SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

  
Maxaa Ka khaldan Saxafadda Soomaalida?  

Yusuf A.Gelle 
yhaji2004@yahoo.com

Waxaan shaki lahayn in intii lagu jiray burburka iyo dowladda la’aanta Soomaaliya, in ay Saxaafada Soomaalida aad u tiro badatay xornimo badanna heshay. Hase yeeshe waxaa muuqata in tayada Saxaafadeenu ay weli fadhiid tahay, mararka qaarna uu dhibkeedi ka badan yahay dheefteeda. Waxaan aad u xasuustaa in iyadoo saxaafaddu xornimo iyo tabar midna lahayn haddana  in dadaal iyo isxilqaamid faro badan ay isku dayeen xoogagii ku howlanaa,.wakhtigii lagu jiray xukuumaddi militeriga. Waxaan la ilaawi Karin waxqabadkii uu idacadda Muqdisho ku soo kordhiyay  Suxufiga C/Qadi M. Mursal oo runtii casriyeeyey dhamaan barnaamijyada idaacadda Radiyo Muqdisho sanadihii Siddeetanka. Waxaa ka sii horeeyey tayadii wanaagsanayd ee looga bartay barnaamijyadii ay soo jeedin jireen i Cabdi Idiis, Dalmar iyo Dhuule, Cabdullahi Sh. Xuseen oo dhamaan ka mid ah dadkii ka dhex muuqday  Saxaafada Soomaalida gaar ahan tan Raadiyaha. 

Waxaan jeclahay in qormadaan aan dhowr tusaale ku muujiyo sida Saxaafaddeenu uga gaabisay dhamaan wixii laga filayay Saxaafad xor ah.   

  1. Waxaa nasiib Darro ah in maanta oo farsamo  badan la haysto in Saxaafadda Soomaalida oo BBC –du ku jirto aanay lahayn jaho iyo mabaadii ay ku socoto. Waxaan weli xasuustaa markii nin warfidiyeen oo Ingiriis ah uu sanad ka hor ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Hargaysa. Ninkaas oo u shaqaynayay mid ka mid ah Channels talifishanada London ayaa aad uga dayriyey sida looga shaqeeyo Cusbitaalada Hargaysa iyo daryeel xumida haysata dhamaan bukanka yaal cusbitaalada magaaladaas. Wuxuu barnaamijkaas uu ku qaadi dhigay dhaliilaha ka jira wasaaradda Caafimaadka iyo hawladeenada ka shaqeeya arrimaha caafimaadka. Warbxintaa Talifishinkaa bixiyey ayaa runtii dad badani ka dhandhansadeen waxqabad xumida ka jirta adeegyada Maamulka Hargaysa. Waxaa nasiib darro ah in Shaqaalaha BBC-da ee hargaysa aanay weligood soo gudbin barnaamij taabanaya xaqaa’iqda ka jirata gobolkaas. Inta badan waxaad maqlaysaa banaabax ka dhacay beerta khayriyadda, golaha guurtida oo shiray iyo wafdi dhoofay iyo mid soo degay. Waxaan warfidiyeenka BBC-du soo tabiyaan hadalada rasmiga ah ee Maamulka Riyaale iyagoon ka run sheegin sida dhabta ee wax u jiraan. Bal eeg sida uu wariyah BBC-du uga waramo arrinta muranka labada maamul ee garowe iyo Hargaysa iyo Arrinta gabadha yar ee lagu xiray hargaysa .
     
  2. Arrinta labaad waxaa weeye sida ay u waramaan bogagga Internetka ee Afsoomaaliga ku qoran. Inta badan dadka wax ku qoraa waa niman ay ka muuqato caadifad qabiil, nacayb iyo garasho gaabni. Waxa yaab leh sida Saxaafddu u garan weysay muhimmadda ay leedahay in la badiyo wararka wanaag ah ee isu soo jiidi kara dadka lakala irdheeyey ee Soomaalida ah. Waxaan qabaa in qaar badan oo raga wax ku qoraa bogogaas aanay fahansanayn in garaadka dadka ay la hadlayaan uu ka sareeyo sida ay wax u shaagayaan. Qofkii u fiirsada waxa uu dareemayaa in qaarkood ay ka war dhowrayaan dagaal oogaha ay taabacsan yihiin sida uu u hadlo. Hadii uu wax mucaarado waa ku raacaan , hadii uu wax taageerana waxay la soo shir tagaan amman iyo bogaadin. Tusaaale waxaa noogu filan sidii ay u hadashay mid ka mid ah bogogaas markii C/llahi Yusuf loo doortay madaxweynaha oo ay ku tilmaameen in maalin madow u soo hayatay mid ka mid ah qabiilda Soomaalida ah. Muddo ka dib ayaa isla boggii laga soo buuxiyey faalooyin dhexdhexaad ah iyo niyad wanaag. Waa isweydiini boggu ma dano hal qabiil ayuu isha ku hayaa mise waa saxaafad xor ah oo leh mawqif iyo mabaadii hagta. Waxay arrintu ahayd in Suxufiggu dhaliisha ka bilabo dagaal oogaha ay isxigaan ama meel kula nool inta aanu u boodin mid kale oo ka fog. Waxaan shaki lahaaateen in haddii taasi dhici lahayd in wax badan iska beddeli lahaayeen dhaqanka dagaal oogayaasha iyo kuwa fidnada ka wada Soomaalida dhexdeeda.
     
  3. Waxaa runtii aad u wanaagsanayd sidii saxaafaddu u dhaliishay sidii loola dhaqmay dad warfidiyeen Soomaaliyeed ah oo ka soo qayb galay cashadii Raaisul wasaaraha . Iyadoo weliba uu Kartoon heer sare ah uu soo saaray farshaxanka Soomaaliyeed Amin camir. Waxaase isweydiin leh sidee xushmad iyo qadarin lagu helayaa mar haddii shaqada warfidiyeenada Soomaliyeed ay noqotay tagerid dagaal ooge, ceebayn iyo aflagaado caaadifad qabiil ku dhisan, ka been sheegid wax dhacay iyo faalooyin dadka wada dhashay ee Soomaalida lagu kale gaynaya.

Ugu danbeyntii waxaa runtii amaan mudan qaar ka tirsan bogogga Internetka iyo idaacadaha qaar oo runtii muujiyey garasho dheeraaad ah iyo adeeg hufan oo aad u anfacay Bulshada Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool. Waxaan kuwaas leenahay  hawsha halkaa ka wada. Kuwa majaro habaabiyay hawshii saxaafaddana waxaan leenahay waxaa la joogaa wakhtigii wax la sixi lahaa ee ka soo laabta wadadaa foosha xun ee wax u dhimi kara magaciina iyo guud ahaan magaca Saxaafadda xorta ah ee Soomaalida.    

Yusuf A.Gelle 
yhaji2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD