Qore: Ibrahim Salah Aden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com |
Odense| Denmark
CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM
"NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16
AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO
LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)"
(9)
Waa kuma saxaabiga isaga dartiis Nebiga looga canaantay toddobo samo
korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa
kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga
Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah.
Saxaabigaas qiimahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw).
Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad,
wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid,
maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu
Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi
Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika
Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay
Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’.
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka
ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku iftiimiyay laabtiisa
hanuunka iimaanka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee
qaata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala
kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku
adkeysi uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin
fara badan ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaatee waxaasoo dhibaato
ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaanka iyo xamaasadda Cabdullaahi
ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu
sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle, dhinaca kalena uu korosado aqoonta la
xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto
xaggaa iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka (scw).
Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Rasuulka (scw) iyo dadaalka uu ugu jiray
barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad
kasta uu u maro sidii uu arrintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhinaca kale,
wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami
lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah,
wuxuu Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida aadka ah u cadaadin
jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu
Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo Umayata Binu
Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis.
Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u
jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo
islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo islaamaan, ama
haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka
(scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo
markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh:
"Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku
baray". Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo
weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay
ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo
islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Islaamka u keento cisso iyo
taageerada dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay
nimankii qureysh maba uusan dhammaynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer
uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida
isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku
soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa:
"Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa
darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo.
Ama uu waansamo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma
diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu
yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma
ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waano qaadan, waxayna dhex
ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-maxfuudka), lana koryeelay oo la
daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf
iyo dhego nuglaan leh".
Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo
ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo
xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo
aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran
dhammaanteed.
Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u
maamuusa oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray
haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan
yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga
daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa toddobo cir korkood,
canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar
kale soo laba-kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo
mu’miniinta, ayna darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday
muslimiinta inay u haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum
wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo
diintiisa la cararaya.
Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab
Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah
dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada
magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina, maba uusan
sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen gudbinta dacwada
Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta
Islaamka.
Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay
Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana
jahraanna oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu
yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena dadka ku baraarujin jiray
liibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi jiray salaadda.
Amaba waxaa dhici jirtay mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna
uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi jiray Cabdullaahi,
maamuusiddaasina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga
tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood
uga maqan yahay dibadda magaalada. Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd
maalintii uu Nebiga (scw) furanayay magaalada Makka.
Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado
qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada mujaahidiinta, isagoo ka
fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii
jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka
fariistay goobta jihaadka. Aayadahaas waxay saameeyeen Cabdullaahi, isagoo
dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa
darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:
"Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa, waan jihaadi lahaa", dabadeedna
wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: "Ilaahayoow waxaad soo
dejisaa cudur daarkayga", Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga".
Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa
wuxuu yiri: " waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka
dabooshay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag
wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaaday,
wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka
fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka"
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii
Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi maba
uusan sii dhameystirin jeer haddana Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni
kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday bowddadayda, waxaana dareemay
culeyskii hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow. Waxaan aqriyay
wixii aan qoray, oo ahaa: "ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta
ah". Rasuulka (scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: "aan ka ahayn kuwa dhibban".
Waxaa soo degtay ka soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu in badan
jeclaan jiray Cabdullaahi. In kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi
iyo dadka la midka ah ka qayb galka goobaha dagaalka, haddana nafta
Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday
inay ka fariisato ka qayb galka goobaha jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku
gaarey inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.
Maxaa yeelay, dadka sar sare ma damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha
waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay, wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan
dhaafin duulimaad ama dagaal la qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay
goobta dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran jiray: "waxaad i istaajisaan
bartamaha labada saf dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan calanka si aan
idiinkugu qaado, una xafido, maxaa yeelay waxaan ahay ruux aanan wax arag oo
markaa aan awoodin orod iyo baxsi kale.
Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku
gaaray inuu ciidamada ku qaadi doono dagaal adag oo daba-geddiya dowladda
Furus, isla mar ahaantaana tirtirtana boqortooyadooda, isla mar ahaantaana
waddada u furta ciidamada muslimiinta. Cumar Binu Khadaab wuxuu
guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray qoraalkan uu ku leeyahay: "yaan laga soo
tegin ruux haysta hub ama faras, amaba ruux geesi ah ama yaqaana tabta
dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada".
Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii
dhan isugu yimid magaalada Madiina meel kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa
waxaa ku jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ee indhaha la’aa. Ciidankii
dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga qiimaha badan ee Sacad Binu
Abii Waqaas, isagoo u jeediyay dardaaran, sogeetiyayna. Ciidankii markii uu
soo gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah, ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi
oo lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la isaga difaaco hubka/seefaha),
dhinaca kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar garowgiisii dagaalka, naftiisana
wuxuu u rashaxay inuu xanbaaro calanka muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii
ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex maalmood oo qallafsan..
Waxay u dagaalameen labadii ciidan si aynan taariikhdii furushada hadda ka
hor wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay muslimiintii markii danbe ay uga
soo hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn, halka gaaladii Furus
dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goobtaas. Boqortooyadii Furus waa la
ciribtiray. Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay calankii towxiidka. Goobtii
dagaalka waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal ka mid ah muslimiinta,
waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Waxaa la
helay isagoo dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhegan calankii
Mulimiinta. Halkaas waxaa ku dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu Ummi
Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan
asxaabtii diintaan u soo halgantay.
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
Sabti
September 2, 2000
CASHARKA
HORE |
CASHARKA
XIGA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|