(22)
Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo
dhammeystiray. Ma uusan lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd
xagga jirka ah ayaa intaas u sii dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha
eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.
Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheereed, isagoo ku tilmaanaa
jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood daran. Hase ahaatee,
hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha
duruufta markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii
lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi
Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu
geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu
Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, kunyadiisuna ay
tahay Abuu Cubeyda.
Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri Abuu Cubeyda
Abu Cubeyda wuxuu kamid
ahaa dadkii ugu horreeyey
ee soo Islaamay |
Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo
tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yiri “saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka
qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga
xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been
kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin
Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax”.
Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay
ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay
ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa
isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu
Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam
u soo waday Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor
qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen
saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.
Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda
Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la
kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa, isagoo jooga magaallada Makka,
wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka.
Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaaray
muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab
ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.
Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda
maalintii dagaalka Badr wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya
xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala
mala-awaalkooda. Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badr dhex jeexay safafkii
gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, jeer ay ka
cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo aadi waayay fardoollaydii
dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay
Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii
Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii
ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la
kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka. Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii
ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii
danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo
ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.
Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur'aan
Dhab ahaantii Abuu
Cubeydah ma uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo
kufrigii ku dhex jiray aabihiis. |
Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxuu seeftiisa
kula beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala
dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isagoo dangiigan oo
weliba dhintay. Haddaba, akhristoow ha isku sii wareerin inaad ogaatid
qofkaas dhintay kuu yahay. Soow horey umaanan oran, tijaabooyinkii
qallafsanaa ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed wuxuu dhaafay kuwii wax
xisaabinayay xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda.
Waxaa dhici karta akhristow inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la
dilay uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihiis.
Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay
shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis. Waxaa Abuu Cubeyda isaga
sababtiis iyo arrinka aabihiis dartii ku soo degtay aayad qur’aan ah, waa
aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda
Al-Mujaaddala.
Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: “Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo
maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba
noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba,
kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxuu Alle
laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay,
wuxuuna gelinayaa Jannooyin durreereysa xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku
waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka
raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay”.
[Dhegeyso
Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]
Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa
“waxaa la tagay sifadii aan rabay
Abuu Cubeyda”.
|
Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaanan ahayn wax sidaas loola yaabo,
maxaa yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaartay, iyo taageerada uu
ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay
u hanqal-taagto nafaf fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxaa
sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuuna yiri: “waxaa Rasuulka (scw) u soo
wafdiyay wafdi koox kirishtaan ah, waxay ku yiraahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid
ka mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee aan habboonayn inuu qof kale ku kunyoodo
ama la baxo) waxaad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli
nooga tahay, si uu noo kala garsooro dhexdeena arrimo la xiriira hanti aan
isku qabanay awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin
kuwo aan xaggeena laga raalli yahay”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri “ii imaada
galabta, waxaan idinku darayaa nin qawi ah ahna amiin”. Cumar Binu Khadiib
ayaa markuu maqlay hadalkaas wuxuu yiri: waxaan waqti horey sii aaday
salaaddii duhurka, mana jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn
jaceylka aan u qabay inaan noqdo ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu
sheegay Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay Rasuulka (scw) salaaddii duhurka,
wuxuu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa iyo bidixdiisa, annigana
waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si uu ii arko Rasuulka (scw),
sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta dhexdooda jeer uu markii
danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna wuu u yeeray, wuxuuna ku
yiri: “waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukmi dhexdooda waxay isku
khilaafeen”. Waxaan naftayda ku iri “waxaa la tagay sifadii aan rabay Abuu
Cubeyda”.
Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday
Abuu Cubeyda wuxuu raggii la socday
siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah.
|
Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ma ahayn oo keliya amiin, balse
wuxuu amaanada ku darsaday quwad iyo ku adkeysi daran dhinaca diinta, taasina
waxaan ku arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar waxay ahayd markii uu
Rasuulka (scw) diray koox ka mid asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd
qureysh, wuxuuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu
Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii
siiyay oli (maqaarka neefka ariga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay
ku jiraan timir, maxaa yeelay ma uusan u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu
Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu raggii la socday siinayay maalin kasta mid
kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah, markaasuu qof weliba
muudsanayay xabbaddii timirta ahayd, sida uu cunuga yariba uu u nuugo naaska
hooyadii. Sidaas ayuu qof kasta sameenayay maalin kasta, isagoo xabbadaas
timirta ku cabbi jiray biyo, wayna ku filnaan jirtay maalintoodaas, iyadoo
aan sidaas ka fahmi karno halka ay gaarsiisan tahay rafaadka iyo dhibaatada
ka soo gaaray dagaalkaas, xittaa waxaa kaloo la sheegaa inay xittaa
saxaabadii markii danbe ay dani ku qasbtay inay cunaan caleemaha geedaha,
gaajo awgeed.
Sababta ay uga dhaceen foolashiisii hoose
“wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii
ugu fiicnaa dadka”.
Abuubakar |
Markii la soo gaaray dagaalkii maalintii Uxud, markii la jebiyay
ciidamadii muslimiinta, mushrikiintiina ay billaabeen inay dhawaaqaan iyagoo
leh “na tusiya Muxammad.., na tusiya Muxammad”. Waqtigaas iyada ah, wuxuu
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka raalli noqdee ka mid ahaa tobankii
isku soo gadaamay Rasuulka (scw) si ay uga difaacaan warmihii ay soo
tuurayeen mushrikiinta. Markii ay dhammaatay dagaalkii Uxud, wuxuu Rasuulka (scw)
ahaa kii la jabiyay dhooshiisa, sidoo kale waxaa la dakhray dhafoorkiisa,
koorarkiisana waxaa ka gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha
madaxa iyo wejiga qariya ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray). Waa dhaawac
halis ah lehna xanuun badan. Waxaa xaggii Rasuulka (scw) soo aaday Abuubakar
Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo birihii
Rasuulka ka galay kulleetagiisa.. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ayaa ku yiri
Abuubakar “Ilaah ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta
anniga”, sidiina ayuu abuubakar ugu dhaafay.
Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa,
inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu
horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo
qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay
dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku
qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday foolkii
kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “wuxuu Abuu
Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen
isagoo ka siibaya biirihii ku jiray Rasuulka (scw).
Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay
Abuu Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar
Binu Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu
salaadda na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”.
|
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu kala qayb galay Rasuulka (scw) dhammaad
dagaalladii dhacay laga soo billaabo maalintii uu soo islaamay ilaa uu ka
geeriyooday, waana sharaf aad u weyn oo uu dheer yahay qaar ka mid ah
asxaabta. Maalintii loogu magac daray “SAQIIFA” ee ahayd maalintii
madaxtinimada ama khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxuu Cumar Binu
Khadaab Ilaah ka raalli noqdee ku yiri Abuu Cubeyda “fidi gacantaada si aan
kuu doorto, maxaa yeelay waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta
waxay leedahay amiin, adigana waxaad tahay ummaddan amiinkeeda”. Abuu Cubeyda
wuxuu ku yiri Cumar Binu Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray
Rasuulka (scw) inuu salaadda na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”.
Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq.
Abuu cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas
ayeeynan agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa
ee salafka, halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo
idil ugu hagar baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon
lahaayeen madaxweyne iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu
Abuu Cubeyda siiyay aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku
caasin ama garab marin amarkooda marka laga reebo hal jeer. Haddaba, maxay
ahayd halkaas jeer ee uu Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay
khaliifka ama amiirka muslimiinta.
Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga
Shaam, isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota
guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka
Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga
aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya).
Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka Shaam si lama filaan ah ka dillaacay
cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo aynan horey ugu arag dadka.
Cudurkii wuxuu si ba'an u shafay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas.
Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay
gobolka Shaam, ayna ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay
Abuu Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee
haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa
inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale,
haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa
inaadan galabeysan jeer aad xaggeyga uga soo safartid.
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri
"waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa inuu
baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray
qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral mu'miniinow waan gartay dantii aad iga
lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo
inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni
maayo inaan ka dhex baxo ciidanka jeer uu Eebbe (sw) ka xukumo arrinkayga iyo
kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaaro qoraalkayga waxaan kaa
codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii
fasaxdid inaan la joogo ciidamada".
Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay
Markii uu aqriyay Cumar Binu Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo
daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka
oohiyay amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay su'aal, waxayna ku yiraahdeen "amiiral-mu'miniinow
ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?". Cumar ayaa ku yiri "maya, hase ahaatee
geeridii ayuu u dhow yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab noqotay,
oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee
daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.
"waxaan idiin dardaarmayaa dardaaran,
oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan
salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana la baxa (zakada), gutana
acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina, oo ha khiyaamina,
yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sanno oo cumri ah la
siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku
suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi"
.
Abu-Cubeyda
oo saarnaa sariirta sakaraadka |
Dardaarankii Abuu Cubeyda
Intii uu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax saarnaa sariirta sakaraadka wuxuu u
dardaarmay ciidankii muslimiinta ee uu isaga hoggaaminayay, wuxuuna ku yiri "waxaan
idiin dardaarmayaa dardaaran, oo haddii aad qaadataan aydan ka suulaynin
abadkiin kheyr. Waxaad oogtaan salaadda, soomana bisha Ramadaan, saddaqadana
la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u nasteexeeya madaxdiina,
oo ha khiyaamina, yeynana idin mashquulin adduunyo, qofku haddii kun sanno oo
cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu aakhirka ku sugnaan doono halka aan
hadda ku suganahay, wassalaamu caleykum waraxmatullaahi". Dardaarankaas kadib,
wuxuu Abuu Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii jaliilka ahaa ee Mucaad
Binu Jabal, wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo wareegan intaas
waxyar jeer ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu Cubeyda ay u kor noqoto Allihii
sarreeyay, sidaasna ayuu ku dhintay.
Mucaad Binu Jabal ayaa istaagay, isagoo wacdinaya dadka, wuxuuna ku yiri "dadyahow
waxaa idinka baxay nin -wallaahi ayaan ku dhaartaye- garan maayo qof ka
laab-xaaran, ugana fogaansho badan sharta, kana jecel cirirbta danbe ee
aakhiro, uguna roon dadka Abuu Cubeyda, ee Alle u weydiiyo naxariis, Allaha
idiin naxariistee. Waxaana intaas ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka
ahaa ee Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax.