SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN 1427

RAMADAAN WAA GOORMA??

Qore: Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com

RAMADAAN   
Bisha Maalinka Tariikhda
RAMADAAN (soon) Axad 24/09/06

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa, waqtiyada ay bilanayaan bilaha: RAMADAAN & SHAWAAL. ( waa marka laga fiiriyo xagga Cilmiga Falagga oo ay adagtahay inuu arrimahan oo kale been ka sheego):  

Fiiro gaar ah:

  • -Sidaas ayay u badantahay in bisha Ramadaan la arkayo galabnimada Sabtida 23/09/06.
  • -Markaas Axadda ayaa ku aaddan 1-da bisha.
  • -Lama filayo in bisha la arko galabta Jumcadu baxayso Sabtiduna soo geleyso (22/09/06) waase rajo aad u yar in bisha la arko, haddiise la sheego lama beensan karo.
    SHAWAAL   
    Bisha Maalinka Tariikhda
    SHAWAAL (soon-fur) Talaado 24/10/2006  

Fiiro gaar ah: 
-Sidaas ayay u badantahay in 24/10/06 ay tahay 1-da Shawaal (CIIDDA).  
-Waxaase  rajo aad u yar laga qabaa in maalinta ka horraysa ee Isniinta 23/10/06, noqoto 1-da Shawaal ama CIIDDA.

Dhammaan waa haddii Allaah idmo. 

BARAARUJIN:-

1.   Taariikhda iyo wakhtiga aynu kor ku qornay waa kuwa magaalada Makkah al-Mukarramah.

2.   Waxaynu sheegnay in maalinta Ciiddu ku aaddantahay Talaado 24/10/06. Taasi waxay ku dhisantahay in bisha la arkayo galabta Isniinta, 23da bisha. Haddaba waxaad xusuusnaataa in ay dhici karto in bisha la arko galabnimada Axadda sidaasna ay Isniintu noqoto Ciidda, laakiin taasi waa rajo aad u liidsts; maxaa yeelay wakhtiga u dhexeeya dhicitaanka qorraxda iyo dhicitaanka bishu waa 1 daqiiqo oo kaliya. Markay qorraxdu dhacdo bishuna way ka daba dhacaysaa.

MA LAGU CAMAL-FALI KARAA XISAABTA? 

Su’aashaas waa masalo ay in badan culimadu isku waydiiyaan, kutubta fiqiga iyo xadiiska, hadalkeeduna ma aha mid halkaan lagusoo koobi karo. 

Waxaanse kusoo uruurinayaa:

  • Waxa la cuskanayo waa Aragtida, soon iyo afurba.
  • Xisaabta falagga waxaa si buuxda loogu ogaan karaa maalinta, saacadda iyo daqiiqadda ay bishu dhalanayso, iyo marka la arki karo. Tusaale ahaan waxaa la ogyahay in bisha Ramadaan ee sannadkan 1427H, ay dhalanayso duhurnimada Jumcaha 22/09/06 saacaddu markay tahay 2:46 daqiiqo (dhalashada: waxaa loola jeedaa marka ay is weydaaranayaan qorraxda iyo bishu, ee ma aha marka bisha la arkayo).
  • Dhalashada bisha laguma sugi karo xisaab ahaan oo kaliya. Waxaan uga jeedaa, ma bannaana in la yiraahdo: Xisaab ahaan bishii way dhalatay ee aynu soonno ama afurno, ee waxaa sax ah in la yiraahdo: xisaab ahaan bishii way dhalatay, ee yaa bishii arkay?. Haddii la helo cid aragtay waa la raacayaa, maxaa yeelay waxaa la helay markhaati, xisaab ahaanna waa macquul in la arkaa. Haddiise la waayo cid tiraahda annagaa aragnay laguma camal-falayo xisaabta oo kaliya, in bishii hore 30 maalmood buuxisay mooyee.
  • Haddii xisaab ahaan aanay macquul ahayn in bishii la arko, culimada falagguna ay sheegaan inaysan bishii xisaab ahaan weli dhalan; markaas qofna laga yeeli maayo inuu bishii arkay, maxaa yeelay macquulba ma ahan in bishii oo aan weli dhalan la arko. Qofkaas sheegashadiisana waxaa lagu bushinayaa waaqica oo beeninaya.  

Wuxuuna qofkaasi la midyahay sidii qof 15-ka shacbaan sheegtay inuu arkay bishii Ramadaan. 

Markaa waxaynu kusoo koobaynaa sharci ahaan xisaabta falagga bisha dhalashadeeda laguma sugo, laakiin waxaa lagu buriyaa ama lagu diidaa ciddii sheegata inay bishii aragtay, iyadoo aan la gaarin dhalashadeedii.

Ilaahay ha ina waafajiyo sida sawaabta ah. 

Wixii sixid ah ama su’aal ah ku soo hagaaji:

Cabdisamad Xoday 
Hoday30@hotmail.com

Macluumaadka qoraalkani xanbaarsanyahay waxaan ka faa’iideystey Sh Cabdallah bin Suleyman al-Maniic. Wuxuu xubin ka yahay Hay’atu Kibaaril Culamaa’, waana qaadiga maxkamadda sare ee Mandiqadda Galbeed, Sacuudiga.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2006

Maalmo Muhiim ku ah Jadwalka Islaamka 1427-1428.. AKhri

 

CASHARADA SAXAABADA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal Salaadda ku bar carruurtaada GUJI
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
 
QORAALLO MUHIIM AH
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)

Halal  | Hajj | isxisaabi |
 

SOO BOOQO
 
QUR'AN
. Qur'aan Page
. Abdulrahman Al-Sudays
. the-quran.com
. The Noble Quran
. quran.al-islam.com
. islamiccity.tsx.org
 
SUNNAH
. Sahih Bukhari -Tarnsl.
. Sahih Muslim -Transl.
. Sunan AbuDawud -Transl.
. Hadith Qudsi
. alsunnah -arabic
. sunnah.com
. al-sunnah.com
. Al-Bukari Hadith Audio
 
ISLAMIC LINKS
. Islamic Develop. Bank
.
AbdulFatah's IslamicSite
 
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»



HTML CD