SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


WARAR GOOS GOOS AH

BOOSAASO:::

  • Wiil uu dhalay Wasiir oo lagu diley Boosaaso

OGAADEENYA:::

  • JABHADDA WADANIGA XOREYNTA OGAADEENIYA ( O.N.L.F) OO SOO BANDHIGTAY WARBINTII UGU DAMBEYSEY DAGAALO DHEXMAREY IYAGA IYO CIIDAMADA ITOOBIYA

MUQDISHO:::

  • SH. MAXAMED AXMED SADIIQ: “Cidna daah kama saarna in Prof. Faarax Qare iyo Kurtun ay u dhasheen Beesha Silcis..

  • RISAAQ MAXAMED SH.AADAN “Waxaan Muqdisho u imid inaan gacan ka gaysto abuuritaaanka mujtamac Soomaaliyeed oo ku dhisan dhaqanka nabadda”

  • Shirweynha dhallinyrada Beesha Wadallan Gorgate ee Kobenhagen (Denmark)

  • MAXAMED XAAJI CALI “Qaybsigii Carta ma xal bay ahayd mise xaq bay ahayd”

  • Mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadda Al-Culuum wat-Tiknoolojiya ee dalka Yemen oo ka qayb galay Xaflad ka dhacdey muqdisho ….

XUQUUQDA AADAMIGA

  • Xus ballaaran oo loo sameeyey Marxuum Ismaaciil Jimcaale Cosoble

WIIL LAGU DILEY BOOSAASO:::

Qiyaastii markii ay saacadu ahayd 10:00 Subaxnimo ee maanta (July 22, 2004) waxaa bartamaha magaalada Boosaaso lagu diley wiil uu dhalay wasiir ka tirsan DGPL (minister of Local Governments and Rural Development).

Waxaa warku intaas ku daray in wiilkaan lagu diley meel u dhow meeshii lagu diley duqii magaalada Boosaaso.

Wiilkan dhintay waxaa magaciisa la oran jirey Mohamed Ali Abdi Aware; da'diisuna waxay ahayd 16-jir. Sawirka dhanka midig ka muuqda wuxuu kamid yahay sawiro laga qaaday marxuumka.

Qoraalkaan iyo faahfaahin dheeraad ah waxaa lagala xiriiri karaa:
Mohamed Hagi <mosamtech@yahoo.com>


SH. MAXAMED AXMED SADIIQ: “Cidna daah kama saarna in Prof. Faarax Qare iyo Kurtun ay u dhasheen Beesha Silcis …..

Waxaa qaybtaan isku soo dubaridey:
Amiin Yuusuf Khasaaro.
e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Ama amiinkhasaaro@yahoo.com

Waxaa warqad qoraal ah na soo gaarsiiyey Ugaaska Beelaha Silcis Gor-gaarte Sh. Maxamed Axmed Sadiiq, wuxuuna si kulul u beeniyey warar ay qoreen saxaafadda oo sheegayay in Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Xaaji Maxamed Axmed Kurtun aysan u dhalan Beesha Silcis Gorgaarte, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Cidna daah kama saarna in Prof. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) iyo Xaaji Kurtun ay u dhasheen Beesha Silcis Gor-gaarte, waayo Prof. Faarax shirkii Carta waxa uu wakiil ka ahaa Beesha Silcis, sidoo kale labadoodu waxa ay wakiil uga yihiin Beesha Silcis shirka dib u heshiisiina Soomaaliyeed ee waddanka Kenya” ayuu yiri Ugaaska oo ugu baaqay Beelaha Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan wararka ka fog xaqiiqda.        Ugaasku waxaa kale oo uu sheegay in dadkii qoray qoraalkaas qaarkood ay sheegeen in magacooda lagu been abuurtay, waxaana uu sheegay in ay ku raad joogaan ciddii ka dambeysay qoraalkaasi loo qaybiyey saxaafadda”.

Waxaa kale oo uu Ugaasku sheegay in looga baahan yahay saxaafadda in ay qoraan wararka xaqiiqda ku dhow, isagoo sheegay in ay ogyihiin in Faarax Qare uu u dhashay Beesha Silcis-gorgaarte, sidoo kale waxa uu sheegay in shaqsiyaadkii warkaasi geeyey saxaafadda ay dacwad dhan ka ah u gudbin doonaan dhowaan maxkamadaha Islaamiga ah.

RISAAQ MAXAMED SH.AADAN “Waxaan Muqdisho u imid inaan gacan ka gaysto abuuritaaanka mujtamac Soomaaliyeed oo ku dhisan dhaqanka nabadda”

C/risaaq Maxamed Sh.Aadan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee u ololeeya nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee ku nool dalka Sweden ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

C/risaaq Sh,Aadan oo u waramayey wargeyska AYAAMAHA  ayaa tilmaamay in ujeedada uu yimid dalka ay tahay bal inuu gacan ka gaysto sidii dib loogu soo unki lahaa mujtamac Soomaaliyeed oo ku dhisan dhaqanka nabadda.

“waxaan doonayaa inaan reer  muqdisho kala qayb qaato u ololaynta nabadda iyo xuquuqda aadanaha taas oo ujeedadeeda ugu wayn ay tahay in la helo mujtamac aan ku dhisnayn qabiil iyo qabyaalad ee ku dhisan cafis iyo walaaltinimo yeesha wada tashi iyo isu kalsoonaan si loo helo bulsho ka caafimaad qabta waxyaabaha xunxun oo idil” ayuu yiri C/risaaq oo intaa ku daray “in marka hore uu jecel yahay in culayska la saaro dhallinyaradaoo ah madaxda berito, wuxuuna xusay in dhallinyarada ay u qaybsameen kuwo dabka shidan xaabo u noqday iyo kuwo waxbarasho la,aan waqtigoodii ku dhammaaday.”.

C/risaaq oo madax u ah urur lagu magacaabo Swedish Somali Institute wuxuuna ka mid ahaa raggii lagu xirxiray dalka Sweden markii albaabada laysugu dhuftay shirkadii wayneyd ee Al-Barakaat “waxaan doonayaa inaan ka mid noqdo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ka dooda oo diida in qofka bani’aadamka ah la iska xiro isagoo aan wax dambi ah gelin waayo aniga ayaa soo dhadhamiyay xanuunka ay taas leedahay” ayuu yiri C/risaaq oo intaa ku daray “in dadka reer Sweden dhammaantood ay u duubteen sii daynteena iyagoo difaacaya sharaftooda iyo magacooda maadaama aan haystay dhalasho dalka Sweden ah, waxaana rajaynayaa in mustaqbalka dadkayga Soomaaliyeed yeeshaan dareen ay dadkooda ku difaacaan oo aysan dhicin sidii ay uga aamuseen gardaradii loo gaystay shirkaddii Barakaat oo ilaa iyo hadda aan wax dambi ah lagu hayn hantideediina la haysto”.

C/risaaq Aadan oo xubin firfircoon ka ah xisbiga talada dalka Sweden kal horena sanadkii 2000  isu sharaxay Baarlamaa dalkaasi Sweden ayaa sheegay in maalmaha kooban oo uu dalka joogo inuu jecelyahay in uu la kulmo dhammaan ururada bulshada rayidka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad waqtigooda intiisa badan u huray difaacida xuquuqda aadanaha iyo u dagalanka nabadda.  

Shirweynha dhallinyrada Beesha Wadallan Gorgate ee Kobenhagen (Denmark)

Waxaa Magalaadda Kobenhägen ee Dalka Danimarka isugu yimaaden waxgaradka iyo Aqoon yahannada Beesha Wadallan Gorgate Hawiye Taarikhdu marki ahayd 15/07/04,Shirkaas oo socday hal maalin,dhalinayarda oo ka kala yimaadeen Australia ,U.S.A,Kanada iyo magaalyin ka mid ahYurub.

Dhalinyardu waxey Hambalyo u direen Musharxooda 1aad Nur Ahmed Dirshe ,oo hadda ku sugan Madasha shirka Kuna Guulestay halki Kursi oo Beesha loo ogolaadey ayna xaqa u laheed.

Midda kale waxey dhallinyardu ku gubaabiyeen in xilku oo uu culusyahay (Nin xil qaadey eed qaad ), iyo in uu u doodo xuquqda Beesha dulmaneed mar ka wax la qaybasnayo, uu na sii raadinaya xuquuqda ka maqan Beesha Wadallan Gorgate oo aan ku qanci karin 1kursi ,si loogu dhammeystiro inta ka dhiman.

Shirka waxaa kale oo ay uga doodeen arrimo cusub oo Besha ku soo korodhay iyo sida ay gacan uga geysankarto beeshu nabad kuwada nolashaha ,isqdarin iyo wax uquurid dhexmarta dhamman beela Somaaliyed isku deegganka ay yihiin ama deriska ay yihiin.

Waxa kalo ay dhallinyardu ka hadlee in ay gacmo furan ku soo dhaweyaan iyo niyad saafi ah Beel walba oo Soomaliyeed oo diyaar u ah wanaag iyo walaltinimo oo dhexmar beesha wadllaan Gorgate, waxaa kale oo dhalinyarada shirka uga hadleen dadka markasta qaska iyo marin habaabinta Beesha wada waa in ay ka waantooban,s ababta oo ah qas iyo dagaal joogto waa kan manta Somaliya ay dowladda ugu Dhismi la’adahay.

Afhayeenka
M.Mohamed Ahmed(ferrara) 

MAXAMED XAAJI CALI “Qaybsigii Carta ma xal bay ahayd mise xaq bay ahayd”

            Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa tilmaan ka bixiyay qaabkii ay qabaa’ilada Soomaaliyeed wax ugu soo qaybsadeen degmadii Carta isagoo xusay in halkaasi ay isugu tageen qabaa’ilo Soomaaliyeed oo ay haysay baahi dowladeed, waxbadan oo qabaa’iladaas ka mid ahna ay tanaasul u sameeyeen sidii loo heli lahaa dowlad Soomaaliyeed.

            “Qaybsigii Carta ma ahayn xaq ee wuxuu ahaa xal” ayuu yiri Maxamed Xaaji oo tusaale u soo qaatay beelaha direed oo hadda ka mid ah beelaha muranka xooga leh ka taagan yahay qaybsiga xubnaha baarlamaanka.

            “Waxaan aad ula yaabay markii dirtii loo kala saaray Dir-koofureed, Isaaq, Gadabiirsi, iyo Ciise, sidaasna wax loogu qaybshay” ayuu yiri Maxamed Xaaji oo sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo Dir-koofureed sida aysan u jirin Dir-waqooyi balse ay jiraan qabaa’illo wadaaga magaca Direed, sida loo xusayba Isaaq, Gadabiirsi iyo Ciise ayaa Dirta kalena ay kala yihiin Biyamaal, Surre, Wardaay, Madaluug, Awsaciid iyo Baajamaal, cadaalad darradii Carta ayay ka mid ahayd in 6-qabiil inta la isku qabto hal magac oo la abuuray la siiyo iyadoo Dirtii waqooyina ay sadex qabiil wax ku qaateen.

            Maxamed Xaaji wuxuu xusay in isaga aragtidiisa in guud ahaan beesha Isaaq ayba tahay qabiilka ugu weyn beelaha Direed, qabiilka soo xigana uu yahay Biyamaal oo isaga kaligiis u kala baxa afar qabiil iyo adeerkood degana dhul aad u balaaran oo min Afgooye ilaa Kismaayo dhinaca kalena Bay iyo Bakool daadsan.

            Maxamed Xaaji wuxuu ugu dambayntii tilmaamay aragtidiisa ku aadan xal u helida murunka dhex yaala beelaha direed isagoo yiri “Haddii laygala tashan lahaa qaybsiga 61-ka xubnood ee beelaha direed  waxaan u qaybin lahaa sidatan: Isaaq 23-xubnood, Biyamaal 15-xubnood, Surre 9-xubnood, Gadabiirsi 6-xubnood, Ciise 3 xubnood, Wardaay 2-xubnood, Madaluug xubin, Baajamaal xubin, iyo aw saciid xubin.

            Maxamed Xaaji wuxuu ugu dambayntii u soo jeediyay beelaha direed in iyaga dhexdooda looga baahan yahay in ay is qadariyaan oo midba midda kale waxa ay mudan tahay

<><><>

Mas’uuliyiin ka socotay Jaamacadda Al-Culuum wat-Tiknoolojiya ee dalka Yemen oo ka qayb galay Xaflad ka dhacdey muqdisho ….

Waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacday xaflad aad u ballaaran oo ku saabsanayd geba-gebada imtixaanaadkii Jaamacadda Al-Culuum Wat-Tiknoolojiya oo iyadu xarunteeda ugu weyn ay ka furan tahay magaallada Sanca ee dalka Yemen, balse laamo ku leh magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana xafladdaasi ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha waxbarashada, kuwa Jaamacadaha iyo martisharaf kale, waxaana ugu horreyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey maamulaha jaamacadda C/qaadir Kaatib oo u mahad celiyey intii gacanta ka geysatay furidda jaamacaddaas oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn Caalamka.

Waxaa kaloo ka hadlay Maxamed Xirsi Ridwaan oo ah Guddoomiyaha Laamaha Jaamacaddaasi ee Hargeysa iyo Muqdisho oo isna sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay u hayaan waxbarasho raqiis ah, waxa uu sheegay in Ardayda Yamaniga ah uu jaamacaddan sanadkii ku dhigto $ US 1,700, halka SUcuudiga iyo Waddamo kalena ay ku bartaan $ US 2,000 Dollar iyo in ka badan,  waxaana uu sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay haystaan fursad, waayo waxa ay jaamacaddaasi sanadkii ku dhigan karaan $ US 4,00.

Imtixaanaadkii Jaamacaddan oo socday muddo 20-maalmood ah ayaa waxaa kor meerayay mas’uul ka socday jaamacaddaa oo ka socday dalka Yemen, waxaana uu sheegay mar uu ka hadlayay xafladdaasi in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka dhinaca waxbarashada ee maalinba maalinta ka dambeysa ay ku tallaabsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay qaar ka tirsan Arday Soomaaliyeed oo iyagu ka soo baxay jaamaaddaasi xarunta ay ku leedahay dalka Yemen, waxayna sheegeen in jaamacaddaasi ay tahay mid mar kasta il gaar ah ku fiirisa ummadda Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail –
amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

JABHADDA WADANIGA XOREYNTA OGAADEENIYA ( O.N.L.F) OO SOO BANDHIGTAY WARBINTII UGU DAMBEYSEY DAGAALO DHEXMAREY IYAGA IYO CIIDAMADA ITOOBIYA

War saxaafadeed

            Warsaxafadeed ku saabsan dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay wadanka ogaadeeniya bishii 6-aad ilaa bishii 7-aad ee sanadka 2004-ta iyagoo ay joogto yihiin dagaalada dhexmaraya Ciidanka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo kuwo jahawareersan ee uu hogaaminayo Malas Zanawi ayaa dagaaladii ugu dambeeyey waxay ka kala dhaceen goobaha hoos ku qoran:

1.      Yucub oo ka tirsan gobolka wardheer 09-jun-2004 dagaal aad u ba’an oo ay ku qaadeen ciidanka jabhadda wadaniga xoreynta ogaadeeniya kuwa waqtigoodii dhamaaday ee Ethiopia ayaa waxay kaga dileen 15-askari halka dhaawucuna yahay 12-askari.

2.      Lehelow oo ka tirsan gobolka wardheer 9-6-2004 weerar ay ku qaadeen geesiyada O.N.L.F ciidanka gumeysiga oo halkaa joogay ayaa waxay kaga dileen 8-askari, waxayna kaga dhaawaceen 10-askari.

3.      Galaalshe oo ka tirsan gobolka Nogob 15-6-2004 dagaal dhex maray cutub ka tirsan ciidanka ONLF iyo kuwa ku dhisan dulmiga iyo dal balaarsiga ee Tegreega waxaana halkaa cadawga lagaga dilay 12-askari, halka dhaawuxuna gaarayo 9-askari.

4.      Maraacaato oo ka tirsan gobolka Qorexeey 25-6-2004 weerar balaaran oo ay qaadeen naftood hurayaasha ONLF ayaa waxay kaga dileen ciidanka niyad jabsan ee T.P.L.F 8-askari, 7-na wey ku dhaawacantay.

5.      Jeedalle oo ka tirsan gobolka Nogob 25-6-2004 ayaa waxaa dhex maray xaq u dirirka ONLF iyo kuwa daallan ee wayaanaha waxaana halkaa kaga bakhtiyey wayaanaha 10-askari, dhaawucuna waa 7-askari.

6.      Dannood oo ka tirsan gobolka Wardheer 1-7-2004 ayaa waxay ku gubeen ciidanka ONLF hal baabuur oo ah nooca milatarigu isticmaalo waxaana ku dhintay 17-askari oo ay 9-saraakiil sarsare yihiin mana jiraan wax ka badbaaday.

7.      Dhiya oo ka tirsan gobolka Dhagax Buur 10-07-2004 halkaa waxay jabhaddu ku gubtay 1-baabuur weyn oo ural ah, waxaana halkaa ku bas belay 60-askari iyo dhammaan wixii saaraa Baabuurka.

8.      Warmagaalo oo ka tirsan degmada Baabili 14-6-2004 dagaal lagu riiqay cadawga ayaa waxaa lagaga dilay tigreega 9-askari, 15 waa dhaawac.

9.      Aweere oo ka tirsan gobolka Dhagax Buur 15-07-2004 waxay halkaa jabhaddu ku gubtay 1-baabuur oo Ural ah halkaasna waxaa ku bakhtiyey 50-askari oo ay 3-saraakiil yihiin.

10. Qabri Dahare oo ka tirsan gobolka Qorexeey 17-07-2004 dagaal halkaas ka dhacay ayaa waxay Jabhaddu ku dishay 8-askari, waxayna kaga dhaawacday Tgreega 9-askari.

      Hadaba dhammaan dagaladaas waxaa kaga dhintay ciidanka waqtigiisu dhamaaday ee ay tigreegu horseedayaan 197-askari, halka dhaawuxuna yahay 62-askari, waxaana lagaga furtay hub iyo saanad milatari oo aad u badan waxaana laga gubay 3-baabuur oo nooca milatarigu isticmaalaan ah.dhinaca jabhada waxaa kaga shahiidey dagaaladaas lix Mujaahid

      Dhanka kale waxaa joogto ah oo ay sameeyaan ciidanka niyad jabsan ee T.P.L.F baxsi, isdil, Amar diido, arimahaas oo horsed u noqon kara burburka xukunka Malas Zanawi.

      Hadaba waxa caado u noqotay ciidanka jaha warersan ee Tigreega mar kasta oo ay jabhaddu jab u geysato in ay cadaadiyaan shacabka Soomaalida Ogaadeeniya oo ay ugeystaan Dil, xadhig, boobka hantida shacabka iyo kufsi aan lagu arag caalamka intiisa kale.

       Isku soo wada duuboo waxaan dhaar ku mareynaa sii waditaanka halganka hubeysan ee lagu xoreynayo dhammaan wadanka ogaadeeniya waana ku guuleysaneynaa inshaa ALLAAH.

MIDNIMO, MINTID, ISKU TASHI, GUUL

Xafiiska wakiilka O.N.L.F ee Soomaaliya
Cilmi Maxamed

Xus ballaaran oo loo sameeyey Marxuum Ismaaciil Jimcaale Cosoble

“Ismaaciil Jimcaale isagoo shaqsi ah ayuu ka hor tegay dowladdii keli taliska ahayd, maanta oo aan nahay dhowr Milyan, ma waxaan ka hortagi weynay 20-qabqable” C/qaadir Ibrahim Gacal Abkow.

Waxaa saakay xaflad aad u ballaaran lagu qabtay Hotel Saxafi2 ee magaallada Muqdisho, waxaana xafladdani ay isugu jirtay saddex munaasabadood oo kala ah: geeridii Marxuum Ismaaciil Jimcaale Cosoble, sanadguuradii 8-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo weliba maalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee 22-ka Luulyo, waxaana ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horreyntii halkaasi warbixin ka akhriyey Dr. Salaad Jimcaale Cosoble oo isagu akhriyey warqad qoraal ah oo ay soo dirtay hay’adda Amnesty International oo ku saabsan maalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed, waxayna hay’addu sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dhowridda xuquuqda Aadanaha.

        “Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Nairobi waa in uusan noqon mid la mid ah shirarkii hore ee iyagu ahaa in marka la saxiixo axdiyada ay sii socdaan dagaallada iyo xasilooni-darrada” ayaa lagu yiri qoraalkaasi, waxayna hay’addu sheegtay in ay aad uga xun tahay waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya.

        Waxaa kale oo xafladdaasi ka hadlay Guddoonka sare ee hay’addaasi Maryan Xuseen Awreeye oo iyadana halkaasi ka akhrisay qoraal dheer oo ku saabsanaa xad-gudubyadii ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna xustay in mar ay ahaataba lala xisaabtami doono dadkii geystay dembiyadaasi, waxaa kale oo ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sidii uu mirodhal u noqon lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, si loo helo dowlad ka hortagta xad-gudubyada lagu hayo dadka aan hubeysneyn, waxaa kale oo ay sheegtay Maryan Xuseen Awreeye in iyana lala socdo kuwa iyagana badaha Soomaaliyeed ku shubaya haraadiga Nuclear-ka.

Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo sheegay in uu si aad ah u yiqiinnay Marxuum Ismaaciil Jimcaale, waxaana uu ku tilmaamay in uu ahaa nin waddani ah oo u danqan jirey dadka masaakiinta ah.

“Ismaaciil Jimcaale isagoo shaqsi ah ayuu ka hor tegay dowladdii keli taliska ahayd, maanta oo aan nahay dhowr Milyan, ma waxaan ka hortagi weynay 20-qabqable” ayuu yiri C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow, waxaa kale oo ka hadlay Maxamed Faarax Siyaad oo isna si aad ah ugu dheeraaday taariikhdii Marxuum Ismaaciil Jimcaale Cosoble, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed ay ku daydaan Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, waxaa kale oo ka hadlay Sahro Sh. Axmed oo iyana ku hadleysay magaca Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha, waxayna sheegtay in haweenka Horseedku nabadda ay yihiin kuwo ku guuleystay in ay dib u furaan Isbitaal Banaadir, waxay kaloo sheegtay in Muqdisho ay ku nool yihiin 1-Milyan oo qof, haddii isbitaalkaasi qofkiiba uu ugu deeqo 1-Dollar waxaa soo xarooneysa 500,000 Dollar oo ay sheegta in ay wax weyn qaban doonto. Cabdi Muxummad Amiin oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan sugin shirar dibadda lagu qabto oo iyagu iskood isu abaabulaan sameeyaanna dib u heshiisiin.      Maryan Xuseen Qaawane oo iyana halkaa hadalkeeda ka dhiibatay ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo iyaga wax qabsan kara, loona baahan yahay in ay is kaalmeeyaan oo iyagu wax qabsadaan.

Qoraalkan waxaa dib u qoray Amiin Yuusuf Khasaaro.
e-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com or amiinkhasaaro@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk | July 22, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD