MAALINTII XUSUUSTA:
Suldaan Axmed Maxamuud M
Hurre iyo Dhammaan Soomaalidii Kale oo Laynooga Diley Amarka Hororka Dagaal
Oogayaasha la Midka ah
Sabti, 21 Agoosto 2004
ayaa kulan ku saabsan mowduuca kor ku xusan lagu qabtay cinwaanka: 130
Brookhill Road ee Degmada Woolwich ee waqooyi-bari London. Shirkan oo
socday 3 saacadood iyo 15 daqiiqo (2.30-6.45 p.m.) waxaa sidii caadadu ahaan
jirtey soo qabanqaabiyey xubno ka tirsan saaxiibbadii iyo eheladii Suldaan
Axmed Hurre (Raximahullaah) iyo xubno kale oo u halgama nabadda, caddaaladda
iyo xuquuqul insaanka waxaana ka soo qaybgalay waxgarad/aqoonyahan badan oo
Soomaaliyeed kana kala yimid degmooyinka London. 90% ka qaybgalayaashu
waxay ahaayeen jaaliyadda reer Puntland.
Sida la wada ogyahay,
Suldan Hurre waxaa dilay ilaalada gaarka ah ee kornaylka isaguna uu la socdo
ama galbinaysa.
Dilku wuxuu ka dhacay
tuulada Kala-bayr ee Gobolka Nugaal una jirta qiyaas 60-70 mile magaala
madaxda Puntland ee Garoowe.
Suldaan Hurre wuxuu ka
mid ahaa madax-dhaqmeedyadii sida cad u diiday (fiiri qoraalladaan)
kororsigii sharci darrada ahaa ee uu Cabdullahi Yuusuf ku doonayey inuu ku
sii haysto madaxtinnimada Puntland ka dib markii uu dhammaaday xilligii
saddexda sano ee jiritaankii xukuumaddii kowaad ee Puntland bartamihiisa
2001kii.
Munaasabaddii kulanka
waxaa lagu bilaabay ayadoo lagu furay aayado Qur’aanka Kariimka iyo
muxaadaro diini ah oo cinwaankeedu ahaa “dulmiga” uuna soo jeediyey
Fadiilata Sheikh Xasan Takar oo ka mid ah Culimmada Soomaaliyeed ee caanka
ah.
Ka dib waxaa hadalkii la
wareegay ka qaybgalayaashii iyo qabanqaabiye-yaashii waxaana ka hadlay 17
xubnood oo dhammaantood mowduuca uga hadlay siyaabo kala duwan hase yeeshee
nuxur iyo ujeeddo isku mid ah.
1. dhammaan intii
hadashay oo badankood aqoon fiican u lahaa marxuumka, waxay wada qireen inuu
ahaa nin ay u dhan yihiin calaamadaha qofka wanaagsan sida: islaamnimo,
caddaalad jecayl, asluub wanaag iyowaddaninnimo ay ka go’nayd la dagaallanka
dagaal oogayaasha uu ka mid yahay kornayl Cabdullaahi Yuusuf si looga
xoreeyo guud ahaan Somaaliya gaar ahaanna Puntland. Waxaa intaas u dheeraa
isagoo ahaa nin dhallinyar jaamicina ah markaana dadkiisa iyo dalkiisa ku
badbaadinayey labadaas door/kaalin (role): Isim iyo Agoonyahan.
2. dhammaan waxay
wada xuseen iskuna wada raeen in dilkii Suldan Axmed Hurre uu ahaa mid
waxshinimo iyo ayadoo aysan jirin wax sabab (walow uu Cabdullaahi Yuusuf ugu
magac daray mid siyaasadeed) ah oo uu qaadan karo caqliga fayoobi, hase
yeeshee uu ka mid ahaa afcaasha waallida iyo qar-iska tuurnimada ee
kornaylka oo aan xitaa u aaba yeelin madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed.
3. dilkii Suldaan
Hurre waxay ahayd dhacdo ugub ku ahayd gayiga Soomaaliya maadaama uu ahaa
Hoggaan/Duub dhaqameedkii ugu horreeyey oo lagu dilo sabab siyaasadeed (waa
haddii lo raaco ta kornaylka).
4. waxaa nasiib
darro noqotay, in Isimmada Soomaaliyeed ama gaar ahaan kuwa Puntland aysan
dilkii Suldaan Axmed Hurre ka qaadan doorkii ama kaalintii uga aaddanayd oo
laga filayey. Gabitaanka kaalintooda waxaan ku sababayn karnaa, in ay tahay
iyagoo in yar mooyaane ay inta kale isu dhiibeen dagaal oogayaasha. Sidaynu
badi ula wada soconno, waxaa Duub dhaqameedka Soomaaliyeed hore uga siibey
hal “xiniin” ama “raay”(wadar = raayo) nidaamkii regiimkii askarta ee
October 69; tii u hartayna waxaa ka siiyey dagaal oogayaasha ka dib
burburkii Qarankii Soomaaliya. Kuwa Puntland ayagu kumaba sii jiraan: 60%
waa kuwa been ama (fake) ah oo uu samaystay Cabdullaahi Yuusuf dhowrkii sano
oo la soo dhaafay; 35% isaga ayay isu dhiibeen kadib dilkii Suldaan Hurre (oo
waa waysha gowrac dibigu ha ku quustee ama nin asaaggiis loo xiirayow
adiguna soo qoyso. Labadaan noocba kornaylka ayaa hadda u gaardisiiya sidii
askartii wax kasta oo rabana waxay ku aqbalaan sacab sida kuwa uu ugu yeero
golaha xildhibaannada. 5%ta soo hartay waa kuwo diyaarsaday kafantoodii
sidii Suldaan Axmed oo qaarna ka cararay dalka, qaarna aanba loo oggolayn in
ay cag dhigaan meel looga hadlayo danta guud sida Garaad Cabdiqaniga reer
Laas-Caanood iyo Suldaan Siciid Irbad.
5. talada aannu u
soo jeedinayno kooxahaa kore waxay yihiin: 60% lagu sheegay wax aysan ahayn
waxaannu leennahay: beeni lugo gaaban ayay leedahay ee yuusan kornayl
Cabdullaahi yuusan idiinka tegin idinkoo huwan “shaalal iyo koofiyado
ceebeed” markaana dadkiinna ha ku noqonnina eelkii uu ayaxu ka tegey (ayax
teg eelna). Xil sharafeed waa ka uu dadkaagu kuu doorto kuguna aammino ee
maaha mid dhoo-dhoob ah oo uu kugula kufo nin doonaya inuu kugu danaysto oo
kaa dhigto jaranjaro uu ku fuulo meel sare. Xilkii uu kuu dhiibaa waa mid
ceebeed, xurquunkii aad ka cuntaa waa mid xaaraan ah, Alle iyo ummadduna way
kugu ogyihiin waxa aad ku kacaysid ugu dambaynna waxaa aakhiro kaaga
horreeya wixii aad kasbatay ama kaydsatay. 35% ka ah Isimmada runta ah,
hase yeeshee ka aamusan xaqa cabsi daraadeed, waxaannu leennahay, haddii aad
cid ka cabsanaysaan ka cabsada Alle. Idinkuma habboona, in aad isu
dhiibtaan nin aan dadkiinnu dooran idinkoo uu boqran dadkiinna kana sharaf
iyo mas’uuliyadba badan. 5%ta waannu u ducaynaynaa in ay dhowreen
sharftayada iyo toodaba, waannu idin garab taagan nahay, waxaannuna idin
leenahay ku socda dariiqaas xaqa ah oo aad doorateen kuna dhinta sidii
Suldaan Hurre.
6. waxaannu
dhaliilsan nahay doorka dadweynaha soomaaliyeed kana codsanayno in ay u
istaagaan danta guud kana hortagaan dagaal oogayaasha wiilashooda u tumaya
durbaanka caaddifadda qabiilka uguna shaqaysanaya sidii calooshood u
shaqaystayaal si ay u laayaan dadkooda.
Kulankii wuxuu ku
dhammaaday dood ama workshop socday muddo hal saac iyo daqiiqo ah
layskulana meel dhigay qodobbada soo socda:
o in la bilaabo
kulammo laysugu yeero jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska si
looga wada hadlo wixii laga yeeli lahaa danaha guud oo ka dhexeeya ummadda
Soomaaliyeed
o In la abuuro
wacyi gelin sidii ummadda Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa musiibada ay
ina badeen dagaal-oogayaashu,
o Sidii
dagaal-oogayaasha looga jari lahaa taakulaynta lacageed oo ay ka helaan
dibadda,
o In la sameeyo
wax-garad talooyin ku biiriya ummadda Soomaaliyeed, iyo sidii loola
dagaallami lahaa dulmiga iyo xaq-darrada,
o In jaaliyadda
Soomaaliyeed ay xoogga saaraan siday degganaashahooda dalka Ingiriiska u
xoojin lahaayeen
o In wixii
macluumaad ah oo ku saabsan ku xadgudubka xuquul insaanka lagu soo uruuriyo
Website/ka loogu magac daray SHHRF
Waxaa aad loo xusay
dulmiga ay sameeyaan dagaal-oogayaasha ay taakulaynta ka helaan dibadaha.
Iyadoo la ogsoon yahay inay adag tahay midaynta jaaliyadaha dibadda, misna
waxaa aad looga dooday inay lagama maarmaan tahay in meel un laga bilaabo
badbaadinta ummadda Soomaaliyeed.
Kulankii waxaa la soo
gebagebeeyay markay saacaddu ahayd 06:45 iyadoo awal ku tala-galkii uu ahaa
ilaa saacadda 05:00 galabnimo.
Saaxiibbada iyo
qabanqaabiyeyaasha kulanku waxay aad ugu mahadcelinayaan ka soo
qaybgalayaasha kulanka iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo ummadaha
kale ee jecel nabadda iyo caddaaladda.
Waxaannu u
tacsiyaynaynaa dhammaan qoysaskii, eheladii iyo saaxiibbadii intii naf iyo
maalba wax ku noqotay afcaasha shaydaannimo ee dagaal-oogayaasha.
Ugu dambeyn waxaanna
Alle ka baryaynaa inuu noogu yabooho nabad iyo dawlad caaddil ah oo nagu
hoggaamisa xaqa.
Wa
Billaahi Towfiiq
Qabanqaabiyeyaasha
Warkaan kala xiriir:::
webmaster@suldanhurre.org
Afeef: Aratida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 22,
2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|