SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

AAN KU DOORTEE DAD MA LAYSAA!

Marka laga hadlo Sida adduunku u yaqaan doorashada iyo musharaxiinta Waxaa lagu  saleeyaa  aqoon iyo qiimayn lagu sameeyo dadka  jagooyinka isu Soo taagaya  iyo jadwalkooda mustaqbal ee ay doonayaan inay dadka doorayana U shegaan,markaad eegto dawladaha horay u maray ama xatta  “caalamu Saaliska”ama  dunida saddexaadba intaysan dhicin cod bixin aya lakala doortaa  Dumuuxaadka ama  fikradaha ay xanbaarsanyihiin dadka jagada m-weyne isu Soo taagaya doonayana inay hogamiyaan dalkooda waxyaalaha ugu hoorraysa ee Laga eego madaxa isi soo sharaxay waxaa ugu horreeya,wadaniyadiisu intay La,egtahay,xiriirka uu la yeelan karo shacabkiisa, iyo xiriirka guud ee uu la Yeelan karo ugu horrayn dawladaha dariska la ah  wadankiisa  guud ahaana Caalamka oo dhan shuruudahaas qofba intuu uga dhawyahay ayuu uga Dhawyahay kuwa kale in isaga la doorto,

hadaba  bal ka waran Africa guud Ahaan soomaliyana gaar ahaan maxaa wax lagu doortaa shuruudaha Musharraxuse maxay yihiin?ma adka in laga jawaabo  waxayna tahay jawaabteedu qaanuun ama dastuur la tixraacaba ma leeyihin,laga yaabee in dadka qaar dhahaan Africa way leedahaye , lakiin  xattaa hadduu  ka jiro dastuur lama ixtiraamo,soomaaliya maxa wax lagu doortaaa? Waxa wax lagu doorto waxaa ugu horraye cinwaanka oo ah  aan ku doortee dad ma laysaa ama ma laynaysaa? tan ugu horaysa waa  horta dagaalyahan ma yahay  reer hebelse mayna ka celin kara mase ka baqaan,intaas waa inay is daba taal . waakan kowaad tan xigta Laaluush ma bixinaysa aan ku  taageeree ama aan kuugu shubnee waa luuqada ay hadda isticmalaane,ugu danbayna waxaa shuruudaha soomaliya wax lagu doorto ka mida  haddaan kuugu shubno oo aad soo baxdo jagooyinka wa wayn   manoo ballan qaadaysaa,

Sida maaliyadda,dakadaha ,airprtiga,dhamaan ilaha dhaqaalaha,intaas haddaysan isu raacin   ama uusan aqbalin waxba u socon mayaan,maba xuma oo adduunyada way ka dhacdaa in qofka aad dooranaso aad shuruud la gasho laakin waxaan marnaba dhicin in madaxa qofka noqonaya uu rashwo baxsho ama la siiyo,amaba dawladii la dhisa ay ku shaqayso  rashwo  ama laaluushba,soomaliya waxay ka dagi wayday waa dagaal oogayaasha dhiigii umadana iyaga qaba inta hartayna iyaga  malaka mawd ku noqon doona .sababtuna waxay tahay raga 14sano wax laynayay  aya maantay noo sharraxan oo somalina  lakala safantahay somalidu qaran ma qiimeeyaane qabiil ayay qiimeeyaan,waxa isku dirayna wa qabiil iyo qabqable,lamana celin karo geel ninkii laha dhacayo,soomaliya dadkii  dhisi laha aya duminaya  marka ilaa aan yeelanno dad xilkas ah oo u quma masuuliyada wadanka si daacadnimo leh ma hagaagayso ,meesha aynu inagu ku faanayno khiyaamada iyo laaluuska   dawladaha adduunyada waxa xaraan ka ah in la doorto qof iska daa inuu laaluush baxsho,e inuu qof masuula ku gafay,daliil waxaa u ah hadalayga doorasho hadda ka hor ka dhacday wadan ka mida Qaarada (Asia) waa dalka turkiga,waxa lagu qabsaday ninka hadda xukuumada  turkiga  madaxa ka ah inuu mar sii horraysay tiriyay gabay uu ku gafayay madax wdan kale wuxuuna intaas ku wayay xilkisii ilaa  baaritaan lagu sameeyay loona wayay  wax daliil ama caddayn ah, hadaba somalidu sidaas xalal quudato ma tahay?inay xalal cunto ama xalal cun wax u dhiibato iska daaye  waxaa soo baxday shax kale oo la magac baxday,nimaan dhiig qabin xildhibaan waa ka xaaraan.ma xigmaday somalidu oran jireen baa (gar qab oo gaado ku darso),waxaan ula jeedaa intaba  dadkii aan rabnay in dawlada Kenya ka dhalata ay maxkamad soo taagto  ayaa waxay no soo safteen parlamntigii ,waxaaase taas ka sii darrayd markay dhaarta u soo safteen,afar iyo toban sano ayay  maalin walba dhaaranayeen inay cadaalad u hogaansamayaan kamana hayno ugamana fadhino,waxaa nahay dad la dulmiyay oo oofo loo yeelay oo ay dagaal oogayaal dulmiyeen,hadaba  su,aashu waxay tahay maxaa sababay in ka badan 10milyan oo soomali ah oo leh aqoon yahanno,siyaasiyiin,culumo awdin,waxgarad,iyo dhamaan bulsho waxay ka koobantahay in layska indha tirto beesha  caalamku oo ay hormood nooga dhigto kuwii aanu doonaynay inaan maxkamad soo taagaan ayaan darro soo food saartay mujtamaca soomaliyeed oo 14ka sano ooftu ku taagnayd nin loogu daro oof kale,marka hadaba nama matalaan ayaan caalamka u sheegaynaa waayo maxkamad suge madax ma noqon karaa?bal su,ashaas jawaabteeda akhristayaasha ayaan u daynayaaa  inay bal aqoontooda iyo fikirkoodaba ka soo dhiibtaan,

Waxaan uga baxayaa qoraalkayga  gabay abwaan tiriyay ee uu kaga hadlayay raga aan sheegnay waa xildhibanada,e  uuna ugu magic daray,dalgablamay bartamaha ayan ka soo qabtay  wuxuu yiri:Dalkii iyo dadkii waxaa ku dhacay, daqarro waaweyne
Dockastaba waxyeellaa ka jira, degelkii Soomaale
Dirqi iyo kax buu taaganyahay, laga diqoodaaye

Doqonniimo iyo waatii Suldaan, uu ka digay waaye
Deelleyda waatuu ku yiri, waa dix dhagaxeede
Aniguna dadkaan la hadlayaan, doc u fayoobeyne.

Dumar iyo caruur iyo waxgarad, waa ay dubayaane
Digtoor iyo abwaan iyo wadani, waa la diriraane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane

Duqey iyo indheergarad malaha, lagu dugaalaaye
Dibjir iyo majnuun baa hor kaca, daa`in abidkoode..
(qabqable.ama xil ma dhiban)

Dabka lagu shidaa bay ku oran, waa durduur dharage

Dalkii oo burburay bay ku oran, dawlad baan nahaye,(raga leh dawlnimo ayan wax ku qadanayna sida coll,c/lahi
Duunyo uma dhaqaaqdoo malaha, dalag ay beeraane
Dadka inay baryaan waxaan ahayn, maba daneeyaane,
raga itobiya biilka ka qaata

Damiirkoodu wixii fiican buu, kala dagaalaaye,hadaan lay dooran shirka waan ka baxayna
Daabaca ninkii ugu shubay, daba nashleeyaane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane.
Dal gablamay ninkii doona baa, siin la soo dagiye
Deris iyo shisheeyaba dhammaan, way damaaciyine
U dulqaata waa kaas nabsigu, indin dul joogaaye.

Intaas waa  xildhibaankeena cusub ee ay hogaaminayaan maxkamad sugayal qaybtaan soo socotanata abwaanka laftiisu wuxuu kaga hadlayaa ,ama la hadlayaa umadda soomaliyeed,wuxuuna ku tusayaa waxa haysta inay soomalidu masuul tahay ayna iyadu isu keentay,

Adaa diiday inaad daafacdaan, dagalladiiniiye
Adaa diiday inaad doorataan, daacad muuminahe
Adaa diiday diintii Alliyo, daw walaalnimo e

Ducfigana adaa doortay iyo, dali dhacyeyn taase
Dakhli adinku aad kaydsatseen, weeye diiftanuye,
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaay

Kolla kuma dabcaysaan waanadaan, soo dallaalimine
Dadaal weeye iyo waajib tani, doqonse waa mooge
Deg deg ugu gudbiya waa midaan, ugu digaayaaye

Dadku waa walaaliyo xigtiyo, deris an dheereyne
Dabkaan uu munaafiqu shidoo, laysla daba joogo
Iska damiya Soomaalaay midkani, waa dan li´idiine..

Nin kale oo caraba oo gabyay ayaa isaguna wuxuu yiri.ilaahay waxaan ku rumeeyay in xaqu guulaysanayo dulmiguna uu  dumayo,waxaan kaloo ilaahay ku rumeeyay  in waqtigu uu sii xisaabin doono kuwa aduunyada dusheeda ku  kibra,ayna qaban doonto malain aysan baxsan Karin.

GabaGabo:waxaynu hiinfno ama aan haranaba mar bay naga tagayan maxkamad sugayaashuye  jiilasha ka danbeeya waa in laga ilaaliyaa inaysan viruskaas qaadin waa  viruska qabiilke  dadkuna ay noqodaan walaalo ayna yeeshaan qof qalbigiis,haddaynana taas helina  waxaan aaminsanahay inay musiibadu daba dheereen doonto ilaahayse kama baryin taas ee waxaan ka barinay gurmad deg deg ah iyo dawlad noo dhalata.

 Waxaan sugnaaba waa xildhibaanka iyo maxkamada cidii raysa

Wabillahai altawfiiq

Axmed xayrdac

xayrdaac1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD