SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
 
Daabaco Boggan | Print

 Mas’uul la shaqeeya Safaarada Jarmalka ee Nairobi oo dhaliilay xoghaynta iyo Ilaaladda Madaxwayne Cabdulaahi Yusuf…WARAYSI.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
ridwanhaji@yahoo.com

London, UK

2/11/2004.


Ibraahim Cali Xasan: Gudoomiyaha Ururka Saaxiibtimada jarmalka iyo Soomalida ahna la talyaha Xaga arimaha Somaliya safraadda Jarmalka ee Nairobi

Waxaa Dhowaan Magaalada Nairobi ka soo laabtay Ibraahim Cali Xasan oo ah uqaybsanaha Arimaha Soomaaliya ee Safaarada Jarmalku ay ku leedahay Magaalada Nairobi isla markaana ka tirsan Ururka Saaxiibtinimada Jarmalka iyo Soomaalida Ee fadhigiisu yahay Magaalada Frankfort.

Mr Ibraahim ayaan waxaa ii suurta gashay in aan ka waraysto Socdaalkii uu ku tagay Nairobi iyo kaalinta dawladda Jarmalka kaga aadan taageerada Dawladda Cusub ee Soomaaliya ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed. Waxaana ugu horayn aan waydiiyay in uu warbixin guud naga siiyo Socdaalkiisii Magaalada Nairobi iyo waxyaabihii uu halkaasi u joogay waxaana uu ku jawaabay sidatan:

Ibraahim: Mahadsanid Ridwaan Walaal, Waxaan Nairobi joogey Muddo 3 bilood ah,waxaana ka soo laabtey isla Todobaadkan, inkastoo aan jeclahay in aan dib ugh laabto dhowaan si aan usii wadno hawlaha dib u heshiisiinta.

Waxaana ka shaqeeyey maadaama aan aniga halkaas joogey sidii aan isugu xiri lahaa Wakiilada Hayadaha Caalamiga ah iyo Safaaradda Jarmalka u fadhida Nairobi iyo Dawladda Soomaaliyeed ee halkaa laga sugayey mudadii dheereyd ee ay Hogaamiyeyaasha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed u fadhiyeen Shirkoodii dheeraa.

Waxaan ku guuleystey inaan la shaqeeyo Safaaradda Jarmalka ee Nairobi,taa oo ugu qaabilsaneyd Dawladda Jarmalka arimaha Soomaaliya, Ilaa markii aan halkaa hawsha ka bilaabay waxaa soo ifbaxay in labada dhinac aan dhahee dhinca Dawladda Jarmalka iyo Siyaasiyiintii Xusuusneyd waxqabadka Dawladda Jarmalka iyo Xiriirka qotada dheeraa ee u dhaxeeyey labada dal isku soo dhawaansho horseedey inuu soo cusboonaado Xiriirkaas.

Taana waxaa marqaati u ah in ay Safaaradda Jarmalka ay Casuumaad qado sharaf ah ay ugu sameyso Serena Hotel Nairobi Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalaka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sh Aadan taasoo aan qabanqaabadeeda aan aniga ka soo shaqeeyay.


waa sawirka Ibraahim Cali Xasan, Col Shaati Gaduud, Gudoomiyiyaha Baarlamanka Iyo Dr Lorenz oo Jarmalka Ka socda

Waxaan kaloo intaan joogey shirkii Mbagathi uga wakiil ahaa arimaha Shirka Dawladda Jarmalka qaasatan Safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Waxaa kaloo Gudoomiyaha lagu casuumey Xaflad lagu Maamuusayey Sannad guuradii 14aad ee isku darka labada Jarmal xafladdaasoo lagu qabtey Guriga Safiirka Jarmalka ee Nairobi Mudane Bernd Braun xafladdaas oo aad u qurux badneyd oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyne Kibaki iyo wasiirkiisa arimaha Dibadda iyo Safaaradaha iyo Diblumaasiyiintii fadhiyey Nairobi.

Ridwaan: Mudadii aad joogtay Shirka kulamada aad la yeelateen Beesha Caalamka iyo Hogaamiyeyaasha Kooxaha Maxaad ka wada hadasheen?

Ibraahim: Intaan halkaa joogay waxaan diyaariyey kulankii ay Safiirka Dawladda Jarmalka ee Nairobi Mudane Bernd Braun iyo Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay ku yeesheen 17.10.2004 Hotelka Intercontinental Nairobi.

Waxaana kala hadli jirey marwalba Dr Lorenz Barth oo ah Xoghayaha Kowaad ee Xagga arimaha Siyaasadda Soomaaliya Safaaradda Jarmalka ee Nairobi kaasoo aan la shaqeynayey intaan joogey Nairobi sidii kaalmo iyo aqoonsi loo siin lahaa Dawladdan Cusub iyo sidii ay Hayadaha Samafalka Caalamaiga ah ee Jarmalka oo fadhigoodu ahaa Nairobi sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Soomaaliya.taana waxaan ka heley ballanqaadyo,shuruudaha leygu xireyna waxey ku xiran tahey sidii ay Dawladda Soomaaliyeed uga faa´iideysan laheyd fursadda qaaliga ah ee ay maanta heystaan

Ridwaan: Sideed u aragtaa Dawladda Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahey Cabdullaahi Yuusuf iyo Waxyaabaha ay ilaa hadda ku talaabsatay intii aad joogtay?

Ibraahim: waxaan u arkaa intaan aniga ka arkey haddaan la sixin qaladaadka aan soo arkey iyo kuwa kale ee laga sheegto ineyan Shaqeyn doonin ayna u badnaan doonto dibad joog iyo Hotelada ay u barteen waxaana muhim ah in la saxo wax walba oo muhim ah.

Waxyaabaha aan ku arkey waxaa ka mid ahaa iyadoo ayana labada Masuul heysan Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Xogheyn u bisil shaqadooda isla markaana aysan kala aqoon ilaaladooda iyo Xogheyntoodaba .

Ka hor Kulankii aan soo diyaariyey Madaxweynaha iyo Safiirka Jarmalka ee Nairobi waxaa imaaneysey 13kii Oktober 2004 Wasiirad ka socotey Dawladda Jarmalka una qaabilsan arimaha Afrika, maadaama ayana jirin xafiis ay Safaaradda kala xiriirto ayaan waxaan ka soo qaadey Safaaradda Jarmalka ee Nairobi warqad u qoran hab Diblumaasi oo aad u qurux badan kuna socotey Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf looguna Hambalyeynayey guushii doorashada iyo Baarlamankii doorashadii ka dhacdey Kasarani.

waxaan keeney Hotelka uu degenaa Madaxweynaha,waxaana warqaddaas iga qabtey Mid kamid ah Ilaalada au aanan jeclayn in aan magaciisa sheego waxaana kula hadley Afsoomaali wuxuuna iigu jawaabey English aniga waxaan u qaatey ilaalada Madaxweynaha kuwa Kenyaatiga ah wuxuuna yiri anigaa u gudbin doona Madaxweynaha.

Laba Maalin ka dib baan isku aragney Kasarani ninkii Kenyaatiga aan u heystey Maalintii Caleema saarka anagoon wax jawaab ah ka helin,waxaana ila joogey Dr Lorenz Barth oo ah Xoghayaha Kowaad ee Xagga arimaha Siyaasadda Soomaaliya Safaaradda Jarmalka ee Nairobi waxaa la weydiiyey warqaddii waxaan u soo taagay salaan, wuu iga qaadi waayey wuxuuna la hadley ninkii Dr Lorenz Barth kuna yiri ma dooneyno ninkan Soomaliga ah waxaana loogu jawaabey waa nin Jarmal ah anagana nala shaqeeyo waana nin jecel waddankii uu ka yimid,

kulankii ninkaa baa ballan been ah ku baajiyey wasiiraddiina isma ayana arag Madaxweynaha oo wey baxday.

Waxaan markale ka warhelay inuu aniga i diidanaa , Waxaana habeen kale aan indhaheyga ku arkey isagoo sii deynaya dad markaasi aan u arkayay in ay muhim ahayd in laga hormariyo Siyaasiyiin iyo waxgarad kaloo Soomaaliyeed oo ka cabanayay balan xumo.

Ridwaan: Maaxaad kula dardaarmeysaa Dawladda Cusub iyo Shacabka Soomaaliyeed?

Waxaana kula dardaarmayaa Baarlamaanka una sheegayaa in wax laga qabto dadka au laga gudbo nin jeclaysi iyo in si daacadnimo ah dawladdu ay ugh shaqayso dadka soomaaliyeed iyo in wixii sumcadda madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha wax u dhimi kara laga fogaado gaar ahaan maamulka dadka wada,

Shacabka Soomaaliyeedna waxaan kula dardaarmayaa walow nin baa noqon lahaa Hogaamiye ineyan ka horboodin waxqabadka odeyga.

 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD