SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


WARARKA MAANTA:: August 5, 2004

Maxay tahay Xaqiiqda Dhabta ah ee ka danbaysay Xariga 2da nin ee kongaliiska ah ?

Xariga 2da nin ee Kongaaliska ah oo ilaa iyo hadda ku xiran Isteeshinka Magalaadda Bossaso, ayaa waxaa dad badan waxay is waydiinayaan waa maxay sababta ka danbeesa xarigooda.?

Haddaba waxay jawaabtu tahay sedan.

Nimankaan oo bilawga sanadkaan yimi magalaadda Muqdisho iyaggoo sida la rumaysan ahay ka yimi Koongo oo ay u dhasheen. 

Markii ay xamar yimaadeen ayay la galeen heshiis ganacsi ah niman ganacsoto Somaliyeed ah, heshiiskaas oo ku saabsanaa dheeman laga keenayo dalka Koongo loona iib geenayo dalalka dibada sida Maleysiya, sidaa darteed waxay sheegeen in loo baahan yahay lacag dhan $50,000 (konton kun oo dollar) si loo bilaabo hawsha , ganacsatadii somaliyeed iyo Kongoliiskii ayaa waxay ugu danbeentii ku hashiiyay lacag dhan $15,000.

Ganacsatadii somaliyeed waxay u baahatay damaanad markaas ayaa nimankii la hadashiiyeen nin kale oo jooga Dalka Maleesiya oo ay isku af garateen in 2da nin ee la joogta ay u haystaan rahmaad inta wajiga koobaad ee ganacsigu furmayo sidaas oo ay ku qanceen, ugu danbeentii waxay ganacsatadii Somaliyeed u dhibeen lacag dhan $12,000 inta ka dhimana ay soo dhameystiraan.

2da nin ayaa waxay ganacsatadii u sameeyeen niman staaf ah oo waardiyeeya balse nasiib daro waxaa dhacday in nimankii Kongoliiska ahaa ay ugu daraan staafkii daroogo shaaha, halkaasna ay istaafki ku miyir baleen, waxay fursad u heleen nimankii Kongaliiska ahaa in ay ka fakadaan nimankii lagu ogaa.

Waxay ugu hureentii ay abaareen Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile , nasiib daradooda uma suurto galin in halkaas ka dhoofaan dadaalkasta oo ay sameeyeenba, waxay go,aan sadeen in ay u cararaan dhankaas iyo SomaliLand waxay kiro (ingeer) ahaan u qateen Bas noociis ahaa Homay dhinaca magalaadda Gaalkacayo kadibna ay sii kiraysteen taxi noca markeed 2 loo yaqaan ayaga oo kula hashiiyay $200 ila Hargaysa,

Markaas ka dib ayaa waxaa soo baraarugay Istaafkii ay daroogada cabsiiyeen ayaga oo halkii dabagal ka bilaabay waxay la xariireen dhamaan garoomada diyaaradaha (Ayraboorada) waxaana loo sheegay in ay Ayraboodka Dayniile laga cishay, Nasiib wanaag waxay la kulmeen Gaarigii u qaaday Gaalkacayo asaga oo u sheegay in uu geeyay Gaalkacayo ayna uga sii boqooleen dhanka S/land, markaas ayey ganacsatadii waxay la xariireen ganacsato reer Bosaso ah islamarkaas ayaa ganacsatadii reer Puntland waxay la xariireen Ganacsato kale oo reer Somaliland ah sidaan ay ugu sheegeen in nimaankaas ay qabteen Boliska Somaliland islamaarkasna ay u soo caliyeen dhanka Puntland. Marka ay marayaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa gacanta ku dhigay rag horey warkooda u hayay oo meesha ku sugayay. Ka dib nimankaas waxaa loo soo gudbiyay magaalada Boosaso halkaas oo ay ku sugnayeen ganacsatadu ka dibna ay gacanta u geliyeen ciidanka Kontoroolka oo iyaguna u gudbiyay taliyaha ciidanka booliska G/Le Sare Cabdirisak Afguduud. Markii la baaray nimankan waxaa laga helay: warqado u samaysan sidii lacagta doolarka iyo kiimikadii (daawadii) lagu midabayn lahaa, daroogo iyo qeyb ka hartay lacagtii ay soo dheceen oo dhan $9815 (Sagaal kun sideed boqol iyo shan iyo toban doolar.

Wakhti yar ka dib ayaa waxaa la dalbay dulmanayaashii lacagta laga soo dhacay halkaas oo ay deg deg ku soo galeen Boosaaso. Baaritaan dheer ka dib wuxuu taliska Booliisku xaqiijiyay in lacagtaas laga soo dhacay nimankan Soomaalida ah sidaasna loogu guddoonsiiyay lacagtoodii intii lagu soo gaaray labada nin meel faagaara ah oo weliba guddoonsiiyay Taliyihii Ciidanku. Sidaas ayaa loo xiray nimankii kongoliiska ahaa ilaa ay ka soo dhamaystirayaan inta lacag ku harsan.

Sidaa darteed wuxuu taliyuhu u saaray dambi baarayaal si loo soo hor taago maxkamadda, Iyadoo lagu guda jiro baaritaankii ayaa waxaa si qarsoodi ah loo saaray maxkamad aanu goob joog u ahayn dhibanahii wax dacweeyay. Maalintii dambe ayaa waxaa laga war helay nimankii oo la sii daayay. Ka dib ayaa taliyuhu wuxuu amar ku bixiyay in la xiro marka baaritaanka la dhameeyana maxkamad caddaali ah la soo taago. 

Ugu dambeyntii nimankii weli waxay ku xiran yihiin saldhiga bartamaha ee Boosaaso waxaana ilaa iyo markaas la sugayaa in nimankaa maxkamad xaq ah la horkeeno iyadoo awal xeer ilaalintu ka meermeersatay iney maxkamad saarto. Waxaana loo balan san yahay in 20/08/04 maxkamad la saaro iyagoo oo dhibanayaashu goob joog yihiin.

Wixii faahfaahin intaa dheer iyo weliba xaqiijin arrintan ah waxaad la xiriiri kartaan: 

Dhibanaha: C/nuur Ibrahim Farey
Tel: 25215964368/252564182

Warkan kala xiriir:
Mohamed Hagi Osman
mosamtech@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 5, 2004


WARARKII AGOOSTO 4
»Nairobi: Kulankii 9aad ee W/Arimaha Dibada IGAD oo Furmay
»
Nairobi: Magcaabid Xildhibaanada Beesha cali Salebaan
»Suudaan: Dibadbax Ka Dhacay Khartuum
»Qardho: Siminaar Aqoon kororsi oo loo xiray 200 oo arday
»Holland: Ciyaaraha Soomaalida Yurub oo ku soo gaba gaboobay
»Kenya: Agabgurashada Ardeyda Jaamacadaaha Kenya..
Dhammaan ka akhri halkan...Guji

WARARKII AGOOSTO 3:::
»Seminaaro ku saabsan dacwada oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo 
»Wadankee ugu nolol wanaagsan aduunka?
»
Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab reer Ogaadeenya ah
Dhammaan ka akhri halkan...

WARARKII AGOOSTO 2:::
»CIRAAQ: Ninkii Soomaaliyeed ee Lagu Heystay Ciraaq oo lasiidaynayo
»
NAIROBI:: Bootaan Barre: Kablalax waa shan Beelood
»CANADA:  Beesha Nuux Max'ud  oo Ka jawaabtey Qoraalkii Tooxow
Dhammaan ka akhri halkan....

WARARKII AGOOSTO 1:::
»HARGEYSA:: Wariye Abdiaziz Ahmed oo ka Dagey Hargeysa
»
GEDO:: Warsaxaafadeed: Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gedo
»MUQDISHO:: Dibadbax lagu xusay geeridii caydiid oo ...
»MORGAN cunaqabataynta halaga qaado, waa dadaalka ay..
»
NAIROBI::  Harti, Absame iyo Dir oo Qaadici doona Shirka haddii..
»IGAD:: Waa in 2da-Agoosto  lasoo gudbiyo magacyada xubnaha...
»NAIROBI: Beesha Cabdi Koombe oo Baaq Kale u Dirtay IGAD
iyo Warar kale oo Goos Goos ah....

WARARKII JULY 31:::
»Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay qoor gooyo..
»C/Qaasim oo reer Ciraaq ka codsaday in ay siidaayaan Soomaaliga..
»Beeralayda Deegaanka Garoowe oo loo Qaybiyay 24 Matoor.
»Shirkii  Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo dib loodhigay
»Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee Shirka Kenya
iyo Warar kale oo Goos Goos ah.... July 31

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD