SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay

  • Qarax wayn oo burburiyay dhismayaal dawladu leedahay oo ka dhacay Addis Ababa.
  • Gaadhi Awaare lagaga gubay gmaysiga Itoobiya.
  • Ciidamada Itoobiya oo weeraray tuulooyin Soomaaliya ku yaalla.
  • Xildhibaannadii baarlamaanka Soomaaliya oo la dhaariyay.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu kaga hadlayno dhaqamada Dabaqoodhiga iyo sugaan halgameed.

DHEGEYSO» R A D I O   X O R I Y O

Qarax wayn oo burburiyay dhismayaal dawladu leedahay oo ka dhacay Addis Ababa.

Qarax wayn ayaa dabyaaqadii toddobaadkan ka dhacay badhatamaha magaalada Addis Ababa, kaasoo burburiyay qaybo ka mid ah dhismihii wasaarada waxbarashada ee Itoobiya, ilaa iyo haddana lama garanayo ciddii qaraxaas ka denbaysay.

Qaraxan ayaa burburiyay labo dabaq oo ka mid ah dhisma wayn oo xarun u ahaa wasaarada waxbarashada ee xukuumadda Itoobiya, wuxuuna argagax ballaadhan ku abuuray madaxda xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi. Ilaa iyo haddana lama sheegin khasaaraha uu qaraxaasi gaystay.

Dhismaha wasaarada waxbarashada ee la qarxiyay wuxuu 300-500 oo mitir u jiraa xarunta baarlamaanka Itoobiya iyo xafiisyada keligii taliye Meles Zenawi.

Qaraxyo fara badan ayaa bilihii ugu denbeeyay ka dhacay magaalooyin kala duwan oo Itoobiya ka mid ah. Taliska Addis Ababa ayaa qaraxyadaas qaarkood ku eedeeyay jabhadda Oromada ee OLF, hase yeeshee OLF ayaa eedaynaha noocaas ku gacan saydhay.

Gaadhi Awaare lagaga gubay gmaysiga Itoobiya.

Sida ay qortay shabakada internetka ee Qoraxey Online, waxaa duleedka magaalada Awaare lagaga gubay ciidamada gumaysiga Itoobiya baabuur wayn oo siday ciidamo fara badan, kaasoo gubidiisa loo adeegsaday miinada meelaha fogfog laga hago.

Shabakadu waxay qortay in miinadaas ay hagayeen ciidamada xoraynta Ogadenya, isla markaana ay baabuurkaas ku dhinteen ugu yaraan 80 askari oo saarnaa markii la qarxiyay.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u wayn, taasoo keentay in laga maqlo magaalada Dhagaxbuur oo qiyaastii 65 km u jirta meesha baabuurka lagu qarxiyay.

Khasaaraha naf iyo gaadiidba leh ee loo gaysto ciidamada gumaysiga Itoobiya ma aha kuwo mar-la-arag ah, balse waa kuwo si joogto ah u dhaca. Qiyaastii labo toddobaad oo kaliya ayaa laga joogaa markii ay ciidamada xoraynta Ogadenya gumaysiga Itoobiya labo baabuur kaga gubeen meesha lagu magacaabo Muddulka oo 10 km u jirta magaalada Dhagaxmadow, waxaana halkaas ku dhintay 50 askari oo labadaas baabuur saarnaa.

Ciidamada Itoobiya oo weeraray tuulooyin Soomaaliya ku yaalla

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa weeraray dhawr tuulo oo ku yaalla gobollada Bakool iyo Hiiraan ee dalka Soomaaliya, waxayna tuulooyinkaas ka soo afduubeen dad rayad ah, qalab kala duwana way ka soo boobeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay tuulooyinkaas ka soo boobeen qalab ay ka mid yihiin Fooniyayaal ay dad gaar ahi iska lahaayeen, waxay kaloo afduub ku kaxaysteen tiro aan la garanaynin oo ah dad rayad ah oo deegaankaas ku dhaqnaa.

Weerarrada ay ciidamada Itoobiya tuulooyinka ku qaadeen waxay ku soo hagaageen xilli la dhaariyay inta badan xubnihii baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana la filayo in mar dhaw ay suuragal noqoto in la soo dhiso dawlad qaran oo loo dhan yahay.

Taliska Itoobiya oo marar badan oo hore iyo munaasabado badanba ka caddaystay inaanuu raalli ka ahayn in Soomaaliya ay mar kale lugeheeda isku taagto, isla markaana ay ka dhalato dawlad loo dhan yahay oo gacanta ku dhigta talada dalka Soomaaliya, ayaa ku tlajirta sidii ay u carqaladayn lahayd ma-jaraha nabadda, isla markaana ay dagaallo cusub uga oogi lahayd dalka Soomaaliya.

Xildhibaannadii baarlamaanka Soomaaliya oo la dhaariyay.

Xaflad lagu dhaariyay in ka badan 200 oo ak mid ah xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maalintii axadda ahayd lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada Nairobi, waxaana munaasabadii dhaarinta xildhibaanada ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo beesha caalamka ka kala socda.

Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay waxaa sidoo kale ka soo qayb galay safiirrada shisheeyaha ah ee ka hawlgala dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in Jabuuti ay la shaqaynayso xukuumada cusub ee Soomaaliya loo samaynayo, wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay inaan loo dabranaan doonin ciddii shirka ka baxda.

Waxaana hadalka wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti lagaga dhadhansaday inuu u duur-xulayo madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ku adkaystay in dib loo dhigo munaasabada dhaarinta xildhibaannada.

24.08.2004

C/nuur Sh. Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD