SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
WARARKII MAANTA::::
  • C/llaahi Yuusuf oo wadahadal la yeeshay Qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
  • C/laahi caddow: "Waxaan taageersanahay dhaartii baarlamanka..."
  • Xuseen caydiid: Dhaartii ka dhacday QM Xaq ma ahayn...
canab mumtaz,
somalitalk.com | Nairobi.

C/llaahi Yuusuf oo wadahadal la yeeshay Qaar ka mid ah taageerayaashiisa.
 
 
Shir jaraa'id oo madaxweynaha ismaamul goboleedka puntlad ku qabtay dhawaan magaalada Nairobi ayna kala qayb galeen siyaasiyiin ka mid ah beesha harti ah ayay uga wada hadleen qaabkii ay u wajahi lahaayeen khilaafka ka jira beesha harti iyo dhaartii baarlamaankaba.
 
C/llaahi yuusuf oo ka mid siyaasiyiinta ka hor timid go'aankii IGAD ee dhaarinta ayaa sheegay in usan qaadan doonin qaabka wax loo maareeyay isagoo ka soo hojeestay dhaarintii baarlamaanka walina aan ku guulasaysanin in la xaliyo khilafkii u dhexeeyay beesha harti.
 
Wararka ku dhaw coll.c/llahi ayaaa sheegaya in looga baqayo in uu qaadaco shirka hadii wax laga badali waayo tan uu soo jeediyay ee ah in dib loogu noqdo dhaarta iyo in magacyadii uu gudbiyay la qaato.
 
Cali khlaliif ayaa ka mid ah siyaasiga ay iska soo horjeedaan madaxweynaha puntland iyadoo lagu eedayay korneylka in uu rabo in maamulo dhamaan tirada kaga soo aaday baarlamaanka beesha harti taas ayaana ugu wayn sababta ah in uu dib u dhac ku yimaado soo gudbinta xubnaha ee beesha harti.
 
kulankan oo ahaa mid qaas ah waxaa lagu soo gabagabeyay in loo saaro guddi dhex si ay mar kale kulamo ula yeeshaan guddiga fududeynta ee IGAD iyo kuwa xalinta khilaafaadka beelaha.
 
waxaana la filayaa in ay natiijo wax ku ool ah ka soo baxdo walow aan wali la dhex galin labada hogaamiye ee galayr iyo C/llaahi yuusuf.
 
 
C/laahi caddow: "waxaan taageersanahay dhaartii baarlamanka, hogaamiyena uma xayrinaanayo dalka".
 
 
C/llaahi axmad caddow oo ka mid ah musharaxiinta ayay maanta ii suurta gashay inaan kulan gaaban kula yeesho isagoo ku sugan magaalada Nairobi, caddow oo ka maqnaa dhaartii baarlamaanka ayaa sheegay in uu taageersan yahay dhaartii baarlamaanka ee beelaha isla markaana ay ahayd mid u dhacday sid xaq ah. waxa uu caddow intaas ku daray in wax badan ay ergada iyo siyaasiyiintuba joogeen sidaas awgeedna ay munaasab ahayd dhaartan baarlamaanka waxa khilafaadka ah ee jirana la xalin doono ayna ku howlan yihiin guddiga fududeynta iyo kuwa xalinta khilaafadkaba.
 
Waxaa kaloo Cadoow uu sheegay in dhibaatooyinkii ka dhacay dalka soomaaliya looga gudbi karo dawlad kumeel gaarka oo shirkan ka dhalata si shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan ay u helaan nolol iyo nabad wada jirta, laguna dhaqo cadaaladda Soomaaliyana aysan maanta nin u xayirnaan doonin isagoo tixraacaya warkii wasiirada arimaha dibada ee dowladaha ku bahoobay IGAD.
 
Mar uu ka hadlayay caddow ciidamo la keeno dalka waxa uu xusay in aysan haboonayn xiligan in ciidamo la geeyo soomaaliya iyadoo aduunku heli karo in uu dhaqan celin u sameeyo kuwa ku sugan somaliya si ay iyaga laftooda u sugaan amniga dalka iyo dowladaba waxaan talo ahaan ugu jeedin lahaa in arrintaas ciidamada ah aan lagu dagdagin hadda ayuu intaas ku daray.
 
waxa uu u mahadceliyay guddiga howla fududeynta ee IGAD deeq bixixyayasha iyo dhamaan beelaha soomaaliyed ee ku guulaystay soo gudbinta baarlamaanka iyo kuwa hadda ku howlanba dadaaalkooda kuna tilmaamay mid guul laga gaari karo mustaqbalka dhaw in ay soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.
 
 
Ugu dambayn waxa uu rajeeyay beelaha dhiman in ay keenaan si xalka ummada loo raadiyo ayna ku dadaalaan sidii ay baarlamaanka soomaaliyed ee la soo dhisay qayb wayn uga qaadan lahaayeen hogaamiyayaasha didan dhaartana ay fiiryaan danta shacabka iyo taageerada maanta caalamku siiya sidii ay uga faa'iiday lahaayeen,ummada soomaaliyedna u rajeeyay guul midnimo iyo horumar.
 
Xuseen Caydiid oo maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Magaalada Nairobi. 
  • Waa in IGAD ay ka istaagto dan walba oo ay soomaaliya ka leeyihiin,waayo Dantooda tan soomaaliyeed ayaa ka wayn.
Xuseen maxamad caydiid oo ka mid ah hogaamiyaasha ka biya diiday qaabka ay u dhacday dhaarta baarlamaanka iyo soo xulidaba ayaa maanta waxa uu shir shir jaraa'id ku qabtay daarta saxaafada chaster house ee magalada Nairobi.
 
Xuseen caydiid waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dhaartii ka dhacday xarunta Qm ay ahayd mid aan xaq ahayn isla markaana uu ka soo horjeedo sida ay u dhacday waxa uuna ku tilmaamay mid lagu dagdagay oo aan munaasab ahayn in la qabto iyadoo aan xal laga gaarin khilaafyada ka jira beelaha dhexdooda wali una baahan in la xaliyo.
 
Xuseen caydiid ayaa xusay in guddiga xalinta khilaafaadka ee ay soo doorteen beelaha ay IGAD kala wareegtay awoodoodii taas oo ahayd in ay iyagu xal kama dambays ah ka gaaraan beelaha ku heshiin waaya xubnaha baarlamaanka ee ma ahayn in IGAD ay faraha la soo gasho arrimaha baarlamaanka soomaaliya quseeya iyo soo xulidoodaba.
 
Waxaa cad in ay wakiilada IGAD ee shirka ay soo xuleen xubnaha baarlamaanka isla markaana ay badaleen ayuu yiri magacyadii beelaha ay gudbiyeen qaarkood IGAD waa dad aan ahayn soomaali arrimaha baarlamaanka aysan quseeynin ee ay howshoodu tahay kaliya in ay shirka fududeeyaan soomaalidana u daayaan wax qaybsigooda ayuu intaasi ku daray.
 
Waxaa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay in mar walba oo ay IGAD la wareegto maamulka ay dhacaan dhibaatooyin badan laga soo bilaabo Heshiiskii xabad joojineed ELDORED kii safari park iyo kan dhamaantoodna ay ahaayeen kuwo ay IGAD faraha la soo gashay hadii uu shirku sidan ku soo socdo ayuu yiri waxa uu keeni karaa dib u dhac iyo fashil.
 
Xuseen caydiid waxa uu ka hadlay in dhamaan 15 kii xubnood ee ka mid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka marka laga reebo labo aysan ka mid noqon baarlamaanka, xitaa magacyadii ay gudbiyeen laga badalay liiska kuwo kalena lagu badalay. waxaasna waxaa sameeyay IGAD waxaa kale oo liiska laga saaray haweenkii oo aan badankood ka mid noqonin baarlamaanka iyagoo booskoodi lagu badalay dad kale.
 
 
Waxa uu sheegay in uusan ka bixin shirka, laakiin uusan ku qanacsanayn dhaarta baarlamanka ee sida uu sheegay laga leexiyay wadadii loogu tala galay ilaa awooda iyo liiskaba lagu soo celinayo gacanta Guddiga xalintana  aysan aqoonsan doonin dhaartaas iyo baarlamaankaba waxii ka dhashana ay mas'uul ka tahay IGAD.
 
 
Ugu dambayn waxa uu sheegay xusen caydiid IGAD in ay ka istaagto dan walba oo ay soomaaliya ka leedahay waayo waxaa ka wayn danta shacabka soomaaliyeed ee u ooman nabad anagana aan mas'uulka ka nahay ayuu yiri, IGAD waa howl fududeyayaal ee maahan in ay shirka maamulaan wakiiladooda, hadii aysan wax ka badalin qaabka ay hadda wax u wadaana waa mid aan ka tashan doono.

Waxaa isku soo dubaridey
canab mumtaz,
canabmumtaz@yahoo.com

 Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 25, 2004

Baaq ay Wadajir usoo Saareen Geri iyo Cabdi Koombe
oo ay u direen IGAD & Hay'adaha jooga shirka Kenya.. Guji

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD