SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 


Beelaha Dir Iyo Daarood ayaa iyagu maanta ku heshiinin Qeybsigii Xubnaha Baarlamaanka,taasoo kaliftay in Awooda ay kala wareegaan........

Maanta oo ayaa taariiqdu ku aadaneed 20/07/2004 ayaa waxa ay eheed maalintii ay ugu danbeyn ay u qabteen Beelaha Dhiman in ay soo gudbiyaan Baarlaamanka,taasoo ay ka dhawaajiyeen Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD kulankoodii ay dhawaan ku yeesheen Nairobi.

Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa iyagu labadooba horey u soo gudbiyay iyagoo ka faa'ideestay Waqtigii ay IGAD u qabatay in ay soo Gudbiyaan Xubnaha barlamaanka waloow ay jireen Buuqyar oo ka jiro Beesha Hawiye dhaxdeeda kaasna badankiis la dhameeyay Sida uu maanta inoo sheegay mid ka mid ah Ugaasyada Beesha Hawiye oo inoogu waramaayay Hotelka 680 ee Nairobi,waxa uuna sidoo kale ka dhawaajiyay Waxa haatan buuqa wado in ay yihiin oo kale Yar uu C/qaasim Salaad Xasan Lagac ku soo siiyay In ay Shirka Fashiliyaan,Waa sida uu hadalka u dhigayee.

Beesha 5-naad ayaa igu Xalay Gudiga xalinta khilaafaadka u qeybiyay Xubnahoodii,inkastoo aysan wali jirin war geexaayo ama cad sida sida wax loo qeybiyay waloow la filaayo in maalinta bari ah shaaca laga qaadidoono.

Beelaah Dir iyo Daarood ayaa iyagu shalay iyo maanta kulamo si bada joog ah yeelanaayay,waxay dhexdooda iska doorteen guddiyo,kuwaasoo loo doortay in ay isla meel dhigaan qaabka qaybsiga kuraasta xubnaha baarlamaanka iyo in ay isla afgartaan Midii la dhi looga dhigilahaa Midii 1960-kii iyo Midkii Carta,hase yeeshee Gudigaasi ayaa isagu maanta heshiinwaayay Kadib markii uu buuq ba'ani ha reeyay Shir ay maanta yeesheen,waxa ayna Gudigaasi maanta isla afgarnteen qaarkood in ay Gudiga xalinta Khilaafka u qeybiyo xulnahay maadaamo ay iyagu qeybsanwayeen.

Heshiis la'aanta Beelaha Dir Iyo Daarood ayaa waxa ay rajo xumo ku Muujiyay Guddomiyaha Shirka Dib-u- hesheesiinta Somalida Ambassador Kiplagat oo isagu ku hami weynaa In ay maanta war cad soo saaridoonaan Beelaasi,waxa uuna Guddmiyaha oo maanta u waramaayay Saxaafada waxa uu sheegay in aysan caqabada ku noqondoonin arintaasi Shirka,loona soo qeybindoono Beelaha Dir iyo Daaroodba,Maadaamo uu dhamaaday Waqtigii loo qabtay in ay ku heshiiyaan.

Si kasbta ha ahaatee khaar ka mid ah Siyaasiyiinta beelaha Dir iyo Daarood oo maanta u waramaayay Shabakadaan ayaan waxa ay sheegeen in ay ceeb tahay in ay iyaga dhaxdooda heshiin waayeen,Heshiis ay kensanwaayeena ay u keenaan Gudiga xalinta khilaafaadka,laakiin ay haboontahay Cid walba in ay ku kalsoonaanto Guddiga xalinta Khilaafaadka sida uu wax u qeybiyo.

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin) Nairobi,Kenya .
Asad Ahmed <nasrudiin5@hotmail.com>

 

BEESHA DAAROOD OO CODSATAY IN DIB LOOGU DHIGO WAQTIGII LOO QABTEY…

Beesha Daarood oo si aad ah isugu khilaafsan qaabka qaybsiga xubnaha Baarlamanka ayaa waxa ay shalay qoraal u gudbisay guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo weliba guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna ka dalbanayeen in dib loogu dhigo waqtigii IGAD ay u qabatay Beelaha Soomaaliyeed ee ahaa in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha uga mid noqonaya Baarlamanka oo ku eg maanta oo ay bishu tahay 20. kulan ay mar kale isugu yimaadeen Beesha Daarood ayaa mar kale lagu kala dareeray, kaddib markii ay si aad ah isugu khilaafeen qaabka qaybsiga xubnaha Baarlamanka, waana kulankii 2-aad oo 24-saac gudahood ay isugu yimaadaan Beesha Daarood, iyadoo kulankii hore ay ka maqnaayeen Madaxweynaha Maamul goboleedka Putland C/llaahi Yuusuf Axmed, Jaamac Cali Jaamac iyo xubno kale oo muhiim ah.

"Waa inoo talo xumo in xubnaha Baarlamanka ay noo qaybiyaan dad shisheeye ah innagoo xubnihii Baarlamanka shirkii Carta si caddaalad ah ku qaybsannay" ayay yiraahdeen qaar ka mid ah isimmada gobollada Waqooyi Bari oo soo jeediyey in siyaasiyiinta qaarkood ay sameeyaan isu tanaasul, si loo helo, dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa iyagu soo jeediyey in loo baahan yahay in waqtigan siyaasiyiintu ay faraha kala baxaan shirarka ay leeyihiin Beelaha Daarood, si odayaasha dhaqanku ay go’aan u gaaraan oo uu u fududaado qaabka qaybsiga xubnaha Baarlamanka, sidoo kale siyaasiyiin ka tirsan Beesha Daarood ayaa ku eedeeyey khilaafka u dhexeeya Beesha Daarood in ay ka dambeeyaan xubno ka tirsan guddiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, balse ma aysan carrabaabin kuwa ay yihiin.

Suldaan Siciid Cali Yuusuf "Waa nasiib darro iyo fool xumo in beesha daarood ay afrikaan wax u qaybiyaan .

Suldaanka Koonfur Waamo Suldaan Siciid Cali Yuusuf oo ku hadlaya magaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana wakiil ka ah Jaaliyadda Daraawiishta ee fadhigeedu yahay magaallada Muqdisho ayaa ayaan darro iyo foolxumo ku tilmaantay in Beesha Daarood ay ku heshiin waayaan xubnahoodii ay ku lahaayeen Baarlamanka.

"Waa ayaan darro in dad African ah oo aan isku diin, isku dhaqan, isla markaana aan waxba ka aqoon arrimaha Beelaha ay noo qaybiyaan xubnaha Baarlamanka" ayuu yiri Sudlaan Siciid oo u soo jeediyey beelaha Daarood in ay ka digtoonaadaan in Afrikaan uu u qaybiyo xubnaha Baarlamanka.

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyey curyaamiinta ku jirta isbitaaalka Martiini..

Maalintii shalay ahayd ayaa deeq lacageed la gaarsiiyey curyaamiintii ku waxyeelloobay dagaalkii dhex maray ciidammada Xabashida iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sanadkii 1977-kii, waxaana deeqdan curyaamiintaa gaarsiiyey Sh. Xasan Cilmi Ceynte oo isagu ahaa shaqsigii gaarsiiyey deeqdaasi lacagta ah oo ka koobneyd saddex Milyan iyo sideed boqol oo shillin Soomaali ah.

Wuxuu sheegay Sh. Xasan Ceynte mar uu u warramayay saxaafadda in lacagtaasi uu ka soo ururiyey dadkii uu isagu wax baray, iyo shaqsiyaad kale oo ku nool dibadaha, isagoo sheegay in curyaamiinta Soomaaliyeed ay mudan yihiin in la xannaaneeyo, loona fidiyo gar-gaar beni’-aadannimo, ugu dambeyntiina waxa uu ugu baaqay Beelaha Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii loo daryeeli lahaa curyaamiintaasi.

BEESHA ASHARAAF OO YEELATAY SHIR XASAASI AH….

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, culimaa’udiinka, nabaddoonnada, saraakiisha, aqoonyahannada iyo hoggaa-miye dhaqameedyada Beesha Asharaaf ayaa lagu qabtay guriga Shariif Mukhtaar Ibraahim ee degmada Waaberi, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo la xiriira shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Kenya, waxayna halkaasi ku taageereen heshiiskii dhex maray madaxda Digil iyo Mirifle ee lagu dhammeeyey khilaafkii u dhexeeyey beelahaasi, sidoo kale kulankaas waxaa si buuxdala isugu raaay in qaybta ku soo aadda Beesha Asharaaf ee Golaha Baarlamanka ee Soomaaliyeed loo magacaabay Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali iyo Shariif Xasan Sh. Aadan, waxay kaloo beeshu si buuxda u taageertay qaabkii Beelaha Digil iyo Mirifle ay u qaybsadeen xubnaha Baarlamanka, waxaana ka mid ah xubnihii ka qayb galay kulankaasi ka mid ahaa Shariif Mukhtaar Ibraahim, Ugaas Maxamed Nuur Ringiile, Shariif Xuseen Xaaji Mad-janaay, Dr. Axmed Shariif Xasan, Maxamed Shariif Xasan iyo xubno kale.

Xaalad nabadeglyo xumo oo ka jirta magaallada Boosaaso…

Wararka naga soo gaaraya magaallada Boosaaso waxa ay sheegayaan in shalay magaalladaasi lagu dilay nin ganacsade ah, waxaana dilkiisa geystay nin kale oo dabley ah, kaddib markii uu ku weeraray gaari uu saarnaa ninkaasi.

Sidoo kale waxaa habeennadii magaalladaasi ka dhaca dhac iyo boob loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo kal horena magaalladaasi lagu dilay duqii magaallada Maxamed Siciid Sayruuq oo illaa ioy haatan dilkiisa aan cidina loo qaban. Nabadgelyo xumidan ayaa lagu eedeynayaa in ay ka dambeeyaan qaar ka mid ah wasiirradii uu eryay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in aysan marnaba xilka wareejin doonin, iyadoo dadka magaalladu ay haatan ku nool yihiin cabsi iyo walbahaar.

amiin khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk | July 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD