United Somali Diaspora

Ururka Qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) 

Warsaxaafadeed:  November 24, 2007  USD# 0001 

Maanta oo Taariikhdu tahay November 24, 2007 Ururka Midowga qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora)  ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu kucdaynayaa warsaxaafadeed kan arimahan soo socda; 

  1. Waxaan canbaaraynaynaa Soogalida, joogitaanka iyo Xasuuqa Ciidamada Dowlada Itoobiya ugaysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii halka sano ahayd ee ay haysteen Soomaliya. Sidaa si kadaran waxaan carabka ugu adkaynaynaa una canbaaraynaynaa  Xasuuqii arxandarada ahaa ee ugu danbeeyey kana dhacay Magaalo Madaxda Soomaaliya “Muqdisho” November 4-10-2007, Kasoo sababay in kaband boqolaal dhimasho ah, inkabadan 5000 oo dhaawac ah iyo in kabadan 200,000 oo barakac ah oo loo gaystay shacabka Muqdisho.
  1. Waxaan canbaaraynaynaa Dowlada Meel ku gaarka ah oo ka qaybqaadanaya Xasuuqa, dhaawaca iyo bara kicinta Shacabka Soomaaliyeed  si toos ah iyo si dadbanba. Sidoo kale waxaan canbaraynaynaa xanibaada gargaarha bani aadanimo ee dadka barakacay loo wado.
  2. Waxaan canbaaraynaynaa laynta Suxufiyiinta iyo afqabashada/xirida Saxaafada Soomaaliyeed.
  1. Waxaan canbaaraynaynaa hadalkii kasoo yeeray Madaxwaynaha Meel ku gaarka C/laahi Yuusuf taariikhdu markay ahayd November 20. 2007  kuna saabsanaa in lala wareego wax qabadka is xilqaamida iyo kartida ku dhisan ee shacabka Soomaaliyeed muujiyeen intay dowlad la’aanta ahaayeen. Sida Xawaaladaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Isgaarsiinta, Masaajida, Jaamacadaha, iskuulada Hoose,Dhexe, Sare iyo Dugsiyada Quraanka, Maadaama ay waddaado gacanta ugu jiraan waa siduu hadalka u dhigay. Tixraac; http://somalitalk.com/2007/nov/yuusuf.html
  1. Waxaan Canbaaraynaynaa beesha caalamka gaar ahaan OAU sida ay isaga indho tirayso xasuuqa dowlada Itoobiya gaysanayso iyo dhibaatada bini aadanimo ee ka taagan Soomaaliya, dhibkaas oo noqday xiligan meesha aduunka ugu daran.
  1. Waxaan canbaaraynaynaa Jaamacada Carabta oo aan kasoo bixin kaalintii  uga aadanayd Soomaaliya, gaar ahaan ka hadal la’aanta xasuuqida shacabka .
  1. Waxaan canbaaraynaa Saxaafada caalamka qaarkeed oo iska indho tiraysa xaqiiqada ka jirta Soomaaliya mararna si gurracan ama aan sax ahayn u fasiraysa.
  1. Ugu danbayntii waxaan soo jeedinaynaa Ciidamada Dowlada Itoobiya inay Soomaaliya uga baxaan shuruud la’aan, laguna badalo ciidamo la isla ogolyahay, ayna cadahay meesha ay ka imaanayaan, shaqada ay qabanayaan, xiliga ay joogayaan, goorta ay baxayaan, cida ay ka amar qaadanayaan iyo cida la xisaabtami doonta. Sidoo kale waxaan soo jeedinaynaa dadka galaya danbiyadda dagaalka in laga qoro maxkamada danbiyada ee caalamiga ah. Sidoo kale waxaan soo jeedinaynaa Xalku inuusan xoog ahayn ee Soomaliyi  wada hadasho, dhexdeedana ka heshiiso.