SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKII MAANTA::: August 25, 2004
  • DHAARINTA XILDHIBAANNADA SOOMAALIDA SIDEE SUUDAAN LOOGA DAREEMAY?
  • Kulan taageero ah beesha silcis gargaarte oo ka dhacay London.
  • Bayaan kasoo baxay Beesha Tolomoge.

 


DHAARINTA XILDHIBAANNADA SOOMAALIDA SIDEE SUUDAAN LOOGA DAREEMAY?

Kaddib markii maalintii axadda ee inaga tagtay la dhaariyay qaar ka mid ah xildhibaannada dawladda mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqay dhammaanba ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan jaamacadaha ka dhigta oo ay diradoodu kun iyo googo' cagacageyneysa.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan ayaa muddadi laba iyo labaatanka bilood aheyd ee uu shirka dawladda qaran ee Soomaaliyeed lagu baadigoobaya soconayay si foojigan ugu hammi iyo hanqal-taagayay miradhalka madasho Mbagathi; waloow ay jireen raja xummo mararka qaar ay ka muujinayeen, maxaayeelay waxey qaar ka mid ah jaamiciyiinta Soomaaliyeed ee ku nool Suudaan ka baqayeen in ay arrintu markale ciirta oy u labalixaadsata sidi tii Carta laguna hungooba.

Dhanka kale waxaa Suudaan si weyn looga hadal-hayaa mudanayaasha cusub ee masraxa siyaasadeed ku biiray maanta, oo qaar ka mid ah ay jaamacadaha Suudaan ka qalinjabiyeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodda raja-xummadii iyo niyadjabki ka muuqday dhallinta Soomaaliyeed ee Suudaan in  hadda un daawo loo helay, sababtoo ah suaasha dhagaha Soomaalida Suudaan dagan goor walba iyo goob walba ku dhacda ayaa waxey tahay "Soomaalidu waa dad muslimiin ah oo midab iyo magac wadaaga hal diinna leh ee maxaad isku haysataan ood ku dagaalameysaan". Muddada 14-ka sano sii galeysa ee dalka uu ku sugnaa xaaladda murugsan iyo jawiga cakireen ee colaadeed ayaa si weyn dhallinta Soomaaliyeed ee waxbashadoonka ah waxaa gacan iyo garab u siisay dawladda Suudaan oo iyadu deeq waxbarasho oo hagarla'aan ah ku caawisay da'yarta Soomaaliyeed ee dalkoodii hooyo ay musiibada ku habsatay.

Haddaba waxaan maanta la kulmay qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Khartoum waxaana ka mid ahaa Abwaan Cabdikheyr Cabidqaadir [Kawtame] oo ah hal'abuur ku cusub saaxada fanka iyo sugaanta, waxaana wax ka weydiiyay sida uu u arka dibitaatiyiinta Soomaaliyeed ee Nairobi lagu dhaariyay iyo dawladda qaran ee laga dhursugaya loona dhagraaricinaya maanta.

Abwaankan oo wajigiisa aad ka dareemeysay farxad aan la soo koobi karin iyo reynreyn ayaa ku jawaabay sidan " aad baan ugu faraxsanahay in maanta dadka Soomaaliyeed la badbaadiya sharaftii qarankeennana markale ay dib u soo noqota calan Soomaaliyeedna uu babada".

Dhanka kale waxaa diyaargarow iyo heegan ku jira dhammaanba Soomaalida Kharoum sida jamciyadda dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed iyo Abwaaniinta looga bartay wacyigalinta dhallinta iyo muwaadiniinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin abwaanka  kor ku xusan iyo Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza] iyo kuwa kale, waxeyna isku diyaarinayaan sidii loo qabanqaabin lahaa xaflad taariikhi ah oo loogu bogaadiya dawladda cusub marka ay dhalato.

Waxaa  kaloo heegankan horkici doona ururka ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan oo isagu ah lafdhabarta iyo dalladda mideysa kayaanka iyo kawaadirta mustaqbalka Soomaaliya ee wax ku barta Khartoum oo isugu jira billoow, dhaxdhaxaad iyo dhammeystir laamahooda cilmiga ee ay ku howlanyihiin. Laakiin Waxaan la ogeen oo wali mugdi iyo madatuul ku jira goorta lagu dhawaaqi doona dawlad Soomaaliyeed oo lagu sammatabixiya Soomaalida dacalada dunida ku tabaaleysan.
 
By: Stanza www.somalitalk.com
     Khartoum Suudaan.
Ayaandhalad5@hotmail.com

Kulan taageero ah oo ay iskugu yimaadeen wadama yurub iyo ameerika beesha silcis gargaarte oo ka dhacay London.
 
kulankan oo  ay iskugu yimaadeen dhowaan siyaasiyiin, Culumaa'udiin, Waxgarad iyo Aqoonyahano ka tirsan beesha Silcis Gorgaarte ayaa ka kala dhacay USA Uk Canada Sweden iyo Austrialia.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxa ay soo saareen go'aano ay ka mid yihiin in beeshu taageersan tahay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda dalka Kenya oo lagu doortay baarlamaanka waxayna u hambalyaynayaan dhamaan beelaha soomaaliyeed ee ku guuleystay in ay soo xulaan baarlamanka sidoo kalena u rajeeyay in ay guul ka gaaraan beelaha dhiman soo gudbinta xubnaha baarlamaanka.
 
waxgaradkan ayaa si gaar ah hambalyo ugu diraya xildhibaanka beesha silcis gargarte Cabdicaziz Ibrahim Cisman sida ay beelaha Hawiye u qeybsadeen 61 xubnood ee loo gudbiyay Igad, beeshu waxay ka soo horjeedaa baa lagu yiri dadka sheeganaya magaca beesha oo weliba ku doodaya in si sax ah wax loo qeybin

Beeshu waxay la socod siineysaa dhammaan Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, Hogaamiyayaasha kooxaha, Gudoomiyaha shirka Danjire Kiplagat iyo dhammaan dowladaha Igad iyo Beesha Caalamka in beesha Silcis u soo dirsatay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida Suldaanka Beesha, Suldaan Abuukar Xuseen Maxaad iyo Oday dhaqameedka beesha, Maxamed Cumar Axmed oo haatan ku sugan madasha shirka Kenya, iyaga ayaana wax laga weydiin karaa wixii ku saabsan beeshaas arrimaheeda ayay qoraalkooda ku yiraahdeen
 
Waxaa ku Saxixnaa  ingineer Mohamed Abdiqadir Ibrahim, Dr Ismaciil Maxamed Abooti  Aden  Mohamed Osman , Cabdisalaan Sheikh Saalah, Samiro Abukar Ahmed , Maano Abiikar Ahmed

abdirahman ahmed
abdirahmanuk@hotmail.com


KU: Gudiga Khilafaadka IGAD.

OG: Odey dhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta          

        ABSAME.

 

 

Bayaan kasoo baxay Beesha Tolomoge.

 

Beesha Tolomoge waxay maanta soo saartay Bayaan ay kaga hadlayso qaybsigii xubnaha Baarlamaanka ee dhexyaalay beelaha Absame.

 

Kadib markii ay Beesha Absame ku guuldaraysatay inay qaybsadaan 12 kii kursi ee ku soo hagaagtay ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa bilow day in qabqablayaal ay bilaabeen inay u geeyaan IGAD liisas ay iyagu samaysteen taas oo aan waxba laga ogaysiinin Odayaal dhaqameedkii beelaha Absame.

 

Warar xog ogaal ah oo aan hayno waxay sheegayaan in Qabqablayaasha liiska gudbiyay oo uu horkacayay Ahmed Omar Jees ay wada shaqaynayeen rag ku dhexjira maamulka IGAD.

 

Falalkii xumaa iyo khaladaadka waawayn ee dhacay waxaa kamid ah:

 

  1. In ay IGAD jabisay xeerkii iyo Dastuurkii ay u sameeyeen habka lagu qaybsanayo xubnaha Baarlamanka.  Kaasoo ahaa in Beeshii wax qaybsan wayda in Gudiga khilaafaadku u qaybiyo.
  1. Nidaamkii wax loogu qaybinayay beelaha Somaliyeeed ee ahaa in beel walba xubnaheeda Baarlamanka ay u soo magacaabaan Odayaal Dhaqameedka iyo Siyaasiyiintu ayaa si wayn loogu xadgudbay, iyadoo IGAD aysan hoosba u fiirinin waxa loo soo gudbiyay iyo cida soo gudbisay toona.
  1. IGAD waxay aqbashay liisas ay u soo gudbiyeen Qabqablayaal Qawlaysato ah oo aan matalin qabiilada ay sheeganayaan iyo kuwo sheeganaya siyaasiyiin aan cid aqoonsan jirin.

Bayaanka beesha TOLOMOGE :-

 

  1. Beesha Tolomoge ma'aqqonsana liiska beenta ah ee loo gudbiyay IGAD.
  1. Waxaan IGAD u sheegaynaa inuusan habayaraatee jirin wax Absame qaybsaday oo laysku waafaqay.  Sidaa awgeed Absame waa uu ku guuldaraystay in ay qaybsadaan 12kii kusri ee barlamanka.
  1. Waxaan kadigaynaa xad gudubka beesha dhexdeeda inuu keeni karo cawaaqif xun oo dhinacwalba ah.
  1. Waxaan IGAD ogaysiinaynaa in aysan aqoonsan liiska beenta ah ee aan laysku waafaqin, islamarkaana ay soo dhex galaan khilaafka wayn ee dhexyaala Beesha Absame.
  1. Waxaan Ugaasyada, Cuqaasha, iyo Siyaasiyiinta Beelaha Absame u sheegaynaa in Absame ku guuldaraystay in si xalaal oo xaq ah wax loo qaybsado ama dib loogu celiyo gudiga xalinta khilaafaadka ee IGAD.  Intaa waxii ka baxsan waxaan u aragnaa in laga shaqaynayo xumaan balaadhan oo loo badheedhay oo beesha Absame kala fogaysa.
  1. Waxay beesha Tolomoge ka codsaneysaa si sharaf leh in ay gudiga khilaafadku u kuurgalaan xaqiiqda dhabta ah kuna kala saran khilaafka beesha si geedi socodka shirku uu u noqdo mid xaq iyo nidaam ku socda.

Baaqan waxaa si wada jir ah u soo saaray dhamaan Ugasyada iyo wax garadka Beesha  Tolomoge oo kala ah:

 

1.      Ugas Ismaciil Ugas Xirsi Ugas Macalin

2.      Ugaas Irshaad Ugaas Sigale

3.      Sh. Khaliif Gure Ali

4.      Mohamed Farax Canshuur

5.      Gaani Cawil

6.      Ibrahim Shafici

7.      Col.Sigale Canshuur

8.      Abdi Salaad

9.      Suldan Ibraahim Muxumed

10.  Suldan Aden Gabane Macalin Sanbul

11.  Ibraahim Ugas Mashkooke Ugas Siigaale

12.  Mohamed Sh. Hassan Bashiir

13.  Ali Hamud Yusuf

14.  Mohamed Rage Shide Jin-Jini

15.  Qorane Muxumed Shuuriye

16.  Abdi-aziz Mohamed Ugas Leyli

17.  Eng. Badel Abdi Diiriye

18.  Eng. Abdi Hussein Baralle

19.  Abdullahi shukri Aden

20.  Garad Mohamed Max

21.  Bishar Hassan Mohamed

22.  Saciid Mowsar Cadhays

23.  Ahmed Salaad Amxaar

24.  Khaliif Gure

25.  Abdi Mohamed Ismaaciil

26.  Omar Ismaciil Hersi

27.  Mohamed Tube Qaman

28.  Abdi Ugas Miraad Ugas Leyli

29.  Yusuf Sahal Dhamoy

30.  Garad Mohamed Qani

31.  Abdullahi Mohamed Qani

32.  Ahmed Osman Hamud

33.  Mukhtar Shiino

34.  Mohamuud Aar Xaashi

35.  Faysal Ugas Miraad Ugas Leyli

36.  Sheekh  Mukhrat

37.  Ibraahim Jamac Abdalle-Koraad

38.  Ibraahim Caraalle

39.  Ahmed Khayr Muxumed Shuuriye

40.  Eng. Abdi M. Olow

  

 

Ugaas Ismaail Ugaas Hirsi

Nairobi, Kenya

 

Joorrey@hotmail.com

tccm114@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD