SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 


Sifaadka Madaweynaha Somaalida Maanta

Waxaa wargey ka soo baxa Magaalada nairobi, WARSAN  Cadadkiisa  23 lagu soo daabacay boggiisa hore sawirada musharixiinta ugu cadcad  ee shirka nabada soomaalida looga baqayo in ay ku guuleystaan jagada madaxweynenimada soomaaliya  5-sanno ee soo socota ee Dawlada KMG oo laga dhisi doono shirka nabada soomaalida oo haatan ka socda  dalka Kenya.

Waxay kala yihiin  ragga la hadal hayo in ay mansabkaasi ku guuleusaan :- 

  • Ø      1-midigta Cabdulaahi yuusuf Axmed.

  • Ø      2-Cabdullahi Axmed Caddow.

  • Ø      3-Cabdulqadir Xaaji Suufi ( Muriidi golof)

  • Ø      4-Cabdiqasim Salaad Xasn.

  • Ø      5-Alxaaji – Mohamed yaasiin.

Waxaa kaloo kusoo qaatay   wargeska ,Cinwan ooga dhigay 

Sifaadka Madaweynaha Somaalida Maanta

Abwaan : Mustafe Sh. Cilmi  

  • Ø      waa inuu Waya arak diiwan ah.

  • Ø      Waa inuu Aqoon  hogaamineed leh .

  • Ø      waa inuu yahay  Geesi gacal leh .

  • Ø      Waa inuu yahay  qof Cidna  aan eed ka gelin .Waa inuu  yahay dhexe- dhexad .

  • Ø      Waa inuu Nin aduunyo iyo xoolo jecel waa in usan noqon.

  • Ø      Waa inuu yahay nin wax hubiya ee aan go’aamada la boodin.

  • Ø      Waa inuu yahay nin dadka deeqsinkara warbeena ka fog.

  • Ø      Waa inuu inuu ka fogyahay wadiiqooyinka tu humada dhaliya .

  • Ø      Waa inuu yahay nin shaqada xilkiisa u goay 24-ka seexda lixsac.

  • Ø      Waa inuu yahay nin Alle baqa xisaabta aakhirana ka feejigan.

  • Ø      Waa inuu Nino Somali halkey kasoo dhacday iyo halka ay manta joogto waa inuu ahaado,doonayaha inay halka kasoo dhacday ku noqoto ama ka sare marto.

  • Ø      Waa inuu fuliyaa sharuucda dalk si aan leexleexad lahayn

  • Ø      Waa inuu yahay in xafiiskiisu ummaddu u simantahay ee aan labad gole ,kali ah aan lafiiqin .

  • Ø      Waa inuu hawlaha Qarankafuliyaa sida ay mudnaanta ay u kala leyahayiin (a) Hub ka dhigista (b) sugida Nabada (c) waxbarashada ,Caafimaadka Shaqo abuurista  IWM. (d) illainta kheyeraadka geyga Soomaaliyeed sida ka horagga nabadgurka berriga  iyo xaalufinta .

  • Ø      Waa inuu maamulkiisu laga dheehdaa Cadaalad iyo midniimo Soomaaliyeed

  • Ø      Waa inuu tashiga badiyaa si fududna kursiga u baneeyaa marka xiligiisu dhamaado ama laga qaado..

 Isku soo du’duu’bo arraktidaada ee  dhibaatada qabiilka Soomaalida  halka u geeyay maxaad ula talin laheyd musharaxiinta manta ugu cadcad.. 

Adiga oo Soomali ah yaad codkaaga siin lahdeyd adigoo ka fiirsanaya ?

..Qoraalkaan kala xiriir:
abdulkadir sufi mohamed <muriidigulf@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk | July 22, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD