"DGPL oo Garan la'
Cidda Leh Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe...?"
- Faalladii
SomaliTalk.com | May 14, 2007
"Lacagta Garoonka Garoowe
haloo Dhiibo Isimada, Laakiin Lacagta Garoonka Boosaaso
Dawladdu ha maamusho!!?"
Isniin ah (May 14, 2007)-
Qaar kamid ah xubnaha sare ee DGPL ayaa waxay u yeereen
Issimada Nugaal, waxayna ku wareejiyeen lacag dhan
$140,000 oo doolar, lacagtaas oo lagu sheegay in ay
bixisay shirkadda Range Resources, taas oo la sheegay in
loogu talo galay in lagu dhiso Garoonka Diyaaradaha ee
Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe.
Goobta lacagtaas lagu
wareejinayey oo ahayd xarunta madaxtooyada DGPL ee Garoowe
waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xassan
Daahir "Af-qurac" , Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf
"Gaagaab" iyo Wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Maxamed
"Bankax".
Wasiirka Maaliyadda DGPL, Gaagaab, oo meesha lacagtaas lagu
wareejinayey ka hadlay waxa uu sheegay in lacagta ay bixisay
shirkadda Range Resources ay ahayd $150,000, laakiin
xawaalado iyo meelo kale oo ay lacagtaasi soo martay darteed
ay go’day lacag dhan $10,000.
Waxaa xusid mudan in Shirkadda Range Resources ay hore u
sheegtay in ay dhismaha Garoonka Garoowe sannadkii 2006
siisay lacag dhan
$313,000, ilaa hadda lacagtaas DGPL ma caddayn meesha ay
martay, aan ka ahany
$95,000 oo la sheegay in Issimada DGPL lagu wareejiyey
mar sii horeysey.
Madaxda sare ee DGPL ma cadayn in lacagta cusub ee
($150-kun) ay qayb ka tahay lacagtii ay Range sheegtay in ay
garoonka ugu deeqday sannadkii hore ee 2006 ($313,000),
haddiise ay qayb ka tahay lacagtaas hore weli maamulku
jawaab kama bixin sababta ay xilligii ku haboonaa ee
shirkaddu bixisay loogu hawl gelin waayey dhismaha garoonka.
Haddii lacagtani ay tahay mid hor leh oo ay sannadkan 2007
ku deeqday shirkaddu, su'aashu waxay tahay xaggee martay tii
hore? ($313,000 - 95,000 = 218,000.) - Jawaabta waxaa suurta
gal ah in laga arko xisaab xirka lixda bilood ee shirkaddu
marka ay sannadkan bartamihiisa u dirto suuqa ganacsiga.
Oday Soomaaliyeed oo reer Puntland ah oo SomaliTalk.com la
soo xiriiray markii uu maqlay in lacagtaas ay DGPL ku
wareejisey Issimada ayaa yiri: "Waa aragtaan in shirkaddi
Mafiyada ahayd (ama jirrida sida Cadde Muuse hore u sheegay)
ee Range in la sheegay in laga qaaday lacag dhan $140-kun oo
weliba lagu wareejiyay beel ka mid ah beelaha dega Puntland,
iyadoo lagu sheegaayo in lacagtaas Garoon diyaradeed lagu
dhisayo, halkii ay Dawladdu ka maarayn lahayd lacagtaas.
Haddaba; su'aasha taagani waxay tahay haddiiba la dhiso
garoonka ma beel baa leh mase ummadda Soomaaliyeed oo dhan,
haddii shacabku leeyahay maxay dawladdu ugu riixeysaa
isimada, mase waa raad gadasho siyaasadeed."
Waxana uu odaygaas Soomaaliyeed intaas raaciyey "Madaxda
Puntland marka ay ka hadlaayaan Dhismaha Garoonka
Diyaaradaha ee Boosaaso waxay uga hadlaan qaab dawladeed,
sida in ay yiraahdaan garoonka oo lagu kharash garaynayo
lacag caddaadkaas ah ama in garoonka ay hawshiisu habsami u
socoto iwm, laakiin lagama maqlo lacagtaan ayaan ku
wareejineynaa Isimada Boosaaso ee haloo yeero saxaafada si
ay sawir uga qaadaan lacagta Garoonka Boosaaso oo loo
dhiibayo isimada Bari, taasi ma dhicin. Haddaba su'aashaas
waxaa ku haboon in la weydiiyo xukuumadda, shacabkuna waa in
ay arrintaas ka hadlaan."
"DGPL miyeysan Garoowe u aqoonsanayn caasimada Dawlad
Goboleedka Puntland, caasimada oo ah meesha u dhexeysa
dhammaan shacabka Puntland iyo shacabka Soomaliyeed ee
imanaya Garoowe. Waa loo baahan yahay in la dhiso garoonka
Garoowe laakiin haddii ay xukuumadii fara kuhayntiisa iska
fogeyneyso sidaas ma ku dhismi doonaa, mase waxay xukuumadu
damacsan tahay in ay isimada Nugaal hadhow ku eedayso
dhammaad la'aanta dhismaha garoonka Garoowe," Ayuu yiri.
Waxan auu hadalkiisa kusoo xiray "Maxaa sabab u ah in la
yiraahdo:
Lacagta Garoonka Garoowe haloo Dhiibo Isimada, Laakiin
Lacagta Garoonka Boosaaso Dawladdu ha maamusho!!. Taas ma la
dhehi karaa DGPL waxay Garan la'dahay Cidda Leh Garoonka
Diyaaradaha ee Garoowe...?"
Su'aasha kale ee marar badan la isweydiiyo ayaa ah:
Warbaahinta ka hawl gasha gudaha Puntland si xor ah ma uga
hadli karaan arrimaha dhabta ah ee Puntland, su'aalona ma u
weydiin karaan madaxda sare ee DGPL? Jawaabtu waa maya.
Caddayn waxaa u ah in warbaahinta laga dhegeysto Puntland,
gaar ahaan magaalada ugu dadka badan ee Boosaaso in ay
gacanta ku hayaan wasiirro ama wasiir ka tirsan xukuumada oo
aan ogolayn in cid kale wax ka qorto ama ka hadasho
Puntland. Waxaa taas u dheer in shacabka ku sugan Puntland
in ay waadan dambe aad uga cabsadaan koox cusub oo loo
bixiyey "Far-Fiiq" sidaas daraadeedna aan qof ku sugan
Puntland fikirkiisa si xorta ah u cabiri karin.
Su'aal kale oo la
isweydiiyey ayaa ah maxaa hadda uu khilaaf soo kala dhex
galay Gaagaab iyo Cadde Muuse kusoo beegay in uu Gaagaab
lacagtaan u dhiibo isimada Puntland [Arrintaas ka akhri
qormada hoose]
Mase
arrintani waxay qayb ka thay maaweelada DGPL ..AKHRI....
###
Dhismaha Garoonka Garowe iyo siyaasada Puntland
May 14, 2007 - Isha: Garoweonline
Waxaa
maanta magaalada Garowe ka dhacdey xaflad lagu
gudoonsiinayay Issimada gobolka Nugaal lacag la sheegey in
shirkada Range Resources ugu talagashey dhismaha Garoonka
diyaaradaha Garowe.
Lacagtaan oo cadadeedu aheyd $140,000 ayaa waxa ku
wareejiyay Issimada Nugaal iyo guddiga dhismaha Garoonka
Garowe wasiirka Maaliyada
Maxamed Cali
Yusuf (Gaagaab), Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Xasan
Daahir Afqurac iyo wasiirka warfaafinta Bankax.
Mr.Gagaab oo hadal ka jediyay xafladas ayaa tibaaxey in
lacagtan ay bixisey shirkada Range Resources ay aheyd
$150,000 balse waxa uu ku sheegey xawilaado iyo meelo kale
ay soo martey ay $10,000 dhiman tahay.
Shirkada
Range Resources oo heshiis muran dhaliyay horey ula
sixixatey M.DGPL Cadde Muse ayaa
warbixin
ay soo saartay (Jan 31, 2007) waxay shaaca kaga qaaday in ay
dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ay sannadkii 2006
siisay lacag dhan $313,000 doolarka Maraykanka (USD), [oo
u dhiganta 405,000 Australian Doolar].
Warbixintan oo loo gudbiyay suqa lacagaha Australia ayaa ka
dhigeysa sharciyan in Cadde Muse iyo wasiirkiisa Maaliyada
ay lacagtaan jeebkooda gashey taariikhda kor ku xusan.
Dhismaha Garoonka Garowe iyo
siyaasada PL
Waxaa shaki weyn abuurtey sababta wasiirka Maaliyada DGPL uu
maanta Issimada gobolka Nugal ugu warejiyay lacagta
shirkadda Renge Resources ku bixisey dhismaha garoonka
Garowe xilli xukuumada Puntland loo soo jeedinayo dhaliilo
badan oo la xiriira maamul xumo iyo isdaba marin, isla
markaana uu jiro khilaaf soo shacbaxey oo u dhexeeya
Madaxweyne Cadde Muse iyo Mr.Gagaab.
Dadka siyaasada Puntland indha-indheeya ayaa ku tilmaamey
sababta xilligaan loo baxshey lacagta dhismaha Garoonka
Garowe dhowr arrimood oo kala ah; In wasiirka Maaliyada PL
ugu gogol xaarayo imaanshaha Cadde Muse ee Garowe oo
malmahaan ay ka soo yeeraysay qeylo dhaan ah in laga guurey
caasimada; In wasiirka Maaliyada iyo saxiibadiis bixinta
lagacantaan ay siyaasad ahaan isaga horkeenyaan Madaxweyne
Cadde Muse iyo reer Nugaled oo xiriirkoodu horey u xumaa; In
Gagaab ku raadinayo taageero siyaasdeed xilli uu jiro
khilaaf isaga iyo Cadde Muse ah.
Hadaba in lacagta loogu talagaley dhismaha garoonka Garowe
la baxsho ayaa ah talaabo horumar ah oo la qaadey balse
waxaa su'aali ka taagan tahay waqtiga iyo ujeedada Gaagaab
lacagtaan u baxshey xilli Madaxweyne Cadde Muse ku sugan
yahay Bosaso.
Su'aashaan jawaabteeda ayaan waxa u dhaafeynaa waqtiga iyo
akhristaaysha bogga Garowe Online.
Garowe Online,Garowe
SHIRKADDA RANGE RESOURCES OO LACAG UGU DEEQDAY GAROONKA
GAROOWE.
Waxaa maanta May 14, 2007 ka dhacay xarunta madaxtooyada ee
Garoowe, munaasubad ay M.Ku-Xigeenka DGPL, Xasan Daahir
Maxamuud iyo Wasiirka Maaliyada DGPL. DR. Maxamed Cali
Yusuf(Gaagaab) ku wareejinayeen lacag ay ugu deeqday
shirkada Range Resources Garoonka loo dhisayo magaalada
Garoowe. Xafladaan oo ay goob joog ka ahaayeen Isimada
Gobolka Nugaal, ayaa waxaa lacagtaas lagu wareejiyey Islaan
Ciise Islaan Maxamed uu uga mahad celiyey dhamaan maamulka
iyo shirkada Range.
Lacagtaan oo dhamayd $140,000 (Boqol iyo Afartan kun oo
Doolar) ayaa waxaa lagu kabayaa dhismaha garoon caalamiga ah
ee loo dhisayo magaalada Garoowe. iyadoo lacagtaas uu
Islaanku ku sii wareejin doono Guddiga Dhismaha garoonka
Garoowe.
Shirkada Range ayaa horey ugu deeqday lacag dhan $95,000
Garoonka Garoowe.
Lacagta ay u balan qaaday Range garoonka Garoowe waxay dhan
tahay $250,000, iyadoo ay shirkadu bixin doonto lacagta
inteeda kale Phase ka 2-aad.
Garoonka Garoowe ayaa hada waxaa dhisme ku socdaa Run-weyga
Wejiga-ka kowaad, iyadoo loo gudbi doono Terminal ka Wejiga
2-aad.
Dhanka kale waxaa isla xafladaas lagu wareejiyey Islaan
Ciise Islaan Maxamed lacag dhan $40,000 oo loogu tala galay
Shirkii Cagaare.
Maxamuud Cumar Bille | Garoowe | Email:
mcbille@gmail.com

