SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

  

Waalidka wal-walsan ee Qurbaha jooga

Shiikh  Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
jibriil1950@yahoo.com

2042-00100  Nairobi, Kenya.
Tel. 721-385291

“Asslaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu”

Maqaalkaan assalkiisu wuxuu ahaa  latalin ay I soo waydiisay Hooyo Soomaaliyeed ee Kunool wadamada “Reer galbeedka mid ka mid ah. Ka dib markii aan u jawaabay, waxay iila muuqatay in waaliddiin badan ay dhibtaas oo kale qabaan, anna waxaan jeclaystay inaan kala qaybgalo  xal u raadinta arrintaas. 

Walaal, waad ku mahadsantahay xog waranka iyo wada tashiga aad ila yeelatay. Arrimaha aad  ka cabatay waa arrimo guud ahaan ina hastay, sidaan Soomali u nahay. Marka ma aha wax khaas kuu ah ee dhibaato ummadeed oo ay waajibtahay in xal looraadiyo. Aniga iyo adigu haddii aan ka wada qayb galno xalkeeda waa sax, maxaa yeelay waanaga dhaxaysaa. Kumaankun oo Soomaali ah ayaa ka cabanaya isla mushkuladdaas. Markasta iyo Meelkasta waad maqlaysaa erayadaan:  CARUURTII AYAAN LA SOO CARARAY. MEEL LAGU NOQO KAMA IMAAN. QOFKII TALA IGA QAADANAYOW HA AADIN EUROPE IYO AMERICA. HAWEEN IYO CARUUR WAY GACAN GALEEN. Marka walaal waa dhibaato loo dhanyahay. Allaha wayn ee awooda leh ayaan ka baryaynaa inuu naga saaro. 

Adiga Faadumo ah waan dareemi karaa dareenkaagu sida uu yahay.. Diintaadii iyo dhaqan kaagii meel aan laga rabin adna lagaa jeclayn haddana aadan ka maarmin waa dhib wayn. Dantii Diinta iyo Tii nolosha adduunka ayaa iska hortimid. Soomaaliya inay dowlad ahaato oo Dadkeeda, Diinteeda, Dhaqankeeda daryeesho way awoodi wayday. Sacuudi Carabiya oo Patrool leh Xaramaynkiina ku yaallaan waa diiday inuu soo dhaweeyo  dadka qaxootiga ah ee muslimiinta ah. Waana diiday inuu sokeeya ka dhigto ama khayraadka dabeeciga ah ee Alle ku manaystay uu wax ka bixiyo. 

Faadumo, haddii aadan Muqdisho ku noolaan Karin oo kufsi, bililiqo,dil iyo hagardaamo kaaga soo horayso, Sacuudigiina xaramkii aad u tukanaysay kuu diiday, adiga niyadaadii iyo naftaadiina ay rabaan labadaas meelood maxaa xal ah? 

Markaan Africa joogno waxaan u baahanay inaan mar tagno UK am U.S.A. Wax kasta oo ay ku kacayso waan u horaynaa. Dad badan ayaa naftoodii ku waayay badaha ayaga oo rabay inay dhuumasho ku galaan waddamada reer galbeedka. 

Kuwa hadda jooga oo aad adigu kamidtahay, waxay leeyihiin xaggee u cararnaa? Xagee  caruurta gaynaa? Diintoodii iyo dhaqankoodii fiicnaa oo Islaamka ahaa ayaa khatar ku jira. Sidee yeelnaa? 

....markaan Africa joogno waxaa noodaran gaajada iyo jirada. Markaan Reer galbeedka joognana waxaa noo daran Diinta iyo Akhlaaqda....

Marka, waxay u muuqataa markaan Africa joogno waxaa noodaran gaajada iyo jirada. Markaan Reer galbeedka joognana waxaa noo daran Diinta iyo Akhlaaqda. Anaguna ma samaysankarno nololo iswaafaqsan oo isu dheelitiran. Mar walba waxaan u baahanahay inaan cidkale ku tiirsanaano oo dalkale ama dowlad kale la joogno, waayo annagu mid aan leenahay ma habaysan karno nololna waan rabnaa. 

Faadumo, naftaan dalkeedii daryeeli wayday, dadkii ay cid isu xigeena dayriyeen oo u diideen inay kunoolaadaan meeshii lootukanayay oo Muslimiinta ka dhaxaysay, haddii ay kunoolaato England ama U.S.A anigu waxba kama qabo. 

Arrinta kusaabsan caruurtaada, aad la walal-walayso Diintooda iyo dhaqankooda, layaabi maayo oo hooyo ayaad tahay xaqna waad u leedahay inaad ka wal-washo. Laakiin anigu kuguma waa faqsani. Waagii hore oo aan kunoolayn Mudug iyo Bari salki, waxaan oranjirnay qofkii naga soo aada koofur iyo Muqdisho inuu khatar ku suganyahay. “Nin dhintay iyo nin dhoofay wax isma dhaamaan” Waxaan ku tuhmi jirnay Jiro iyo Caqli xumo. Aniga ayayday oo aad ii jeclayd anna aan aad u jeclaa ayaa ii sheegtay inaga oo 4 sano jir ah Ogow maandhow macunno tagoogada xoolaha marka la qalo.” 

Taas waxaan uga jeedaa, waxaa laga yaabaa inaad u hilowsantahay  dhaqankaagii iyo meeshii aad ku kortay oo aad indhaha ka lalinayso ama is dhaafinayso danaha iyo masaaliixda aad ku haysataan meesha aad joogto, ama aad illowday dhibtii iyo rafaadkii Soomaliya iyo Africa. 

Waxaan taas uga jeedaa is burinta ku jirta sida aan u fikirayno iyo sida aan u dhaqmayno. Sida ay aniga iigu muuqato wax wayn ayaa inaga khaldan oo u baahan inaan dib u saxno. Bal ila fiiri arrimahaan: 

  • Annaga oo isku diin, dhaqan, luqad, midab ah  ayaan  is laynaynaa, is dhacaynaa, is xastaynaa.
  • Dalkanagii  ma hormarinayno, ma dhisayno, ma jeclin.
  • Dawlad ma lihin mana rabno, mana maamuli naqaan.
  • Diintanadu waa midda wax walba ka fiican.
  • Dhaqankanagu waa mid wanaagsan oo diinta ku dhisan.
  • Kuwa aan isku Diinta nahay ee carbeed waxba nooma ogolo, waxna nama tarayaan.

Su’aashaydu waxaa weeye, waxaan qaaliga ah oo aan la cararayno, maxay noo anfici waayeen oo aan dadka kale uga fiicnaan waynay? Haddii aad diin fiicantahay waa inaad heshaa wanaageeda adduunka iyo aakhiraba. Haddii aad dhaqan fiican oo ilaalin mudan  leedahay waa inay kaa muuqato. Run, Diinta Islaamku waa diin xaq  ah ciddii raacdana way ku liibaanaysaa. Amaan innagu isu haysanaa inaan Muslimiin nahay laakiin wax inaga khaldanyihiin oo aan magac kaliya iska dugsanaynaa. 

Haddii dhaqanka iyo akhlaaqada reer galbeedku xuntahay, maxaa annaga noo baahiyay iyaga? Maan annagu ka fiicnaano, maxaa yeelay waan ka diin fiicannahay?  Waxaan is burinaya oo marna lacag badan lagu bixinayo, been la sheegayo, Hooyo iyo walaalay la sheeganayo in laqabo, ka dibna caruurtii lala soo cararayo, oo ciriir wayn la dareemayo waan la yaabanahay. 

Aniga waxay ila tahay in wax inaga khaldanyihiin oo aan laf cad toobin ku hayno. Ma dhici karto waligeedna lama arag inaad ‘Galay’ abuurato kadibna ‘Digir’ kuu soo baxdo. Lama arag inaad ceel qodo kadibna uu caano soodaayo halkii aad biyo ka sugaysay. Lama arag inaad wanaag samayso  kadibna aad xumaan hesho. Qaanuunka Alle ee adduunkaan maamulana  kuma shaqeeyo wax noocsaas ah.  

Annagu haddaan Soomali nahay Diintanadu way wanaagsantahay, Dhaqankanagu waa wanaagsan yahay, Caruurtanada sifiican ayaa u tarabiyaynaa, laakiin noloshanadu way kharibantahay, Dowlad malihin, Dal nabad ah malinhin, Dad israba ma nihin, Laakiin Muslimiin ayaan nahay. Dadkaan gaalada ah ayaa nadulminaya oo raba inay dhaqankooda iyo Diintooda naga baraan caruurtanada. Arrimahaas oo manta aan ku suganahay sax ma aha. ILAAHAY nama dulmin cidna ma dulmiyo. Anaga oo wanaag samaynay, wanaag aaminsan in xumaan aan helno oo addun iyo aakhiraba aan khasaarno suurogal ma aha. 

Faadumo, waxaas ayaa  aniga ii muuqda. Waxaan u arkaa in waxa ku haya ay tahay dhibaato ka dhalatay naftaada dhexdeeda oo aad u hiloobayso dhaqan  aad awooweyaal ka dhaxashay laakiin aadan hubin dhib iyo dheef waxa uu leeyahay. Inaad manta marti ku ahaato dal ajnabi wixii kugu kallifay ayaa meesha ku jira. Adiguna hadda isla waxaas ayaad raadinaysaa. Waxa inaga dhigay sida aan hadda nahay waa waxaan ku  fikirnay, aaminay, isugu sheekaynay, ku dhaqanay. Ma aha in wax kale nagu dheceen. Waxaa nalaga  abaal mariyay wixii aan kasbanay. Hadda uma baahnin dantanaduna kuma jirto inaan iyagii sii difaacno oo aan u boholyowno.  

Haddii xaaladda aad markaas ku sugantahay ku anfici waydo waa inaad isbadasho. Is badlku ceeb ma ah ee amar Alle ina amray. “ UMMAD ALLE KAMA BADDALO XAALADDA AY KUSUGANTAHAY ILAA AY BADALAAN WAXA NAFTOODA KU SUGAN OO AFKAAR IYO DHAQAN AH”  Suurutul-racdi  aayaadda 11. 

Marka walaal, waxaan kugulatalinayaa sidaan soo socoto:

  • Caadifada iyo dareenka ku haya iska daji oo naftaada xasili.
  • Fiiri Ayadda Quraankaa ee Daahaa Nabi Maxmedoow Nkhtaa. “Quraanka kuuguma aanaan soo dajin inaad dhibtooto” Aayadda labaad ee Suuratu-Daahaa.
  • Fiiri Aayadda Baqara ee Alle leeyahay “ Ma jiro khasab diinta la isku khasbo, hanuunka iyo lunsanaantu way kala cadyihiin” Aayadda 256, ee suuratul baqara.
  • Sidoo kale fiiri  Aayadda Suuratul-baqara ee Alle  yiri “ Alle kuma kallifo naf wax aysan awoodin” Baqara aayadda 286.

Sidaas daraadeed, naftaada daji, naftaada ha dhibin, jooji walwalka iyo walaaca. Adiga Ilaahay adduunyadaan kaagama dhigin maamule  guud oo wixii hallaba kaligaa laguma waydiinayo. Caaddifada iyo kacsanaanta xaga nafta ah jooji  ( Emotions and feelings must be managed. Don’t emotionalize the trouble. Please keep quite mind and be happy with your life, children and whatever you have) 

Caruurta u dhaaf meeshooda. U ogolow inay wax bartaan. Waani oo wanaaga u sheeg. Bilaa aadanka waxaa ku abuuran inay kala gartaan wanaag iyo xamaanta. Diintooda iyo akhlaaqdooda hala kaashan Jahli iyo gaajo ee lakaasho cilmi iyo cood. Meeshooda ayay ku wanaagsanaan karaan. Maxaa yeelay haddaba dad badan oo wanaagsan ayaa jooga. Marka walaal, dhib wayn oo hadda ku haysata ma jirto. Dhibta ku haysata waa dareen naftaada ka dhashay. Adiga ayaa daawayn kara oo iska saari kara. Kurbada iyo wal-walka iska jooji. Ku kalsoonow inaad leedahay mustaqbal wanaagsan caruurtaaduna ay mustaqbal wanaagsan leeyihiin. 

Walaal, waxaan kuu hayaa fikrad ganacsi sahlan oo aan dhib lahayn, oo laga yaabo  adiga oo maashaada jooga inaad lacag ka samayso. Qorshihiisa oo faah-faahsan dib ayaan kaaga  soo dirayaa. Hadda waxaan kaa codsanayaa inaad xaaladda dajiso oo aad nafta khayr u sheegto. Fadlan jawaab igu soo celi waxaad ka fahamto warkaan aan kuu soo qoray iyo sida aad u aragto. 

Waad mahadsantahay. 

Shiikh  Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
jibriil1950@yahoo.com

2042-00100  Nairobi, Kenya.
Tel. 721-385291

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2004

Afeef: Aragtida baaqaan waxaa leh magacyada kusaxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD