SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

 


HALKAN KA DHEGEYSO::: R A D I O   X O R I Y O

Barnamijka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ciidamada Itoobiya oo xabsi dheer ku xukumay dad shacab ah.
  • Saraakiil Maraykan oo magaalada Boosaaso tagay.
  • Ciidammo Itoobiyaan ah oo lasoo dhoobay deegaanada Feerfeer iyo Mustaxiil.
  • Ururka TPLF oo la sheegay in uu leeyahay in ka badan 700, oo baabuur.
  • Haweeneey Sargaalad sare ah oo Itoobiya basxatay.
  • Konton iyo koow kun(51.000 ) oo qof oo ku baro kacay dagaalkii ka dhacay Gambella.
  • Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadanayno qaybtii sadexaad ee sheekadii Amagaag iyo suugaan halgameed.

Ciidamada Itoobiya oo xabsi dheer ku xukumay dad shacab ah. 

 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dagmada Awaare ayaa 13-07-04 xukun u dhaxeeya 3-5 sano ku xukumeen dad shacab ah oo mudo Laba sano ka badan xabsiga ay ku hayeen. 

 Dadkaas ayaa la sheegayaa in ay diif aad u ba,an ka muuqatay isla markaasna jidhdil lagu sameeyey oo dhawacyo loo gaystay jidhkooda ka muuqday. Dadkan oo lagu eedeeyay in ay taageerayaal u yihiin Jabhada wadaniga xoreenta Ogaadeenya oo dagaal hubaysan kala soo horjeeda gumaysiga Itoobiya, ayaa waxaa xukunkaas ku riday gudi ay ciidamada gumaysiga Itoobiya leeyihiin oo u xil saaran cadaadinta shacbiga Ogaadeenya, mana jiro wax dacwad ah oo dadkaas laga qaaday si ay isaga difaacaan dacwadahaas xaqdarada ah ee lagu soo oogay. 

 Dadkaas xukunka cadaalad darada ah lagu riday oo aad u badnaa ayaa waxaa ka mid ah.

  • Ayaan Xaaji Yuusuf

  • Ifraax Yuusuf Maxamed

  • Suleekha Cabdi Geedi

  • Maxamed Cabdi Khaliif

  • Barre Axmed Cali

  • Axmed Cabdi Salaan

  • Maxamed Biixi Daahir

  • Cabdi Axmed Guure

  • Jirde Cismaan Cabdi

  • Ismahaan Cabdi Fagadhe

  • Isir Cabdi Dheeg

  • Baynax khaliif Muxumed

  • Xiis Koosaar Ismaaciil

  • Mukhtaar Mustafe Kilaas Cabdi

  • Aamina Xasan Daahir

  • Faadumo Maxamed Cabdi

  • Mustafe Cabdulaahi

Sidoo kale  waxaa dagmada Xamaro lagu xidh xidhay 03.07.2004 dad ku banaanbaxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan dagmadaasi Xamaro. Dadkaas oo aad u tira badan waxaan magacyadooda ka haynaa dadkan kala ah.

  • Maxamed Axmed Cumar

  • Rabaax Saxardiid

  • Cabdulaahi Cali Ismaaciil

  • Cumar Macalin Muxumed

  • Faysal Axmed Sh. Cali

 Dhibaatooyinka lagu hayo dadka shacabka ah ee ku hoos nool gumaysiga Itoobiya ayay dadku ku tilmaamaan mid uusan damiirka Caafimaadka qaba ee aadaminimo qaadan karin, waxaana shacabka Ogaadeenya nolol maalmeed u noqday dilka, kufsiga, boobka hantidooda, xadhiga iyo argagax galin joogto ah oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku hayaan. 

 Saraakiil Maraykan oo magaalada Boosaaso tagay. 

 Saraakiil sar-sare oo Maraykanka ah ayaa la sheegayaa inay yimaadeen magaalada Boosaaso, kuwaasoo ka kooban saddex sarkaal oo ka tirsan ciidammada Maraykanka ee badaha Soomaaliya ilaaliya. 

Saraakiishan, oo ka yimid dhinaca Jabuuti, waxaa imaatinkooda lagu fasiray inay baadi goobayaan dad ay argagixiso ku tilmaameen. Saraakiishani waxay sida la sheegay la kulmeen saraakiil ka tirsan ciidammada maamul goboleedka Puntland, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan sidii uu maamulkaasi uga qeyb qaadan lahaa la dagaallanka argagixisada.

Saraakiishan Maraykanka ah ayaa si dhakhso ah halkaas uga amba-baxay oo dib ugu noqday  saldhig ay ciidammada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jabuuti. 

 Ciidammo Itoobiyaan ah oo lagu soo daabulay deegaanka Feerfeer. 

 Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ah oo aad u hubaysan lagu soo daabulay deegaannada Feerfeer iyo Mustaxiil.

Ciidammadan ay xukuumadda Itoobiya soo dhoobtay deegaanadan,ayaa ku soo hagaagay xilli ay xukuumadda Itoobiya martiqaad u fidisay qaar ka mid ah masuuliyiin ka tirsan maamullo dhawaan  laga sameeyay gobolka Hiiraan iyo waliba odayaal gobolkaas ka socda. 

Masuuliyiintan gobolka Hiiraan ka socda ayaa la sheegayaa inay magaalada Qabridaharre kula kulmeen saraakiil ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya, oo muddo hadda saddex toddobaad ka badan laga joogo amar ku bixiyay in la xidho xad-beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ogadenya, qaybtiisa ku aadan gobolka Hiiraan. 

 Ururka TPLF oo la sheegay in uu leeyahay in ka badan 700, oo baabuur. 

 War aanu ka soo xiganay wargayska Ethio-news ee afka xamariga ku soo baxa ayaa sheegaya in uu ururka TPLF ee ay Tigreegu leeyihiin oo ah midka ka taliya Itoobiya, uu leeyahay in ka badan 700, oo Baabuur. Wargaysku waxa uu intaa raaciyay in ay baabuurtan isugu jiraan baabuurta xamuulka, Basas iyo weliba Tagaasi. 

 Wargaysku waxuu kaloo tilmaamay in uu Ururkani leeyahay saamiyo badan oo uu ku darsaday ganacsatada ugu waa weeyn ee wadanka Itoobiya. Waxaa kaloo la sheegayaa in ay jiraan  shirkado magacyaal shakhsi la siiyay oo uu leeyahay Ururka TPLF ee talada Itoobiya haya. 

Masuuliyiinta Ururka TPLF ayaa in badan saxaafada ka beeniyay eedaymo tilmaamayey inuu ururkani leeyahay hanti gooni ah , isla markaana uu u dhiibtay hantidaas dad gaar ah, waxayna in badan sheegeen masuuliyiintaasi si ra,yul caamka ugu khaldaan in hantida ururkaas ay tahay hantida guud ee Itoobiya wax gaar ahna aysan lahayn. 

 Haweeneey Sargaalad sare oo Itoobiyaan ah oo basxatay. 

 Warar xoogagaal ah oo aanu ka soo xiganay ilo muhuhiim ah oo lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in ay  dalka mareykanka iska dhiibtay haweeneyda la yidhaahdo awatash welde giorgis oo madax ka ahaan jirtay waaxda socdaalka ee wasaarada arrimaha dibeda Itoobiya.

 Hawaynaydan ayaa la dhalatay Isaias Welde Giorgis oo waaxda nabadsugida EPRDF ka ah ninka labaad (department of security - EPRDF)  

 Waxaa xukuumada Itoobiya baryahan danbe aad ugu soo batay oo tusbax afka laga furay noqday baxsiga Saraakiisha wasaaradaha, diplomaasiyiinta , aqoonyahanada, wariyayaasha, Saraakiisha ciidamada iyo waliba ciidamada qalabka sida. 

 Muuqaalkan baxsi ee qaybaha kala gadisan ee taliska Itoobiya ayaa waxuu tilmaamayaa burburka taliska gabalkiisii dhacay ee gumaysiga Itoobiya. 

 Konton iyo koow kun(51.000 ) oo qof oo ku baro kacay dagaalkii ka dhacay Gambella. 

 Kumayaal qof ayaa ku bara kacay dagaalkii ka dhacay Kililka Gambeellaha, sidaasna waxa sheegay hayadda qaxootiga u qaabilsan wadanka Norway ee loo yaqaano Norwegian Refugee Council (NRC). Hay,adan ayaa sheegtay in dadkii ka bara kacay dagaaladii gobolkaas ka dhacay oo ka badan 51.000 oo Qof ay galeen wadanka Sudan oo ay xad wadaagaan. 

 Warar kale oo xogogaal ah ayaa iyaguna sheegaya in dadka halkaas ka barakacay ay dhan yihiin 130.000 oo ruux oo aan haysan wax hoy ah iyo guud ahaanba adeega lagama maarmaanka u ah nolosha aadamaha. 

Dagaalada barakacaas dhaliyay oo ay ku dhinteen in ka badan 610 Ruux ayaa la cadeeyey inay ka danbeeyeen ciidamada taliska Adis Ababa ee Itoobiya. 

20.07.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com
 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD