SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAY & BAKOOL

 


WARAR GOOS GOOS AH:::

  • Dibad bax maanta  ka dhacay Kismaanyo

  • Maamulka Somali Land oo Joojiyey Shir Ka Dhici Lahaa Burco. 

  • Madaxweeyne Kuxeegnka Puntland oo Ka hadlay Abaaraha PL

  • Ururka Sowja oooo Taageeri doona Dowlada ka soo bixi doonta Shirka Kenya. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden“Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.con Garyare20@yahoo.com  

Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee Sowja oo shaaca ka qaday inay qalinkooda ku taageeri doonaan Nabada iyo Dowlada ka soo bixi doonta Shirka Kenya.  

Aqoon iswaydaarsi ay soo qaban qaabisay Dallada Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee Sowja oo ka dhacay xarunta ay dalladaasi ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xiriirka ka dhexeeya Nabada iyo Saxaafada. 

Haweenka Ururkan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa Maanta markii ugu horeeyay shegay inay la shaqeyn doonaan Dowlada lagu soo dhisi doono Shirka Soomaalida uga socda Dalka Kenya,iyadoo ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu sahlan ee wax looga qaban karo Xaalada Murugsan ee Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Ururkaasi Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Sahro Sheekh C/laahi “Ceel-buur”oo halkaasi ka hadashay ayaa sharaxaadka bixisay hadafka loo qabtay aqoon iswaydaarsikan,waxayna sheegtay inay uga danleeyihiin laba arimood oo kale ah inay qalinkooda ku taageeri doonaan Dowlad lagu soo dhisi doona shirka Kenya iyo inay ka hadlaan Doorka ay ku leeyihiin Saxaafada Soomaaliya ka jirta. 

Sahro waxay sheegtay inay Haweenka Suxufiyiinta Soomaliyeed ay ku dulman yihiin sida loo maamulo Saxaafada qeybta uga aadan Haweenka Soomaaliyeed,waxayna sheegtay inaysan helin  Haweenka Tobabarada ay helaan Raga Suxufiyiinta ah ee ka howlgala Warbaahinta Soomaaliya ka jirta iminka,taasoo ay ku tilmaantay inaysan ahayn mid xaq ah.

Qamar Salaad Cumar oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sar sare ee Sowja ayaa ka hadashay xiriirka ka dhexeeya Saxaafada iyo Nabada oo ay shegtay inay tahay mid aan la qarin Karin,waxayna sheegtay Qamar in Saxaafada ay tahay seef laba afleh oo loo adegsan karo dhinac kasta. 

Qamar dhanka kale waxay ku dheeraatay ka hadalka Ururkooda Sowja sidii  uu ku soo bilowday oo ay sheegtay inay kusooo bilaabeen markii hore dhowr Suxufiyiin Haween Soomaaliyeed ah,laakiin waxay Carabka ku dhyfatay inay haatan taagan yihiin meeshii ugu koreeysay oo ay hiigsanayeen. 

Aqoon iswaydaarsigan ayaa ah mid ku dhamaaday sidii loogu talagalay,waxana ka faa’iidaystay 30 Haween Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid  Qaarka Mid ah Shabakaddaha Warbaayinta ee Soomaaliya ka jira. 

Dibad bax maanta  ka dhacay Kismaanyo

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo fowdada baryihii la soo dhaafay ka jirtay Magaalada Kismaanyo ayaa maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Kismaanyo. 

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo waxaa maanta kismaanyo ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu diidan yahay amaan daradii soo wajahday Magaalada Kismaanyo iyo sida ay dadwaynaha ugu ooman yihiin in magaalada laga aslaaxiyo amaan iyo kala danbeeyn. 

Dibad baxan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Bulshada Ra’yidka ee ka jira Magaalada Kismaanyo ayaa waxaa halkaasi isugu soo baxay Dadwayne aad u fara badan oo ka dhiidhinaya amaan darada ay san jeclaysan ee soo foodsaartay Magaaladooda Kismaanyo,waxayna Dadkaasi dibad baxa sameeynayay wateen Boorarr ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku taagerayaan Nabada iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba. 

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Gen,Axmed Warsame Maxamed oo ah Mas’uulka ugu sareeya Isbahaysiga Dooxada Jubba ee jooga Magaalada Kismaanya ayaa waxa uu sheegay inay  diyaar garow xogan  ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen burcada wax u dhimeeysa Amaanka Magaalada Kismaanyo iyo guud ahaanba Deegaanada hoosyimaada Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba. 

Gen,Axmed Warsame Maxamed waxaa kaleuudibad baxaasi ka soo saray go’aanuu maamulka isbahaysiga dooxada jubba ku mamnuuceyso in Magaalada Kismaanyo lagu dhexmaro Qori,taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshayaasha lagu doonayo in wax looga qabto amaanka guud ee magaalada kismaanyo,iyadoo cidii u hogaansami wayda Go’aankaasi la sheegay in laga qaadi doono tilaabo ku haboon oo waafaqsan Sharciga Maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba.Waa Sida uu hadalka u dhigay Gen,Axmed Warsame Maxamed 

Dibad baxaan ayaa yimid kadib markii todobaadyadii aynu soo dhaafnay ay Kismaanyo marti u noqotay amaan daoro baahday,taasoo sababtay in xitaa Dekedda Magaalada Kismaanyo ay gacanta ku dhigaan Ciidamo hubeeysay,iyadoo sidoo kale ay xitaa Magaalada kismaanyo ay ka dheceen falal isugu jira afduub,dhac iyo wixii la midka ah. 

Shirkii Burco oo baaqday kadib go’aan lagu joojinayo oo ay soo saartay Maamulka Somali Land. 

Kulankii looga hadli lahaa saameeyta uu shirka Somalida uga socda Dalka Kenya ku leeyahay Somali land ayaa baaqda kadib markii ay Dowlada Daahir Riyaale amar ku bixisay inuusan qabsoomin Shikaasi oo ay sheegtay inuu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka u dagsan Somali Land. 

Afhayeen u hadlay Aqoonyahanada soo qaban qaabiyay Shirkaasi looga hadli lahaa Saameeyta uu shirka Kenya ku leeyahay Somali Land ayaa shaaca ka qaaday inuu baaqday shirkaasi kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulmeen Dowlada Somali Land ee uu hormuudka ka yahay Daahir Riyaale Kaahin,waxaana uu intaasi ku daray inaysan jeclaysan go’aanka ay Dowlada Riyaale ku mamnuucday qabashada Shirkaasi ay soo agaasimayn Aqoonyaha Reer Somali Land ah.

Sido kale Afhayeenka waxaa uu intaasi ku daray inay bayaan ka soo saari doonaan go’aanka Dowlada Riyaale oo uu sheegay inuu yahay mid meel uga dhacaya xuriyatul qowlka,waxaana uu sheegay in aan la caburin Karin Codka dadwaynaha Somali land oo  uu sheegay in codkooda uuDaahir Riyaale ku noqday Madaxwaynaha Somali Land. 

Guddoomiyaha Ururka Mucaradka ee  Ucid Eng,Feysal Cali Waraabe  oo lagu casumay kulankaasi ayaa sheegay inay  wax ka qaban doonaan baaqashada kulankaasi oo ay sababta u tahay Dowlada Daahir Riyaale,waxaana uu sheegay in aan dadwayanah la duudsiin Karin xuriyada hadalkooda ee ku aadan xaalada Dalka uu marayo iyo sida ay ku soo bandhigi karaan kifradooda ku aadan hadba Dalka meesha uumarayo. 

Labada Urur Mucaarad ee Somali Land ee kala ah Kulmiye iyo Ucid ayaa si wada jir ah  u sheegay inay ka hadli doonaan mowqifkooda ku wajahan Shirkan ay soo qaban qaabiyeen Aqoonyahanada Somali Land oo ay go’aanka lagu mamnuucayo ay dul dhigtay Dowlada Daahir Riyaale Kaahin. 

Dowlada Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegtay inaysan aqoonyahanadaasi ruqso u haysan inay qabtaan Shirkaasi oo looga hadlayo Xaalada Somali Land iyo Shirka Kenya Somalida uga Socda saameeyta uu ku yeelan karo Somali Land oo ah Dalk ka go’ay Soomaalida inteeda kale. 

Maxamed Cabdi Xaashi oo ka hadlay Abaaraha Xoogan ee ka jira Puntland. 

Madaxwayne kuxigeenka Maamulka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo markii ugu horeeysay qiray inay abaar ba’an ka jirto qaarka mid ah Gobolada Puntland ay ka arimiso. 

Maxamed Cabdi Xaashi oo ah Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna  sii hayaha xilka Madaxwaynaha ayaa sheegay inay jiraan wararka sheegaya abaaro xoogan oo ka jira qaarka mid ah Gobolada Maamulka Puntland,waxaana uu sheegay inay iminka u tabaabusheysan doonaan sidii ay u gacan siin lahaayeen Dadka iyo Duunyada ay soo foodsartay Abaaraha rabaaniga ah. 

Madaxwayne ku xigeenka Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu sheegay  in Dowladiisa xooga saari doonto wax ka qabashada abaarahaasi,waxaana uusi gaar ah ugu Magacaabay inay Wasaarada Dowladaha hoose iyo Reer Miyiga uuna ka dalbaday inay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen Dadka iyo Duunyada ay la soo daristay Abaaraha. 

Maxamed Cabdi Xaashi oo dhanka kale ka hadlayay hadalada kasoo yeerayada qaarka mid ah Wasiiradii hore ee Xukuumadiisii ay Kolsoonida kala laabteen Baarlamaanka ee ah inaysan ku qanacsanayn sidii uu isku shaandhaynta u sameeyay Col.C/laahi Yuusuf  Axmed  ayaa sheegay inay si sharci ah ku wareejiyaan Xilalkii ay ka hayeen Dowladii kalsoonida lagala laabtay,hadii ay taasi u hogaansami waayaan ay Dowlada Puntland ka qaadan doonto Tallaabo sharciga waafaqsan. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aden“Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.con Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD