu sheekhu ka digay
kala tagga & furqada, taasoo uu ku tilmaamay iney ka
dhalanaeyso taag daro & cadawgeena inuu na hunguriyeeyo,
halkaasna lagu waayi karo jiritaanka umadda. Gabagabadii
sheekhu wuxuu baraarujiyay taageerida isbadaladan cusub ay
soo kordhiyeen maxkamadaha islaamiga ah, isla mar ahaantaana
ku sheegay iney waajib sharci ah tahay sida ku xusan
qur’aankaba in la isla garab taago hiil & hoo wixii la heli
karo.
Intaa kadib waxaa warbixin dalkii ku saabsan dhiibay Sheekh
C/qani Qorane Maxamed, warbixintaasoo uu kaga faaleeyay
socdaal dheer oo uu kusoo maray wadanka intiisa badan. Waxa
uu sheekhu tilmaamay gobolada xasiloonidu ay ka jirto, gaar
ahaan Buntland, xasiloonidaasuna iney tahay mid ku timid
rabitaanka shacabka reer Buntland ee nabadda jecel, aysana
ku imaan dadaal ay maamulku sameeyeen.
Wuxuu sheekhu nasiib daro
ku sheegay reer Buntland maamulkii ay ku aamineen taladooda
kana filanaayeen inuu u houmar u keeno, inuu noqday mid
xasilooni daro ku abuuray shacabkii doortay, kadib karkuu
maamulku canshuurihii badanaa ee laga qaadayay shacabka &
hantidii kasoo galeysay dekkeda & airport-yada uu u
adeegsaday caburinta & u xoog sheegashada shacabka Buntland,
& ku maal gelinta dagaal oogayaashii Muqdisho laga soo eryay,
kuwaasoo hadda ka hor gumaaday shacabka Buntland.
Waxaa kaluu sheekhu sheegay in awooda ka talisa halkaas ay
tahay ciidamada Tikreega ee xooga ku jooga magaalada G/kacyo,
maamulka Cadde Muuse-na uu yahay wax iska magallooti ah oo
ay xabashidu u adeeg sadaan waxa ay ka rabaan goboladaas.
Sheekhu waxa uu ku sheegay isbelada ka dhacay Muqdisho in
looga baahan yahaymeel walba oo uu joogo qof soomaali oo
muslim ah. Sheekhu wuxuu kusoo gaba gabeeyay inaan loo dheg
taagin tol la’ayayda jaahiliyada oo la doonaya in colaad
qabiil lagu abuuro, meelna looga soo wadajeesto sidii
shareecada loo hirgelin lahaa guud ahaan, & sidii cadowga si
mideysan wadanka looga saari lahaa.
Odayaashii halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa mudane
C/laahi Habbane oo yiri "Waa inaan isbedelkaan u taageernaa
si ficli, si maadi & si macnawi ah intaba si aynu u najixino
isbedelkan uuna u gaaro gebi ahaanba Soomaaliya"
Waxaa kaloo isna meesha hadal aad u qiimo badan kasoo
jeediyay Col. C/wahaab Yuusuf oo kamid ahaan jiray ciidamada
xooga dalka soomaaliyeed macalinna ka haan jiray kuliyada
ciidamad ee Soomaaliya. Kroneelku wuxuu si qoto dheer uga
taariikheeyay damaca horornimada ee Itoobiya ay ka leedahay
Soomaaliya.
Col. C/wahaab ayaa ku nuuxnuux saday horornimada uu ku
sheegay in uusan aheyn wax iska yimid ee ay tahay arrin la
qorsheeyay dabayaaqadii qarnigii 18aad xilligaas oo
khariidadda Soomaaliya lagu daray tan Itoobiya. Col. C/wahaab
oo taariikh dheer ka xusay hardankii soo jireenka ahaa ee u
dhexeeyay Soomaali iyo Xabashi ayaa gunaanadkii hadalkiisa
yiri: »Soomaaliya waa la heystaa waayo xabashidu waxay
fadhidaa gudaha dalkeenna, gaar ahaan meel caasimaddii
Soomaaliya u jirta wax aanan 100 mayl sidaa uga badneyn,
hadaba su’aashu waxay tahay sidee isaga saarnaa ee laga wada
hadli maayo ma na heystaan. Waxaa kale oo uu arrin murugo
leh ku tilmaamay nimanka soomaalinimada iyo maamul inay
yihiin sheeganaya ee har iyo habeen u taagan sidii ay
Itoobiya ugu fududeyn lahaayeen qabsashada Soomaaliya.
Waxaa hadalladaas oo dadkii
ka qeybqaatay iyo arrimihii dhaxalgalka ahaa ee ay ku tala
bixiyeen aannan halkan kusoo koobi karin iyana dood
cilmiyeed loo furay qaar kamid ah aqoon yahannadii kasoo
qeyb galay. Dooddaas oo looga hadlayay sidee iyo qaabkee
waxtar looga geysan karaa dhibaatooyinka kajira dalka isla
mar ahaantaana loo gacan qaban karaa is bedelka khayr ee
dalka ku baahaya ayaa si wanaagsan u dhacday. Shirkaas ayaa
ku soo gabagabobay jawi aad u heer sarreeya iyo isafgarad,
halkaana lagu go’aansaday in dhaqaale loo huro isbedelka
jira.
Waxaa sidoo kale ka qeyb galayaashii shirka halkaa loogu
qeybiyay gabay cusub oo la magac baxay Halgan oo uu tiriyay
Abwaan Inj. Maxamed Cali Cibaar oo deggan wadanka Holland
shirka ku casuunnaa hase yeeshee, ka soo qeyb geli kari
waayay.
Wixii tafaasiil ah waxaad
kala soo xiriiri kartaan walaalihiina kala ah´
Abdiqani Qorane Maxamed abdiqanim@hotmail.com
Axmed Ibraahin Maxamed axmeds@amail.com
ama e-mailka shabakada gargaarnet@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2006
MUQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA
Muqdisho oo "dubaabku" ku heesay!! - Ku
tumasho Xuquuqda Marqaanka!!
Qore: Mohamed Ahmed Wallays | Yaaqshiid
- Muqdisho |
inawallays@yahoo.com
Jooojintii qaadaka, dadka muqdisho siyaabo kala
duwan ayay u arkaan, qaar waxay u arkaan fursad ay naftooda ku xakameeyaan, qaar
waxay u arkaan dhib soo gaaray dhaqaalohooda, qaar waxay u arkaan faaido
dhaqaale oo u soo hoyatay, qaar waxay u arkaan mid lugu deg-degay, qaar waxay u
arkaan ku tumasho xuquuda marqaanka ee uu waadinku leeyahay!!
Si
kastaba ha ahaatee dadkii qaadka laba canley jirey maanta kama muuqadaan
kabarradii, waabihii iyo jikooyinkii ay ku fadhi-xumayn jireen, waxay u kala
baxeen kuwo fursad ka dhigtay oo u dhaqaaay inay dantooda raacdaan, kuwo uu
dubaabku fara ba'an ku hayo oo is duuduubay iyo kuwo weli raadiyeyaasha dhegta
ku haya oo ka dhursugaya hay'daha xuquuqul insaanka!
Waxaase hubaal ah haddii uu qaadku ahaan jirey meesha ay quudkooda ka helaan
qoysas badan, inuu sidoo kale ahaa musiibo ku habsatay bulsha weynta
soomaaliyeed, oo dhaadhaan ka dhigtay maskaxdii iyo muruqii ay umaddu ku
tashanaysay.
Waxaan Allaah ka baryaa inuu meel ka fiican ka risaq siiyo dadkii noloshaooda ka
raadsan jirey qaadka , umadda soomaaliyeed ee weli qaadka ku harsannna uu u soo
diro cid meesha ay joogaan ka mamnuucda!!
= Shirib Abwaan Bacadle =
Qare iya moos-ba qaad ka roon
Ka qarash yar kana quud macaan
Qiyaamana laysu qabsa maa!!
Waxaa xusid mudan in ra'yi bixin ay sameeyaan idaacadaha Muqdisho in dadka ugu
badan ee sida diirran usoo dhaweeyey joojinta qaadka ay ahaayeen haween.
kuwaasoo isugu jiey hooyooyin wiilashooda qaadku dooriyey, walaalo ka naxsanaa
il-xumada walaalohood iyo xaasas ku dhibtooday raggoodii uu qaadku xiska ka
kabaabyeeyey oo uu ka suuliyey xanuunkii masuuliyadda!
Nabee mahdiyaa u dhashay!!
Nabee dhuroobaa u dhashy!
Nabee dhur iyo dhaqan beelaa ka dhintay!!
-Shirib-
Allow ku raaji ra'ligaan rafaadkii waa ka raysannee!
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid - Muqdisho
inawallays@yahoo.com
Maxamuud Qorane oo Lagu
Xiray Boosaaso
»Galkacyo:
Madaxwaynaha Puntland oo soo saaray wareegto
»Galkacyo:
Kulanka Culimada iyo Maamulka Gen. Cade Muuse
»Khilaaf
soo kala dhex galay DGPL & DFKMG...
Wararka oo dhan ka akhri
halkan... Guji... Nov 19
»Beesha
Gumasoor oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag:
Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»BAAQ KA SOO BAXAY BEEL
WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq
ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»Baaq Ay Sanaag ka Soo
Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway:
Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha
Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan
ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq
ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa
Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad
Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka
Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo &
Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga
dhawaaqday Lascano
»Reer
Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh
Jaamac Cabdisalaam oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii
Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo
»Digniin
ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta


|