SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
TAARIIKHDII - UGAAS YAASIIN

 Taariikh Nololeedkii Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan

1915-2000

KULLU NAFSI DAA’IQUTU AL-MOWT (Sadaqallaahu Al-Cadiim)

 Waxaa gelinkii danbe oo ay taariikhdu ahayd 31/12/2000 ku geeriyooday magaalada Bosaaso Ugaas yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan oo da’diisu dhammayd 85 sano, allaha u naxariistee.

Marxuum Ugaas Yaasiin wuxuu Ugaasnimada hayey 59 sano. Marxuum Ugaas Yaasiin waxa uu ku dhashay Magaalada Boosaaso, taariikhdu markay ahayd 1915. Wuxuu waxbarashadiisii diinta islaamka ka bilaabay Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu Xaafidil qura’aan uu ku noqday. 1935-1938 wuxuu waxbarasho u tegey Muqdisho oo uu ka dhiganaayey iskuul Talyaanigu ugu talo galay Ilmaha madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed, oo ahaa iskuul isbishaale ah ( Schola Speciale per I figli di capi Somnali).

 Sannadkii 1941kii Waxaa Ugaas Yaasiin Ugaas cabdiraxmaan loo caleemo saaray Ugaasnimada. Wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii gobanimodoonka Soomaaliyeed.

1947dii wuxuu noqday Xaghayaha Xisbiga SYL ee Degmada Boosaaso.

1951kii Guddoomiyihii Magaalada boosaaso ee Talyaaniga u joogay wuxuu talo ku bixiyey in la dilo Ugaaska, oo markaas ahaa xoghayihii xisbiga SYL, Ugaasku markuu ka warhelay Arrintaas wuxuu u baxsaday dhinaca Waqooyi uu ka galay Ceelaayo-Ceerigaabo, Burco-Hargeysa. Magaalooyinkaas oo si fiican loogu soo dhoweeyey, kadibna wuxuu u gudbay xamar, waxaana lagaga hor yimid magaalada Jawhar. Ugaasku markuu xamar tegey xog-warran ayuu u jeediyey Golihii dhexe ee SYL, kadibna Dacwadoodii ayey UN-ka u gudbiyeen, UN-kiina waxay Talyaaniga culays ku saareen in dadka cadaadiska laga daayo, ammaanka Ugaaskana la sugo, markaas kadib ayuu Boosaaso kusoo laabtay waxaana loogu soo dhoweeyey si wanaagsan.

 1956-1959kii Ugaasku wuxuu ka mid noqday xubin baarlammaankii ugu horreeyey ee loo sameeyey dalka Soomaaliya (Daakhiligii), intii ka danbeysay wuxuu ka mid ahaa Baarlammaanka ilaa 1969kii. Xilligaas ka dib wuxuu ka shaqaynayey caanna ku ahaa Nabadaynta & suluxa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo caan ku ahaa astaan hoggaamiye dhaqameed iyo mid diineed, isagoo ahaa xaafidil Qur’aan kuna xeeldheer shareecada diinta islaamka, wuxuu ku hadli jirey Luqadaha (afafka) Carabiga iyo Talyaaniga.

1991dii Ugaas yaasiin allaha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa Guddigii Odayaasha ee isu xil-saaray in ay kala dhex-galaan dhinacyadii ku dirirayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa shakhsiyaadkii raadiyo Muqdisho kala hadlay ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kasii daayey baaq nabadeed, habeenkaasna ka baaday gurigiisii, isaga iyo kuwo kale oo ka mid ahaa guddigaas.

Guddigaas odayaasha ee nabadaynta ummadda qaar ka mid ahaa ayaa naftoodii ku waayey sida:

Marxuum Xaaji Muuse Boqor (Allaha u Naxariistee) Marxuum xaaji xaashi weheliye( Allaha u Naxariistee),waxaa kaloo isla goobtaas ku dhaawacmay Marxuum Sheekh Maxamed Maxamuud (faruur) (Allaha u Naxariistee) oo guddiga ka mid ahaa & shakhsiyaad kale.

Dalalka uu maray waxaa ka mid ahaa Djibouti, Ethiopia, Kiinya Ugaandha, Tansaaniya, Yemen, UAE, Ciraaq, Syria, Urdun, Lubnaan, masar, turkiga, Baytul Muqdis inta aanu u gacan gelin Dawladda Yuhuudda, Jarmalka, Talyaaniga iyo dalka Maraykanka oo uu joogay 1963 markii lagu dilay Madaxweyne John F. kenedy.

Maanta oo Bishu tahay 31/12/2000 waxaa magaalada Boosaaso lagu aasay Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, waxaana aaskiisii kasoo qayb galay dad aad u farabadan oo isaga yimi Gobolada w/Bari soomaaliya & Gobolada deriska la ah.

Marxuum Ugaas yaasiin wuxuu ifka kaga tegey 49 Qof oo isugu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen & laba Xaas.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
(Sadaqallaahu Al-Cadiim)
Waxaa soo ururiyey
Maxamuud Bile Dubbe
Bossaso,Somalia 01/01/01
Tel: 252-52-34785 (Guriga)
Mobile: 252-52-50693


Qoraalkaan waxaa SomaliTalk.com soogaarsiiyey C/Fataax Ugaas Yaasiin
C/Fatax cinwaankiisu waa:
c/fataax ugaas yaasiin.
Tell; 92-51-2293598
Islamabad, Pakistan
Email: ugas2@hotmail.com

Islamabad, Pakistan - Anigoo ah C/fataax Ugaas Yaasiin waxaan halkan tacsi uga diriyaa dhamaan dadkii noo soodiray tacsida geeridii nagu timi waxaana lee yahay illaahay haynaga wada samirsiiyo dhamaanteenba waa inaga wada dhintee isagana illaahay naxariistii jano haka waraabiyo aamiin aamiin aamiin
E-mail: ugas2@hotmail.com

Islamabad, Pakistan - Anigoo ah Abdulqadir Mohammad Suleyman degan magaalada Isalamabad wadanka Pakistan, waxaan halakaan tacsi uga dirayaa dhamaan qoskii uu ka geeriyooday Ugaas Yaasiin Ugaas Abdirahman waxaana leyahay qooska uu ka geeriyooday marxuuku, samir iyo iimaan ilaahay haka siiyo janadiina laahay haka waraabiyo aamiin aamiin aamiiiiiiiiiiin.
E-mail: boqorcadde@usa.net

Norway - Xasan Yusuf Nuur oo ku nool dalka Noorwey wuxuu tacsi u direyaa shacbiga Puntland iyo eheladii uu ka geeriyoodey 31.12.00 samawade Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan, wuxuuna Alle ka baryeyaa inuu marxuumka u naxariisto anagana sabir iyo iimaan inaga siiyo
E-mail: hasyusu@online.no

Anigoo ah Maxamed Xuseen Faarax xagaafe,waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday naxariistii jano alaha ka waraabiyee Ugaas Yaasiin anigoo eebe uga baryaya in uu naxariistii jano ka waraabiyo inta uu ka tagay iyo soomaloo dhana samir iyo iimaan ka siiyo amiin aamiin.
E-mail: MohamedHussen@aol.com

Auckland, Newzealand - Anagoo kala ah Cali Max'ed Yusuf Dhuux, Axmed Saney Mohamed, Bashiir C/raxmaan Soofe (Awoowe), C/wahaab Sheekh Cilmi, Maxamed Sandheere, Cabdi Baashe Max'ed iyo Cabdullahi Dheer (Xaaji Malable) waxaan tacsi u diraynaa dhamaan eheledii iyo qosykii uu ka geeriyoodey UGAAS YASIIN C/Raxmaan. Ilaah waxaan uga baryeynaa inuu samar iyo iimaan ka siiyo asagana janadii ilaah ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
E-mail: nuurow@hotmail.com

Boosaaso - Annagoo kala ah Cali Cabdi Awaare, Jaabir Muuse Cali, Axmed Barre Maxamuud(Biikolo), Faarax Muuse Saciid, Maxamud C/lahi Axmed iyo C/kariim dalla'aan dhammaantaya waxaan tacsi u diraynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum UGAAS YAASIIN C/RAXMAAN in illaahay samir iyo iimaan ha naga siiyo dhammaanteen.
E-mail: aware@netcostg.com

KUWAIT - ANNAGOO KALA AH
1. FAARAX MAHAD XASAN (XAQ U DRIR)
2. mustafe maxamud caynab ( reer bari)
3. axmad idiris axmad (ubu aniis)
4. cali faarax siciid ( cali yare)
5. yuusuf cabdi maxamad (kaluule)
6. maxamed siciid khumeeni
7. yuusuf cali (ilkalluun)
8. cali siciid ibraahim (jumbaasi)
dhamaantaya waxaan tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii u ka geeriyooday marxuum UGAAS YAASIIN oo dhowaan ku geeriyooday magaalada boosaaso usagana waxaan eebe uga baryaynaa inuu naxriistii janno ka waraabiyo AMIIIIIIIIIN
waxaa soo diray farax mahad xasan
E-mail: qandala@hotmail.com

Dubai & Bosaso - Anagoo kala ah: Maxamed Barre Samatar, Maxamuud Max'ed Barre, Yuusuf Max'ed Faatax, Cabdirisaaq Maxamud, Cali Aadan, Bashiir Barre, Axmed Max'd barre, Max'ed Cabdi Barre, Salaad Yuusuf M. Fatax, Maxamed Siciid (Xiito), Bashiir Yuusuf M. Fatax iyo qoysaskooda oo kala jooga Dubai iyo Boosaaso, waxaan tacsi u direynaa ehelka uu ka geeriyoodey Allah ha u naxariistee Ugaas Yaasiin Cabdiraxmaan, samir iyo iimaan Allah hakasiiyo marxuumkana naxariis iyo Janno ayaan Ilaah uga baryeynaa.
E-mail:
bahaya@emirates.net.ae

MELBOURNE, AUSTRALIA - INNAA LILAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJICUUN
ANAGOO KA MID AH JAALLIYADA SOMALIYEED EE DALKA AUSTRALIA, MAGAALADA MELBOURNE, KALANA AH:
1. AHMEDNOR CABDI HAGI MIRE
2. MAHAMUD ALI AHMED
3. SHIIKH ESSE ABDOW
4. ABDIRAHMAN JAMA GEYRE
5. MOHAMED ESSE SEERAAR
6. AHMED MOHAMED WARSAME
7. ENG. ABDULQADIR SHIRE DHIDHI
8. AHMED FAAHIYE
9. ABDULQADIR XUSEEN (SAGAAR)
10. YASIIN MOHAMED FARAH
11. MOHAMED ABDIRAHMAN FAROOLE
11. ABDI ELMI (ABDIYARE)
12. IBRAHIM MOHAMED ADEN
13. CABDICASIIS SICIID XIRSI
14. ESSE MAHAMED FAROLE
15. OSMAN BULHAN BOQOR
16. ABDULLAHI HAGI HASHI
17. HASHI HIRSI SICIID
18. HASAN ALI SACIID
19. KHADAR CABDIRAHMAN FAROLE
20. ABDI MOHAMED HASSAN
21. ABDIRAHMAN JAMA OSMAN (RAAS)

TACSI U DIRAYNAA DHAMAAN DADWEYNAHA SOMALIYEED MEEL AY JOOGAANBA, GAAR AHAAN GOBOLLADA PUNTLAND IYO QARAABADII UU KA TAGAY MARXUUM UGAAS YAASIIN UGAAS CABDIRAHMAAN. WAXANUNA U RAJAYNAYNAA DHAMAANTEEN SAMIR IYO IIMAAN ALLA HAYNAGA SIIYO ISAGANA JANATAL FARDOWSA ALLA HA KA WARAABIYO.
E-mail: sheerbi@alphalink.com.au

Canada & USA - Maxamed Salah Deer (Ladane), Maryan Dhore Guleed (Cadcad), iyo dhammaan caruurtooda oo ku kala nool dalalka Canada iyo USA waxaan tacsi u soo dirayaan dhamaan reer Ugaas Yaasin meel kasta oo ay joogaan, iyo ehaladii, qaraabadii iyo tolkii uu ka geeriyoodey marxuum UgaasYaasiin Ugaas Abdiraxman 31/12/2000. Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo dhamaantood, marxuumkana eebbahay how naxariisto.
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun
E-mail: ebyansalah@hotmail.com

Atlanta, Georgia - Annagoo kal ah Cabdi Jaamac X.Maxamed, Axmednuur Beyr iyo xaaskiisa Seytuun Cabdi Maxamed iyo Cosob Cali Axmed waxaan tacsi u direynaa eheladii uu ka geeriyoodey UGAAS YAASIIN UGAAS CABDIRAXMAN waxaana ilaah ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo isagana jannadii ka waraabiyo Aamiin.
E-mail: HARGANTI@aol.com

INNA LILAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Anigoo ah Cabdulqaadir Ibraahim Saalax Waxa aan tacsi u diraynaa dhammaan qoyskii iyo eheladii uu ka tegey marxuum Ugaas Yaasin iyo dhammaan ummadda reer Puntland . Ilaahay dhammanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isaga naxariistii janno ha ka waraabiyo. Aamiin, Aamiin
E-mail: MMICOM@aol.com

Stockholm, Swedan - aniga oo ah muhsin abdirahman shire iyo weliba abdirashiid ahmed, najiib ali ahmed, abdulahi abdisalaan, abdulahimaxamud aden, iyo ahmed shanle waxaan dhamaantaya tacsi u direynaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeryooday ugaas yaasiin abdirahman
E-mail: muhsin16@hotmail.com

Gothenborg, Swden - Annagoo ah Ali A Ibrahim(awale), Salaad Sahal, Ali dhowre, Qasim Barre, Feysal M,Mohammed muse, Deqo muse, Xawo, iyo Safiya muse, joogana magaalada gothenborg ee dalka Sweden waxaan tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Ugas Yasin Abdirahman Hassan oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Bosaso. Waxaana samir iyo iimaan alla ha idinka siiyo isagana waxaan rabbiga awoodda sare leh uga baryeynaa inuu jannadii firdowsa ahayd ka waraabiyo.Aamiin
E-mail: awale77@minmail.net

London (UK), Somalia & USA - Anagoo ah Dr. Maxamed X. C/llahi, Dr. Abdullahi Ismail, Dr. Yasin Farax Cartan, Liibaan Xaaji C/laahi, Waxaan Tacsi u diraynaa eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan oo dhowaan ku geeriyooday Bosaso. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inuu janada ka waraabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo, Aamin.
Email: Bt5171@qmw.ac.uk

Sydney, Australia - Maxamed Saalax Cali Ciise foore(Cawil), iyo Xaaskiisa Amina Axmed M Ciise Foore, Cabdixakiim Xasan Maxamed Ciise Foore, Farxiya Axmed Maxamed Ciise Foore, axmed Maxamed saalax ciise foore, Ayaan Axmed maxamed ciise foore, iyo dhammaanba qoyska reer ciise foore oo kale joogo somalia,imaraatka carabata iyo australia waxaan tacsi u diraynaa beesha,iyo eheladii uu ka geeriyoodey allaah ha u naxariistee UGAAS YAASIIN UGAAS CABDIRAXMAAN oo 31dii Desember ku geeriyooday magaalada Bosaso. samir iyo iimaan allaah ha kasiiyo idil ahaanba reer Puntland.
Email: foore@start.com.au

Holland - Anagoo kala ah Cali Farax Faqay (Cali Xagaf), Maxamed cabdullahi Saalax(DEER) Siciid Cabdullahi Saalax (DEER), Maxamud Cabdullahi Tabale, Maxmud Maxamed Cumar(SIIFAD) oo dhamaan ku nool Dalka Holland Waxaan Tacsi u diraynaa Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee (Marxuum Xaaji Yasin Cabdiraxman) waxana ilaah uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Alahayow.
Email: a.djama@chello.nl

London, Canada - Anagoo kala ah: Yusuf Abdihalim Kenadiid, Abdullahi Mohamed Abukar, Dr. Yusuf Ahmed Ali, iyo Mohamed Ali oo deggan London Ontario Canada waxaan tacsi u direynaa Eheladdii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodey Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan oo 31dii Dec ku geeriyoodey Bosaaso ee Puntland. Waxaan tacsi taas lamid ah u direynaa dhammaan Maamulka,Isimada Salaadiinta iyo shicibka reer Puntland. Marxuumkana waxaan Allah uga baryeynaa Naxariis iyo Janatul Fardowsa. (Aamiin).
Email: sal@somalitalk.com

 


Melbourne Australia- Anniga oo ah Yusuf Harare o jooga Melbourne Australia iyo dhammaan reer Harare oo kala jooga Australia, America, iyo Yurub waxaan Tacsi u direynaa Eheladii , Beshii u ka geeriyooday Ugaas Yaasin oo 31 Dicember ku geeriyooday magaalada Boosaaso. Waxaan Ilaahay uga Baryeenaa in asagano janna iyo raxmad siiyo Ehelada iyo Beeshana samir iyo iiman ka siiyo Aamin
Yusuf Haraare
Email: yusuf@optusnet.com.au

Kuwait , 02January2001
Kuwait - Annagoo ah Prof: Moxamud Xaaji Cabdiraxman(labamadax), Axmed Khumayni,Yusuf Baraajaale Iyo Cabdullahi Axmed oo ku sugan dalka KUWAIT. Waxaan tacsi u soo diraynaan dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxman , sidoo kale waxaan tacsida u diraynaa dhamman isimada, wax garadaka iyo shacbiga ku nool Bari, Nugaal , Mudug , Sool iyo Sanaag, Waxaan illaahay uga baryeyna marxuum in uu janaddii ka waraabsho, Shacabka beelahaas daggana iyo eheladiisaba samir iyo iimaan , iyo in ay dadaalkiisii iyo dardaarankiisii meeshii ay ka wadaan .
innaa lilaahi wa innaa illayhi raajicuun
Email: kfmlab@flour-mills.com.kw

Dubai - anaga oo kala ah . Muxubo Firin yuusuf Abees. Sahra Diriye Muse Mataan . Maryan Siciid Maxamuud. Xaawo Bile Nuur . Canab Xaaji Mire oo dhamaantayo joogna dalka Imaaraadka magaalada Dubay, waxaan tacsi u diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLA ha u naxariisto eh UGAAS YAASIIN CABDIRAXMAAN oo ku geeriyooday magaalada Boosaaso 31/12/2000.
Email: ubale@emirates.net.ae

Ilaah waxaan uga baryeynaa marxuumka inuu janatul fardowsa kawaraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan kasiiyo, Aamiin

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD