SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

 


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay
  • Gudoomiyaha JWXO Adm.Mohamed Cumar Cismaan iyo wafti uu hogaaminayo oo booqasho ku tagay wadanka K-Afrika.
  • Manaasabad lagu maamuusayay Sanad guurada 20 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii JWXO oo lagu qabtay meelo badan oo aduunka ka mid ah.
  • Ciidammo badan oo Itoobiya ka soo goostay oo ay kujiraan 10 ka goosatay magalada Godey.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayano xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay sanad guurada Labaatanaad ee ka soo wareegtay aas aaskii Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeenya oo lagu qabtay magaalada Kobanheegan ee wadanka Denmark.

 Gudoomiyaha JWXO iyo wafti uu hogaaminyo oo booqasho ku tagay Wadanka K-Afrika.

Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Adm.Maxamad Cumar Cismaan iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo uu kamid yahay hogaanka Arimaha dibadda ee JWXO Cabdi-raxmaan (Maadeey)ayaa waxay 05/08/2004 booqasho kuyimaadeen magaalada Johannesburg ee wadanka K/Afrika,dadka reer Ogaadeenya ee kunool wadankaas oo mudaba dalbanayay in masuuliinta jabhaddu ay uyimaadaan ayaa markay nasiib uheleen in uu booqasho ugu yimaado madixii ugu sareeyay jabhadda iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxay magaalada Johannesburg ugu soo dhaweeyeen si heer-sare ah,madaxdaas ayaa isla markiiba la kulantay odayaasha ree Ogadenya ee ku dhaqan wadankaas waxayna isla jeex-jeexay halka uu marayo halganka jwxo ay hogaaminayso.

Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay gobolo badan oo kamid ah wadanka K-Afrika oo ay ku nool yihiin shacab badan oo ree Ogadenya ah.magaalooyinkaas ay booqdeen ayaa waxaa ka mid ahaa Port Elizabeth, East London iyo Queenstown.

wakiilka JWXO ee Wadankaas k-afrika Mudane Daahir Maxamad Cali (Baasto) iyo gudiga jaalida oo wada socdaa ayaa u ambabaxay 12-8-04 magaalda King williston oo uu ka dhacay shirkii ugu balaadhnaa ee waftigu ku qabtay K-Afrika.

Manaasabad lagu maamuusayay Sanad guurada 20 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii JWXO oo lagu qabtay meelo badan oo aduunka ka mid ah.

Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay sanad guurada 20 aad ee ka soo waregtay aas aaskii Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ayaa 15.08.2004 lagu qabtay caasimada wadanka Denmark ee Kobanhegan.

Xafladaas oo si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo katirsan Jaaliyada Ogaadeenya ee wadanka Denmark, masuuliyiin ka socday JWXO, shacab badan oo Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan ururada bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadaas waxaa hadalo soo dhaweeyn iyo warbixin kooban oo jaaliyada ku saabsan ka soo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Denmark Mudane C/laahi. Gudoomiyuhu waxuu ka soo qaybgalayaashii shirka ku guubaabiyay in ay meel uga soo wada jeedsadaan gumaysiga madaw ee gumaadka joogtada ah ku haya shacabka Ogaadeenya, waxuuna sheegay in ay cid walba oo soomaaliyeed waajib ku tahay in ay halganka ka qayb qaadato si karaamada shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadenya loo soo celiyo.

Kadibna waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Labaad ee JWXO Mudane C/qaadir Xasan Biixi (Cadaani) Gudoomiye ku xigeenku waxuu si qoto dheer uga warbixiyay taariikhdii uu halganku soo maray iyo sababihii dhaliyay Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, waxuu kaloo ka war bixiyay siyaasada gumaysiga Itoobiya iyo damaacigiisa dhul balaadhsi, ee ku wajahan Soomaaliya.

Mudane cadaani waxuu kaloo ka war bixiyay guulihii ay JWXO gaadhay mudadii ay dagaalka hubaysan kula jirtay gumaysiga Itoobiya, waxuuna tilmaamay in ay dhinac kasta kaga guuleesteen taliska Itoobiya. 

Dadkii halkaas ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka Ururka dhalinyarada israaca Soomaaliyeed(UDHIS) mudane Cabdulaahi Canshuur, oo hadalo qiiro leh halkaas ka soo jeediyay, waxaa isaguna hadalo dadka dareenkiisa soo jiitay halkaasi ka soo jeediyay mudane Maxamuud Geele oo ka mid ahaa Odoyaasha soomaaliyeed ee Shirkaasi ka soo qayb galay.

Sidoo kale Sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa laga xusay guud ahaan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho Munaasabadaas oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan iyo weliba idaacadaha iyo wargaysyada magaalada muqdisho ayaa laga akhriyey khudbado dhaxal gal oo ka hadlayay taariikha halganka jwxo iyo haboonaanta iyo waajibnimada in lagarab istaago halganka hubaysan ee xaqa ah ee ay jwxo kula jirto gumaysiga madoow.

Dhinaca kalana Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Koonfur afrika oo nasiib uheshay inay xafladaas kala qayb galaan Gudoomiyaha JWXO Adm. Mohamed Cumar Cismaan iyo Hogaanka Arimaha dibada Mudane:Cabdiraxmaan Maadeey ayaa iyana qabatay xaflad wacdaro leh oo ku qotontay sanadguuradii 20aad ee kasoo wareegtay yagleelkii jwxo.

Jaaliyada Ogadenya ee K-Afrika oo kamid ah jaaliyada ugu firfircoon ayaa munaasabadan ku qaadaa dhigtay halganka hubaysan halka uu marayo,haboonaanta taageerida jwxo,dhibaatooyinka guracan ee gumaysiga madoobi kuhayo shacabka reer Ogadenya iyo guud ahaanba taariikhda soo jireenka ah ee wadanka Ogadenya.

Gunaanadkii iyo gaba-gabadii xafladaas ayay kasoo qayb galayaashii aad ugu riyaaqeen munaasabadaas iyagoo umuujiyey madaxdii jabhada inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin jwxo.

Ciidammo badan oo Itoobiya ka soo goostay oo ay kujiraan 10 ka goosatay magalada Godey

Ciidammo Itoobiyaan ah oo 11 ka kooban ayaa isu soo dhiibay dalka Eritereya, kuwaasoo sheegay inay ka soo carareen isir-sooc ka dhex jira ciidammada dhexdooda, iyadoo ay saraakiisha sarsare siyaasad cadaadis ah kula dhaqmaan ciidammada qaarkood.

Ciidammadan soo goostay ayaa sheegay inay sidoo kale u adkaysan waayeen tababarka iyo u diyaar garowga dagaal ee aan kala joogsiga lahayn ee ciidammada Itoobiya ay ku jiraan. Askartan soo goostay waxay isugu jiraan shan u dhalatay qowmiyada Tigreega, seddex Amxaaro ah iyo kuwa kale oo qawmiyadaha kale u dhashay.

Siddeedii bilood ee ugu denbeeyay waxaa dalka Eritereya isu soo dhiibay ciidammo Itoobiyaan ah oo gaadhaya 199 askari, kuwaasoo dhammaantood sheegay inay ka soo carareen siyaasada nabad-diidka ee maamulka TPLF uu ku dhaqmo.

Ciidammadani waxay sidoo kale isku raaceen in xukuumadda Meles Zenawi ay isu diyaarinayso dagaal kale oo ay ku soo qaaddo dalka Eritereya, ka dib markii ay ku gacan saydhay go’aankii ka soo baxay Qaramada Midoobey ee ku saabsanaa xallinta khilaafaadkii xadka ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Dhinaca kale Wariyaha wakaalada wararka Ogadeniya ugasoo warama magaalada Godey ayaa xaqiijiyey in 10 askari oo ka tirsan ciidanka wayaanaha ee ka hawl gala magaalada Godey ay baxsadeen,askartan goosatay ayaa dhowr mar oo hore amar-diido samayay kadib markii loo diray inay soo xasuuqaan soona xidhaan dad aan waxba galabsan oo ku dhaqan magaaladaas Godey.Baxsashada ciidanka wayaanaha ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaysa,taasoo lagu macneeyey maamul xumida taliska Addis-ababa oo ay askartu kasoo horjeedo.

17.08.2004

C/nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

 Faafin: SomaliTalk.com | August 17, 2004


Soomaalida Holland iyo cunista Qaadka
Warbixintii Maxamed Xaaji... Guji Aug 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD