SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUXUFIGA SOOMAALIYEED

 


Doorka Suxufiga Soomaaliyeed- Tacdiyada loo geysto Saxaafada Cabdullaahi Kolombo iyo Cumar Diini

 

Barnaamijka Doorka Suxufiga Soomaaliyeed oo ah mid taxane ah soona socday bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa qeybtiisa todobaadkan ka qeyb qaadanaya Cabdullaahi Nuur Maxamed "Kolombo" iyo Cumar Diini 


Kolombo & Diini

Cabdullaahi Kolombo wuxuu ka mid ahaa weriyeyaashii Radio Muqdisho, isagoo ku caan baxay Barnaamijkii Cayaaraha ee ka bixi jiray idaacada 1:00-da duhurnimo ee maalin kasta. Sidoo kale wuxuu Cabdullaahi kasoo shaqeeyay idaacadii Hargeysa.Wuxuu Kolombo sanadihii lasoo dhaafay ku noolaa wadanka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Atlanta, GA, wuxuuna ka howl galaa idaacadaha Sagal Radio iyo STN Radio & Television.

Cumar Diini waa aasaasihii wargeyska caanka ah ee Qaran oo kasoo baxa Muqdisho, wuxuuna sidoo kale mudo aad u dheer ahaa madaxa wargeyska. Wuxuu Cumar haatan ku nool yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Barnaamijka Todobaadkan oo aan diirada ku saareyno "
Tacadiyada Loo Geysto Saxaafada Soomaaliya" ayaa wuxuu u dhacay sidan: 
Halkan ka dhageyso barnaamijka oo Maqal ah  

Su'aal: Diini hadaan ku weydiino su'aasha ugu horeysa, waxaad sanadihii ay dagaalada sokeeye socdeen ku sugneyd magaalada Muqdisho, hadaba wax manooga sheegi kartaa tacadiyadii ugu waaweynaa ee loo geystay Suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Diini: Tacadiga ku dhacay Saxaafada Soomaalida waa mid ka weyn wax lagu soo koobo hal wareysi ama hal barnaamij, waad garan kartaan dhibka soo gaari kara qof saxaafad ka shaqeynaya kana shaqeynaya dal iska fowdo ah oo aan laheyn maamul ilaaliya Suxufiyiinta. Hadii aan ka waramo duruufihii ka jiray Muqdisho dagaalada sokeeye, waxaan xusuustaa in Suxufiyiin badan la dilay, kuwo kale la jir dilay, kuwo kalena sharaftoodii la wiiqay.

Waxaan la socdaa in tobankii sano ee lasoo dhaafay ugu yaraan 40 Suxufi lagu dilay koofurta Soomaaliya oo keliya, inta la ciqaabayna ma yara, waxey kaloo kooxaha qabaa'ilka iyo kuwa siyaasada ee meesha ka jira had iyo goor waxyeeleeyaan Suxufiga Soomaaliyeed.

Su'aal: Kolombo waxaan ku weydiin laheyn in ay jiraan suxufiyiin Soomaaliyeed oo naftooda ku waayey xirfada Saxaafada?

Kolombo: Sida Cumar Diini sheegay Saxafiyiinta Soomaalida wixii burburkii dalka ka dambeeyay dhibaatooyin fara badan ayaa ku dhacay, aniga 1991-dii markii ay dhacday dowladii Soomaaliya waxaan joogay Muqdisho waxaana ka howl galay idaacadii Radio Muqdisho oo aan mudo ka shaqeynayey. Naxdintii iigu weyneyd ee waqtigii aan shaqeynayey waxey aheyd rag saaxiibadey ahaa oo weriyeyaal ahaa sida Maxamed Yuusuf "Afgooye", Mahad Aadan Xassan, iyo Cabdi Sheekh Cali oo aan wada shaqeyn jirnay ayaa la laayey. Xanuun aad u badan ayeyna arintaa igu reebtay. Wixii intaa ka dambeeyay waxaan usoo guuray magaalada Nairobi, balse waan maqlayey in Suxufiyiin fara badan waxyeelooyin loo geysto, sida Cumar Diini sheegayna ugu yaraan 40 Suxufi ayaa naftoodii qaaliga aheyd ku waayey howsha saxaafada Allaah ha u naxariistee.
 

Su'aal: Waxaan la soconaa in maalintii la dilay Maxamed Yuusuf "Afgooye" sidoo kale la dilay weriyeyaal kale oo ajnabi ah, waxaana dhacday in saxaafada Caalamku u baroor diiqday suxufiyiintii ajnabiga aheyd oo keliya balse aaney cidina soo qaadin una baroor diiqin Suxufigii Soomaaliyeed ee maalintaa la dilay. Marka miyaaney arinkaa u muuqan mid "Double Standard" ah? 

Kolombo: Waa runtaa oo Suxufigii Soomaaliyeed Saxaafada Caalamku kama eysan hadlin, inta aan xusuusnahayna ma jirin idaacad ama wargeys soo qaaday dilkii Maxamed Yusuf "Afgooye" oo ahaa suxufi Soomaaliyeed oo la dilay isagoo howshiisa gudanaya.

Su'aal: Diini, yaa geysta tacadiyada ugu badan ee ay la kulmaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Diini: Runtii waxaan is leeyahay dhibaatada loo geystay Suxufiyiinta Soomaalida cid cafisayba majirto, waxaana intaa u dheer Suxufiyiinta oo dad qabiil isu dilaya war ka tebinaya. Dhibaatada kale ee haysatay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeynayey gudahana waxaa kamid ahaa iyagoo aan laheyn khibrad weyn oo xaga saxaafada, taasoo keentay in ay xaqiraad kala kulmaan saxaafada caalamka waayo waxey u arkaan dad aan khibrad laheyn oo dal fowdo ah ka shaqeynaya, marka la eego bulshada Soomaalidana, bulshadu waa la col suxufiga Soomaaliyeed oo waxey leeyihiin wuxuu xambaarsan yahay afkaar Reer Galbeed.
 

Su'aal: Kolombo ka sokow dhibaatooyinka guud ee ay suxufiyiintu kala la kulmaan waxaan ka warqabnaa in ay maamul goboleedyo kajiraan dalka kuwaasoo caburin ku haya saxaafada sida ay qortay hay'ada u dooda xuquuqda saxaafada ee lagu magacaabo Reporters sans frontières. Hadaba mala oran karaa maamul goboleedyada dalka kajira waxey weli daba socdaan nidaamkii saxaafada ee ay adeegsan jirtay dowladii hore ee Soomaaliya?. 

Kolombo: Saxaafadii dalka ka jirtay xiliyadii dowladihii hore ma aheyn saxaafad ka tarjumeysa rabitaanka shacabka, maamulada hada kajira dalkana waxba kama duwana meelaha kale ee aanu maamulka ka jirin waayo weli wey jirtaa caburinta lagu hayo saxaafada. Marka dhab ahaan loo hadlo dadka saxaafada ka shaqeeya waa wiilal iyo gabdho is xilqaamay, inta laga helayo maamul guudna ma qabo in ay joogsaneyso dhibka iyo hagardaamada lagu hayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed. 

Su'aal: Diini, majiraan Qareeno ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed, kuwaasoo diiwaan geliya tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta, si markaas mustaqbalka talaabo looga qaado shakhsiyaadka, ururada ama hay'adaha tacadiyada u geystay Suxufiyiinta Soomaaliyeed?. 

Diini: Walaahi hada kahor ayaan dhowr goor isku daynay in aan sameyno maamul diiwaan geliya dhibaatada Saxaafada haysata, mana aaney noo suurta gelin in aan ka miro dhalino dadaalkaas, weyse jiraan shakhsiyaad la socda oo diiwaan geliya tacadiyada loo geysto saxaafada. Waxaanse ku kalsoonahay in Suxufi walba wax tabanayo oo wax xisaabsanayo, markaa xisaab la'aanina majirto, xisaab toos ah oo ay Qareeno noo diiwaan geliyaana ma jirto. 

Su'aal: Kolombo, maxaa sababay baad is leedahay in Suxufiyiintii Soomaaliyeed ay debedaha u yaacaan?

Kolombo: Waxaan daawaday barnaamij ay sameeyeen Hobolada Waaberi iyo Cabdi Muxumed Amiin, wuxaana erayadii Cabdi Muxumed Amiin ka xusuustaa inuu yiri "qof kasta oo Soomaali ah dhibaatadu wey gaartay, anaguna dadkaas ayaan kamid nahay, dhibaatadii dalka ka dhacdayna wax baan ku leenahay waana qaadaneynaa qaladkeena", marka dadkii ka shaqeeyay warfaafinta Soomaaliya intoodii badneyd bededaha ayey usoo qaxeen, waxaana qaxaas la qabnaa mujtamaca intiisa kale, koley qof kasta meeshuu badbaado ku heli karay ayuu usoo qaxay, waxaana ka xumahay in dadkii wax kusoo bartay canshuurtii dalka ay maanta debedaha joogaan, oo weliba aan isku xir laheyn, Barnaamijkan Doorka Suxufigana wuxuu kamid yahay mid leysugu raadinayo Suxufiyiintii Soomaaliyeed oo la oranayo hebel xaguu ku dambeeyay iyo hebla xagey ku dambeysay. Waxaanse ku kalsoonahay in Suxufiyiinta khibrada leh ay dalka ku laaban doonaan marka dowlad la helo si ay xirfadooda uga faa'ideeyaan Suxufiyiinta da'da yar ee dalka ku sugan.
 

Su'aal: Kolombo wuxuu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay dhibaatadu wada gaartay, kana wada qaateen, dabcana Suxufiyiintu mujtamaca ayey kamid yihiin, hadaba ma jiraan tacadiyo ay Suxufiyiintu u geysteen mujtamaca Soomaaliyeed?.  

Diini: Runtii ma qabo inuu Suxufi Soomaaliyeed oo metalaya heykalka Saxaafada uu tacadi ama dhibaato geystay, balse wey dhici kartaa in dad ku gabanaya magaca saxaafada balse aan suxufiyiin aheyn ay tacadi geystaan.

Kolombo: Koley intaan ogahay faalooyinka ay qori jireen wargeysyada dalka kasoo baxa wax wanaag ah ayey qori jireen, sida Cumar sheegay wey dhici kartaa in dad adeegsanaya magaca Saxaafada xumaan geysteen balse sida aan aaminsanahay inta badan Suxufiyiinta Soomaaliyeed wey ka hortegi jireen in ay qoraan arrimo iska horkeenaya bulshada Soomaaliyeed.
 

Su'aal: Diini waxaan ka warqabnaa in ay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo fara badan dhowaanahan kusoo qulqulayeen magaalada London ee aad adigu ku sugan tahay, hadaba majiraan kulamo aad yeelateen hadaad tihiin Suxufiyiinta ku sugan London? 

Diini: Runtii kulan toos ah oo aan yeelanay majiro, balse waxaa jira qeybo iska warqaba, marka majirto wada tashi toos ah oo aan yeelanay, waxaana ku jirnaa abaabul aan kula xiriireyno suxufiyiinta ku nool Yurubta kale ilaa Mareykanka.

Su'aal: Kolombo majiraa xiriir ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka?

Kolombo: Hadii aan ka hadlo arinkaa, Suxufiyiinta Soomaalida labo ayey u kala baxaan; qolo waa kuwii hore oo saxaafadii dalka kasoo shaqeeyay iyo kuwo hada Saxaafada ku jira oo u badan Telefishino. Marka labada qolaba xiriir waan la leeyahay, waxaanse is leeyahay Suxufiyiinta intooda badan waxey ku sugan yihiin London. Waxaana ii muuqata muhiimada ay leedahay in la helo shabakad isku xirta Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ay ku kala war qaataan.

Su'aal: Cumar Diini ma jirtaa fariin ama baaq aad u jeedineyso Suxufiyiinta Soomaaliyeed?

Diini: Waxaan ugu baaqayaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay garowsadaan mas'uuliyada saaran, Saxaafadu waa awooda sadexaad ee dalku leeyahay, marka waxaan walaalaheyga Saxaafada ugu baaqayaa in ay noqdaan kuwo ummada habowga kasoo celiya, doorkoodana ay gartaan, isla markaana ay yeeshaan meel ay kuwada xiriiri karaan oo ku kala fikrad qaadan karaan.

Su'aal: Kolombo maxaad ku dareysaa?

Kolombo: Cumar ayaa wixii talo ah soo ururiyay, waxaa loo baahan yahay in suxufigu ilaaliyo magaciisa iyo hay'ada warbaahineed ee uu u shaqeeyo, isla markaana horseed u noqdo sidii dalka looga saari lahaa dhibaatada. Hadii la helo dowlad qarana waxaa muhiim ah in Suxufiyiintu qaataan doorkooda qaaliga ah.

Dhamaad.

 Halkan ka dhageyso barnaamijka oo Maqal ah


Waxaa Barnaamikan Soo Saaray
Mohamud Yusuf Garre

editor@burtinle.com  

Faafin: SomaliTalk | July 22, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD