SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hamiga Riyaale iyo higsiga Saleebaan 

Waxay ahayd maalin aan fogayn maalintii ururka xukumada gacanta ku haya   ee uu gudoomiyaha u yahay madaxwayanha J/S/L mudane Daahir  Riyaale Kaahin   ay talo ku murugtay markii si lama filaan aha uu ugu soo baxay ururkii  uu hormoodka u ahaa  MUJ Axmed Maxamed Siilaanyo,

Taas oo ay doorashadii madaxwaynaha ay ku kala badiyeen  waxaan la sheegi karin.

Kadib markii gudida commissionku ay  bilabeen cod tirintii ugu dambaysay ayaa ururkii dawlada hayey ay liq liqdeen si uu arrin   ahaaba iyadoo ay u bahdeeen nin ka difaaca ninkan sida dhibta yar ugu soo baxay madaxwayninimada dalka.

In kastoo ay ku noqotay dawlada  “laf hunguri gashay” soo bixitaa silaanyo  oo ay si ay iskaga reebaan ay waayeen ayaa maalintii gudida  doorashadu ay ku dhawaaqaysay natiijadii dorashada ayaa  meeshaa ka dhacay qalalaase aad u badan ,  waxay miciin bideen xisbiga xukuumadu  in ay qaylo dhaan u dirtan saleebaan gaal iyo xubno kale oo joogay dalka

Isla daqiiqadii uu soo galay isaga iyo xubno  kale oo daacad u ahaa ururka dawlada waxa ay  abaareen xaruntii commisionka taas oo ay xamasad iyo buqu cirka isku shareray,

Isla daqiiqadihiba  arintii cakirnayd ayaa cirka isku sii shareertay taas oo walac ku keentay xisbigii kulmiye, noqotayna in ay gudidii commisionku  ay ku dhawaaqan natiijadii codbixinta oo lagu kala baxsaday fara cidiyahood  kuna guulaysteen ururka dawlada ee UDUB.

Markii ay ku guulaysten  ayaa waxaa dhacday in uu hungureeyey saleeban jagada gudomiyanimada xisbiga   madaama uu hantay Riyaale madawayninimadii in isna uu ku fadhiisto kursigaas,  tasi waxay ku noqotay Riyaale waxa u qudhqudhsami wayday,  badalkediina uu Riyaale  yidhi wasiirnimo ayaa iga abaal gud ah.

Isla markaa ayuu  saleebana ku gacan saydhay uguna abmababaxya cariga  UK.

Hadaba maxay daarran tahay ololaynta Riyaale ee saleeban gaal???.

 Markii ay bananantay jagada gudoomiyaha gurtida ayuu u ololeeyey saleebaan, si u uga hortago hujuumkii wayna ee uu ku hayey oo saleeban wasiirnimona uu ku qanci waayey iyo in uu “lafo gari iyagaa la iskujabiyaye” kaga hortago Hogaanka xisbiga Kulmiye muj Siilaabanyo. 

ku guulaysay  Saleebaan jagadaa gudoomiyaha guurtida se    Riyaale ma ka fikiray  in uu kaga amaan helaayo kursigiisa madaxwayninimo????

 Jawabtu waa maya

 (Malaha Riyaale  iyo milicsiga saleebaan waa way kala fogyihiin)!!!!!!!!

Byeeeeee 

Diyaariye
c/wahaab janagale
hargyasa
s/land
wahaabii@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD