SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 


WAR-SAXAAFADEED

C/K/July302004/NRBI/001

July 30, 2004 | Nairobi, Kenya

Ku: Guddiga IGAD ee Fulinta Shirka Soomaalida .. Nairobi, Kenya
Ku: Xubnaha Beesha Caalamka u Jooga Shirka ... Nairobi Kanya
Og: Suldaanka Beesha Cabdi Koombe..... Boosaaso, Soomaaliya

Ujeedo: Beesha Cabdi Koombe Ma Aqbalayaan Go'aankii IGAD ee Qaybinta Xubnaha Baarlamaanka Loo Dhisayo Soomaaliya

Bismillah;

Ugu horrayn waxaa arin aad looga xumaado ah in Soomaaliya ay xukunka u qaybiyaan dawlado lagu tilmaami karo in aysan haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn dadka Soomaaliyeed; gaar ahaan qabaa'ilada Soomaaliyeed iyo meelaha ay kala degaan. Taas waxaa ka sii daran in arinta ay wax ku qaybinayaan ay tahay habka 'xukunka ugu qaybi qabiil'. Arintaas oo ah mid aan loo meel dayin waxay dhalisay in go'aankii ka soo baxay qaybinta xubnaha baarlamaanka beelaha Daarood uu noqday mid ka fog caddaalada iyo waaqica Soomaaliya. Waxay IGAD hilmaameen ama si ula kac ah uga tageen qabaa'ilo badan oo ka tirsan beelaha Daarood; haddii aan qaar ka xuso, sida Geri Koombe, Cabdi Koombe, Xarle Koombe, Jiiraan Koombe, iyo Ciise Daarood. Arrimahaas aan caddaaladda waafasanayn awgood ayaa kallifay in beesha Cabdi Koombe ay qoraalkan soo saaraan.

Cambaarayn Go'aankii IGAD.

  • Markaan aragnay xubnaha baarlamaanka la damacsan yahay in Soomaaliya loo dhiso in aan haba yaraatee lagu soo darin beesha Cabdi Koombe, beesha oo kamid ah beelaha dega dhulka Soomaaliyeed,

  • Markaan aragnay in IGAD ay si bareer ah isaga indha saabtay qaab dhismeedka Qabaa'ilada Soomaaliyeed, iyo sida ay u kala degaan,

  • Markaan aragnay in qaabka ay hadda IGAD wax ku wado haddii aysan bedelin uu hor seedi doono caddaalad darro muddo dheer ka sii socon doonta dhulka Soomaaliyeed,

  • Waxaan go'aansanay in aan cambaarayn kulul dusha uga tuurno qaabkii caddaalad darrada ahaa ee ay soo saareen gudigii IGAD ee xubnaha baarlamaanka u qaybiyey beelaha Daarood.

IGAD Waxaan Kula Talineynaa.

  • In ay ka laabtaan qaabkii ay xubnaha baarlamaanka ugu qaybiyeen beelaha Daarood, qaabkaas oo sida aan soo xusnay, ka fog caddaalaada, ahna mid aan la aqbali karin,

  • In ay si caddaalaadi ku jirto u eegaan qaab dhismeedka qabaa'ilka Soomaaliyeed, oo haddii ay qabiil wax ugu qaybinayaan ay markaas si aan eex lahayn ugu qoondeeyaan xubnaha baarlamaanka,

  • Haddii ay IGAD taas diidaan, macneedu waxay tahay in aysan rabin dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan oo ka dhalata geyiga Soomaaliyeed.

Gabagabo

  • Soomaaliya heerka ay maanta joogto waxaa gaarsiiyay waa caddaalad darro. Haddii maanta baarlamaanka Soomaalida loo dhisi doono lagu soo agaasimo caddaalad darro, macneheedu waa in aan weli la hayn xalkii Soomaalida,

  • Beesha Cabdi Koombe markii ay arkeen qaab dhismeedka xubnaha baarlamaanka loo soo wado Soomaaliya, gaar ahaan habkii loogu qaybiyey beelaha Daarood, waxaa u soo baxay in qaybintaasi ahayd mid aan caddaaladda ka fog, sidaas daraadeedna waa mid aan u cuntami karayn beesha, ayna tahay in ay IGAD si dhaqso ah uga laabtaan, si loo helo baarlamaan ay Soomaalidu u dhanyihiin. Waxaana uga digeynaa IGAD in aysan Soomaaliya kusii ridin bohol dheer.

Bootaan Barre Samatar
Af-hayeen Beesha Cabdi Koombe

Nairobi, Kenya
Email:
cabdikoombe@yahoo.com

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk | July 30, 2004

GO'AANKII IGAD
Xubnaha baarlamaanka ee loo qoondeeyey Beesha Daarood

BEESHA Xubnaha Loo Qoondeeyey
Awr-table 3
Lelkase 5
Absame 12
Mareexaan 14
Harti 27

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD