SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BAAQ SIYAASADEED : Waa la gaaray waqtigii dhaqaaqa

Waxaan maanta u sidaa dhammaan shacabka soomaliyeed farriin siyaasadeed kulul. Fariintan aab bey uga duwan tahay fariimaha siyaasadeed ee hore loo soo jeediyey 14kan sanno ee maxnada siyaasadeed lagu jiro. waxaana ku bilaabaya:

a) Taariikhda :

Ayadoo qabaailka somaliyeed is hor fadhiyaan oo leysku mari la'yahy awood qeybsiga siyaasadeed lixdanmeeyadii ayaa koox militari ahi isku afgaratay iney inqilaab sameeyaan. Taariikhdu ma inkiri karto sida amniga waddanku u adkaaday , xoogga dalka la dhisay , aayaha ummaddana lagu heshiiyey in laga hor mariyo danta gaarka ah.

Maxaa keenay in uu jidka laga leexdo ? Jawaabta waa laga wada dheregsan yahay laakiin waxaan carabka ku dhufanayaa khibradda aan ka wada qaadanay oo ah in ay hoboon tahay in aan awoodda dalka oo dhan gacanta loo wada gelin madaxweyne aan la hubin oo gobolada dalka si federaali ah ay uga taliyaan xukun hoosaadka gobolkaa oo ay shacabkiisu si xor ah usoo doorteen, taliyeyaasha oo wada jira baa waxey hoos imaanayaan madaxweynaha dalka jamhuriyadda . Marka la ansaxinayo go'aan siyaasadeed , waa in ay saxiixaan ogolaansho 51 boqolkiiba oo barlamaanka , codkoodana ay ka dhiibtaan si xor ah .

b) Afkaar ama hub keebaa wax bedela:

waxey taariikhdu ka marakaceysaa in isbedelada ugu waaweyn ee dunida ka dhacay ay sababeen afkaar ka soo unkatay maskaxda ashkhaas caadi ah . waxa jira isbedelo lagu abuuray xoog iyo awood militari laakiinse waxey kuwaasi ku soo baxeen mid dib u dhalaala oo aanay noqon kuwo waara , laakiinse isbedelada ku yimid mabda;a iyo afkaar cusub waxey reebaan astaan , bulshadana waxey ku abuuraan wacyi cusub.

Marka waddan uu kala jabo , waxaa mar walba la sugaa waa :

i ) in military mideysan oo kakala socda beelaha dalka oo dhan ay si xoog leh ku qabsadaan awoodda dalka oo shacabka ka saara maxnada ( tusaale Kuuba , shiinaha , waddamo badanoo afrika ah , Waddamada carabta qaarkood, iwm).

ii) in dhallinyaro wata afkaar cusub oo dhab ka tahay , kana danqaday qaab darada shacabkooda iyo dalkoodu u habaabayo ay kasbadaan kalsoonida shacabka oo wada jira ,soo bandhigga qorshahooda siyaasadeed ay waddanka ugu talagaleen, kadibna ay awoodda ku qabsadaan ayadoo loo fidinayo khadiifad cas ( red carbet wellcome) .

Afkaar waa tan sababtay burburka waddankii xoogga badnaa ee hore loo yiqiin isutagga jamhuriyadda sovietiga hantiwadaaga (USSR) oo wixii ka horeeyey 1980kii ahaa awood ay tahay wax caqliga ka weyn in lakala jejebiyo . Fikrad shakhsi iyo dadka la qaba keliya baa u horseeday in isbedel weyn ka keento waddankaa , kadibna isrogaal weyn ku sameyso isumiisaanka siyaasadeed iyo dhaqaale dunida oo dhan . sidoo kale waqti dhibta gumeysiga lagu jiro baa 13 dhallinyaro somaliyeed oo uu horseedayo Xaaji Maxamed Xuseen iyo Yaasiin cusmaan ay aroor hor leh ku fekereen iney dhibta ka saaraan shacabka soomaaliyeed oo u horseedaan xornimo, fikradoodaana waa tan u horseeday gobanimadii la soo hoyey 1960kii.

Marka afkaartu wey ka adag tahay kana xoogan tahay qoriga.

Maadaama ay daruufaha saamaxaya kacaan military aanan faraha ku hayn , weli gacanteen kama bixin in afkaar cusub aan isu geyno si aan u xaqiijino inaan gaarno riyada ah in aan yeelano xukuumad caddaalad ku dhisan oo loo wada dhan yahay.

haddaba waxaan soo jeedinayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan aqqonyahanada , culimaaudiinka , dhallinyarada in aan abuurno urur cusub oo adeegsada quwadda maskaxeed ee ah tamarta keydsan ee ku jirata askhaas badanoo soomaali ah.

shacabka soomaaliyeed ma ahan dadyow ay maskaxdoodu ka sameysan tahay bir iyo dhagax ee wacey ka mid yihiin dadyowga caalamka ee loo horseeday waddo toosan. waxaan ka war haynaa in xasaasiyadda qabyaaladda ee maanta na marin habaabisay aysan markiihore gaarsiisneen heerkan cadaawadda sare ee waxey qaadatay waqti ay xajmigan ku yeealato, sidaa oo kale baa loogu beeri karaa qullubta shacabka dareen waddaninimo , isjaceyl iyo wadatashi. Waxaan la adeegsan karaa siyaasad cusub , barnaamij sare ee dacaayadeed , wargelin iyo wacyigelin nooc cusub ah iyo hab maskaxeed cusb (Psychological approach ) oo ku dhisan daraasaad iyo kontorool.

haddii aad ka mid tahay dadka aan qaamuuskooda laga helin erayga ah (MA DHICI KARTO "IMPOSSIBLE" ), kor u istaag , niyadda geli in dhibta siyaasadeed laga bixi karo maanta ( berrito ma ahee maanta) , talaabta ugu horeysaana ku bilow inaad walaalkaaga ama saaxiibkaaga somaliyeed kuu dhow ku guubaabiso , kuna baraarujiso inuu kula arko fikradda cusub iyo in loo baahan yahay in la dhaqaaqo , xasuuso mar walbaa in keligaa ku aheyn dareenkan cusub iyo fikraddan isbedel doonida ah ee lagula qabo waxa keliya ee dhiman waa dhaqaaqidda. 

Mahadsanidiin

Awes Axmed Cusmaan

thenewsomaliagroup@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 26, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD