Bosaso:
Madaxwaynaha Puntland oo ka soo dagay Bosaso.
Madaxwaynaha Puntland ayaa
duhuradii May 11, 2007 ka soo dagay gagida diyaaradaha
ee Magaalada Bosaso halkaasi oo uu markii horeba uga
anbabaxay Emaaraadka carabta dalka oo colaad ku jira.
Madaxwaynaha ayaa in mudo ah ku maqnaa Emaaraadka intii uu
ku maqnaa halkaasina wax war ah oo saxaafada la sii yaya ma
jirin oo ku saabsan safarka madaxwaynaha matalaya umada
Puntland.
Sida lala socdana madaxda
puntland inta badan ma shaaciyaan safaradooda xiliga ay
tagayaan iyo waxa uu ku saabsan yahay balse waxaa laga war
helaa oo kaliya mas'uulkii waa tagay ama waa yimid sidoo
kalena lama shaaciyo xiliga uu yimaado wixii safarkiisa u
qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin intaba taasina waxay
gaabis ku tahay ama ay maja xaabinaysaa mas'uuliyada
waajibka ah ee umada uu xilka u hayo uu uusan uga warbixin
safarkiisa islamarkaana ka sii niyad jabaysa mar ba marka ka
danbaysa.
Sida laga wada warqabana cade muuse waxa uu dalka ka tagay
iyada oo ay ka jirto colaad ka imaanaysay dhinaca waqooyi
galbeed ee Somaliland kuwaasi oo mar walba ku dooda dhulka
Gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo ay si toos ah puntland
iminka u maamusho, Madaxwaynuhu isaga ayaa ah Taliyaha
Malatariga Puntland balse Jagadaas uu hayo madaxwaynuhu kama
soo bixin oo waakan dalkii baylah dhigay isaga oo aan cid
kale u magaacbina ka dhoofay.
Si kastaba ha ahaatee Maqnaanshaha Madaxwayne Cade Muuse ee
mudada bisha ku dhaw ayaan la tabin waxaana is waydiin mudan
Golaha wasiirada oo marka uu cade muuse tago iyagauna baylah
dhiga waajibaadkoodii loo dhiibtay islamarkaana ku tagri
fala hantida umada ee loo wakiishay.
Madaxwayne Cade Muuse markii uu gaaray Madaxtooyada Bosaso
waxa uu shir jaraa'id oo aan saxaafadu su'aalo waydiin ku
qabtay Xarunta madaxtooyada waxana uu sheegay in Puntland ay
mar walba ku sii tilaabsanayso horumar kuwa doonaya in ay
khal khalgaliyaan talaabo sharci ah laga qaadi doono,
Hadalkaas oo dadbadan ay liqi kariwaayeen iskadaa bulshadee
saxaafadii meesha fadhiday ayaa isaga huleeshay meshii
hadalkaas dartiis.
Nabadoon Axmed Diiriye Yuusuf oo aan wax ka waydiinay
horumarka madaxwynuhu sheegayo ayaa yiri malaha horumar waxa
uu u yaqaanaa safarka diyaarada oo marba meeshii la doono
loo raacayo,
Sidoo kale Nabadoon Axmed Diiriye Yuusuf ayaa sheegay in
isaga shaqsi ahaan uusan u muuqan horumarka uu Cade Muuse
sheegay waxana uu intaa ku daray malaha horumar waxaa ah
Ajaanibka la afduubtay, Mise waxaa ah Maraakiibta iyo
doonyahay hayb ahaan loo takooray.
Si kastaba Madaxwayne Cade Muuse ayaa soo laabtay isaga oo
ku soo hungoobay Emaaraadka waxaana wax la iska waydiinyaa
halka ay ku danbeeyeen heshiisyadii ay wada galeen
shirkadaha shidaalka iyo macdanta ka baari lahaa puntland
kuwaasii oo aan hadal danbe laga hayn wixii ka danbeeyay
booqasho ay Ceelka Conoco ku yimaadeen kuwasii oo sheegay in
ay mudo gaaban gudahood ku bilaabi doonaan hawlaha macdan
baarista waxaase rumowday Hadalkii Cade muuse oo uu mar sii
horaysya sheegay oo ahaaaa waxaan heshiis la galnay shirkado
maafiyo ah ama duugo ah kadib markii ay kuwii waa waynaa na
diideen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa haadan Cade Muuse looga fadhiyaa
in uu puntland ku soo celiyo wadadii xaqiiqada oo ay 3sano
kahor baal martay ka dib markii la jabiyay sharcigii u
dagsanaa puntland kaas oo aan ilaa iyo hada wax laga qaban.
Dad waynaha puntland ayaa ka sii niyad jabaya xukuumada Cade
Muuse waxayna maanka ku hayaan waxa xigi doona maadaama
aysan muuqan saan saan Doorasho oo puntland looga fadhiyo
sanadka Cusub.
A/rizak koronto
Puntland/Somalia
Faafin: SomaliTalk.com |
May 12, 2007
Francois Lonsanly Fall oo
ka soo degay garoonka Conooco ee Caasiimada Puntland iyo
Madaxweynaha DGPl Cadde Muuse Xirsi oo ka soo degay xarunta
ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
May 12, 2007: waxaa shalay galab maqribkii soo caga dhigay
markii u horeysay ciida Puntland, ergayga gaarka ah ee QM ee
arimaha Soomaaliya Mr.
Francois Lonsanly Fall , oo ay weheliyaan xubno kale oo ka
socday QM. weftigaan QM waxay soo mareen caasiimada
Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo ay kulamo kula soo
qaateen madaxda DF ee Soomaaliya, sida madaxweyne. C/laahi
Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geedi iyo sidoo kale
gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, Cali Mahdi
Maxamed. Mr. Fall iyo xubnihii ku weheliey safarka ayaa
waxaa ku soo dhoweeyey garoonka Conoco oo 35 KM u jira
Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid
ahaayeen wasiirada Arimaha Gudaha iyi Aminga, Warfaafinta
iyo Qorsheynta iyo saraakiisha ciidanka amaanka ee booliiska
iyo masuuliyiin kale.
Mr. Fall, oo ay gelbinayaan gawaarida UN ka oo uu calanka QM
ka babanaayo ayaa waxay durbadiiba afka isaga shubeen
xarunta Madaxtooyada oo ay shir hordhac ah kula qaateen
madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland, Xasan Daahir
Maxamuud(Afqurac) , sidoo kalena, Fall ayaa waxaa uu la
kulmay Isimada Sool iyo Nugaal, waxaana Mr. Fall iyo Isimadu
isla soo qaadeen gobolada ay ku muran san yihiin maamulada
Somaliland iyo Puntland , iyadoo dhanka dowlada Puntland na
shirka hordhaca ah layskula soo qaaday siyaasada Tahriibta,
Shaqaalaha ajnabiga ah ee lagu haysto degaamo ka tirsan
Puntland iyo halka ay maanta marayso DF ee Soomaaliya iyo
Doorka QM.
Dhanka maxaabiista ajnebiga ah ee lagu hasyto Puntland, ayaa
markii ugu horeysay waxaa soo baxaya ujeedadii ka damaysay
afduubka labada nin ee u kala dhashay Britain iyo Kenya iyo
waxa ay haatan dalbanayaan afduubayaashu. Nimankaan afduubka
loogu haysto maalintii 4-aad Puntland ayaa lagu hayaa meel
qarar ah oo aan si kale loo geli karin wadahal mooyaane,
afduubayaasha ayaa ku andacoonaya in Puntland iyo
Hay'aduhuba ay godob ka galeen degaankooda oo aysan waxba u
qaban marka laga reebo boor ay ku sii rogaan iyo wadooyin
badan oo ay kala baxeen halkii ay xooluhu u daaqi jireen iyo
sidoo kale iyagoo uga baxay balan qaadyo ay la galeen, si
kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in siideynta nimankaan
oo ay ka qayb qaadanayaan odayaasha degaanka iyo
waxgaradaka, iyo sidoo kale QM oo dalbanaysa codsi lagu sii
daayo ay suurto gal ka dhigi karo in ooda laga rogo,
beryahaan dambe ayaa waxaad moodaa in ay Puntland ka
jirto"HADAAD GACAN TAAGTO LABAAN TAAGAYAA".
Dhanka kale
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo
maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Imaaraadka Carabta
ee Midoobay ayaa shalay ka soo degay magaalada Booosaaso ee
xarunta Ganacsiga Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa
garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan
oo ka tirsan Maamulkiis iyo waliba dadweyne fara badan.
Cadde Muuse ayaa muddo ba ku mashquulsanaa hawlo la xiira
macdanta iyo shidaalka, iyadoo dalku uu ku jiray arimo aad u
xasaasi ah sida dagaaladii Dhahar, kuwii beelaha wada-dega
Cagaare IWM.
Cadde Muuse ayaa la filayaa in uu shir saxaafadeed qaban
doono ku aadan waxa uu umadda u wado. .
Maxamuud Cumar Bille, Somalitalk, Garoowe.
mcbille@gmail.com

