SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 

MADAX HAWIYE MAHADSAN:

Waxaa qoray Max,med Xasan Yusuf (shariifka)
Email
shariifka99@hotmail.com

WAA JAWAABTII QORAALKIII C/WAAXID EE AHAA MADAX HAWIYE SAHANSAN:

Sida caadada ii ah aniga iyo dhamaan inta wax aqrisa isla mar ahaantaan jecel in ay wax ka ogaadaan oo la socdaan meesha ay marayso xaaldda dalku ku suagnyahy, Dowlada noo dhalatay, marxalada kala guurka ah ee lagu jiro, iyo guud ahaanba waaga cusub ee ubaray somalida, ayaan waxaan furay ama galay INTERNETKA. Si aan uhelo aqbaar cusub oo kusoo kordhay wararka wadankayga aan aadka u jeclahay, iyo meesha ay maryso Dowalda noo dhalatay ee aan baahid wayan uqabanay, waxaan guda galay inaan mid mid u furo bogga Interka ee ku qoran af soomaliga ama Websadyad somalida,waxaan aad ugu baahnaa in ay ishaydu qabto wararkii ugu danbeeye eeku soo kordhay magacaabista Ra’iisul wasaaraha ama Wasiirka koowaad laakiin nasiib daro ma aan ka heli faahfaahinta warkaas boggii aan furay, waxaan uga sii gudbay midkale si aan u helo balse kuma guulaysan in ay ishaydu qabato wax cusub oo kusaabsan arintaan baadi goobkeeda ku jiray,

intaa kadib waxaan bilaabay inaa wax ka ogaado figradaha dad waynaha iyo dareenkooda ku aadan arintaas ,laakiin ma helin wax cusub oo figrad ah oo ku wajahan wax aan goobayo,

hayeeshee ishaydu waxa ay qabatay maqaal ciwaan looga dhigay."MADAX HAWIYE SAHANSAN:"

intii aanan eegin qoraaga ku saxiixan maqaalka magciisa,waxaan is iri malaha kanaa ugu dhaw wax ka hadalya mowdiicii aad doonaysay ee ahaa magcaabista Ra’sul wasaaraha maxaa yeelay waxaan maskaxda ku haye niydaydan iiga jirtay in Ra’isul wasaaruhu ka iman dono beesha hawiye,

si aad ah ayaan ugu farxay dhab ahaantii,laakiin waxaaa igalay shaki kadiba markaan arkay qoraaga maqaalka iska leh ama kusaxiixan magaciisa,inuu yahay C/waxid Xaashi.

Oo aan ku aqaanay inuu yahay in xagjir ah inkastoo shaqsiyadiis aanan aqoon fiican ulahayan hadan qoraaladiis ayaan aad uqaan,

Hadaba anigoo og waxaas oo dhan ayaan hadan waxaan furay maqaalkii waxaan si dagan isha umariye bilow ilaa dhamaad wax ku qoram meesha, waxaan ku celiye mar labaad iyo marsadexaad si macnuhu ii dhaco,

waan aamin sanaa inaan ajar iyo xasnaad badan la iiga qorayan hadan ujeedadaydii,baadi goobka khayrka iyo bishaarad warka fiican hayd,ayaa is badashay kadib markaan ogaaday in ay aad u kala fog yihiin wax aan baadi goobka ugu jiray ee ahayd baahidayda kowaad iyo wax uu ka hadalayo wadaadku,

waxaana uu hadafkaygu noqday,markaa kadib. (sharta baro oo aqri si aad uga badbaado sharta iyo dhibatadeeda)

Si kastaba ha ahaatee qoraalkani waxaa uu ahaa mdi loola jeedo kicin iyo hurin colaad qabiil oo hor leh in laga dhex abuuro bulshada somalida gaar ahaan (Hawiye iyo Daarood)

Waa qoraal guubaabo ah oolagu guubaabinayo hogaanka ama madaxda beesha hawiye si ay uga hor yimaadan dowlada cusub iyo madaxwayna heeda ladoortay dhawaan.

Waa qoraal aan in badan ka hadlayan xaqiiqad dhabta ah ee ka jirta gudaha wadan iyo baahid loo qabo nabad iyo xasi looni kadhalta cariga somaliya.

Waa qoraal aan haboonaya in xiligaan loo soo bandhigo bulshad aydoo waliba lagu jiro bisha barkaysan ee Ramdaanka oo ah bil cibaado iyo khayraad.

Waa qoraal iskaba daa beelaha kalee keeni kar dagaal markale ka dhex qarxa beelaha Hawiye dhexdooda waxaan daliil cad u ah taas in qoraagu uu xusay dilkii Jen: Maxmed Faaraax Cayadiid,

Asgoo ku eedeeye hogaanka hawiye dilka Jananka waxaan uu sheegay in ay taasi suura galisay in maaanta C/laahi madaxwayne noqdo, arintaani waxaa ay abuuri kartaa dagaal hor leh oo marlabaad ka dhex qarxa beesha dhexdeeda (waase hadii warkiisa dhag jaqal loo siiyee)oo lamid ah kii dhacay sanadihii 1997 iyo 1998 ee ay ku dhinteen dad badan kuwo aan yarayana ay ku naafoobeen halka tiro aan laxisaabi karin ay ku bara kaceen oo ay ku gurya beeleen,

Waa qoraal aan wax tar badan ulahayan bulshada somalida wax dhibaalkiiuna ka badan yahay wax tarkiisa.

inkastoo aan ogahay inuu ka turjumayo figarada qoraaga iyo argatidiisa aanan rumaysanhay in qof walaba uu xaq u leeyahay inuuu figardadiisa xor u yahay ha u fiicnaatoo asaga ama dadku ha u arkaan in aysan fiicnayane, laakin taasi macnaheedu ma ahan in qoraayahanka soomalidu ay wixi ummada kal fogayna iyo balo ka dhex abuurya usoo gudbiyaan waxaan ay noqonyaan kuwo Qalinka wax ku dila oo lamid ah qabqablayasha Qoriga wax ku dila,

Waxaan maqlay abwaan Ashir Nuur Faarax (Abshir Bacdle) oo leh waxaa dhib nagu haya oo aan rabnaa hadii aan nahay ummada somaliyeed in nalga qabto sexdda (Q) oo uu ula ajeeday sida uu sheegaya

  • Qabyaalada.
  • Qorig
  • Qaadka.

Waxaa hubaal ha hadii abwaanku aqrin lahaa maqaalkan iyo kuwa lamid ka ah ee fidnadda iyo qabyaalda huriya inuu ka dhigi lahaa afar (Q) oo uu kudari lahaa QALINKA.

Hadii aan yar tilmaamo madaxda Hawiye dhabtii waa ay mahdsan yihiin ee ma sahansana .

Waa madax naga mudan ama loo baahan yahay hadii aa nahay qoraaga somaliyeed inaan ku boorino oo aan ku dhiira galino sidii ay uga qayab qaadan lahaayee dib udhiska iyo soo celintoo qarankii burburay ,halkii aan ku waanin lahayn ama ku guubaabin lahayn in ay diidaan wax dhiska iyo nabad raadinta,waxaana rumaysanahay in badan oo kamid ah madaxdaas in ay ayagu naga jecel yihii dib u dhiska Dalaka ayan safka hore kaga jiraan Dowalada cusub ayagoo udub dhaxaad u ah habdhiska Dawladda,

Waa hogaamiyaal ka soo daalay dagaal iyo colaad sida soomalida kalaba ay uga soo daaleen waxaan aya jecla yihinn in ay wax ka dhisaan dowalda cusub oo ay ka qayab qaataan dhismaha qarankii burburay,

Hogaamiyaasha reer Muqdisho in badan oo ka mid ah waxaa ay ku ammanan yihiin sidii ay uga dhiidhiyeen ugana horyimaadeen nidaamkii kaligii taliyaha ahaa ee wadanka haystay mudada ka badan 20sano, inkasoo aan ka xumahay in halgankii usu badalaya dagaal sukeeye oo dhiig badani ku daatay kadib markii Siyaad barre Muqdisho laga saaray hayeeshee

Waxaana shaki ku jirin in soomaalida oo dhan ay taageeri lahayd urukii (U.S.C) markii ay muqdisho ka saareen SIYAAD hadii intaa dagaalku ku ekaan lahaa ayan ku dhawaaqi lahaayeen ama ay dhisi lahaayeen dowlad soomalidu udhan tahay,dadka rayidka ahna ay badbadin lahaayeen, ayagoon u eegayan qabiilkood iyo beesha ay ka soo jeedaan,

Hogaanka Hawiye ee jooga Nairobi ee kamid ka ah dowlad cusub waa kuwa ugu firfircoon Barlamanaka dhexdiisa sida aadka ahan uga dhex muuqda, waan kuwii u doortay C/laahi madaxwayana nimada.Dalaka

Doorashadii madaxwayanah ka dib waxaa hadalay madax dhowar ah oo ka mid ah beesha Hawiye sida: C/qaasin Salaad Xasan oo ahaa madaxwaynihii dowladii Carta waxaa uu qiray in C/laahi yahay ama loo doortay madaxwayane somaliyeed, waxaan uu beesha caalamaka ka codsaday in ay isla garabtaagan taageero hiil iyo hoo ah, waxaan uu xusay in dowladii uu madaxda ka ahaa ay wayday wax taageero dibdeed ah taasna ay sababtay in ay socon waydo waxaa uu cosaday in si ay u hirgasho oo u socoto dowladaaan loo baahan yahay taageerada beesha caalamaka,

Sidoo kale (Maxmed Qanayere Afrax) oo kamida ah siyaasiyiin muqdisho kuwood ugu caansan hadeerna xubin ka ah Baarlamanka ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay dowlada waxaan uu xusay in loobaahan yahay in lala shaqeyo dowlada cusub.

Waxaa isna hadalaya (Xaaji Muuse Suudi Yalaxow) oo xubin ka ah Baarlamanka ahan hogaamiye mayal adaga oo aad looga yaqaan dalaka soomaliya Xaajigu waryasi u siiye idaacaada "HORN AFRIK" ee ku taal magaalada muqdisho asgoo ku sugana Nairobi, waxaa uu sheegay in doorasha madaxwayanuhi ay ahayd mid xaq ah oo si cadaalada ah ku dhacday, waxaan uu sheegay in loo baahan yahay in lala shaqayo, waxaa uu carabaabay in C/laahi uu xaq u leeyahay in uu noqdo madaxwayane soomaaliyeed waxaan uu ku tilaamay Madaxwayne C/laahi nin soo hagalmay uguna wayan isla markaasna ugu horeeye raggii ka horyimd nidaamkii Siyaad Barre, hadladiisii waxaa ka mid ahaa :

NINKAAN WAXAAN U AQOONSANAHAY NIN JABHAD AH OO RAGGA MUJAAHIDIINTA AHAA EE WAX TOWDAY NINII ODAYGA U AHAA EE UGU HOREEYE IN UUYAHAY,HADDAN WAX KALA FAHAMAY OO INUU AY WAX QURXOONAADAAN JECEL.

Mar hadii ay yihiin madaxda Hawiye raga tilmaamahaas aan soo xusnay leh kuna hadalay hadalaas aan soo guurinya waxaan leeyahay waad mahdsan yihiin sidoo kale waxaan aaminsahay in aysan dhag jalax usiin doonin hadalada C/waaxid iyo kuwa lamidka ah, una arki doonaan nin fidno ka talis ah oo qori dab ah la dhex wareegaya bulashada soomaliyeed.ee muslinka ah,

Jawaabta rasmiga ah ee ay siin doonaana ay noqonayso mid lamid ah tii uu (Qabaan Bulxan)

Siiye (Cali Dhuux Aadan ), kadiab markii uu Cali Dhuux uu too tiriye gabay guubaabo ah oo uu ku kucinayo beesha uu ka dhashay Qamaan

Abwaanku waxaa uu tiriye gabaygan kadib markuu u arkay in Cali dhuux hurunayo fidno iyo dirdire sababi karta colaad qabiil, waxaa na uu yiri

Dab baad ololisaa kumana gubo, daayin abidkaaye
Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane
Daaskaad fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!
Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu dambaabaynnin
Dambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynnin
War seeddow maxaad noogu digan, daqarku waa kiinne?
Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa jira’e

Abwaanku sida uu ku sheegay beedadkaan soo socda waxaa jira in dad badan oo kamid ah aadanaha waxaa ay iska dhigaan oo isu ekaysiiyaan xabiib iyo gacal sukeeya ah waxaan aya jecla yihiin lugaayda iyo dhibaatada ummada ay isga dhigayaan sukeeyaha iyo gacalaka, inta aanan ku soo hoorin qoraalka meerisyada ragaas tilmaamaya, waxaan u mahdcelinyaa dhamaan bulsha soomaliyeed ee jecal nabad iyo dib u dhiska qarankii burburay gaar ahaam Madaxda Hawiye waxaan leeyahay waad mahdasan tihiin.

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta deyntoode
Dibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,
Allay diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane! 

Waxaa qoray Max,med Xasan Yusuf (shariifka)

Email shariifka99@hotmail.com

Nairobi kenya .

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD