SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 


AXDI KU SHEEGGA:

Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka dhiidhiyey wax uu ku sheegay Axdi ku sheeg

Sh. Xasan Daahir Aweys “Ummadda Soomaaliyeed waa wada Muslimiin wada ahlu-sunna 100%, kii ka baxaana waa Murtad, ummaddana ka mid ma aha, diin kale oo loo ictiraafinaayo mudankiisu waa!

Markaan aqrinnay Axdi-ku-sheegga lagu qoray Eldoret iyo Mbegathi, waxaan aragnay inuu yahay wax aysan aqbali Karin Ummad Muslim ah, yahayna mid ka horjeeda Islaamka oo dhan (Caqiidda ahaan iyo shareeca ahaanba); bal sida dhabta ah waxaa la oran karaa: waa diin kale! Waayo, diinu waa qaab dhaqameedka, qaanuuneedka, iyo ictiqaadeedka ummadeed. Sharcina waa wax xalaaleeya ama xaraameeya (Banneeya ama diida), dembi ka dhasha ama abaalgud, haddaba Muslimiinta Axdigooda ama dastuurkooda waa Qur’aanka Kariimka ah sharcigoodana waa sunnada Rasuulka (NNKH) iyo isu tagga Culimada iyo wixii waafaqa iyaga ee dadaal culumo ah ama dan ummadeed ah wax kastaba ha dheceene marka ugu horeyntiiba waxaan kaa hor imaanaya haddaad eegto Axdigaan waa mabda’ uu ku dhisan yahay ee ah dimuqraadiyadda oo macnaheedu yahay “Dadku iyaga uun baa leh xukunkooda” oo ka hor imaanaya ALLAHA hadalkiisa ah “ILAAHAY uun baa leh xukunka”. Eeg hordhaca boga 2-aad ee Axdiga iyo q-21,Iwm. 

Sharci haddii la xusho uun-muslimiinta dhexdooda waxaa looga jeedaa sharciga Islaamka halkaana waxaa loola jeedaa cahdiga iyo wixii la xiriira, tiisana waa shirki cad, isla markaana ah kufri aan dheeh ku jirin!!.  Siyaadada oo macnaheedu yahay sareeyaha aan laga sarreyn wuxuu siinayaa cahdiga dalka Islaamkana waa ALLAAH. Eeg qdobka 1:1, macnaha, waa inuu Axdigaani dadkii dhigay booskii EEBBE ee mar kale q-28-aad:1.  Sharciga waa kan EEBBE  cid kastaana in ay hoos timaado ay waajib ku tahay laakiin halkaan sumadaas waxaa leh Axdiga aan cid laga reebin, eeg qodobka 3-aad.

Kuma filla in ay yiraahdaan Islaamka ayaa saldhig u ah shucuurta qaranka iyo wixii la mid ah sida uu xusayo qodobka 8-aad laakiinse waa inaan wax kale lagu barxin Islaamka isaga ayaa nagu filane qodobada qoraalkooda waxaad moodaa in laguugu tala galay qaybinta ummada iyo tabardaraynteedii iyo Qatar galinta ammaankeeda sida qodobka 7-aad iyo qodobka 10-aad maxaa yeelay luqo waliba waxa ay leedahay luqad asal ah iyo lahjad lammana yiraahdo waa luqado badan oo kala duwan, jinsiyado kala duwanna laguma fasaxo ummada hadii kalena amaankeeda ayaa Qatar galaya.

 Xuquuqu waa laba nooc xaq ALLE iyo xaq bani’aadam labaduba Islaamku waa ilaaliyaa ee kan caalamiga oo kaliya in la xuso waa dhaqan gaalo sida ka muuqata qodobka 14-aad.

Muslim iyo gaal ma sinna (ALLE agtiisa iyo Muslimiinta agtooda toona ma sinna) qoladii sintaana waa xadgudubtay ee haka towbad keento eeg qodobka 15-aad, qofku waa xor marka loo eego aadamaha laakiin waa addoon EEBBE marwalba marka xurnimada lagu sheegayo cahdigan waa mid aan la caddeyn qaabkeeduna caddeyn eeg qodobada 16-19-20-aad aasaasida ururadu ama xisbiyadu waa kala jajabin horteed, waloow afkaarta kala duwani iyo dabeecadaha maamulku ay xiiso leeyihiin, hadana aasaas cilmi ah ay wixii xun ka celinaya umada wixii sanna u soo jiidaya kuma dhisna ee qaab ah, “wixii aanan rabin iga reeb iga reeb waxaan rabana ii daa” ayaa lagu dhisay eeg Q-21-22-aad.

Umadda Soomaaliyeed waa wada muslimiin wada ahlu Sunna ah 100% kii ka baxana waa murtad umadana ka mid ma ahan diin kalena loo ictiraafi maayo mudankiisuna waa dil sidii uu Nabigu (NNKH) ku xukumay. "ăä ČĎá Ďíäĺ ÝÇŢĘáćĺ" markaa in waxbarashada baab looga furaa waa darbigii waynaa ee umada oo la jabiyey eeg Q-24-9-10-aad, hadii jaaliyaadka umadaha kale loo jeedana kuma cadda qodobadaas inay sida horay tahayna waxaa u marag fur ah inaan lagu xusin cahdigan dhexdiisa inaan dalkaan diin kale lagu faafin Karin taasoo ay ilaalin jirtay dowlad kasta iyadoo laga foojignaa dagaalkii daraawiishta oo ahayd wixii keenay arrintaas iwm. Waxaana taa la mid ah oo aan ka dhicin xagga diin ka baxa iyo murtad nimada dhiibida loo dhiibayo dadka Muslimiinta ah gaalada oo loo gacangaliyo meel walba dunida inay arintaasi gaalnimo tahayna khilaaf ma leh culimada Islaamka dhexdooda. Qofkasta ee bani’aadam ahi wuxuu u samaysan yahay in dambi ka dhici karo Alle ha ka galo ama Bani’aadam isaga ayaa mas’uul ka ah waxaana lagu qaadi karaa mas’uul ha ahaado ama yuu ahaanine cid ka sareyn karta ma jirto kan waxaa la su’aalin ee isagu wax su’aalaa waa EEBBE oo qura!, waxaase laga fahmayaa arintan in golaha sharci dajintu jooga booskii EEBBE ee uu muqadas yahay eeg Q-35-2-iyo 3-aad. Waxaa cad inuusan waxba ka soo qaadin dalalkii maqnaa ee wali gumaysiga hoos yaalay taasoo ay ka muuqato tanaazul wayn ee qadiyadii umada Soomaaliyeed ay dhiig iyo dhacaanba ku waayeen. Hadaba hadii aanu nahay culumada umada waxaan cadaynaynaa inuusan ka tarjumayn cahdiga umada Soomaaliyeed iyo mabaadii’deeda midnaba, barina aan ka nahay iyaga iyo wixii lagu saleeyayba aana uga digayno dadka Muslimiinta ah oo dhan

Waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa

Sh. Xasan Daahir Aways

Qoraalkaan kala xiriir
amiin khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk | July 22, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD