SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYASHII CARTE & XAGXAGASHADOODA MADWEYNAHA PL...

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa "nimaan shaqeysanin shaahi waa ka xaaraan", oo nacfigeedu aad ka daawan karto shirka Somaaalida hadda uga socda iyo tixgelinta gaarka aha ee lagu sharfo madaxweynaha Pl ee huwan heybadda maamulka ugu ballaaran ee dalka ka jira.

Horayna, waxaan u maqalnay hogaami kooxeedyada kala daadsan ee koonfurta ee uu ku jiro kii sheeganayey madaxweyninimada oo ku dacwoonaya in borotokool ahaan loo ixtiraamo sida Kor. Abdullahi iyo waliba kuwka cabanayey nama salaamo sidii ay salaantiisu ay darajo ku heleyaan.

Runtuna waxay tahay in  mudane Abdullahi uu horay u soo shaqeystay intii ay kuwa kale ay boob,qaxootinimo iyo hurdo ay ku jiireen oo markii ay soo baraarugeena ku waashay  "Haddaanu maamul dhiseeynaa" mar xisaabtan loo fadhiyo.

Marka tuugadii Carte oo ay ka mid yihiin dadka  hoos  ku qoran ee damiirkoodu $ la shaqeeyo ayaa waxaa dhab ah in qayladooda cidna ka dhageysan doonin sababta oo ah Igad waxay rabtaa guusha shirkaas , xaqiiqduna waxay tahay in haddii PL ka baxdo (Allaha nuguma keenee) uu shirka burbrui doono  sida uu sheeegay safiirka Talyaaniga ahna wakiilka EUda ee dawladaas maalgelin doonta :-

1. Aabihii tuuganimada  cilmiyeyesan ee Somaaliya ee lana yiraahdo Galeyr oo wixii uu arkaba sida   haadka ula boodaya oo horay u cunay tii Siyaad & tii Carte.

2. Jaamac Cali Jaamac oo noqday nin dadku ay ku maadsadaan, iyagoo ku xasuusta hantidii taalay  bankiga Bosaaso iyo canshuutii uu dam ka siiyeyey & sidii loogu   shaqeystay ee gaarsiisay   cid kaleba yeelkadeede  in uu Muusaba gudoomiye aan jirin u noqday!
3.  KING Kong oo rabay in uu dadka ay qoykiisu Boqorka u yihiin ka dhigo daanyeero markii uu Wasiirka uu ahaa C/qasim.
4. Zakariya oo xataa Kismaayo USCdii Cali Mahdi hubka halkaas ugu soo iibin jiray oo arrintaas  darteedna ku sigtay in lagu dilo, taas oo keentay in waligiis uusan tegin degaankiisa, cod uu   ka heli karana aysan jirin.

Gunaanadkiina, waxaan dhawaan arki doonaa Igad oo xal ka gaarta arrinta hadda taagan iyadoo ku dhamaan doonta sida dantu ay ku jirto, si shirkaas uu guul ugu dhamaado. Hadaana waxaa laysku hayaaba waxay tahay in 3 qofood in diriishadda laga soo gesho iyadoo intii kale ee tira ahaan PL ay heshay uu oggol yahay madaweynaha oo tiradooda guud ay gaareeyso afartameeyo isugu jira Puntland & bahwadaagteedaba.

Sidaas awgeedna , anigu ma qabo in 3 qofood oo tuugo ah  qaxootina  ah kana warqabin dadka iyo dalkaba dartood ay Igad ku diidi karto xaqa Pl , anigoo xasuusana shirkii Carte oo PL darteed u  weeysay taageerada beesha caalamka & walibana kii Qahira oo markuu Abdullahi oo gudoomiyaha SSDF aheyn uu diiday ay Talyaanigu iyo Mareykankuba yiraahdeen shirkaas Daarood wuu qaadacay inkastoo Gen. Abshir iyo Darood badani ay taageersanaayeen.

Taas oo haddaba ay ka arki karto in madaxweynaha Pl oo keliya uu magaca Daroodka ku hadlay markii ay Igad ay qabiilka Daroodka ay qaabileen oo ku noqotay wajigabax  kuwa tira yar ee dabadhilifka C/qasim u ahaa  inkastoo cid u jixinjixday aysan jirin.
 

Faafin: SomaliTalk.com | August Aug 27, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD