SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CARWADA MUQDISHO

Warbixintii: A. Elmi | adelmi@hotmail.com
Muqdisho | SomaliTalk.com


Ururka W/Shabeelle oo Carwada ku soo Bandhigay Geed Mireed aan hore Loogu arag Soomaaliya. 

Ururka ganacsatada haweenka Soomaaliyeed ee W/Shabeelle, oo iyagu ka mid ah shariikadaha iyo ururada ka qayb qaadanaya carwada SIMAD ee haatan ka socota magaalada Muqdisho, ayaa soo bandhigay geed mireed ka kooban laba geed oo la isku daray.    

Dadweynaha soo booqanayay carwada SIMAD, ayaa waxaa  soo jiidanayay geed mireedkaas  u eg babayga oo ka kooban Liin Dhannaan iyo Liimo Bambeelmo la isku daray ka dibna noqday hal geed oo leh dhadhan isugu jira macaan iyo dhannaan yar. 

SomaliTalk oo beryanahba warka ka soo tabinaysay bartamaha carwada SIMAD  ayaa soo aragtay  geedkaas isla markaana sawir ka soo qaaday [Eeg sawirka hoose].
 

Dadweynihii soo booqanayay carwada SIMAD ayaa maanta si gaar ah ugu xoonsanaa dhismaha W/shabeele si ay u arkaan geedkaas, iyaago weliba dalbananay in laga iinbiyo, inkastoo ururka W/shabeelle uusan iibinaynin oo uu isticmaalayay  bandhig ahaan oo kaliya, mar ay Somalitalk waydiisay  mid ka mid ah gabdhaha W/Shabeelle oo iibinaysay qaybaha kale ee khudaarta oo lagu magacaabo Hodan Maxamed Gudaal, sababta aysan u iibinayn, ayay ii sheegtay in ay suuqyada geyn doonaan marka carwadu dhammaato haatanna dadka la sii barayo. Su’aal kale oo ahayd, sidee loo sameeyey geedkaan.. ?  waxay ku jawaabtay, waxaa geedahan isku daray oo abuuray wiilal reer Afgooye ah, oo iyagu khibrad dheeraad ah u leh habka la isugu geeyo geedaha.
 

Ururka W/shabeelle wuxuu kale oo uu maanta soo bandhigay farshaxanno kala gadisan oo dhammaantood ay sameeyeen haweenka xubnaha ka ah ururka. 

Sidoo kale waxay SomaliTalk waraysi la yeelatay Maryan Cali Cabsiiye oo ah xoghayaha guud ee Ururka W/shabeelle, oo ka war bixisay qaabka ururkan loo sameeyey.

Waxayna Maryan sheegtay  inuu ururkani ka kooban yahay shan urur haween ganacsato ah, oo isu tegay, kana dhisan gobollada uu maro webiga Shabeelle, sida Hiiraan, Beledweyne, Shabeelaha Dhexe, Jawhar, Shabeelaha Hoose, Afgooye iyo Merka iyo gobolka Benaadir. “Waxaa ururkan dhismihiisa gacan ka gaystay haya’adda COSPE/IIDA, oo iyagu runtii taageero badan na siiyay” ayay intaas ku dartay Maryan Cali Cabsiiye oo ah xoghayaha guud ee ururka W/shabeelle una waramaysay SomaliTalk.    

A. Elmi | adelmi@hotmail.com
Muqdisho | SomaliTalk.com

 Faafin: SomaliTalk.com | August 12, 2004

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD