SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUNAAMI
Daabaco Boggan | Print



Wararka Soomaaliya ee la xiriira dhulgariirka badda iyo khasaardii kasoo gaartey ka akhri Halkan... Guji..

Halista Sunaami 


Ubucda dhulgariirka Badda |
Sawirka CBC, Canada

Hirer Joogoodu aad u dheer yahay ayaa waxey ka dhaceen dalal badan oo ku xeeran badweynta Basifiga sida Waqooyiga Mareykanka, Koofurta Mareykanka iyo Bariga fog ee Aasiya. 1707 Waxey moojadahaas ku dileen Japan dad lagu qiyaasay 30.000, waxey 1782 Koofurta China ku dileen qiyaasta 40.000, waxey 1868 Chile ku dileen qiyaasta 25.000, waxey1883 ku dileen Indonesia qiyaasta 40.000 iyo dalka Philippines oo 1976 ay ku dileen qiyaasta 10.000. Badweynta Atlaantiga oo mowjadahaas aysan ka dhicin ayaa 1755 waxey mowjadahaas ku dhufteen caasimada Portugal ee Lisbon, waxeyna ku dileen dad lagu qiyaasay 60.000. Sidoo kale badweynta India oo aysan caadi u ahayn mowjadahaas ayey sannadkan 2004 dhamaadkiisa ku dileen dad lagu qiyaasay 80.000 oo ka kala tirsan 11 dal oo kala ah: Indonesia, Sri Lanka, India, Thailand, Malaysia, Somalia, Bangladesh, Tanzania, Maldives, Myanmar iyo Seychelles. 

Sunaami(Tsunami) waa magaca loo yaqaan Hirarka waaweyn ee ka dhasha marka biyaha bada ay qasaan dhacdo dabeeciya sida dhulgariir ka dhaca bada hoosteeda, ama buuraha bada ku dhexyaala oo qarxa (volcanic eruption), ama is-herdinta dhulalka ka hooseeya bada(landslides). Waxaa kaloo mowjadahaas dhalin kara waxyaabaha bada ku dhaca sida dhagaxda ka soo dhacda circa (meteorites) ama hub culus oo lagu qarxiyo bada gudaheeda.

Aduunka aan ku noolnahay waxaa korkiisa loo qeybiyaa 7 cad oo dul heehaabaya dhagax dhalaashay oo sida biyo u fadhiya uurka aduunka. Waxaa lagu qiyaasaa cadadkaas dhulkaa oo sabeynaya iney sannadkiiba dhaqaaqaan qiyaasta wax ka yar hal taako. Cadadkaas marka ay dhaqaaqayaan ama way kala tagaan oo waxey dhaliyaan dilaac (Rift Valley) ama waa is-herdiyaan oo waxaa ka dhasha buuro ama jaziirado ama dhinaca ayey isku xoqaan ama qeyb cad ka mida ayaa hoosgala cad dhulka kalaa. Dhaqdhaqaaqyadaas oo dhan waxey dhaliyaan dhulgariir ama qarax ka yimaada buuraha. 

Hirarka loo yaqaan Sunaami sida badan waxey dhashaan marka dhulka ay ku fadhiso bada uu kala jeexmo. Waxey dhagaxda kulul oo dhulkaas ka hooseeya ay kor u qaadayaan dhinacyadii kala jabay mid ka mida. Jeexninka iyo kor u kicista oo mar wada dhacaya waxey sababayaan dhulgariir ka dhaca bada hoosteeda. Dhulka kor u soo kacay wuxuu kor si xoog leh ugu dhufanayaa biyihii ka sareeyey oo dhan walba u diraya hirar xoog u socda. Hirarkaas xoogan oradka ay ku socdaan waxey gaari karaan ilaa 900 km saacadiiba. Badweynta dhexdeeda sidaas looma dareemi karo waayo waxey xoogoodu ku socdaa salka hoose, biyaha sare waxey ku keenayaan isbedel yar oo ay qiyaasta 1m joogooda kor u qaadayaan. Inta ay u soo dhow yihiin xeebta ayey waxey yareynayaan orodkooda, waxeyna badinayaan awooda joogooda sare u qaadeysa. Marka ay yimadaan xeebta marka hore ma xoog badna waayo way is uruursanayaan oo waxaa aad u weyn xooga soo jiidashadooda, taasna waxey dhalisaa iney xeebta oo dhan ay ka laqaan biyaheeda, waqti yar ka dibna waxaa yimaada hirar isdabajooga oo xowli dheereeya ku socda oo qiyaasta ah derbi 30 feet (10 mitira). Xooga biyahaas ay leeyihiin waxey hal km ku tuuri karaan tareen culaab badan iyagoo awood u leh iney cad cad u googooyaan.


Dadka oo ku kor lugaynaya meel guri ahaan jirey, Colombo, Sri Lanka, Sawirka CBC

Biyahaas marka ay ku dhuftaan dhulka xeebta waxey xambaartaan baabuur, dhagax, dhismayaal, geedo iyo burburka waxyaabo badan oo ka sameysan biro, sidaas daradeed ayaa dadka ay qaadaan daadadka mowjadahaas ay adag tahay sida ay uga badbaado naftoodu. Daadadkaas waxey dhulka xeebahaa gudaha u geli karaan ilaa 2 km. Waxeyna mowjadahaas horay iyo gadaal u socon karaan qiyaasta 12 saacadood. Dadka waxaa lagula taliyaa ineysan bada dib ugu noqon marka daadka u horeeya uu laabto ayna u cararaan dhulka sare in ka fog xeebta ilaa 2 km. Waxaa lagu qiyaasaa halkii mowjadba iney xeebta ku garaaceyso culaab biyo ah oo aysan jirin wax iska celin kara, taas oo dhan 200 bilyan oo fuustooyin biyo ka buuxaan. Hirarkaas waxey laqaan oo ay dumiyaan magaalooyin dhan oo ku yaala xeebaha iyo dad iyo duunyo wixii ku noolba. 


Dadka oo ku lugaynayo wado ay biyihu kusoo fataheen, Dalka Indonesiya | Sawirka CBC

Maalintii Axada ee taariikhdu ahayd 26da disember 2004, saacadu markii ay ahayd 6:58 subaxnimo ayaa meel dhinaca galbeed ka jirta jaziirada Sumarta ee dalka Indonesia 250 km, waxaa qiyaasta 10 km gudaha bada dhul ku yaala ka dhacay dhul gariir lagu qiyaasay 9.0 cabirka Richard. Dhulka qeybta dhaqaaqday ayaa waxaa lagu qiyaasay ilaa 1000 km kaas oo kor u qaaday biyo aad u baaxad weyn oo dhulkaas ka sareeyey. Waxaa lagu qiyaasa midka weyn iney daba joogeen dersin gariira oo daba joogey kii hore oo lagu cabiray inta u dhexeysa 6 -7.3, kuwaas oo socdey ilaa maalintii Isniinta. Digniin la'aan ayey mowjadahaas 2 sacadood ka dib gaareen dhulalkii u dhowaa, waxeyna qasaaraha ku geysteen in ka yar 20 daqiiqadood. Soomaaliya oo meesha uu ka dhacay dhulgariirku u jirta qiyaasta 5000 km ayaa mowjadahaas laga dareemay 5 saac kadib dhulgariirkaas iyadoo badu ay laqday dad lagu qiyaasay 100 qofood oo u badan kaluumeysato. Hirarkaas wadamada ay ku dhufteen, bilowgii waxey xeebta ka qaadeen biyihii, waxeyna soo tufeen malay badan taas oo aysan dadku u qaadan mid waxyeelo culus keeni karta. Ilaa ay dadku arkaan hal mar biyihii bada oo cirka joog dheer ugu kacay iyagoo dusha ku wata xumbo xoog leh, kuna socda orod xoog badan. 

Sunaamiyada ka dhaca badweynta Hindiga waa mid dhacda qiyaasta 700 sannadoodba hal mar. Sida wadamada ku yaala badweynta Basifiga haddii ay sameysan lahayeen qalabyada ka diga mowjadahaas, qasaaraha intaas la'eg sooma gaareen wadamada ku teelan badweynta Hindiga oo ay dhawaantan ku dhufteen mowjadahaas. Soomaalida degen gobolada Bari mustaqbalka fog waxaa ku soo badanaya hirarkaas, maxaayeelay dhinaca bada Cas iyo dhinaca bada Hindiga waxaa laga soo sheegay iney ku yaalaan dhulka bada ka hooseeya tarar mustaqbalka jeexmaya. Dhulkaas kala tegaya waxey keeni kartaa inuu meelaha jeexmay ay soo buuxiyaan dhagaxda kulul oo ka imaaneysa gudaha dhulka, taas oo dhalin karta kor u qaadida qeybaha kala jeexmay midood, sidaasna ku abuuri karta Sunaami xoogan oo ku dhufta dhulka Soomaalida oo goobahaas ku dhow. 

Dr. Saciid Ciise
Maine, USA

Saciidciise258@aol.com


WAA MAXAY GARIIRKA TSUNAMI EE KU HABSADAY KOONFUR ILAA KOONFUR BERI AASIYA

Iyada oo masiibooyinkii ugu waaweyna ay ka dhaceen dalal dhawr ah oo ku yaalla koonfurta beri iyo koonfurta qaaradani Aasiya, ka dib markii dhul gariir bedda hoosteeda ka dhacay oo loo yaqaano (Tsunami) laguna cabiray 9.0 qiyaasta dhul gariirka ee Hectar,  uu sabab u noqday in Bedweynta Hindiya "Indian Oceanics-ku" fatahdo biyahiina sababeen inay dhulka kor uga kacaan qiyaas ahaan Seddex Mitir waxaana ku naf waayey wadamada Srilanka,Indonesia,Malesia, India iyo weliba xeebaha afrika ee durugsan ee Soomaaliya iyo Kenya dad tiradoodu gaadhayso 70,000 oo qof iyada oo laga cabsi qabo in tiradu intaasi ka sii badato.

Hadaba waxaan jecelahay inaan halkan sharaxaad yar ka bixiyo gariirkani xeebaha ka dhaca ee sababa mawjadaha loo yaqaano (TSUNAMI) waxay yahiin iyo siyaabaha dhalin karta.

WAA MAXAY MAWJADAHA TSUNAMI

Kelmadda Tsunami oo ah kelmad afka Japanese ka ah macnaheeduna tahay (mawjadaha xeebta) waa Mawjad ama Mawjado xoogbadan oo isdaba socda oo ka dhasha aalaba marka Bedda Hoosteeda uu ku yimaado dhul gariir baaxadleh oo ka dhaca (Seaquake) taasi oo ay dhaliyaan walxo wata cuf jiidad aad u quwad weyn kuwaasi oo badana ay dhalin karaan (Volcanic), (LandSlide) ama gidaarka bedda hoosteeda oo kala kaca iyo weliba Biyo kulul oo xoog weyn oo bedda gidaarkeeda hoose ka soo kaca dabadeedna sababa mawjadahaasi Tsunami.

Tsunami ayaa loo malaynaya inay ku caan ahayd Magaalooyinka xeebaha ku dhereran ee waddanka Japan oo aalaba ay ka dhici jireen dhul gariir noocani oo kale ah.

SIDEE AYEY U DHASHAAN MAWJADAHA TSUNAMI

Sida Khubarada Megatsunamis qeexayaan Mawjadaha Tsunamis waa qaar joogto ah oo isdaba socda (constant Function) kuwaasi oo orordkooga  (Speed) iyo dhererkoogu aanay isku qiyaasnayn (unpararellism height and speed), marka uu orodkiisu (speed) yaraado waxaa badanaya dhererkiisa (height) kuwaasi oo dhaliya mawjado aad u dhaadheer oo lagu cabiri karo (100 Km), waxaana badanka lagu ictiraaqa ama lagaga shaqeeya cabbirka ku qeexan wadar xisaabeedkani "G" oo u gaabsan xawaaraha Cufjiidadka ama dhul jiidadka (Gravitional Acceleration) halka xarafka "D" ugaabsanyahay biyahu intay dhulka ka kacayaan (Water Depth) Bedaha Weynta furan aalabaha Mawjadahani Tsunami waxay jaraan xawaare dhan 700 Km Saacadiiba, kuwaasi oo dhulka hoostooda aaban la garan karin ama la dareemi karin, Tusaale ahaan qofka doon la socda ama laashaska bedda dushooda sabeeya ma dareemi karaan biyaha joogoogu hoosta ka soo kacayaan, waana aalaba Mawjadahani siday ay masiibooyinka ku dhaliyaan.

Balse Khubaradu waxay leeyahiin Masiibooyinka ugu badan waxay gaysan karaan marka ay mawjadahani soo dhaafaan biyaha ee ay dhulka taabtaan, taasi oo ah %80 Masiibooyinkii ay ka gaysteen wadamada Koonfur beri ilaa Koonfur Aasiya.

MAXAA LAGAGA HORTAGI KARAA MASIIBOOYINKA MAWJADAHANI TSUNAMI

Magaalooyin badan oo ku yaal wadamada ku xeeran bedda Pacific-ga sida Wadanka Japan iyo xeebta maraykanka ee Hawai, ayaa mar  hore waxaa lagu rakibay Qalab ka sii digi kara Mawjadahani intaanay qarxin ama firdhin (Warning Systems), mawjadahani waxaa keliya awood u leh inay sii saadaliyaan dhawr Mac-had oo ku shuqul leh culuumta Seismologic kuwaasi oo ka sii degi kara muddo afar iyo labaatan saacadood ka hor ah intaanay masiibadu dhicin, Mac-hadaadkani oo adeegsanaya Dayac Gacmeedyo (Satelites), Aaladdii ugu horaysay ee loogu tallo gallay inay ka digto Dhul Gariirkani Mawjadaha wata ee (Tsunami) ayaa waxaa lagu rikibay

magaalada Hululu ee gobolka Hawai ee dalka maraykanka balse Bishii april 1-deedii sannadkii 1946-kii iyo weliba 23 May sannadkii 1960-kii ayaa Mawjadaha Tsunami ka dhaliyeen Masiibooyin Magaalada Hilo ee gobolka Hawai, dabadeed dawladda Maraykanku waxay ku dhawaaqday inay samaynayso Haayad dhan oo qaran oo u adeegta xeebaha bedda Pacific-ga ee dalka maraykanka iyada oo loogu magac daray (pacific Tsunami Warning Center) "PTWC" Sannadkii 1966-kii ayey dawladda Maraykanku ku dhawaaqday inay samaynayso Haayad caalami ah oo uruurisa Digniinaha iyo uruurinta macluumaadka Tsunami, iyada oo samaysay in ka badan 100 cilmi baadhisyeed oo kala duwan.

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN BED GARIIRKA MAWJADAHA TSUNAMI

Waxaa loo malaynaya ama ay khubaradu filayaan waxaa muddo seddex boqol oo sanno hadda laga joogo ku qarqarmay bedaha waddanka Spain iyo Portugal kumanaan qof oo ahaa Bed Mareenadii Portugase-ka iyo Spanish-ka iskugu jiray ee qarnigii 18 ilaa 17-naad saadalin ku samayn jiray daafaha dunida, Sannadkii 1775-kii ayey khubaradu aaminsanyahiin in dhul gariir baaxadleh oo ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal oo ay ka bad baadeen kumanaan qof uu markii danbe mawjadahni gariirka badeed wata ay ku dileen magaalo xeebeedka Lisbon.

Sidoo kale Jasiiradda ku caanka ah volcano-aha ee waddanka Indonesia ee la yidhaahdo Krakatoa ayaa sannadkii 1883-kii waxaa dhammaanteedba dhulka la simay Mawjadaha (Tsunami) kuwaasi oo dhammaanba dadkii ku noola jasiiradaasi ay ku naf waayeen.

Hadaba Mawjadahani Tsunami waxay ku caanyahiin oo keliya inta la ogyahay Bedweynta Hindiya, Bedweynta Pacifiga, Xeebaha galbeed ee dalka maraykanka, Koonfurta Amerika, iyo weliba inta la ogyahay Gacanka Ingiriiska (English Channel) iyo xeebaha biyaha eegaya ee dalka indonesia ee loo yaqaano Java iyo Sumatra, sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in Mawjado aan la qiyaasi karin awoodoodu ay markasta sannadkii baaxa degaan goobo fog oo ku yaall bedwenta hindiya iyo pacifiga iyo weliba xeebaha Java iyo Sumatra kuwaasi oo markay gaadhaan goob cidlo ah dib ugu laabta kaymaha dalka indonesia khasarana u gaysta kuwaasi oo loo yaqaano (ujung Kulon Nature reserve water).

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004

Wararka Soomaaliya ee la xiriira dhulgariirka badda iyo khasaardii kasoo gaartey ka akhri Halkan... Guji..


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Isha Sawirada: Google & Yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD