Bosaaso: Gen. Cadde Muuse
oo sheegay in Saddex bilood Gudahood lagu Bilaabayo Hawlaha
Macdan Baarista Puntland..
"Hadalkii
oo ahaa in Puntland ay ka baxeen hawlihii macdan baarista,
waxaa loo fasiray si khaldan ee (Puntland) kama bixin
hawshaas"... Hadal sidaas u dhigma waxaa laga soo xigtey
Madaxweynaha DGPL......
-
SomaliTalk.com | Feb 12, 2007
Madaxwaynaha Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa (Axad Feb 11,
2007) sheegay in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah ay ku
imaan doonaan shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo
guda galo halwaha baaritaan ee macdanta Puntland.
Iyada oo mar sii
horaysayna madaxda Puntland laga maqlay in ay sheegeen
imaanshaha shirkadaha macdan baarista u imaanaya Puntland ay
mudo bil gudaheed ah ku soo gaba gabayn doonaan qorshohooda
imaatinka Puntland si ay macdan baaris u sameeyaan.
Maalintii Jimcadii Feb 9, 2007 markii ay garoonka ka soo
degeen waftiga madaxweynaha ayaa waxaa laga soo xigtey
Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Xasan Cismaan Maxamuud in
uu yiri shirkadaha batroolku waxay ku imanayaan bil gudeheed.
Taasi oo sida hadda muuqatana uu madaxwayne Cadde Muuse
dhankiisa ka dhawaajiyay in ay qaadan doonto mudadaasi 3
bilood taas oo qaar dadweynaha ka mid ah ay u fasireen in
aysan war buuxa iska hayn madaxda dawlada maadaama ay markii
hore ay sheegeen bil gudaheed hadana Cadde Muuse uu sheegay
3 bilood.
Madaxwayne
Cadde Muuse waxa uu sheegay xiligii uu imaanayay magaalada
Boosaaso in hadal uu yiri si khaldan loo fasirtay hadalkaasi
oo ahaa in ay ka baxeen hawlihii macdan baarista, Cadde
Muuse waxa uu sheegay in aysan ka bixin oo ay wadayaan.
Gen. Cadde Muuse waxa uu sheegay in wajiga hore ay
bilaabayaan baaritaanka 4 ceel oo ku kala yaala deegaanada
Nugaal, Sool, iyo Sanaag kuwaasi oo ay si wada jir ah u
sahamiyeen Puntland iyo shirkada Range Resources waa sida uu
hadalka u dhigaye Gen Cade Muuse.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu Magaalada Dubai
ee Emaaraadka Carabta kula soo kulmay qaar ka mid ah
shirkadaha hawlaha macdan baaris kawada puntland, halkaasi
oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay kala soo saxiixdeen
heshiisyo wax ku ool ah oo horumar u keeni kara Puntland.
Waxaase jiro ilo wargal ah oo sheegay in xiligii uu
madaxwaynuhu ku sugnaan Dubai ayay ahayd markii shirkadaha
macdanta ka baaraya puntland ay u soo bandhigeen Gen: Cadde
Muuse in uu ifafaalo fiican ka bixiyo halka ay ku baxday
deeqihii loogu tala galay horumarka bulshada puntland,
kuwaasi oo sida dad badani tilmaamayaan ku baxay musuqmaasuq,
Cadde Muuse ayaan ka bixin jawaab muuqata waafi ah
hadalakaasi.
Gen: Cadde Muuse ayaa qiray in ay jiraan dhaliilo badan oo
waxqabad la'aan ah oo laga tabanayo Xukuumadiisa, sidoo kale
madaxweynuhu waxa laga soo xigtey in uu qirray in ay jiraan
hanti lalunsaday intii uu ku maqnaan dalka Dibadiisa. Cadde
Muuse hadana cidna farta kuma taagin in ay lunsatay
hantidaas uu sheegay iyo sidoo kale waxqabad la'aanta jirta
balse waxa uu ku daray in ay jiraan waxbadan oo dhinaca
kalena laqabtay in kasta oo uusan waxqabadkaas carrabaabin.
Waxaa jira guud ahaan Puntland Dib u dhacwayn oo tan iyo
intii ay hana qaaday DGPL aan la qaban ama aan la taaban.
Waxaa jira sharciyo badan oo ilaa iyo hada aan meel marin
ama aan la hirgalin, mar walbana waxaa dhibta jirta farta
loosaaraa Xukuumada puntland lakiin dhibta qaybaheeda ugu
wayni waa baarlamaanka oo isagu wax walba oo ka soo baxay
madaxtooyada Puntland si hubanti la'aan u ansixiya taasi oo
mustaqbalka dhaw iyo kan fogba dhalisa muran iyo isjiid jiid
aan xal laga gaarin.
Reer Puntland waxay hadda u
hanqal taagayaan in saddex bilood gudohood ay Puntland ka
bilaabato baaritaanka shidaalka.
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 12, 2007
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag,
laakiin..
Akhri...
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri

