SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Ma Marqaansanyahay Maamulka Somaliland 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed ha ahaato. 

Sidii horay loo sheegay waxaa boggagga internetka laga arkayey meydad iyo maxaabiis Soomaaliyeed oo ka kala socday “maamul-gobollo” Soomaaliyeed. Saraakiisha ka kala dhimatay labada dhinac waxay u dhowdahay in wax lagu soo baray canshuurtii laga qaadi jiray xaabo iyo caws ay hooyooyin Soomaaliyeed dhabarka kusoo qaadi jireen ama nin ceesaantiisii, dibi ama tulud geel ah seylad keensaday. Bal adigu isweydii sida Zenawi u arko ragga halkaas la waray? 

Ina Sanweyne waxa laga hayaa: gari Eebbahay bey taqaan. Dhowr waxyaalood dartood waxaa laga raayey maamulka Daahir Riyaale: 

  1. Runtii ma ogi cidda xabbadda bilowday dagaalkii Ari-cadeeye laakiin waxaan fahmi karnaa sababta ka dambeysa ciidamada is horfadhiya oo haddii aanan khaldaneyn lala xiriiriyey xudduuddii Ingiriisku sameeyey. Horta markii dad muslim ahi isqabtaan oo arrin ku murmaan waxaa loo celiyaa Ilaah iyo Rasuulkiisa (SCW) micnaha Islaamka. Marka haddii arrintii Ingiriisku sameeyey la isku qabto waa in loo ceshaa Ingiriiska; sida muuqata Ingiriisku wuu ka warwareegay inuu si cad u yiraahdo ama u taageero xudduud beenaadkaas. Marka ilaa hadda, Ingiriis oo dhibkaas dhigay iyo Maraykan oo adduunka horbooda midna ma taageerin maamulka Daahir Riyaale.
     
  1. Daahir Riyaale waxaa soo maray fursad uu ku qaadi karay weerar isagoo marmarsiinyo heystay kaddib markii lagu dili lahaa Laascaanood. Sidoo kale waxaa maamulkaas soo maray fursad ah iyadoo C/hi uu Puntland keliya heysto ayaa waxaa ku furmay dagaal sokeeye. Ciidamada ay ugu yeeraan “Majeerteenya”  qaarkood oo mucaarad ah ayaa ugu tagay “Somaliland” laakiin maamulka Hargeysa kama faa’iideysan fursadaas.
     
  1. Waxaa kaloo hadda garabka Somaliland ka baxay Itoobiya oo isu muujisay inay garab taagneyd maamulka Daahir Riyaale. Waxaan arkayey sida Itoobiya u maaweelinaysay inuusan maamulka Daahir Riyaale  weerarin C/hi markii uu nuglaa; iyadoo maamulka Hargeysa ku hafisay wufuud iyo ka hadal ganacsi dhexmara Adisababa iyo Hargeysa ilaa maamulka Riyaale uu is mahadiyey oo uu galay inuu ka hadlo la dagaalanka “argagixisada” iyagoo is leh waxaad helaysaan soo-dhoweynta Zenawi; sida la sheegana dad xornimo-doon ahna xabsiyada dhigay, qaarna Itoobiya u gudbiyey.
     
  1. Haddii C/hi dhibaatadii la ogaa ka dabaashay; oo mucaaradkiisii la heshiiyey, sidee maamulka Daahir Riyaale ku keenay inuu hadda ka hadlo weerar ama ciidan xuduud-soo-dhoob? Maaddaama C/hi heysto waayo-arginimo Itoobiya ah oo ku aaddan laga soo bilaabo 1978  ilaa hadda;  maxaase Somaliland u keentay Daahir Riyaale oo haysta waayo-aragnimo dhowr sano ah oo keliya? Haddii hogaamiyayaasha SNM la keeni lahaa waxaa dhici karta in qaarkood heystaan waayo-aragnimo ah laga soo bilaabo 1982 ilaa hadda; marka farqiga dhowrkaas sano ah waxaa lagu dhaafi karay caqli ama karti kale. Marka C/hi oo guulahaas la arkay hadda ka soo hooyey Soomaaliya sidee Daahir Riyaale ula jaanqaadi karaa?
     
  1. Maalmahaan waxaad saxaafadda Somaliland qaarkood ka maqleysaa iyagoo leh si isir ah ayaa Somaliland loo soo weerarayaa! Horta isirka Ilaahay baa sameeyey ee Ingiriis ma samayn inkastoo Soomaalidu si qaab daran u isticmaashay. Marka haddii dastuurkii Soomaaliyeedba lagu saleeyey qaab qabiil, la yaab ma leh in la arko Soomaali oo qaab qabiil isagu hiilinaysa. Waqtigaan xaadirkaa, habarwacashadu waa waxyaalaha ciidan iyo cood lagu helo waana arrin kornaylka anfacaysa.
     
  1. Horta siyaasaddu waa turubka oo kale marka qofka haddii turubka laga badsho waa inuu iska baandheeyaa ee dani kuma jirto inuu guuldarradiisa  dheereeyo si dadku usii fiirsado isagoo gabaahiir looga tagayo. Caqligu wuxuu keenayaa in maamulka Hargeysa ay iska sugaan wuxuu kornaylku Xamar kala kulmo. Haddii uu halkaas dharbaaxo kala kulmo waxaa dhici karta in Riyaale isna tabartiisa geysan karo laakiin ilaa hadda taasi ma muuqato ee waxaa muuqata in kornaylku uu hogaamiye kasta oo Xamar ka yimid oo qaarkood colaad xun kala dhaxaysay, markuu mid qaabbiloba la arkayo iyagoo qoslaya ama leh ninku waa mujaahid; marka waxay ku fiicnayd in maamulka Riyaale kaadsado.
  1. Sidaan horay u soo sheegay waxaa jiray mar ciidamada Puntland kala qaybsanaayeen. Joogitaanka C/hi Puntland joogay waxaa dhibaato ku qabay ciidanka Puntland! Sababtu waa iyadoo ay isaga waardiyeyn jireen ciidan aan ka yarayn kii Puntland ee Ari-caddeeye ka qayb galay; maanta ciidankaas wuxuu awoodaa inuu dagaal galo.
  1. C/hi oo ay hor safinyihiin gammaan badan oo uu ka xulanayo faraskii uu heensaha saaran lahaa (ra’iisul wasaare). Soow ma dhici karto in kornaylku dhaho: faraskeyga Bullaale Berberuu u socdaayoo biyo waa ka WALLAAHI? Markii C/hi nimankan la kulmay, muxuu Cismaan Caato u faraxsanaa; muxuuse Muuse Suudi uu hal mar isu rogay isagoo qanacsan? Kolley xaqiiqda ma ogi laakiin waxaan is iri ma waxaa jirta shuruud lakala dhigtay oo leh: in C/hina uusan ciidamo shisheeye waddanka keenin, nimankaasina Xamar kala baxaan maleyshiyadooda oo ka dhinac dagaalaan kuwa Puntland ee jooga Ari-cadeeye dabadeedna haddey Burco, Hargeysa ama Berbera galaan aan loo qabsan cidday dilaan ama haweentay kufsadaan ama jiingadday fuqsadaan. Miyaan mooryaanta iyo jirridu ahayn ciidamo shisheeye? Iyagaa ah shisheeyaha koowaad. Waxaa fiicnaanlahayd in la helo fannaannaddii weydiin lahayd meesha Sayid C/hi u socdo micnaha “Sayid Maxamed baan iri: waa adiga seefta haystee, sengaha dheer ku joogoo, saaran Dhoodi-meere xaggee baad u socotaa?
     
  1. Cinwaankaan maqaalka siiyey waxaa ka weecin kara maamulka Somaliland haddii Riyaale uu dhaho waxaan nacayey anoo madaxweynaa inaan la dagaalo nin maamul goboleed heysta; isagoo ku sii daraya waxaan rabay inaan mucaaradkii Cadde Muuse iyo isaga heshiisiiyo dabadeedna aan sugo intuu madaxweyne Koonfureed noqonayo si aan u la dagaalo isagoo dhiggey ah marka maantana ayuu ii dhigmaa anna maantaan dagaal ku qaadi karaa! Hadday arrintu saas noqoto waxaa dhacaysa in Riyaale soo derriyey xeer cusub oo dagaal oon horay loo aqoon. Waxaa caadi ahayd in labada qof ee seefaha isu qaataa aysan dhabarka iskaga dhufan jirin iyagoo is gaadaya  ee si ka-fool-ka-fool ah loo dagaali jiray laakiin weligeed waxaa jiray qaacidada dagaalka ee ah “Al-xarbu khudcah/khadiicah” oo ah dagaalku waa xeelad”.

Waan ogahay in badan oo ka mid ah dadka reer Somaliland  aysan raalli ka ahayn kala-goynta Soomaaliya, marka waxaan maamulka Riyaale iyo dadka arrintaas u ol’oleeyaba ka codsanayaa in daba-orodka arrinta xudduudda laga waantoobo. Haddii Cabdi-qays u arkayey Jibuuti dhul Soomaaliyeed; sidoo kalana Ina Gahayr Harar u arkayey; Barkhad-casna uusan Ingiriisba maqli karin iska daa inuu xariiqdaas raacee; Salaan Carrabeeyna lahaa: 

  • Ma hambeyn dhulkii tan iyo Hiiraane.

Isagoon raacayn sharci Ingiriis ee aamminsan wixii uu cududiisa ku helo ilaa Hoosingoowba ha ahaatee. 

Shacabkaas Soomaaliyeed uma baahna dagaal dame iyo dhib. Bal suurayso dadkii labada kooxood ka dhintay oo Ilaahay horti istaagay? Ka warran markuu Allaah weydiiyo maxaad isku disheen, maxay oran? Ka warran kii dhaha xaq Ingiriis ii gooyey baan dabosocday?! 

F.G. Markaan faaqidayo fursadihii Riyaale lumiyey waxaan ka hadlayaa caqliga hogaamiye-maamuleed  ama kooxeed ee micnaha maahan inaan ka hadlayo arrin diin ahaan ama shariciyada dadku degsaday sax ku ahayd. Waayo-aragnimada Amxaarada loo leeyahay waxaan ka wadaa khiyaamo.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD