SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 


Olole ballaadhan oo tabarucaad loogu uruurinayo dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay deegaanada Nugaal iyo Qardho oo ka billawday Boosaaso. 

Faafin: Nov 28, 2004

WARARKA ROOBABKA LIXAADLKA LEH EE KA DA'AY SOOMAALIYA:::
Meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa saamayn weyn ku reebay roobabkii lixaadka lahaa ee sababay daadadka xooga leh, kuwaas oo jebiyey daamanka togagga iyo webiyada, waxweelo gaarsiiyey xoolihii, caarqaladeeyey isu socodkii.. Roobkaas oo ku xigsadey saddex sanadood oo ay Soomaaliya abaar ahayd...

LAAS QORAY:::

Meelaha ay sida ba'an u saameeyeen roobabka xooga leh waxaa kamid ah Laasqoray iyo aaga Gobolka Sanaag. Waxaana la gu soo waramay in roobabku ay jareen wadooyinkii, islamar ahaantaasna dumiyeen ilaa 50 guri.

JAWHAR:::

Magaalada Jawhar iyo aaga G/shabeelada Dhexe waxaa lagu soo waramay in roobku uu aad u waxyeeleeyey, gaar ahaan waxaa uu si weyn u saameeyey magaalaad Jawhar oo 2/3 ay daadadka iyo fatahada webigu go'domiyeen. Dhanka kale waxaa daadku qariyey dhul beeraadkii ay beeraleydu ku abuuran lahaayeen dalagyada sannadkan.

JAMAAME, BU'AALE & MAREEYEY:::

Dhanka weliba Jubba waxaa lagu soo waramay in daadadku ay si weyn u wax yeeleeyeen dhul beeraadkii, webiga ayaana ku fatahay, gaar ahaan waxaa ugu sii daran aagga jamaame, Bu'aale iyo Mareerey.

ISHA: WFP [World Food Programme]

Habeennimadii jimcaha 26/11/2004  waxaa ka billawday masjidka Rawda ee magaalada boosaaso olole tabrucaad loogu uruurinayo dadkii ku caydhoobay duufaantii qaboobayd ee ku habsatay deegaanada nugaal iyo qardho ololhan waxaa si wada jir ah uga qayb qaadanayay culimo ay ka mid yihiin sh.daahir cabdish. c/laahi cali xaashi , sheekh xasan xuseen ,iyo sh. Bashiir jaamac kite . culmada oo qayla dhaan kicisay dareenka dadka soo bandhigay ayaa dad waynaha u soo jeediyay inay is garab taagaan walalohooda tabaalaysan naf iyo maalbana ay u huraan sidii loo dabooli lahaa baahida haysa , sheekh bashiir oo si gaar ah hadalka ugu leexiyay dadka wax haysta ama ganacsiga ku jira ayaa yihdi: maanta oo kale hantiilayaasha iyo ganacsatada waxaa laga rabaa haddii ay horaantii dadka faa’iido ka heli jireen oo ay suuq u ahaayeen  inay maanta xisaabta ku darsadaan in laga rabo inay ugu hor maraan caawinta dadka hanitidu dhaaftay , dadweynihii masjidka rawda oo si caadifad leh ay u saamaysay qayla dhantii culimadu ayaa isla markiiba ka jawaabay oo qof waliba ku baaqay wixii uu heli karay ama haaban karay lacagta laysku qorayna waxay gaadhay 5600$ tabarucaadka kale ee la ballan qaadayna waxaa ka mid ahaa :

  • 1.     100 kiish oo raashin ah .
  • 2.     100 teendho
  • 3.     100 buste
  • 4.     iyo 50 jeerigaan oo saliid ah .

 deeqdaasna waxaa ku tabarucay shirkadda Amal Bank oo horay loogu bartay ka qayb qaadashada mashaariicda bulshada wax loogu qabanayo.

5.130 kiish oo raashin ah oo ay ku tabaruceen dadweynaha masjidka rawda. 

maalinimadii jimcaha 26/11/2004 waxaa olluhu ku sii baahay qaybo ka mid ah masaajidda magaalada boosaaso :

  • 1.     masjidka ramaaan oo si gaar ah dumarku ugu kulmeen waxaa lagaga tabarucay lacag dhan 2700$
  • 2.     masjidka al hudaa waxaa lagaga tabarucay 800$
  • 3.     masjidka mubaarak waxaa lagaga tabarucay 1500$
  • 4.     masjidka al dacwah waxaa lagaga tabarucay lacag dhan  4045$
  • 5.     masjidka faadima waxaa lagaga abarucay 1300$
  • 6.     masjidka al raxma waxaa lagaga tabarucay 1100$
  • 7.     masjidka al rashiid waxaa lagaga tabarucay 1000$
  • 8.     masjidka al aqsaa waxaa lagaga tabarucay 150$ iyo 15 kiish oo raashin ah

ololahan tabarucad uruurintah oo ku sii baahaya magaalad boosaaso ayaa 27/11/2004 ka bilawday qaar ka mid ah iskuulada magaalada waxaana lagu wadaa in iskuuladu dhammaanba ka wada qayb qaataan wax u qabadka walaalaha musiibada rabbaaniga ahi ku dhacday, sidoo kale waxaa  in maanta 28/11/2004 magaalada suuqyadeeda ka hawl galaya mutadawiciin maraya dhamaanba goobaha ganacsiga oo guddoomaya waxyaabaha la sadaqaysanayo mood iyo noolba , mutadawiciintu waxay wataan dhar ay ku caddahay in ay qayb ka yihiin ololaha tabarucaadka loogu uruurinayo dadka roobabka ku tabaaloobay waxayna adeegsanayaan codbaahiyayaal iyo gaadiid waxaana lagu wadaa in dadweynuhu si kal iyo laab ah ula tacaawuni doonaan . 

Sidoo kale waxaa isla maanta iyana hawl gal kaas oo kale ah shirkadaha waaweyna kula kulmaya koox ka mid ah culimada iyo ducaadda dhaqaajinaya mashruucan loogu gurmanayo dadka tabaaloobay. 

Waxaa xusid mudan in musiibadan rabbaaniga ahi ay dhacday habeenimadii 15ka ramadaan xilligaas oo ay deegamada nugaal iyo qardho ka de’een roobab lixaad leh oo socday 30 saacadood oo watay dabayl qabow oo aan deegaanka horay looga aqoon , waxayan sababtay in 80% xoolihii degaankaas ku dhaqnaa ay dhammaadaan sida ay soo sheegeen qaar ka mid ah ha’adaha sama falka ee ka hawl gala deegamadaas dadka ku tabaaloobay musiibadanna waxaa lagu qiyaasay 2500 oo qoys oo ah inta ay xoolohoodii ka soo hadheen 20 neef oo adhi ah ama ka yar ama ayna waxbaba u hadhin iyada oo la ogsoonyahay in dhibaatadu dadka deegaanka oo dhan wada gaadhay . 

Wax ka qabadka musiibadn rabbaaniga ah waxaa isu taagay guddi mutadawiciin ah oo uu madax u yahay sh.c/qaadir nuur farax ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madax dhaqameedka deegaanadaas musiibadu ka dhacday iyo ganacsato , guddigan oo ka samaysmay garoowe ayaa ilaa iyo hadda deeqo wax ku ool ah gaadhsiiyay aagagga dhibaatadani saamaysay , waxana xusid mudan in guddigu aqoonsi ka haysto maamul goboleedka puntland , sidoo kale dadaalada laga wado boosaaso waxay dhammaanba ku uruurayaan gacanta guddigaas iyada oo deeqaha la gaadhsiin doono dhammaanba deegaamada dhibaatadani saamaysay. ciddii walba oo ka qayb qaadanaysa wax u qabadka dadweynahaas ku caydhoobay musiibadanna waxay si toos ah ula xidhiidhi karaan guddiga ama goddoomiyihiisa sh.c/qaadir nuur faarax oo si weyn looga yaqaanno deegaanada puntland iyo soomaaliyaba guud ahaan.

Waxaa qoraalkan isku soo dubaridey Abuu Xassan oo hadda Jooga Boosaaso

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada.
dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004


Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay | Warbixintii Amiin
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada