SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


Warqad Furan: Hartoow Cadde waa kaa

Maxamed Xasan Cumar
m.omar@bellnet.ca

Canada

Nov 28, 2004

Waxan qoraalkan ku soo bandhigayaa Qormo aan ugu tala galay waraysi uu siiyey Radio ka mid kuwa Soomalidu leedahay Gen Cadde Muuse. Markay baahiyeeen Website-yada Soomalidu leedahay waraysigaas Ummada ku dhaqan Gobolada Puntland wuxuu waraysigaasi ku ridey fajac iyo amankaag wayna qaadan waayeen hadalduu ku andacooday Cadde muuse.

Waxaa is waydiin leh maxaa Cadde Muuse ku kalifey mawqifkaa aan ku haboonayn ee uu is taagey. Markaan arintaas maskaxdayda la kaashaday waxa ii soo baxay in Cadde Muuse Saddex arimood ay ku kalifeen oo kala ah sida hoos ku qoran.
Taariikhda Lagama Been Sheego... Guji..  

1- Cadde Muuse oo abaalgud uga dhigaya Isaaqa magangelyadii ay siiyeen Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

2- Hunguri xumo uu doonayo inuu dhaqaale kaga helo Isaaq.

3- Magac raadis uu doonayo in magaciisa Radio iyo saxaafada laga sheegsheego.

Masbaa baa abur dhala Allah haw naxariistee hadii Muuse Boqor noolaan lahaa oo maqli lahaa ereyada ka soo yeedhay Cadde wuu dayrin lahaa dhaxalkiisana waa ka qadin lahaa. Allah haw naxariistee Muuse Boqor Luxudka ayuu maddax ku gujinayaa iilkana waa qaban la yahay cadho awgeed. "Hadaad Nuur Cubudhiyoow ogtahay caawa waxa jooga Ciidaad ka soo bixi lahayd cadho daraadeed"

Caddow adigu Lugtana ma tihid Faraskana ma tihid. Puntland rag baa u talaiya oo birta u soo calashaday iyaga ayaa go'aankeeda gaadhi kara. Adigu Maddax kama tihid Puntland,maddax dhaqameed kama tihin. Laguuna dooran mayo Maddaxtinimo iyo maddax dhaqameed midna "ka calool go dhaha waadigaa cunay dhashaadiiye"

Waxa ku soo afjarayaa qoraalkaygan tuducan gaaban.

"Xalay Sooryo Wanaagsan iyo xeedhyo kuu salaxeen oo seleshood isla booday oo saar wax kuu tuma wayday ee xaalku maaha sidaas"

Hadii Isaaq iyo Harti heshiinayaan qolana Cadde Muuse soo mari mayso dad ku filan hawshaas way joogaan. Cadde Muusoow meesha kale ee aad qalalaase iyo dagaal ka oogayso raadi.

Maxamed Xasan Cumar m.omar@bellnet.ca

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Idaacadda SBS Australia oo waraysatay cadde Muuse.. Halkan ka akhri ama Halkan  dhegeyso

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004

Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay | Warbixintii Amiin
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada